Home Blog Page 1189

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo dadaal ugu jirta horumarinta Waxbarashada dalka

0

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya  Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay xubno ka socda  (creative Associate  International) oo door muhiim ah ka qaadata horumarinta waxbarashada iyo hal abuurka.

Kulanka ayaa looga hadlay siddii xubnahan ka socda creative Associate  International, ay wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uga caawin lahayeen horumarinta waxbarashada dalka.

Xubnaha ka socda creative Associate  International, ayaa wasiirka waxbarashada Mudane Cabdullaahi Goodax Barre u sheegay in howlo muhiim ah oo dhanka waxbarashada ay ka qabteen dalka.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in xubnahan ay ka wada hadleen sidii la iskaga kaashan lahaa arrimaha waxbarashada islamarkana creative Associate  International, ay door muhiim ah uga qaadan laheyd Waxbarashada dalka.

“Waxaan maanta xafiiskeyga ku qaabilay xubno ka socda creative Associate  International oo kala ah Eileen st, George iyo Maryam jinani, waxaan ka wada hadalnay arrimo ay ka mid tahay sidii wasaaradda waxbarashada ay gacan uga siin lahayeen horumarinta waxbarashada dalka, waana isku afgaranay,”ayuu yiri Wasiir Goodax Barre.

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka waxay dadaal dheer ugu jirta sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dalka.

Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa u mahad celiyay xubnahan maanta soo booqday.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe kulamo la qaadanayay hay’addaha ka shaqeeya arrimaha waxbarashada isagoo kala hadlayay siddii door muhiim ah uga qaadan lahayeen horumarinta waxbarashada dalka.

Wasiirka Maaliyadda oo Dalka dib ugu soo laabtay

0
Muqdisho-(SNTV)-Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliy Dr, C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa Dalka dib ugu soo laabtay Maanta, markii uu dhowaan booqasho howleed ku tagay Waddamada Indonesia iyo Britain.

Mudane, Beyle, ayaa sheegay inuu Indonesiya kaga qayb galayshirka Sanadlaha ah ee IMF iyo Bankiga Adduunka, oo ay natiijooyin wanaagsan kasoo baxeen, isagoo intaa raaciyay inay dhamaantood qireen in Soomaaliya ay Maaliyaddeedu hagaajisay.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu casumaad rasmi ah ka helay Dowladda Ingiriiska, oo ay Madaxdooda qaabbilsan arrimaha horumarinta Afrika kala hadleen joogteynta taageerada dhaqaale ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa inta uu halkaasi ku sugnaa waxa uu khudbado ku saabsan isbeddalka Maaliyadda Dalkeena ka jeediyay Machadka Diblumaasiyadda Caalamiga ah ee  Chatham House iyo Jaamacadda University of Oxford ee Magaalada London.

Mudane, Beyle, ayaa Magaalada London kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan, wuxuuna ku boorriyay inay ka qayb qaataan dib u dhiska Dalka, maaddaama lagu guda jiro marxalad soo kabasho ah.

Dr, C/raxmaan Ducaale ayaa gaba-gabadii sheegay inuusan ka nasan doonin Shaqada horumarinta Maaliyadda Dalka illaa aan ka guuleysanno.

Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan XFS oo Muqdisho ku soo dhoweeyay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo celiyay Eriteriya

0

Muqdisho (SNTV);- Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay 56-ruux oo mudo sanado ah Qaxooti ku ahaa dalka Eriteriya.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa u suurta gashay iney tagaan dalka Suudaan oo Soomaaliya safaraad ku leedahay halkaasina laga soo qaaday.

Muwaadiintan Soomaaliyeed oo ka kooban 56-ruux ,30-ka mid ha waxay yihiin carruur,kuwaasi oo Qaxootinimada ka doorbiday iney dalkood dib ugu soo laabtaan,waxayna Dowladda Federaalka si weyn ugu shaqeysay in dadkaan dib loo soo celiyo.

Wasiirada iyo Xildhibaanada soo dhoweeyay dadkan Soomaaliyeed ee la soo celiyay ayaa kula dardaarmay iney ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka,islamarkaana Qaxootinimada kaga wanaagsan tahay iney dalkooda ku noolaadaan.

Maxamuud Siraaji iyo Haashim Nuur Aadan oo labada ka tirsan Xildhibaanada Golaha shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya Mas’uuliyad iska saartay in muwaadiniinta dibadda ku dhibaataysan loo adeego, xabsiyada laga soo daayo qaxootigana la soo celiyo intooda u diyaarsan soo laabashada.

