Home Blog Page 1302

Wakiilada QM ee Chine Rusia & Kuweit oo la kulmay Amb, Ahmed Isse Awad wasiirka Arrimaha dibadda ( Sawirro)

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb, Ahmed Isse Awad ayaa  magaalada New-yorka ee dalka Mareykanka kula  kulamay u qaabilsanayaasha QM wadamada Chine,  Russia & Kuweit  oo eey ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirada iskaashi  ee ka dhexeeya dalka Soomaaliyada iyo wadamadooda.

Kulamadan oo si gaar-gaar ah ula qaatay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Ahmed Isse Awad  wakiilada QM ujoogo New-yorka Sida  Chine H.E. Amb. MA Zhaoxu, Rusia H.E. Amb. Vasily Nebenzya iyo safiirka dowladda Kuweit H.E. Mansour Al-Otaibi ayaa waxa uu kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka kala dhexeeyo Soomaaliya, kulamada wasiirka waxaa sidoo kale ku wehliya u qaabilsanah QM ee Soomaaliya Amb, Abukar Osman (Baale).

Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirto sidii loo soo celin lahaa xiriirkii kala dhexeeyay ka hor but-burkii dowladnimada, waxaana Madaxweyne Farmaajo wax-yaabaha uu ballan qaaday kamid ahaa in uu dhisi doono xiriir ku dhisan ixtiraam &  iskaashi.

Xukuumadda ra’isul wasaare Kheyre oo fulineysa ballan-qaadyadii Madaxweyne Farmaajo ayaa waddo dadaal xoogan oo ku aadan xiriirka eey Soomaaliya la yeelaneyso wadamada kale.

 

Rakaabkii ugu horreeyay oo habeenkii xalay ahaa ka dhoofay garoonka Aadan Cadde (Sawirro)…

0

Rakaabkii ugu horreeyay muddo 27-sana kadib ayaa  habeenkii xalay aheyd ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana safarkaasi sidoo kale qeyb ka ahaa Wasiirka maaliyadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Abdirahman Du’ale Beyle.

Dadkii ugu horreeyay ee dhoofay ayaa muujiyay sida eey ugu faraxsan-yihiin in eey ka dhoofaan garoonka Muqdisho, waxaana rakaabkaas oo Kenya u jeeday qaarkooda la ilmeeyeen farxadda dib u soo noqoshada Soomaaliyadii sameyd.

Wasiirka Gaadiidka & Duuliska Hawada Soomaaliya Mudane Oomaar uu war-baahinta u sheegay in eey ka dalbadaan howl-wadeenada & milkiilayaasha diyaaradaha rakaabka in eey habeenkii shaqeeyeen, Ocean Air ayaana noqotay shirkadii duulimeed ee diyaaradeed ee aqbashay codsiga Wasaaradda, waxa uuna wasiirka ku daray habeenada Khamiista iyo Talaadada eey duulimaad sameyn doonto.

Tan iyo markii lagu xiray  garoonka diyaaradaha nalalka Rain way-ga garoonka ayaa habeenadii diyaaraha imaan jiraan balse ma jirin diyaarad habeenkii ka baxda garoonka diyaaraha Muqdisho, waxanaa xalay ee u aheyd habeenkii ugu horreysay ee rakaab ka baxaan Muqdisho 27-sana kadib….

 

 

Booliska Kenya oo qabtay Haweeneey looga shakiyay Argagixisanimo

0

Guddoomiyaha Degmada Kilifi ee Dalka Kenya Magu Mutindika, ayaa sheegay in Laamaha ammaanku ay Haweeney 44 jir ah oo lagu magacaabo,Saidia Matani; ku qabteen Magaalada, Shalayto gelinkii dambe, ka dib markii ay diidday in la baaro.

Mr; Mutindika ayaa sheegay in Haweeneydan laga helay Saddex baasaboor oo ay lahaayeen Dad kala duwan , wuxuuna intaa raaciyay in loo soo bandhigi doono baarayaasha ku shaqada leh arrimahan, si su’aalo dheeraad ah loo waydiiyo.

Guddoomiyaha ayaa intaa raaciyay inay hayaan raadad caddeynaya inay Haweeneydani ku lug leedahay kooxaha Argagixisada, waajibna ay ku tahay inay qabtaan qofkii ay ka shakiyaan isla markaana ay sharciga la tiigsadaan.

