Wasiirka Warfaafinta iyo ku xigeenkiisa oo la kulmay shaqaalaha

Date:

Wasiirka cusub ee wasaaradda Warfaafinta ee xukuumadda Mudane Daahir Maxamuud Geelleย  iyo wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Aadan Isaaq ayaa Maanta kulan la qaatay Shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska.

Kulankaan oo ahaa mid isbarasho ah oo shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta iyo Madaxda cusub ay isku baranayeen ayaa ugu horayn waxaa ka hadlay Agaasimaha waaxda Shaqaalaha iyo Tababarrada Mudane C/rixiin Ciise Caddoow, isagoo wasiiradda u sharraxay tirada shaqaalaha wasaaradda iyo waaxyaha kala duwan oo ay ka shaqeeyaan.

Wasiirka ku xigeenka wasaaradda Mudane Aadan Isaaq ayaa uga mahadceliyey shaqaalaha soo dhoweynta diirran ee ay u sameeyeen iyo howsha culus oo ay u haayaan Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Mudane Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegay in wasaaraddu ay ku shaqayn doontoย  Laba Tiir oo udub dhexaad u ah guusha Qarannimada Soomaaliya.

โ€œLabada arrimmood ee aan xoogga saari doonnaa ayaa kala ah sidii aan uga shaqeyn lahayn nabaddeynta iyo kor u qaadidda aragtida dowaldda ee nabad ku wada noolaanshaha dalka, halka Tiirka labaadna uu yahay in ay is akhbalaan bulshada Soomaaliyeed, taas oo fure weyn u ah mideynta shacabka Jamhuuriyaddaโ€,ย ayuu yiri wasiirka warfaafinta.

Shaqaalaha ayaa lagula dardaarmay in ay dhowraan ammaannada ay Qaranka u hayaan, isla markaanaย ย hoggaanka cusub ee wasaaradda uu la imaan doonaan isla xisaabtan ku saleysan caddaalad iyo hufnaan.

Ugu dambeyn wasiirka oo ay suโ€™aallo weydiiyeen qaar ka mid ah shaqaalaha ayaa ballan-qaaday in ay u istaagi doonaan sidii loo horumarinta lahaa Warbaahinta, kaabeyaasha wasaaradda farriinta shaqaalahana uu gaarsiin doonnaa madaxda sare ee Dalka.

ย ย  ย ย ย  ย ย 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale