Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia oo Maanta gudoominaya shirka Brussles

Date:

Waxaa Maalintii labaad  galay shirka iskaashiga Somalia iyo beesha caalamka kaasoo ay ka qeybgalayaan madaxda dowlda federaalka Somalia  xubno ka socda Maamul goboleedyada, masuuliyiinta  Bulshada rayidka  iyo wakiilo ka socda   beesha.Caalamka.

Shirka oo shalay furmay ayaa waxaa looga hadlayaa Arimaha siyaasada,Amniga, Horumarinta dhaqaalaha,iyo dib mideynta Canshuuraha dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Mudane Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa maanta shirka gudoominaya, iyadoo lagoo hadli doonno qodobo ay kamidyihiin dib u-habeynta ciidamada, la daagalanka kooxaha argagaxisada, Doorashooyinka, Hannaanka mideynta Canshuuraha  dalka iyo qodobo kale.

Masuuliyiinta Dawlada Federaalka ee Somalia ayaa shirka geeyey document ku saabsan waxyaabihi u qabsoomay intii ay dowlada jirtay iyo caqabadaha ka heysta waxyaabaha u dhimman.

Shirkan waxaa barbar socda shirar iyo kulamo gaar gaar ah kuwaasoo ay shalay  yeesheen masuuliyiinta Somalia iyo wakiilada beesha caalamka.

Masuuliyiinta Dawlada ayaa doonaysa in si toos ah loogusoo wareejiyo dhaqaalaha beesha caalamka ay ugu deeqdo Somalia, si loogu maareeyo waxyaabihi loogu dhaqaalahaas in lagu qabto.

Tan iyo intii la doortay dawlada federaalka ee hadda jirta waxay horumar fiican ka gaartay arimaha Amniga, Habeynta dhaqaalaha, la dagaalanka musuqmaasuqa, iyo qodobo kale kuwaasoo beesha caalamka ay ku ammaantay.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...