Wasiir ku-xigeenka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed C/naasir Siciid Muuse ayaa u mahad celiyay Hay’adaha ka qeyb qaatay in si nabad ah muwaadiniintan dib loogu soo celiyo dalkooda.

Qaarkamid ah mawaadiinta Soomaliyeed ee maanta dalkooda dib loogu soo celiyay waxaa ku jira qaar eheladoodu ay wali ku xaniban yihiin dalka Eritrea, waxayna Dawlada Soomaaliya ka codsadeen in loo soo Celiyo.

Suxufiyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta oo maanta Tabababr loo furay

0

Muqdisho (SNTV);- Tababarkaan oo lagu baranayo sida loo sameeyo Barnaamijyo tayo leh iyo maamulida Barnaamijyada Doodaha ah oo ay ka qaybgalayaan ku dhowaad 20-ka mid ah Howlwadeenada Warbaahinta Qaranka ayaa maanta ka furmay xarunta Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Tababarkaan oo socon doona Mudo Shan maalmood ah ayaa waxaa bixin doona macalimiin ka socota Hay’adda horumarinta Warbaahinta Caalamka ee  dalka Finland ee magaceeda loo soo gaabiyo VIKAS.

Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane C/fitaax Daahir Jayte oo ka hadlay furitaankii Tababarkaan ayaa wuxuu sheegay in Tabarkaan ay ka faa’iidaysan doonaan inta uu socdo Suxufiyiin iyo Cameramano ka shaqeeya soo saarista Barnaamijyada Doodaha ah kuwaasi oo la soo xulay.

Mudane C/rixmaan Yuusuf Sheekh Cadaala oo ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa asna kula dardaarmay ka qaybqaatayaasha Tababarka inay sifiican uga faa’iidaystaan mudada uu socdo Tabarbarkaan, isagoo dhanka kala u rajeeyay Suxufiyiinta inay xirfadooda wax badan ka badalaan marka uu dhamaado Siminaarkaan.

Ugu Danbayntii Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Mudane Aadan Isaaq oo si rasmi ah u furay Tababarkaan ayaa u mahadceliyay Hay’adda horumarinta Warbaahinta Caalamka ee  dalka Finland ee magaceeda loo soo gaabiyo VIKAS, wuxuuna ku amaanay dadaalka ay ugu jiraan horumarinta Warbaahinta Soomaaliya gaar ahaan Warbaahinta Qaranka.

Guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo la magacaabay

0

Muqdisho (SNTV);- Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/qaadir Shariif Sheekunaa ayaa maanta magacaabay Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo ka kooban 27-xubnood.

Xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ansixiyay Guddiga Qaban qaabada Doorashada madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ,93-Xildhibaan ayaa ogolaatay,13-weydiiday halka 10-kale ka aamuseen.

Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu wadaa iney dhacdo bisha November ee sanadkan.

 Haddaba Halkaan Hoose ka Akhriso Magacyada Xubnaha Guddiga:-

Wasaaradda Dastuurka XFS oo heshiis la saxiixatay Hay’adaha ku guulaystay fulinta Waxbarashada Madaniga

0

Muqdisho (SNTV);- Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS ayaa manta heshiis ku saabsan sida loo fulinayo Barnaamijyada waxbarashada madaniga ah iyo wacyigelinta bulshada ee Arrimiha Dastuurka la saxxiatay hay’adihii ku guulaysta fulinta barnaamijyadaas islamarkaana u furtay kulan wacyi gelin ah oo ku saabsan sidii ay iskula jaanqaadi lahaayeen hay’adahan iyo wasaaradda Arrimaha Dastuurka si bulshada loogu wacyi geliyo dib-u-eegiata Dastuurka.

Ugu horrayn, agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr oo kulanka ka hadlay ayaa sharaxaad guu ka bixiyay muhiimadda heshiisyada ay wasaaraddu la saxiixatay shirkadaha Ku guulaystay fulinta waxbarashada madaniga ah iyo wacyi gelinta dadwaynaha si loo daadajiyo howlaha wacyi galinta islamarkaana qof kasta oo soomaali ah uu wax ka ogaado muhiimadda dastuurku u leeyahay iyo in uu la socdo halka uu marayo geedi socodka dib-u-eegista dastuurka.

Agaasimaha ayaaa sheegay in ay muhiim tahay in qof kasta oo
Soomaali ah uu barto muhiimadda dastuurku u leeyahay bulshada isla markaana uu fahmo xuquuqda iyo waajibaadka muwaadinku, si taas loo fuliyana wasaaraddu waxay u wakiilatay hay’adihii fulin lahaa arrintaas kuwaas oo ku soo baxay si daahfurnaan oo caddaalad ah.

Sidoo kale agaasimaha ayaa xusay in hay’ad kasta oo ku guulaystay
barnaamijkan iyo wasaaraddu ay isla qaadan doonaan kulan saddex maalin ah hay’addiiba oo ku saabsan sidii la iskula jaanqaadi lahaa islamarkaana farriin midaysan loogu gudbin lahaa bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay dalka ka joogaan.

Dhanka kale wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha Dastuurka mudane Dr. Hussein Abdi Elmi oo goobjoog ka ahaa saxiixa Heshiisyada ayaa kula dardaarmay ha’adaha ku guulaystay in ay si wanaagsan u gutaan howshooda isla markaana ay iska ilaaliyaan wax kasta oo baabi’in kara heshiiska. Sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa xusay in wasraaddu ay ka go’antahay in la daadajiyo barnaamijyada wacyigalita dastuurka iyadoo la raacayo istaraatiijiyadda ay wasaaraddu u dejisay.

“ Hay’adaha ku guulaytsay fulinta barnaamijkaan waxaa looga baahanyahay daahfurnaan, wasaaradduna waxay ku samayn doontaa korjoogtayn iyo qiimayn sida ay u fulinayaan barnaamijyadaas” ayuu yiri wasiir Hussein.

Ugu dambayn wasiir ku xigeenka ayaa si rasmi ah u furay kulanka oo ku saabsan isla jaanqaadidda hay’adaha ku guulaystay fulinta waxbarashada madaniga ah iyo wasaaradda arrimaha dastuurka.

Gabagabadii waxaa heshiika kala saxiixday wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo hay’adaha kala ah IIDA-oo ku guulaysatay Bulshada Rayidka, Talo-wadaag iyo PUNSAA- Haweenka, IFIYE iyo Somali Youth Vision (SYV)-dhallinyarada, Horn Connect- Ololaha Wacyigalinta Warbaahinta iyo Somali Media Production Center oo ku guulaystay soo saarista video Documentary -ga.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada London

0

London-(SNTV)-Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Dr, C/raxmaan Ducaale Beyle, oo ku sugan Magaalada London ee Caasimadda Dalka Ingiriiska ayaa kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan.

Dr, Bayle ayaa Jaaliyadda warbixin ka siiyey horumarka dhinaca maamulka maaliyadda ah ee ay samaysay Dawladda Soomaaliya, waxaana uu kula dardaarmay inay ka qaybqaataan dib u soo kabashada Dalka.

Wasiirka ayaa intii uu joogay Dalka Ingiriiska waxa uu Khubado ka jeediyey jaamacadda Oxford iyo Machadka Chatem House ee Magaalada London, isagoo ka war-bixiyay horumarinta hanaanka Maaliyadeed ee Dalka iyo guulihii laga gaaray.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo uga tacsiyadeeyay Safaaradda Suudaan geerida Madaxweynihii hore ee Dalkaasi

0

Muqdisho (SNTV):- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa booqday Xarunta Safaaradda Suudaan ee Muqdisho, isagoo magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda ugu tacsiyadeeyay Dowladda iyo Shacabka aanu walaalaha nahay ee Suudaan geerida ku timid Madaxweynihii hore ee Suudaan Abdurrahman Suwar al-Dahab.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo ay wehliyeen Wasiiru dowlaha Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi iyo Agaasimaha Waaxda Carabta Mudane Mustafa Aadam Dagaal, ayuu wasiirku sheegay in Marxuumka uu qiimo weyn ugu fadhiyay Suudaan, Ummadaha Carbeed iyo Islaam marka loo eego tilmaamaha la mahdliyo iyo aragtiyada sugan ee howlaha uu u qabtay Suudaan iyo Ummadaha Carbeed iyo kuwa Islaamka.

Wasiirka ayaa waxaa ku soo dhoweeyay Safaaradda, Siihayaha Safaaradda Suudaan ee Soomaaliya Mudane Lataliye / Abdirahim Tajuddin Alzain.

Golaha Wasiirada Maamulka Hirshabeelle oo la horgeeyay hindise sharciyeedka Ganacsiga

0

Jowhar (SNTV);- Shirka Golaha WWasiirada Maamulka Hirshabelle oo uu shir gudoominayay Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay, (20/10/2018)  lagu gorfeeyey arrimo badan oo la xiriira dhinaca amniga, dhaqaalaha,wax soo saarka, Dib u dhiska iyo horumarinta arrimaha bulshada, iyo hirgelinta mashriicda Horumarineed ee hadda diyaarka ah.

Goluhu waxa uu warbixin ka dhageystay Wasiirka Wasaaradda Hirshabeelle oo ku dheeraaday dhinaca amniga oo la isla gartay in la dar dargaliyo dhismaha ciidmada Hirshabelle oo la qorsheeyay dabayaaqada bishan in Hirshabelle loo tababaro Ciidamo Booliis ah oo ay Hirshabelle yeelato, sidoo kale iyana la taageero dadka isku xilqaamay la dagaalanka argagaxisada, kuwaasi oo ilaa 2000-ciidan ahaan loo qarameyn doono sida uu sheegay Wasiirka amniga Gudaha Maamulka Hirshabelle Mudane C/qaadir jeelle.

Iyadoo laga duulayo qorshaha Horumarinta iyo Dib u Dhiska Hirshabelle waxa uu goluhu isla qaatay in lasoo horumariyo adeegyada aas-aasiga ah ee arrimaha bulshada, sida Caafimaadka, Biyaha, Waxbarashada, Kalluumaysiga, Xannaanada Xoolaha, Horumarinta Beeraha, iyo dhismaha Waddooyinka.

Sidoo Golaha Wasiirada Maamulka Hirshabeelle wuxuu soo dhoweeyay mideynta Canshuurta Hirshabelle oo ay Wasaaradda Maaliyadda Hirgalisay,waxaana nidaamkaasi lagu ammaanay Wasaaaradda Maaliyadda Hirshabeelle oo ay ku dooneyso horumarinta Dhaqaalaha.

Ugu danbayn Golaha Wasiirada waxa la horgeeyay Hindise sharciyeedka Wasaaradda Ganacsiga Hirshabelle, iyadoo loo qeybiyay Wasiirada Hindise sharciyeedkaasi shirarka soo socdana looga doodi doono.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo kormeeray fariisimo ay ciidamada Dowladda ku leeyihiin duleedka Kismaayo

0

Muqdisho (SNTV);- Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho Qarshe oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa maanta kormeeray Fariisimo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka iyo Kuwa Dowlad Gobolleedka Jubbaland oo ku yaalo deegaanada Baarsanguuni,Buulagaduud iyo deegaanka Jammaame oo ka tirsan Jubbada Hoose.

Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho Qarshe ayaa ku dhiira geliyay Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Jubbaland iney sii laba jibaaraan dagaalka ka dhanka ah kooxda argagixisada Al-Shabaab,isagoona ku ammaanay siday ay u wiiqeen awooda maleeshiyada Al-Shabaab.

“ Aad iyo aad waxaan idin kugu dhiira gelineynaa inaad iska dhicisaan nimankaasi,anaguna waxaan balan qaaddeynaa inaan idin ku taakuleyno sidii la isaga dhicin lahaa ama aqoon ha noqoto ama qalab ama wax walba oo aad Dowladda uga baahan tihiin,idinkana waajibaadkiina sidaasi oo kale baan idin ka rabnaa inaad u gudataan,aad baad u mahadsan tihiin waxaan isku ognahay guul iyo gobanimo,” ayuu yiri Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho Qarshe.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka ayaa ka dalbaday Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan Jubbaland iney soo diraan ragga ugu wanaagsan ee ugu geesinimada badan Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland si tababar heerkiisu sareeyo loogu siiyo Xerada tababarka Turk-som ee magaalada Muqdisho.

Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho Qarshe ayaa kormeeray fariisimo ay Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland kaga sugan yihiin deegaanka Baarsanguuni iyo Buulagaduud oo ka tirsan Gobolka Jubbada hoose,wuxuuna ciidamada kula dardaarmay iney laba jibaaraan dagaalka ay kula jiraan kooxaha argixisada.

Ugu danbeyntii,Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka sareeye Gaas Indho Qarshe ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso in sanadka soo socda Maleeshiyada Al-Shabaab laga xoreeyo dalka oo dhan la iskuna furo waddooyinka muhiimka ah ee Gobollada dalka sida waddooyinka isku xira Muqdisho iyo Kismaayo,Muqdisho iyo Baydhabo iyo waliba in la furo wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Baladweyne.