Home Blog Page 1189

Dowlada Somalia oo Culimada dalka kala tashaneysa ladagaalanka fikradaha xagjirka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay xubno ka tirsan Culimada Soomaaliyeed, kaasi oo ku aadan in culimadu ay door wayn ka qaataan wacyi gelinta bulshada.

Kulanka oo ka qabsoomay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre  ayuu Culimaa’udiinku kala hadlay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dadaalka ay dowladdu ku bixineyso ka hortagga fikradaha xagjirka ah ee ay maleeshiyaadka Al-Shabaab dadku ku marin habaabinayaan.

Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Wajiis) oo ka mid ah culimada uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xusay in dhankooda ay diyaar u yihiin sidii ay bulshada uga wacyi gelin lahaayeen fikirka qaldan ee ay Shabaabku shacabka ku marin habaabinayaan in uusan Diinta Islaamka raad ku lahayn.

“Waxaan xafiiskiisa ugu nimid Ra’iisul Wasaaraha, Anagoo ah Guddiga sare ee culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir,  Sheekh Nuur Baaruud, anigoo Sheekh Cali-Wajiis ah, Sheekh Cabdiqaadir Soomow iyo Dr Maxamed Xaaji, waxaan halkan ugu nimid inaan arrimaha Qaranka is dhaafsano, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  waxa uu culimada Soomaaliyeed siiyaa arrimo aad u muhiim ah, xogta dowladda iyo hadba waxyaabaha u qabsoomay, iyo   guulaha  badan ee  wax ku oolka ah, culimaduna runtii ay aad u taageersantahay , iskaashi badana ay la leedahay dowladda” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis oo intaa ku daray .

“Waxaan tallooyin ka siinay arrimaha Xajka iyo sida ugu fiican ee lagu xajin karo, sidoo kale amniga talooyin ku saabsan iyo cabashooyin nagu soo dhac dhacay oo bulshada xageeda nooga yimid oo uu aad nooga qanciyay, noona sheegay in waxyaabo badan oo dadku ka cabteen in wax ka qabanayo, waxaan kaloo kala hadalnay araah ku aadan arrimaha garsoorka, sidoo kale in la joogteeyo wadatashiga culimada iyo madaxda dowladda, shirka guul ayuu ku soo dhamaaday, Soomaalida waxaan ugu bishaareynayaa Insha Allah in Xukuumadda ay gacanta ku heyso arimo badan oo muhiim ah oo dalkan wax badan ka badali doonto”.

Dawlada Federaalka ee Somalia ayaa  dagaal adag kula jirta kooxaha argagaxisada ah ee falalka guracan kawada dalka, waxaana mudooyinkan ay waday wadatashiyo kusaabsan sidii looga hortaggi karo  fikradaha xagjirka ah ee ay maleeshiyaadka Al-Shabaab dadku ku marin habaabinayaan.

Eritrea oo dib u furatay Safaaraddeedii ay ku lahayd Addis ababa

0

Madaxweynaha Dalka Eritrea Isaias Afeworki ayaa shalay  xarigga ka jaray Safaaraddii uu Dalkiisu ku lahaa Addis Ababa ka dib booqasho Saddex Cisho ah oo uu halkaasi ku tagey Ethiopia.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay heshiis Taariikhi ah oo ay dhowaan Asmara ku kala saxiixdeen Labada hoggaamiye, iyagoo halkaasi kusoo afjaray colaaddii Labaatankii Sano ee ugu dambeeyay dhex tiillay Eritrea iyo Ethiopia.

Eritrea ayaa ka go’day Ethiopia 1993, wuxuuna Labada Dowladood Dagaallo lagu riiqmay ku dhexmaray xadka 1998 – 2000 , kaasoo galaaftay nolosha in ka badan 70,000, waxana soo gabagabeeyay colaaddii Labada dhinac booqashadii uu 9-kii Bishan Asmara ku tagey Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia oo Maanta gudoominaya shirka Brussles

0

Waxaa Maalintii labaad  galay shirka iskaashiga Somalia iyo beesha caalamka kaasoo ay ka qeybgalayaan madaxda dowlda federaalka Somalia  xubno ka socda Maamul goboleedyada, masuuliyiinta  Bulshada rayidka  iyo wakiilo ka socda   beesha.Caalamka.

Shirka oo shalay furmay ayaa waxaa looga hadlayaa Arimaha siyaasada,Amniga, Horumarinta dhaqaalaha,iyo dib mideynta Canshuuraha dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa maanta shirka gudoominaya, iyadoo lagoo hadli doonno qodobo ay kamidyihiin dib u-habeynta ciidamada, la daagalanka kooxaha argagaxisada, Doorashooyinka, Hannaanka mideynta Canshuuraha  dalka iyo qodobo kale.