Haweeneydan ayaanan weli la shaacin Waddanka ay kasoo jeeddo, iyadoo sida ay masuuliyiinta degaankaasi sheegeen lagu samayn doono baaritaanno dheeri ah si xog buuxda looga helo.

Isha/The Standard

Madaxweyne Waare oo Muqdisho kula kulmay qaar ka mid ah xildhibaannada Hirshabelle ku matala Dowladda Soomaaliya-(Sawirro)

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirsahebeelle Dr; Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho qaar ka mid ah Xildhibaannada Aqalka hoose iyo sare ee Hirshabelle ku matala Dowladda dhexe.

Madaxweynaha iyo Xildhibaannada  ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo quseeya Qaranimada Soomaaliya iyo howlaha horyaalla maamulka Hirshabeelle iyo Sida  ay lagama maarmaanka u tahay in la iska kaashado horumarinta Hirshabeelle.

Intii kulanka uu socday ayaa waxa sidoo kale ay iska xogwareysteen Xaaladaha amni iyo midda bulsho  ee degaannada Hirshabelle, iyo in Xildhibaannada labada aqal ee laga soo doortay Hirshabeelle ay u midoobaan horumarinta iyo dhisidda Dowlad goboleedka si dhowna ay ula shaqeeyaan maamulka haatan jira.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare  ayaa Xildhibaannada u faah faahiyay muddada Xafiiska uu joogo waxyaabaha u qabsoomay caqabadaha jira, iyo qorshayaasha maamulka u degsan bilaha soo socda, wuxuuna ugu baaqay inay qaataan doorkooda ee ah u shaqeynta bulshada ay matalaan.

Sidoo kale qaar ka mid Xildhibaannada ayaa u faah faahiyay Madaxweynaha Socdaal dhowaan ay ku tageen degaanno ka tirsan Hiiraan , iyagoo hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay in la xoojiyo wada shaqeynta iyaga iyo Madaxweynaha.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo hadda ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb galaya shirka Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, waxaana sidoo kale uu kulamo kula qaatay qaar ka mid diblomaasiyiinta beesha Caalamka, kuwaas oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka midyihiin horumarinta Hirshabeelle.

Eng, Yariisow oo Ka qeyb galay Xafladda dib u howl-galinta Dugsiga Sare ee 15 May (Sawirro).

0

Dib u howl galinta Dugsiga 15-May waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Wax-barashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlada Soomaaliya, Safiirka Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya Mr.Waliid Ismaaciil, Maamulka Degmada Warta Nabadda Fanaaniin iyo Qeybaha bulshada.

Gudoomiyaha gbalka Banaadir ahna duqa Muqdisho  Eng Yariisow ayaa qeyb-qeyb u kor meeray fasallada eey wax ku bartaan ardeyda,  isagoo ardeyda ku dhiiri  galiyay in eey si wanaagsan wax u bartaan,  islamarkaana eey wax-barashada u huraan waqtigooda si’ eey uga mid noqdaan bad-baadiyaaasha Mustaqbalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Degmada Warta Nabada ee Gobolka Benaadir Seynab Maxamuud Warsame (Xaabeey) ayaa ugu horeyn ka hadashay munaasabada Dib u howl galinta Dugsiga 15-May, waxa eeyna sheegtay in ka maamul degma ahaan eey ku faraxsan-yihiin in degmada eey fursad u hesho in dib loo howl-geliyo mid kamid ah Schoolada taariikhiga ah ee degmadu leedahay.

dhanka kale Wasiirka Waxbarashada Hadiha iyo Tacliinta Sare Dowladda Soomaaliya Cabdiraxman Daahir Cismaan  ayaa ku dheeraaday  ka hadalka  dugsiga isagoo tilmaamay taariikhda faca-weyn ee uu ku fadhiyo dugsiga 15-May.

Ugu dambeyn duqa Muqdisho Eng Yariisow ayaa sheegay in  maamulkiisa ahmiyad gaar ah uu siin doono horumarinta adeegyada bulshada sida wax-barashada, isagoo sidoo kale si gaar ah ugu mahad celiyay dowladda Masar oo iyada bixineysaa qarashaadka barayaasha wax ka dhiga Schoolka 15-May.

