Shir looga hadalyay mashaariicda Dalka oo Muqdisho lagu qabtay

Date:

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta shir gudoomiyay shir looga hadlayo Mashaariicyada horumarineed ee Dalka laga fuliyo iyo u diyaar garowga shirka ka dhici doona Magaalada Brussels ee cariga Belgium-ka Bishan dhammaadkeeda, kaasi oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Shirkan Waxaana ka qeyb-galaya qaar ka mid Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Madax ka socota Maamul-Gobolleedyada iyo Beesha Caalamka.

Shirka Waxyaabaha sida weyn looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah muhiimada ay u leeadahay Mashaariicda hormaruneed ee hadda laga wado dalka iyo qorshayaasha lala hortagi lahaa Shirka looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya ee ka dhacaya Dalka Belgium-ka inta u dhaxeysa, 25—26 bishan June 2018-ka.

Xukuumadda Soomaalia ayaa dhawaanahaanba dadaal iyo diyaargarow ugu jirtay qaabkii iyo qorshayaashii lala hortagi lahaa shirka loo asteeyay inuu ka dhaco Magaalada Brussels ee Dalka Belgium-ka inta u dhaxeeysa 25 ilaa iyo 26-ka Juun ee sanadkan, kasoo looga hadli doono arrimaha Soomaaliya, waxaana ka qeybgali doona Wufuud ka kala socota Xukuumadda Soomaaliya, Maamul-goboleedyada Dalka iyo Xubno ka kala socda Beesha Caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...