Masuuliyiinta Dawlada Federaalka ee Somalia ayaa shirka geeyey document ku saabsan waxyaabihi u qabsoomay intii ay dowlada jirtay iyo caqabadaha ka heysta waxyaabaha u dhimman.

Shirkan waxaa barbar socda shirar iyo kulamo gaar gaar ah kuwaasoo ay shalay  yeesheen masuuliyiinta Somalia iyo wakiilada beesha caalamka.

Masuuliyiinta Dawlada ayaa doonaysa in si toos ah loogusoo wareejiyo dhaqaalaha beesha caalamka ay ugu deeqdo Somalia, si loogu maareeyo waxyaabihi loogu dhaqaalahaas in lagu qabto.

Tan iyo intii la doortay dawlada federaalka ee hadda jirta waxay horumar fiican ka gaartay arimaha Amniga, Habeynta dhaqaalaha, la dagaalanka musuqmaasuqa, iyo qodobo kale kuwaasoo beesha caalamka ay ku ammaantay.

 

 

Shirkada Apple Stories oo laga hirgaliyay Muqdisho

0

Munaasabdan lagu daahfurayay xarunta cusub ee baxin doonta adeegyada kala duwan ee shirkadda apple stories ee laga hergaliayay Magaalada Muqdisho,Waxaana ka qeybgalay Wasiir ku_xigeenka Wasaarada Boostada isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada.Xildhibaano,Diplomcyiin,iyo ganacsato.

Xasan Cusmaan oo ah Maamulaha xarunta cusub ee iibin doonta wax soo saarka kala duwan ee shirka apple ayaa sheegay in furitaanka xarunta ay ku imaaday qiimeyn dheer iyo sidii ay u dabooli lahaayn adeegyada shacabka soomaaliyeed ee shirkadan apple ay kaga soo iibsan jireen wadamada dariska iyo kuwa fog.

Guddoomiye ku xigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobalka Benaadir  ayaa sheegay in maamul ahaan ay soo dhaweenayaa ganacsatada noocan oo kale ee dalka maalgashanayo.

Wasiir Cabdiraxmaan Iiidan Yoonis Wasiir ku xigeenka Wasaarada Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada Soomaaliya ayaa sheegay in ka wadaaradan ahaan  ay bogaadiyeen talaabadan wayn.

Talaabadan ayaa waxaa ay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay xaga tiknoolijiyada ay ka horeyso qaar ka  mid ah dalalka geeska Africa waxaana shirkadan apple oo ka mid ah Shirkadan ugu waa wayn caalamka ayaa la furay   1 April 1976 Apple waxaa ay ka howlshaa dalalka South Africa,UE. Shiinaha iyo Marareykan oo xarunteeda ugu wayn ku taalo shirkada apple.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaar kamid ah guddiyada Golaha Shacabka ku wareejiyay Xafiisyadii ay ku shaqeyn lahaayeen

0

Muqdisho (SNTV) Kusimaha Madaxweynaha Dalka ahna Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa mudooyinkii dambe waxa uu xarunta guddoonka iyo gudiyada ee Villa Hargeysa ka waday dhismaha xafiisyo ay ku shaqeeyaan gudiyada golaha shacabka ,waxaana dhawaan lasoo gaba gabeeyay dhismaha xafiisyada ay ku shaqeyn donaan 15-ka gudi ee golaha shacabka.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa maanta xafiisyadooda ku wareejiyay ilaa sedax gudi oo ka tirsan golaha shacabka oo kala ah gudiga xuquuqul insaanka ,Guddiga arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo sidoo kale gudiga Howlaha guud,waxaana Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah gudiga howlaha guud ee golaha shacabka uu u mahad celiyay guddoonka golaha shacabka.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux oo ah Habdhowraha Golaha Shacabka ayaa Gudoonka ku bogaadiyay howsha wanaagsan ee ay qabteen.

In gudiyada golaha shacabka ay helaan xafiisyo ay ku shaqeeyaan waxa ay gudiyada u sahleysaa in ay helaan meel loogu soo hagaago oo ay ku qaban karaan howlaha loo igmaday oo ay ka mid yihiin la xisaabtanka iyo kor joogteynta Hay’adaha Dowladda.

