Home Blog Page 1300

Wasiirka tamarta iyo biyaha xukumada federalka somaaliya oo cabasho ka muujiyey biyo la’aan ka jirta gobolada dalka

0

Mudane Saalim Caliyow Ibroow Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa baaq u diray Hey’adaha ka shaqeeya arrimaha samafalka  ee ka howlgala Soomaaliya  in ay gacan ka geystaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka dhashay Biyo la,aanta ee ka jira Dalka.

Wasiir Saalim Caliyow Ibroow ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in deegaano ka tirsan Dalka ay ka jirto Biyo la,aan saamayn ku yeelatay bulshada Soomaaliyeed.

Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiirka  in ay lagama maarmaan tahay in Hey’adaha samafalku gacan weyn ka geystaan Caawinta iyo samata bixinta bulshada ku nool deeganada ay ka jirto Biyo la’aanta deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Dalka Soomaaliya..

Hadalkaan ka soo baxay Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa imaanaya xili uu guray Webigga Shabeele ee mara Gobolada Shabeelooyinka iyo Hiiraan.

Arrintasi ayaa saameyn weyn ku yeelatay beeralay iyo xoola dhaqato badan oo ku noolaa deegaanada uu maro webigaasi,mana jiraan keydada biyaha webiga oo loogu talagalay in lagu samatabixiyo dadka marka ay dhacdo dhibaatadan oo kale.

Munaasabad loogu diyaar garoobayay isbedelka cusub ee hogaanka golaha Murtida oo lagu qabtay Muqdisho.

0

Munaasabad  oo lagu qabtay xarunta tiyaatarka Qaranka ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda warfaafinta iyo fanaaniinta Waaberi taasoo loogu diyaar garoobayay xafladda xilwareejinta Maareeyaha cusub ee tiyaatarka oo lagu wado iney dhacdo maalinta burrito ah.

Maxamed Xasan Barroow oo ku hadlay magaca kooxda Qaranka ee Waaberi ayaa sheegay in ay si mideysan u soo dhaweeynayaan Maareeyaha cusub ee Tiyaatarka Cismaan C/laahi Guure

Sidoo kale Abwaan Cabdi Dhuux , C/kariin Jiir, Maki Xaaji Banaadir iyo Faadumo Cali Jaamac “Nakruuma” ayaa si isku mid ah usoo dhaweeyay Maareeyaha cusub ee loo magacaabay Tiyaatarka

Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska C/raxmaan Yuusuf Sheekh “Al-cadaala” ayaa sheegay in Waaberi ay ku shaqeyndoonto dhismaha tiyaatarka, isagoo intaasi raaciyay in madaxweyne Farmaajo ay ka go’antahay dib u dhiska tiyaatarka

Dhinaca kale olole nadaafadeed ayaa maanta laga fuliyay dhismihii tiyaatarka, halkaasoo la rajeynayo iney ku shaqeeyaan hobollada Qaranka ee Waaberi.

Wasarrada Maaliyada XFS oo daah furtey mashruuc shaqo logu abuuraayo Dhalinyaradda soomaaliyeed

0

Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku daah furay mashruuc ku saabsan shaqo abuur loo sameynayo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Dahfurka mashruucan oo ah mid looga tala galaay habka shaqo Abuurka looga sameyn karo dhalinyaradda Soomaaliyeed iyo kaalinta horumarinta Dalka islamrkaana laga qeyb qaato sidii Dalka looga fulin lahaa mashaariic wax tar u leh bulshada Soomaaliyeed.

Xubno ka socday Dowladd Gobaleedyadda xubnaha ka ah Dowladda Dhaxe iyo Gobalka Banaadir  ayaa si isku mid ah isugu raacay in muhiim ay tahay  in laga wadda qeyb qaato horumarka dalka iyo sidii kaalinta Dhalinyaradda Soomaaliyeed looga abuuri lahaa shaqo  si looga bad baadiyo tahriibka iyo  ku biirista kooxaha arggagixisada.

C/risaaq Mohamed Abukar Ku xigeenka xisaabiyaha guud ee Qaran oo ka hadlaay madasha dahfurka mashruucan shaqo Abuurka ayaa shegaay in xafiiska xisaabiyaha guud uu mar walibo diyaar u yahay ka shaqenta shaqo abuukar iyo howlaha guud ee lagu horumarinayo dalka.

Wasiirka Wasaradda Howlaha Guud ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Jaamac Xuseen Xaashi  ayaa shegay in muhiim ay tahay in mar walibo laga qeyb qaato shaqo abuurka Dhalinyaradda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Feraalka Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo Daahfuray mashruucan ayaa siweyn uga hadlay ujeedka mashruucani.