 

Taba-bar lagu baranayo horumarinta Nabadda iyo Cadaaladda oo maamulka Banaadir u furay qeybaha bulshada degmada Kaaraan (sawirro)

0

Taba-barrkan ayaa waxaa oo lagu baranayaa  horumarinta  Nabadda iyo Cadaaladda ayaa axaa loo qabtay qaar ka mid ah Saraakiisha Booliska, Haweenka, Dhalinyaradda, Odayaasha, iyo Culumadda degmada Kaaraan.

Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banadir Mudane Maxammed Cabdullaahi Maxammed (Tuulax)  ayaa sheegay in dadka tabarka loo sameeynayo eey  qaadan doonaan Casharo iyo Wacyigelin ku saabsan horumarinta, Iskaashiga Nabadda iyo Cadaaladda Caasimadda.


Guddoomiye tuulax ayaa sheegay in Tabarkan la gaarsiin doono dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana u jeedada uu ku sheegay in eey tahay sidii umadda oo dhan loo siin lahaa wacyi gelin ku filan gaar ahaan bulshada ku dhaqan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Dabaal-degga sanad guurada 1-aad ee Madaxweyne Farmaajo oo yeelatay wiji ka duwan dabaal-degyadii hore (sawirro).

0

 Xilli hore magaalada Muqdisho iyo Magaalooyin kale ayaa safaf-dheer loo galay kaalmooyin caafimaad oo dadka eey heli karaan baaritaan iyo daawooyin bilaash ah, dhaqaatiir dhalinyara ah iyo kal-kaaliyayaaal caafimaad ayaa si naxariis  farxadeed ku jirto ugu eedegayo inta tabarta-yar ee caawimaadda ubaahan, waxaana jiro isku haleyn xagga amniga ah oo iyana heegan dheeraad ah la geliyay ciidamada ammaanka.

 

Xarumaha Agoonta ee Afgo’e iyo Boondheere ayaa helay adeegyo caafimaad iyo agabyo isugu jiro kuwa ciyaar iyo kuwa deganaasho oo u badan agab guryaha sida Joodariyayaal, Barkimo iyo agbya kale,   taasi oo eey u dheertahay in eey heleen kaalmooyin caafimaad oo eeysan rajja ka qabin balse dowladda Soomaaliyee ee uu hugaamiyo Madaxweynaha Sanad jirsaday ee Maxammed Cabdullaahi Maxammed  Farmaajo eey fursad ka heleen.

 

Dhanka kale waxaa jiro xoolo nool oo la gaarsiiyay talisyada ciidamada xoogga dalka sida  Wasaarada Gaashaandhiga, Taliska Villa Baydhabo, Horinta caafimaadka ee Isbitaalka Xoogga, xeryaha tabobarada, furinta dagaalka, xerada ciidanka ku cuuryaamay dagaalkii 77 ee Martini, Taliska Cirka, kan Badda,  xero Guulwade, Naafada Siyaamo iyo maxbuusta ku xiran xabsiyada kala duwan.

8-Fabruary sanadii 2017 ayaa loo doortay Madaxweyne Maxammed Cabdullaahi Maxammed Farmaajo in uu hugaamiyo Soomaaliya kadib doorasha adag uu la gelay musharixiin ka badan 20, waxaana xilligaasi dalka ka dhacay isku soo baxyo lagu muujinayo waaga cusub ee Soomaaliya  uabryay…..

 

 

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta oo tababar u soo xiray 50 Saxafi..

0

Mudane C/raxman Iidaan Yoonis oo ah siihayaha Wasiirka Warfaafinta DHaqanka iyo Dalxiisaka ahna Wasiir kuxigeenka ayaa magaalada Muqdisaho tababar ugu soo xirey ilaa 50 Saxafi oo ka kala socday Warbaahinta Dowladda Soomaaliya iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay.

Tababarkani oo socday muddo 3 maalmood ah ayaa lagu baranayay casharo la xiriira tayaynt sare u aqaadist aqoonta Wariyenimo gaar ahaan wararka ku saabsan arrimaha taagan,kaasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta.

Munaasabadda xiritaanka waxaa goob joog ka ahaa maamulka Wasaaradda,ma’uuliyiinta ururka Nusoj iyo marti Sharaf kale,iyadoo casharadu ay bixinayeen xubno ka tirsan Ururka Nusoj.