Ilaa laba iyo Toban xafiis oo ay ku shaqeyn doonaan 13-gudi ayaa weli harsan kuwaasoo dhawaan lagu wareejin doono gudiyadii loogu tala galay in ay ku shaqeeyaan sida guddoonka golaha shacabka uu sheegay.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya oo furay fadhigga 1-aad ee shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee Brussels

Brussels(SNTV) :–Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Maxamed Guuleed ayaa guddoomiyey fadhiga 1aad ee furitaanka Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo maanta ka furmay magaalada Brussels.

Qeybta 1aad ee fadhigan ayaa lagaga hadlay “Siyaasadda loo dhan yahay ee dalka” oo ku saabsan doorashooyinka dalka, dib-u-habeynta ciidanka, la dagaallanka argagixisada, qeybsashada kheyraadka dabiiciga ah iyo hannaanka mideynta cashuuraha waddanka.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo masuuliyiinta heer Federaal ayaa ka dooday muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado qorsheyaasha lagu xaqiijinayo hiigsiga Soomaaliya ee sanadka 2020-ka, gaar ahaan qabyo-tirka dastuurka, dhammeystirka hannaanka Fadaraaleynta iyo qiimeynta qorshe-hawleedka doorashooyinka sanadka 2020-ka.

Qeybaha kale ee fadhiyada kale ayaa lagaga hadli doonaa amniga guud ee Soomaaliya, bixitaanka AMISOM iyo sidii ciidamada Soomaaliyeed ay ugala wareegi lahaayeen ammaanka dalka, arrimaha bini’aadantinnimada iyo gargaarka, dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo soo kabashada ilaa haatan Dowladda Soomaaliya ay ka gaartay dhanka dhaqaalaha iyo sidii loo sii joogtayn lahaa.

Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Puntland; Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Jubbaland; Mudane Axmed Maxamed Islaan, Koonfur Galbeed; Mudane Shariif Xasan Sheekh Axmed, Galmudug; Mudane Axmed Ducaale Geelle, Hirshabeelle; Mudane Maxamed Cabdi Waare, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Lataliyaha Madaxweynaha ee dhanka Amniga, khubaro iyo ganacsto Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa shirka qeyb ka ahaa madax ka tirsan Midowga Yurub, Midowga Afrika, Beesha Caalamka iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Sweden.

Gobolka Banaadir oo laga hirgeliyey Xafiiska Amniga heer Gobol

0

Muqdisho (SNTV) Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenkiisa ee Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa xarigga ka jaray xafiiska Amniga Gobolka Banaadir oo qeyb ka ah qorsheyaasha ku qotoma dhammeystirka qaab-dhismeedka Amniga Qaranka.

Guddoomiye Xuseen ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir oo fulinaya qodobbadii ka soo baxay Shirkii Amniga Qaranka Baydhabo ee 3-ilaa 5ta bisha Juun ay dhankooda hirgeliyeen xafiiskan oo kaalin mugleh ka qaadan doona is-dhex galka siyaasadaha la xiriira arrimaha amniga qaran ee heer gobol iyo heer Federaal.

“Xafiiskan waxa uu masuul ka yahay isku xirka iyo isku duwidda howlaha ciidamada iyo guud ahaan shaqooyinka lagu xaqiijinayo amniga Qaran oo qorshuhu yahay in istaraatiijiyadda mideysan ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, Dawladda Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay si joogta ah isu dhaafsadaan, ugana wada shaqeeyaan.”Ayuu yiri Guddoomiye Xuseen.

Sidoo kale, Kusimaha Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay Xubnaha Amniga Gobolka Banaadir in ay ka miro-dhaliyaan hiigsiyada ku aaddan xasilinta amniga gobolka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqeynta kala dhaxeysa bulshada.

“Shacabka Muqdisho iyo guud ahaan Gobolka Banaadir waxa ay laf-dhabar u yihiin qorshayaasha lagu sugayo amniga, sidaas darteed waxaan rajeynaynaa in xafiiskan uu kor u qaado wada shaqeynta ka dhaxaysa bulshada iyo laamaha ammaanka si looga hor tago dhagarta argagixisadu ay u maleegayaan dadka Soomaaliyeed.”

Furitaanka Xafiiska Amniga Gobolka Banaadir waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiita Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xasilinta Gobolka Banaadir (SAMA) iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar.

Eriterea oo Safaaradeedii Dib Uga furatay Adis ababa “Sawirro”

Muqdishu (SNTV) Dowlada Ereterea ayaa dib uga furatay Safaaradeedi Magaalada  Adiss Ababa ee Dalka Ethiopia Maanta oo isniin ah, Arintaasoo Kadambeysay Wadahadalo iyo heshiisyo Dhawaan labada dhinac ay wada gaareen.