‘’Waxaa loo baahan yahay kordhinta wax soo saarka Dalka iyo shaqo abuurka loo sameeyo Dhalinyradda Soomaaliyeed,si ay ugu qeyb qataan hormarka iyo mustaqbalka dalka’’. Ayuu Yiri Wasiir Beyle.

Ciidamada dowladda soomaaliya oo Howlgalo ka fuliyey Deegaano hoos taga Gobolka Sh/Hoose

0

Howlgaladaan oo ahaa Mid Qorsheysan ayaa Cidamada Xoogga Dalka waxa ay ka Fuliyaan Degaanada  Farsooley, Janaale, Turatoorow, iyo Mubaarak oo kawada Tirsan ee Gobalka Shabeelada Hoose  iydoo Qasaaro Xogan lagu geystey Maleyshiyaadka Al Shabab.

Degaanka Mubaarka ayaa Maleyshiyaadka Al shabab laga Gubey idaacad Fm ah oo ay ka tadeyna jireen Afgaardooda Qaldan iyo labao Gadiid oo ay ka buuxeen Walaxa Qarax isla markaane ay doonayeen iney ku dhibaateyaan Dadka rayidka ah.

Waxaana  Howlagaladaasi Hogaamniyay Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka, Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka  ee ka Baxay Degmada Baraawe  Waxa ay la wareegaan Degmada Sablaale Halkaas oo ay iska Carareen Maleyshiyaadka Al shabab kadib markii ay ka Baqeen iney Cashir u dhigaan Cidamada Xoogga Dalka sidoo kale wax ay la wareegeen Degaanka Awdhigle ee Gobalka shabeelada Hoose.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Janeraal C/laah Cali Canood oo la hadlyay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegey in howlgaladaani sii socon doonaan, maleeshiyaadka shabaabna laga saari doono meel walbo oo ay ciida soomaliya ka joogaan.

Eng. Yariisow“Waxaa naga go’an in aan dhisno Hay’adihii Dawladda Hoose Si shacabka ay u helaan adeegyada ay uga baahanyihiin”

0

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta degmada Yaaqshiid oo dib-u-dayactir lagu sameynayo.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in maamulka gobolka Benaadir ay ka go’an tahay dhismaha xarumaha dawladdaha Hoose ee Xamar, si loo fuliyo adeegyada loogu qabto bulshada Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay shacabka ku nool Muqdisho in door kooda ay ka qaataan dhismaha xarumaha danta guud.

“Maamulka iyo Bulshadu haddii ay iskaashadaan waa ku guuleysan karaan Horumarinta degmada Yaaqshiid, waa in aad u istaagtaan ka qeyb galka dhismaha xarunta degmada, haddii aad dhisataan degmadiina waxaad tusaale u noqon doontaan degmooyinka kale ee gobolka”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Guddoomiyaha ayaa xusay in maamulka uu hoggaamiyo diyaar u yahay wax walba oo tabartooda ah si loo xaqiijiyo adeegyada ay baahida u qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa sidoo kale, ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Maamulka gobolka, kan degmada iyo dadweyne kale oo dhammaantood boggaadiyey isku tashiga iyo diiranaanta shacabka ku nool degmada Yaaqshiid.

Wasiirka Ganacsiga Xukumada Federalka Soomaaliya oo kulan la qaatey safiirka Imaaraadka Carabta

0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya mudane Mahamed Abdi Xayir Mareeye, ayaa xarunta Safaaradda Imaaraadka Carabta ay ku leedahay magaalada Muqdisho kula kulmay Danjiraha dalkaasi u fadhiya Soomaaliya  Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi.

Mudane Maareeyee ayaa  Dawladda imaaraadka uga mahadceliyey taageerada dhinac walba leh ee ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed ee xagga bani’adamnimada iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Sida ay soo warisay Wakaaladda Wararka Imaaraadaka ee WAM oo aan warkan ka helnay kulankasi dhex maray Wasiirka iyo safiirka waxa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya labada wadan xiriirkaas oo dhinacyo badan leh

Warku wuxuu intaa ku darayaa in labada mas’uul ay isla falanqeeyeen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka Ganacsiga ee ka dhexeeya labada wadan iyo qodobo kale.

Dhinac kale Danjiraha Dawlada Imaaraadka u fadhiya magaalada Muqdisho mudane Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi ayaa u hambalyeey wasiirka Ganacsiga Soomaliya Mudane Maxamed Cabdi Maareeye xilka cusub ee loo magacaabay oo ah  Wasiirka wasaradda  Ganacsiga iyo Warshadaha oo uu ku tilmaamay Wasaarad muhiim ah.

