Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Booqday Qaar kamid ah Xarumaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo

Date:

Baydhabo(SNTV):-– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa magaalada Baydhabo, halkaas oo ka dhacayo shirka Amniga Qaranka ayaa kormeer ku tagay qaar kamid ah Xarumaha Maamulka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo weheliyo Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ugu horeyn booqday xarunta Wasaaradda Warfaafinta, iyagoo sidoo kale kormeeray Xarunta Warbaahinta Maamulka.

Wasiirka Warfaafinta iyo wacy-galinta Bulshadda Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyaha kormeer uu ugu yimid, waxuna sheegay in hadda oo uu yahay Guddoomiyaha Gobolla Banaadir iyo waqtigii uu joogay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliyaba uu saaxiib dhow la ahaa warbaahinta qeybaheeda kala duwan.

Mudane Eng. Yarisow ayaa dhankiisa ku boggaadiyey Wasiirka iyo shaqaalaha Warfaafinta ee Koonfur Galbeed shaqooyinka muhiimka ah ee u hayaan shacabkooda, isagoo xusay in xili walba uu diyaar u yahay gacan siinta Warbaahinta oo laf-dhabar u ah isku xirka iyo horumarinta bulshada.

Dhinaca kale, Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan aya kulan gaar ah la qaatay Madax Dhaqameedka magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed, waxana ujeedka kulanku ahaa sidii bulshooyinka ku dhaqanka Caasimadda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ay iskugu xirmi lahaayeen si la iskaga kaashado horumarka iyo wacyigelinta Bulshada maadaama labada Maamul deegaanadoodu isku xiran yihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....