Home Blog Page 1190

Shirka Horumarinta Soomaaliya oo maanta ka furmaya magaalada Brussels ee dalka Belgiumka

Muqdisho(SNTV);- Waxaa maanta magaalada Brussels ee dalka Belgiumka ka furmaya shirka caalami ah oo inta badan diirada lagu saarayo xaaladda Soomaaliya sida Amniga,siyaasadda doorashooyinka iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, madaxweynayaasha maamul Gobolleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka,Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin ka socota beesha caalamka ayaa ka qeyb galaya shirka oo mudo labo maalin ah ka socon doono magaalada Brussels.

Wuxuu shirkaasi caalamiga ah uu daba socda shirarkii horey uga dhacay London iyo Muqdisho oo lagu falanqeeyey amniga, siyaasadda, doorashooyinka, dhaqaalaha, arrimaha gargaarka  iyo horumarinta guud ee dalka, iyadoona Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku soo bandhigi doonto arrimihii ka qabsoomay shaqooyinkii horey loo qorsheeyey iyo dejinta qorshayaasha mustaqbal.

Inta uu socdo shirkan Brussels waxaa sidoo kale jiri doona saddex shir-doceed oo lagaga hadli doono maalgashiga, Barakacayaasha iyo kaalinta haweenku ay ku leeyihiin dib-u-dhiska dalka, iyadoona ay ka soo qeyb-gali doonaan dhammaan dhinacyada ka shaqeeya hawlahan sida ganacsatada Soomaaliyeed, maalgashato caalami ah, hey’ado iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

 

Senator Ayuub Ismaciil Yuusuf oo la kulmay Jaaliyadda Columbus Ohio

0

Columbus(SNTV);- Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaaladda Columbus Ohio.

Kulanka Xildhibaanka iyo jaaliyadda waxa uu ahaa mid xanbaarsanaa fariimo iyo is xogwareysi ku qotoma xaaladda dalkeena Soomaaliya.

Marti sharaf ka kala soctay qeybaha bulshada ayaa kulankan ku sugnaa waxayna si wada jir ah gacmo furan ugu soo dhaweeyeen xildhibaanka oo maalmhan socdaal kulamo xanbaarsan la qaadanayay qaar kamid ah Jaaliyadaha Mareykanka.

Xaflada soo dhaweynta Xildhiban Ayuub waxaa ka hadlay dad aad u baddan oo bulshada ka dhex muuqda, waxana ay bogaadiyeen doorka dhalinyarada Soomaaliyeed ee xiligan ku jira siyasadda dalka iyo sida ay in badan uga gadisanyihiin siyaasiyiin horey dalkan u soo maray.

Inta baddan waxay ku cel celinayeen dadkii hadlay ” Waxaan u baahi qabnaa in aan dalkeena ku laabano isaga oo nidaam iyo kala danbayn leh kuwa aan ka sugaynana waa adinka dhalinyarada ee u jira siyaasada dalka dhan walba”

Waxaa la weydiiyay xildhibanka Su’aalo la xariira Isbadalada iyo qaladaadka dhaxa xiliyada qaar, waxa uuna uga jawaabay dhaman si Taxadar leh.

Xildhibaan Ayuub ayaa u soo gudbiyay Jaaliyada Columbus salaan uu uga sido Madaxda Soomaaliyeed isaga oo dhanka kale ka warbixiyay halka dalku marayo, halka laga yimid iyo halka loo socdo.

Rajo wanaagsan ayuu ka muujiyay dalka isaga oo ku guubaabiyay qurbajoogta in ay dalka yimaadaan qeybna ka noqdaan isbadalka socda.

Waxa uu ahaa kulan ay ka soo qeybgalayaashu aad u xiiseynayeen kuna heleen furdado ay wax ku weydiiyaan loogana jawaabay.

Waa markii ugu horeysay ee xildhiban Ayuub uu soo booqdo Columbus tan iyo intii uu ka mid noqday xildhibaanadda aqalka sare.