Ugu danbeyntii Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya ayaa kulankaasi ka muujiyay sida ay wasaaradiisu u danaynayso ka faa’ideysiga khibradda iyo waaya aragnimada xagga  Ganacsiga ee Imaaraadka Carabta iyo sidii ay gacan kaga gaysan lahaayeen horumarinta iyo kobcinta Ganacsiga Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Hirshabelle oo Muqdisho kula kulmey Safiirka Dowlada Qadar ee Soomaaliya

0

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo Maalmahaan howlo shaqo Ku jooga Muqdisho ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Qadar ee Soomaaliya mudane Xasan Xamza, iyo Mas’uuliyiin Ka kala socday Hey’adda Jidadka Qadar iyo hey’adda lagu wado in dhowaan ay bilowdo dhismaha Wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, waxaana ay Ka wada hadleen arrimo kale duwan Oo quseeya Horumarinta Deegaanada Hirshabelle.

Ugu horeyn Madaxweyne Waare ayaa Ka mahadceliyay caawimaada Dowladda Qadar ee Soomaaliya gaar ahaan Mashruucani lagu dhisayo Wadadaasi oo muhiim u ah Dadka Reer Hirshabelle iyo Guud ahaan Umadda Soomaaliyeed, waxaana uu sharaxaad ka siiyay Hirshabelle Juqraafi ahaan halka Soomaaliya ay kaga taalo, iyo kheyraadka eebe uu Ka maneystay, iyo  fursadaha maalgashi ee Ka jira Dowlad Goboleedka.

Madaxweynaha iyo Xubnahani ka socday Dowladda Qadar ayaa Ka wada hadlay dar dar galinta mashaariicda horumarineed gaar ahaan dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo uu bur bur xoog leh ka jiro.

Xubnahani Ka socday Dowladda Qadar ayaa muujiyay sida ay uga go’antahay dar dargalinta mashaariicda Horumarineed oo dalka ka fulinayaan taasi Oo ku kaceysa 200 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah, waxaana madaxweynaha ay u sheegeen Hirshabelle in ay kala shaqeyn doonaan dhinacyada Horumarinta wax soo saarka iyo arrimo kale oo muhiim u ah kaabayaasha dhaqaalaha.

Kulanka ayaa waxaa madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare Ku wehlinayay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Jamaal Maxamed Xasan iyo Mas’uuliyiin Ka tirsan Madaxtooyada Hirshabelle, waxaan Uu ku soo dhamaaday jawi is afgarad ah.

Munaasabad aqoon is wiidaarsi ah oo loga hadlaayey arimaha shaqalaha rayidka dowlada oo Muqdisho ka Furmey

0

Munaasabadan Aqoon isweydaarsiga ayaa waxaa shalay daah furay Wasiirka wasaaradda shaqada iyo Arrimaha  Bulshada Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac, waxaana ka soo qeyb-galay Wasiiro, xildhibaano, agaasimayaal katirsan wasaaradaha, mas’uuliyiin ka socotay Guddiga Shaqaalaha Rayidka, Hanti dhowrka Guud ee Qaranka, Xafiiska RW iyo madaxtooyada, in ka badan 150 shaqaalle oo laga soo diray hey’adaha Dawladda iyo masuuliyiin kale.

Gudiga farsamada ee tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ee Hey’adaha Dawladda XFS ayaa madasha ku soo bandhigay natiijada rasmiga ah ee ka howlgalka mashruucan wajiga koowaad ee  tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ee Hey’adaha Dawladda  loo idmaday.

Agaasiamaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Maxamed Cadde Mukhtaar ayaa faah faahin iyo sharaxaad dheer ka bixiyay hadafka laga leeyahay dib u eegista iyo tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ee Hey’adaha Dawladda XFS  ayaa yiri ” wuxuu ku salaysan yahay in qofkasta oo kamid ah shaqaalaha dawladda uu helo aqoonsi iyo macluumaad la xiriira sida go’aanka shaqaaleynta,”.

Agaasimaha Guud ayaa sheegay in ay jiraan Shirkad madax banaan oo ku guuleysatay  fulinta Barnaamijkan oo logu magacaabo ASAL oo kaashanaya Bank Aduunka WB.

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo Arrimaha  Bulshada  Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac  ayaa sheegay in hirgelinta  tirakoobka iyo diiwaangelinta shaqaalaha hey’adaha  dawladda federaalka uu qeyb ka ahaa waajibaadka shaqo ee wasaaradda shaqada, waxuuna si aad ah ugu mahadceliyey gudigii uu howshaa u xilsaaray oo si wanaagsan u gudo gelaya waajibaadkii shaqo ee uu faray wasiirka.