Munaasabad Kooban oo ka dhacday Xarunta Safaarada Eriterea  ee Magaalada Adiss Ababa, ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiya Axmed, iyo Madaxweynaha Dalka Eriterea Isais Afwerki iyagoo si wadajir u furay Safaaradda.

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia ayaa la arkayay isagoo furaha safaarada ku wareejinaya Madaxweyne Isais Afwerki.

Hoggaamiyeyaashu waxay si wadajir ah uwada saareen  calanka Eritrea gudaha safaarada iyada oo koox askar ah ay ku ciyaareen heesta calanka ee  Eritrea, Kadibna mas’uuliyiinta ayaa waxay kusoo wareegeen dhismaha ay kutaallo Safaarada.

Maalintii Shalay waxay hogaamiyaasha ka qeybgaleen Munaasabad loogu dabaaldagayey Nabada labada  Dal, taasoo Kummaan kun oo qof ay ugu dabaal dageen caasimada Ethiopia Ee Adiss Ababa.

Hadallo kooban oo ay mas’uuliyiinta ka jeediyeen munaasabada ayaa waxa ay ku sheegeen in uu dhammaaday Naceybki iyo faquuqii loona baahanyahay in wixii hore la iska cafiyo, lana furo bog cusub.

Dib u furashada safaarada Eriterea ee Magaalada Adiss Ababa ayaa timid kadib wadahadalo iyo heshiisyo iskaashi oo  dhowaan ay  wada gaareen  labada hogaamiye, taasoo keeni karta isfaham iyo is-dhaxgal soona Afjareysa Colaaddii dhowr iyo labaatan sanno udhaxeysay labada dhinac.

kummaan kun oo qof ayaa inta la ogyahay kudhintay dagaal xagga soohdinta ah oo socday sanado badan kaasi oo ka bilowday lahaanshaha magaalada Badama oo ay haatan Ethiopia u aqoonsatay in ay leedahahay Eritrea.

Heshiiska labada dal ayaa waxaa ka faa’idi doona guud ahaan gobolka oo ay Soomaaliya kamid tahay.

Eritrea ayaa taageero siin jirtay kooxaha nabad diidka halka Ethiopia ay qayb ka ahayd taageerada dowladda Soomaaliya.

SNTV/Aamina Ladan Axmed Cali

Weerar lagu dilay dad rayid ah oo ka dhacay Waqooyiga dalka Mali

0

Ugu yaraan 12 qof oo rayid ah ayaa ku geeriyootay weerar ay qaaadeen kooxo hubeysan, kaasoo ka dhacay  waqooyi bari dalka Mali oo dhaca xadka dalka Nijer.

Warku wuxuu intaa ku darayaa  in bilooyin ka hor isla degaankaasi  lagu dilay  in ka badan 100 qof oo rayid u badnaa, waxaa kujiray dadkaas  qaar ka soo jeeday qabiilada Al-folani iyo Al-dhaawaariq,iyadoo  la sheegay in mandiqadan ay Saldhigyo ku leeyihiin kooxda Daacish iyo kooxda kale ee Al-dhawaari oo  taageerta Ciidanka Mali iyo xoogagga Faransiiska ee halkaa  jooga.

Sida laga warqabo dalka Faransiiska waxa uu faragelin ku sameeyay dalka Mali sanadkii 2013 kii, isagoo ka saaciday Ciidamada Dowlada sidii waqooyi dalkaasi looga saari lahaa dagaalyahannada  xiriirka la leh kooxda xaqjirka ah ee Daacish.

 

Shirka arrimaha Soomaaliya ee Brussels oo furmay

Brussels (SNTV)-Magaalada Brussels ee Xarunta dalka Belgium-ka, waxaa ka furmay shirka Somali Partnership Forum oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, kaasi oo soconaya 16-ka ilaa 17-ka bishan July.

Shirkan oo daba socda Shirkii lagu qabtay magaalada London bishii May 2017-kii ayaa waxaa lagu Casuumay oo ka qeyb galaya Madaxda Dowladda Dhexe, Maamul Goboleedyada, Wasiiro iyo Ururada Bulshada Rayidka.

Sidoo kale shirkan waxaa ka qeyb galaya Bankiga Aduunka, Midka Afrika, Hay’ada lacagta Aduunka ee IMF, Midowga Afrika, Qaramada Midoobey, Jamaacada Carabta iyo Qaar kamid ah Dowladdaha daneeya arrimaha Soomaaliya.

Waxaa shirkan si gaar ah diirada loogu saari doonaa Qorshaha amniga Qaranka, Bixitaanka AMISOM, Dib udhiska Ciidamada, Hormarka Dhaqaalaha, Deyn Cafiska, Dib usoo nooleynta Dakhliga iyo arrimo kale.