Home Blog Page 1300

Dawladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo isku raacay in ay iska kaashadaan xoojinta Amniga

Jabuuti(SNTV):— Wafdi uu Hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha dalkaas, Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada.

Kulanka intii uu socday ayaa isla gartay in labada dal ay iska caawiyaan arrimaha ay ka mid yihiin Xoojinta ammaanka, Hagaajinta xariirka arrimaha dibadda, ka faa’iideysiga Kheyraadka iyo in Jabuuti ay Soomaaliya ka taageerto dhanka Isgaarsiinta.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka sheekeeyay wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa labada dawladood, waxa uuna walaalaha Jabuuti ku bogaadiyay sida ay mar walba u caawiyaan shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay tahay abaal ay u hayso dawladda Soomaaliya mar walba aan ka go’i doonin qalbiyada Shacbiga Soomaaliyeed.

Kulanka ay yeesheen labada Ra’iisul wasaare waxaa goob joog ahaa xubnaha wafdiga Ra’iisul wasaare Khayre oo ay kamid yihiin wasiirka arimaha Dibadda, Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta, Eng. Cabdi Canshuur Xasan, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga, Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo mus’uuliyiin kale, iyada oo dhanka Jabuuti ay uga qeyb galeen Wasiirada Wafaafinta iyo Isgaarsiinta, Gaashaadhingga iyo arrimaha Dibadda.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdigiisa ayaa kulanka kadib booqday xarunta Fiber optica ee dalka Jabuuti.

Yaaqshiid oo noqotay degmadii ugu horreysay ee ku hartay wareegga 3-aad.

Muqdisho (SNTV)- Habeenkan caawa ah waxaa wada ballansanaa oo lugta hore ee wareegga 3-aad lagu wada furay degmooyinka Shibis iyo Yaaqshiid oo ka wada tirsan gobalka Benaadir.

Tartamayaasha Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey 7- Su’aal, waxa ay ka jawaabeen 2- su’aal,  waxa ay ka faa’iideysteen labo su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Yaaqshiid, wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Shibis ay heleen waxay noqotay 8- dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay 7– su’aal, waxa ay ka jawaabeen 3- su’aal,  ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen,   wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Yaaqshiid waxay noqotay  6- dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka, halka Yaaqsiid ay noqotay degmadii ugu horreysay ee ku harta wareegga 3-aad.

Tartanka ay tabineyso warbaahinta Qaranka isla markaana uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir waxaa habeen dambe ku wada ballan degmooyinka kala ah  Hodan  & Boosaaso oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Bari.

IOM oo ka hadashay khasaaraha dhimashada doon ku degtay xeebaha Yemen

Doontan ayaa waxaa saarnaa dad lagu qiyaasay 100 qof oo Tahriibayaal ah, doonta ayaa lagu soo waramayaa in safarka gashay 5-tii bishan May, sida lagu sheegay warbixinta la xiriirta xaaladda doonidan oo ay soo saartay hay’adda IOM.

Qoraal kasoo baxay IOM ayaa lagu sheegay in ka badan 16 qof oo la socday doonta weli la la’yahay, arintani oo soo shaac baxday markii ay IOM wareysatay dadkii ka badbaaday doonida qalibantay.

Shilkani ayaa dhacay kadib markii ugu yaraan 100 muhaajiriin Itoobiyaan, oo ka kooban 83-rag ah 17-haween  ah, Doonta ayaa ka tagtay dekadda Bosaso maalintii talaadada ee lasoo dhaafay.

Doonta safarka gashay xilli habeen ah biyaha gacanka Cadan habeenimadii talaadada ahayd waxaana ay ku dhawaatay xeeb qoriga saacadihii hore ee maalintii Arbacadii ee lasoo dhaafay.

Dadkii ka badbaaday ayaa sheegay in dadka saarnaa doonta aysan haysan jaakadaha dabaasha taasina ay keentay in ay ka argagxaan mowjadaha garaacayay doonta oo xiligaasi usoo dhowaanaysay xeebta. Kadib doonta waxaa gudaha u galay biyo, taasi oo keentay in muhaajiriinta ay ku haftaan badda. Sida ay sheegtay hay’adda IOM.

Yemen waa meel istaraatiji u ah socdaalka bariga dhexe iyadoo kumanaano kun oo qof ay ku dhintaan iyagoo isku dayaya in ka gudbaan iyagoo maraya Gacanka Cadan.

Hay’adda IOM ayaa sheegtay in bil kasta ku siman 7,000 oo muhaajiriin ah ayaa safaro dhinaca badda ah ku mara biyaha Yemen si ay uga sii gudbaan wadamada Bariga dhexe, halka in kusiman 100,000 oo qof ay mareen safarkan sanadkii 2017-dii.