“Waa muhiim in lahelo tirada saxda ah ee shaqaalaha dawladda lagana warhayo habka ay u shaqeeyaan,  waxaan maanta inoo bilaabmaya aqoon isweydaarsigii  lagu heli lahaa in tirada saxda ah ee shaqaalaha dawladda ”  Ayuu yiri Wasiirka wasaaradda shaqada.

Wasiir Saalax ayaa guud ahaan Shaqaalaha hey’adaha Dawladda ugu bishaareeyey in dhawaan la soo dhisi doono hay’adda tababarka shaqaalaha oo uu  heshiis laba geesood ah dhex maray, lana rajeynayo in shaqaalaha aysan meel kale u aadin tababar, aqoontoodana kor loogu qaadayo dalka gudihiisa mooyee.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo degmada Boondheere ka furay xarun Waxbarashada dadka Waaweyn

0

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xalay degmada Boondheere ka furay barnaamij ku saabsan Waxbarashada dadka waaweyn oo lagula dagaalamayo jahliga.

Barnaamijkan oo muddo socon doona ayaa waxaa la rabaa in laga hirgeliyo dhammaan degmooyinka gobolka Benaadir, iyadoo qorshuhu yahay in dadka Caasimadda ku nool ay wax akhrin karaan waxna qori karaan.

Guddoomiye Yarisow ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in kor loo qaado akhrinta iyo qorista afka hooyo iyo aqoonta dadka waaweyn ee waqtigu u saamixi waayay in ay maraan nidaamka waxbarashada aas-aasiga ah.

“Barnaamijkan wuxuu qeyb ka yahay qorshaha maamulka ee la dagaallanka jahliga, waxuu sidoo kale kor u qaadayaa in dadku wax akhriyaan waxna qoraan, taasina runtii waa lagama maar-maan. Waxaan aaminsannahay in waxbarashadu ay tahay asaaska lagu horumariyo dalka, waxaan kaloo aaminsannahay in waxbarashadu saldhig u tahay horumarka waara.

Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa xusay maadaama uu dalku u gudbayo marxalado kala duwan, gaar ahaan dhinaca siyaasadda, lana geli doono doorashooyin hal qof iyo hal cod ah loo baahan yahay in qofku wax akhrin karo waxna qori karo, sidaas daraadeedna ay rabaan xilli hore in la bilaabo barnaamijyada kor loogu qaadayo aqoonta bulshada.

Munaasabadda Daah furka ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamanka, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Benaadir iyo dadweyne kale, iyadoo intii ay socotay munaasabaddu halkaas lagu soo bandhigay heeso iyo bandhigyo ka turjumaya dhaqanka ay caanka ku tahay degmada Boondheere.

Dhallinyaradda Muqdisho ku Nool oo iskaa wax u qabso uga Qeyb galey ololaha Qurxi dalkaada

0

Ololahan qurxinta wadada isku xerta isgoyska xamar jajab iyo kan waabari ayaa waxaa sameynaya dhalinyarada degmada xamar jajab oo kaashanaya maamulka degmada waxaana uu socon doonaa mudo sedex maalin ah iyadoo ujeedadu tahay ka qeyb qaadashada qurxinta bilicda Caasimada Dalka ee Muqdisho.

Maxamed Aadan Rooble gudoomiye ku xigeenka dhalinayarada degmada xamar jajab iyo Cabdikafi Maxamuud Makaraan gudoomiyaha dhalinyarada gobolka Banaadir oo ka mid ahaa dhalinyarada ka qeyb qaadaneysa qurxinta wadada ayaa waxa ay sheegeen in ay shaqadaan ka mid tahay waajibaadka dhalinyarada ka saaran dhismaha iyo qurxinta Dalkooda Hooyo.

Guudoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada degmada xamar jajajb Cali C/qaadir  Faarax oo hor kacayey dhalinyarada ayaa ku amaanay isku filnaashada ay muujinayaan dhalinayarada Soomaaliyeed iyagoo 75% ay yihiin dhalinayaro guud ahaan Dalka  maamulkuna uu si dhaw ula shqaqeyn doono.

Bilihi ugu dambeeyay ayaa waxaa soo kordhayay dhalinyaro iskaa wax u qabso ku qurxinayo laamiyada magalaada muqdisho kuwaas oo wax badan kusoo kordhin doono bilicda caasimada dalka ee muqdisho.