‘’Waxaa sharaf ii ah inaan maanta in kabadan 50 saxafi oo ka kala kooban saxafada Dawladda iyo kuwa madaxa Bannaan oo ka kala yimid Dawlad Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir ugu soo xiro Tababar socday mudo sadex maalmood xarunta Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska tababarkan oo ku saabsana warka iyo arimaha taagan’’. Ayuu yiri Wasiir C/raxmaan Iidaan.

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta ayaa kula dardaarmay wariyaashii tababarkaasi qaatay in ay uga faa’ideeyaan bulshadooda waxyaabihii ay barteen,warar iyo macluumaad waxtar lehna ay u gudbiyaan shacabka.

Gen Muqtar Xuseen Afrax oo laba qeybood qeyb kamid ah Mushaarkiis ugu deeqay Agoonta Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed (sawirro)..

0

Kulanka todobaalaha  ah ee ciidamada Booliiska ayaa lagu qabtay Xarunta agoonta ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Xildhibaano ka tirsan Aqalka-Sare ayaa ka qeyb-galay munaasabaddan mooralkooda loogu dhisay agoonta eey ka tageen ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Masuuliyiin kala duwan oo ka socday aqalka sare iyo saraakiisha Booliiska ayaa ka hadlay munsaabaddan,  iyagoo ka wada sinnaa sidii loo caawin lahaa caruurtan aabayaashooda ku waayay difaaca dalka eey uga jireen.

Gen Muqtaar Xuseen Afrax oo ah sii hayaha Taliyaha Ciidadmada Booliiska Soomaaliyeed sidoo kale ah ku xigeenka Taliyah Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa ugu deeqay Caruurta agoonta Booliiska Mushaarkiisa marka loo qeybiyo labo  qeyb kamid ah, waxa uuna sidoo kale  ugu baaqay madaxda dalka iyo qeybaha kale ee bulshada in eey caawiyaan caruuta agoonta ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Dhawaan ayaa la furay xaruntan oo muddo kadib dib loo howl-geliyay, waxaana xariga ka jaray Wasiirka Amniga  Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, isagoo waqtigasi sheegay in eey ku fureen tira yar oo aan aheyn dhammaan agoontii waaye aabaayaashooda.

 

Ilaa 50 Dhalinyaro ah oo Muqdisho loogu qabtay tababar ku saabsan horumarinta Afka hooyo

0

Akadeemiyad Goboleedka Af- Soomaaliga ee “AGA” ayaa tababar ku saabsan habeynta Afka Soomaaliga iyo Suugaantiisaba u qabatay 50 dhalinyaro ah oo daneeyneysa Akhriska iyo qoraaka Afkeena hooyo.

Guddoomiyaha Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Hilin iyo Hayaan C/qaadir Cabdi “Jubba” ayaa uga mahadceliyay Akadeemiyada AGA tababarka ay u qabatay dhalinyarada ka tirsan naadigaasi, wuxuuna kula dardaarmay dhallinyaradaasi in ay ka faa’iideystaan casharrada ay ka qaadanayaan aqoon isweydaarsigan.

Qaar ka mid ah dhallinyaradi loo qabtay tababarkaasi ayaa muujiyay sida ay ula dhacsanyihiin aqoon isweydaarsigan ku saabsan habeynta qoraalka iyo akhriska afka Soomaaliga, iyagoo codsaday in la joogteeyo tababarrada noocan oo kale ah.

Guddoomiyaa Akadeemiyada AGA Prof. Maxamed Daahir Afrax oo tababarkaasi furay ayaa sheegay in Akadeemiyadu ay dhiirigelineyso cid kasta oo daneyneysa horumarinta Af Soomaaliga, isagoo ku boorriyay dhallinyarada Soomaaliyeed iney u soo jeestaan sare u qaadidda Akhriska iyo qoraalka Afkeena.

Tababarkan oo loo qabtay 50 dhalinyaro ah oo isugu jiray wiilal iyo gabdho ayaa la xiriira habeynta qoraalka iyo ku hadalka afka Soomaaliga iyo suugaantiisa, waxeyna arrintani ay qeyb ka tahay qorshayaasha Akadeemiyad goboleedka Afka Soomaaliga ay ku horumarineyso Afkeena hooyo.