Dalka Yemen ayaa ah dal aanan daganayn waxaana dagaalada ka socda ee udhexeeya Xuutiyiinta iyo Isbahaysiga taageeraya dowladda Caalamku aqoonsan yahay, iyadoo dagaaladaasi ay sababeen dhimashada dad badan oo doonayay in ay si tahriib ah uga gudbaan xeebaha Koonfurta Yemen.

Qaraxyo khasaaro geystay oo Baqdaad ka dhacay

Qaraxyo Bombaano oo ka dhacay magaalo madaxda Ciraaq ee Baqdaad ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen 38-qof, Islamarkaana tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.

Boliiska dalka Ciraaq ayaa sheegay in qaraxyada lala eegtay xaafad ay dadka Shiicada waqtiyo isku dhow.

Qaraxyadani oo la sheegay in ay haayeen kuwa meelo kala gedisan lagu bartilmaameedsaday ayaa waxaa lala beegsaday suuq mashquul badan iyo goob saldhig ah oo laga raaco gawaarida.

Qaraxyada ka dhaca Ciraaq ayaa gaaray heerkii ugu xumaa mudo shan sano ah.

Qaraxyada ka dhaca gudaha dalka Ciraaq ayaa waxaa ku nafwaayay dad lagu qiyaasay illaa boqol qof marka laysu wada geeyo tirada dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay weerarada qaraxyada mudada 30-ka maalmood ah.

Weeraradan ayaa lala beegsaday dadka Shiicada iyo Sunniga laga tirada badan yahay ee kudhaqan gudaha dalka Ciraaq, waxaana ay taasi dhalisay cabsi weyn laga qabo in markale ay dalkaasi ka ka billaabmaan dagaalada ku laeysan xagga Ma-habta.

 

 

 

 

 

 

 

Ciidanka gaarka ah ee Danab oo Howlgalo ka sameeyey qeybo kamid ah Gobolada Jubbooyinka

Muqdisho (SNTV), Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa dhaqdhaqaaqyo Ciidan iyo howgallo waxay ka wadaan deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolada Jubbooyinka.

Ciidanka, ayaa goobaha ay Howlgalka ka wadaan waxaa kamid ah, Jammaame, Kaban iyo Kamsuuma, waxaana halkaasi ay ku burburiyeen fariisimo Nabad diidka Baxsadka ah ee Alshabaab ay ku dhuuman jireen.

Waxay gacanta kusoo dhigeen Ciidanka Kumaadooska Danab kudhawaad 20 qof oo la xiriirinayo inay kamid yihiin Kooxda Alshabaab, iyaggoo  baaris ku wada, si loo kala saaro.

Taliyaha qeybta 43Aad ee ciidanka xoogga dalka general Ismaaciil Saxardiid oo la haday Idaacadda Codka Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, ayaa sheegay in howlgalada ay si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka gaarka ah ee Danab oo gacan ka helaya Kuwa Mareykanka.

Taliyaha, ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka ay ku guuleesteen in ay bur buriyaan goobo nabadiidka Alshabaab ay ku  dhibaateen jireen dadka shacabka ah ee Sooman.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku Ammaanay Shacabka Garasbaaleey iskutashiga iyo Horumarka deegaanka ka socda

0

Muqdisho 06 June 2018–Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow), Guddoomiye Ku-Xigeennadda Amniga iyo Siyaasadda, Howlaha Guud iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa afur wadareed la qaatay shacabka deegaanka Garasbaaleey ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyey shacabka deegaanka Garasbaaleey afurka ay u sameeyeen, waxuna boggaadiyey horrumarada kala duwan ee deegaanku sameeyey muddooyinkii la soo dhaafay.

Isagoo la hadlayay shacabka deegaanka ayuu Duqa Muqdisho tilmaamay in maamulkiisu uu u taagan yahay horumarinta iyo isku-xirka bulshada Caasimadda, isla markaana dadka Caasimadda loogu geynayo deegaanadooda adeegyada bulshada ee maamulku bixiyo.

“Waxaan idin kaga mahadcelinayaa afurka aad noo sameyseen oo ina tusay sida aad u jeceshihiin maamulkiina, anaguna waxaan diyaar u nahay gacan qabashadiina iyo sidii aad u heli lahaydeen xuquuq lamid ah kuwa degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir ”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Duqa Muqdisho oo ka hadlayay barnaamijka Dimuqoraadiyeynta Caasimadda, waxuu sheegay in maadaama uu qorshuhu yahay sanadka 2020 guud ahaan dalka ay ka dhacaan Doorashooyin qof iyo cod ah loo diyaar garoobo sidii kaalintooda ay uga qaadan lahaayeen.

Ugu danbeyn, ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ammaanay isku xirka shacabka, odayaasha iyo qeybaha bulshada deegaanka Garasbaaleey. Isagoo ka codsaday in la bixiyo canshuuraha si horumarka deegaanku u noqdo mid taabagalla lana tartama degmooyinka Caasimadda.

