Qaraxyo Foolkaano horleh oo hakad-geliyay howsha baadi goobka Guatemala iyo 192-qof oo lala’yahay

Date:

Ugu yaraan 192 qof ayaa la la’yahay iyadoo kumanaano kun oo qof ay ka barakaceen xilli howshii baadi goobka ay gebi ahaanba istaagtay markii ay billaabmeen qaraxyo foolkaano horleh oo ka dillaacday Guatemala.

Saraakiisha dalka Guatemala ayaa sheegay in ugu yaraan 192 qof lagu la’yahay 75 qofna ay ku geeriyoodeen kadib markii uu qarax foolkaano oo loogu magac daray Fuego ay ku dhufatay dalka Guatemala maalintii axaddii ee lasoo dhaafay.

Khasaaraha foolkaanada ayaa sidoo kale saameeyn kuyeeshay deegaannada kuyaala dhulalka sare kuwaasi oo gebi ahaanba la sheegay in la arki waayay kadib markii ay isu bedeleen dhoobo dambas, folkaanada kadhashay.

Shaqaalaha samatabixinta ayaa gawlgab noqday talaadadii kadib markii ay foolkaano horleh ka qaraxday halkaasi, taas oo cirka ku shareertay uuro iyo sidoo kale dhagxaan dhalaalay kuwaas oo kusoo hoobanayey meelaha ay foolkaandu ka qaraxday.

Dad ka badan 1.7 million oo qof ayaa la sheegay in ay waxyeelaysay, halka in ka badan 3,000 laga daadgureeyay.

Khuburo ku xeel dheer foolkaanooyinka ayaa shaaciyay in foolkaanada ay gaarayso 10-KM oo dhinaca hawada ah taasi oo lama filaan ku noqotay dadka dalka Guatemala.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Ganacsiga XFS oo safar shaqo ku tegay magaalada Laascaanood

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...

Dhismaha wasaaradda caafimaadka Koofur Galbeed oo xariga laga jaray

Madaxweynaha Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo...

Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda

Daadad xooggan ayaa ku dhuftay gobolka Texas ee dalka...

Wasiirka Warfaafinta oo Furay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...