Sidoo kale, waxaa goobta hadallo ka jeediyey Xildhibaan Sharmaarke Garaad Saleebaan, Xildhibaan Abtidoon Yare iyo qaar kamid ah Mamulka deegaanka iyo Odayaasha Dhaqanka oo dhammaantood qiray in deegaanka Garasbaaleey uu sameeyey horumarro bulsho oo taabagal ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafti uu hogaaminayo oo Lagu Soo Dhaweeyay Jabuuti

Jabuuti(SNTV):-  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xsan Cali Khyre iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa caawa gaaray magaaladda Jabuuti ee D-Jabuuti, waxaana goroonka diyaaradaha ee dalkaas ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaaraha Jabuuti iyo qaar ka mid mas’uuliyiinta dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ay la socdeen wafti ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawada Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta Eng Cabdi Canshuur Xasan, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo mus’uuliyiin kale oo ka tirsan dawladda, ayaa la qorsheeyaa in booqasho labo cisho ah ay ku joogaan magaaladda Jabuuti.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa maalinta berri ah kulan la qaadan doona Madaxwayanaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele, waxayna ka wada hadli doonaan sidii loo horumarin lahaa xariirka wadshaqeynayd ee labada dal iyo habka ugu wanaagsan ee loo dar-dargalin karo howlaha horumarineed ee ay dawladda Jabuuti ka wado gudaha Soomaaliya.

Shaxda wareegga 3-aad ee tartan aqooneedka bisha Ramadan

Muqdisho (SNTV)– Kedib kulankii u dambeeyay oo ay xalay ku wada tartameen degmooyinka Boosaaso iyo Deyniile ayaa daqiiqada kedib waxa ay qabteen guddiga tartan aqooneedka bisha Ramadan ee warbaahinta Qaranka isku aadka Qorya tuurka tartanka sidii markii hore loo sameeyay oo kale wareegyadii 1-aad iyo 2-aad waxaana ay isugu aadeen degmooyinka u gudubay wareegga 3-aad ee tartanka sidan:-

  1. Yaaqshiid                            Vs                    Shibis
  2. Hodan                                Vs                    Boosaaso
  3. Warta Nabadda                   Vs                    Jilib
  4. Xamar Jajab                      Vs                    Kismaayo

Tartanka uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir isla markaan ay tabineyso warbaahinta Qaranka waxaa habeen dambe oo ah habeenka 1-aad ee wareegga 3-aad lugta hore   foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinka Yaaqshiid & Shibis oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

Deyniile oo noqotay degmadii u dambeysay ee ka hartay wareegga 3-aad ee tartanka

Muqdisho (SNTV)-Kulan adag ee uu dhaxeeyay degmooyinka Boosaaso iyo Deyniile oo ka kala tirsan goballada Bari & Benaadir ayaa ahaa tartan adag oo lagu xirayay wareegga 2-aad ee  tartanka.

Tartameyaasha Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey 7- Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Hal su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Deyniile ay heleen waxay noqotay 2- dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Boosaaso ee Gobolka Bari waxaa dhankooda la weydiiyay 7- su’aal, waxa ay ka jawaabeen 4-su’aal,  waxa ay ka faa’iideysteen 3- su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Deyniile,  wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Boosaaso waxay noqotay 14- dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka, halka tartamayaasha Degamda Deyniile ay noqotay degmadii ugu dambeysay ee ku hartay wareegga 2-aad.

Tartanka uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir isla markaan ay tabineyso warbaahinta Qaranka waxaa habeen dambe oo ah habeenka 1-aad ee wareegga 3-aad lugta hore   foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinka Yaaqshiid & Shibis oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

Itoobiya oo qaadday xukunkii deg-degga ahaa

0

Dowladda Itoobiya ayaa Shalay si rasmi ah u qaadday xukunkii deg-degga ahaa ee Dalkaasi lagu soo rogay horraantii Sanadkan, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA.

Baarlamanka Dalka Itoobiya ayaa sidoo kale ansixiyay go’aankii Golaha Wasiirrada ay dhawaan soo saareen, iyagoo ka duulaya baaqii uu Bishii April soo jeediyay Ra’iisul wasaare  Abiy Axmed Cali, ee ahaa inay soo laabteen amnigii iyo kala dambayntii Dalka, lana qaado xaaladda deg-degga ah.

Afar Cisho ka hor ayay Golaha Wasiirrada Dalka Itoobiya isku raaceen in la qaado xaaladda deg-degga ah ee uu Ra’iisul wasaarihii hore Hailemariam Desalegn, kusoo rogay 15-kii February ee Sanadkan, ka dib Hal Sana oo uu Dalkaasi galay qalaanqal