Deeqo SONNA

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Wafdi ka socda Booliska Turkey

0

Muqdisho (SNTV), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maanta kulan la qaatay Wafdi sare oo ka socday Taliska Ciidanka Booliska Dawladda Turkey, kuwaasi oo Muqdisho soo gaaray.

Kulankaasi oo ka dhacay Xarunta Safaaradda Turkey ee Muqdisho, ayaa waxaa goob joog ahaa Wasiirka Amniga gudaha XFS Mudane Maxamed Abuukar Islow, Taliye ku xiggeenka koowaad ee Hey’adda NISA, Safiirka Dalwadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjiye Olgan Begar iyo Masuuliyiin kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa wafdigii ka socday Dawladda aan walaalaha nahay ee Turkey waxay kawada hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen, Xoojinta Xiriirka labada dhinac iyo Kordhinta tababarada Turkiga ay siiyaan Ciidanka Booliska.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Turkiga Oo Ka Faa’iday Inqilaabkii Fashilmay, Dowlad Xoog leh iyo Horumar “Sawirro”

Muqdish (SNTV) 15-ka bisha July maanta oo kale waxa ay ku beegan tahay maalintii uu dhacay weerarkii inqilaab ee ka dhacay dalka Turkiga, taasi oo kasoo wareegatay labo sano, waa sanad-guuraddii kasoo wareegatay markii uu dhacay iskuday inqilaab ee dalka Turkiga ee aan walaala nahay iyadoo nasiib wanaag inqilaabkaasi uu fashilmay.

15-ka Bisha sanadkii 2016-kii ayay ahayd taariikhda rasmiga ee uu dhacay inqilaabka kaasi oo lagu eedeeyo inuu ahaa mid ay kasoo shaqeeyeen Fetullah Gülen iyo kooxdiisa argagaxisada, oo loo yaqaano FETO oo laga soo gaabiyay Gülenist Terror Grou.

Weerarka inqilaabka ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay 250 qof halka in ka badan 2,000 oo qof ay ka badbaadeen iyagoo dhaawacyo kala gedisan ay kasoo gaareen mashaqada inqilaabka Turkiga.

Saacadihii uu socday inqilaabka ayaa waxaa la weeraray, tiro kamid ah xarumaha hay’adaha ugu muhiimsan ee dowladda Turkiga oo ay kamid ahaayeen Caqalka Madaxtooyada, Golaha Shacabka iyo xarumaha Booliiska iyo Sirdoonka Qaranka Turkiga waxaana weeraradaasi gaystay ciidamo u muuqday kuwo qabsanayay xarumahaasi.

markii ay soo if baxday in laga guuleystay cadowga dimuqraadiyadda, islamarkaana la xaqiijiyay in masiibo la mid ah aysan dalkaasi soo ka dhicin markale, ayaa waxaa la helay in ay weli jirto howl xasaasi ah.

waxyar kadib markii uu fashilmay inqilaabka, waxaa dalka Turkiga la geliyay xaalad deg-deg ah si loo helo salka wixii ka dhacay si looga hortago weeraro mustaqbalka lagu soo qaado dimuqraadiyadda Turkiga.

Malaayiin Turkiyiin ah ayaa u istaagay si ay usameeyaan taariikhda iyagoo kor usoo qaaday noloshooda si loo badbaadiyo guud ahaan qaranka Turkiga.

Maxaa yeelay Shacabka Turkiga waxa ay ogaayeen in hogaamiyahoodu uu yahay Rajab Dayyib Erdogan taasi oo sahashay markii ay maqleen waxa ay isa soo tubeen waddooyinka si ay u fashiliyaan inqilaabka.

Markii ay ka war heleen in la inqilaab dhacay, waxa ay isa soo tubeen waddooyinka iyagoo ka hortagay si ay dalkooda u badbaadiyaan.

Muwaadiniinta ka soo kala jeeda jinsiyado kala duwan xagga dhaqamada iyo siyaasadaha, ayaa si wadajir ah uga hortagay si ay u wajahaan ciidamada sameeynayay inqilaabka.

labo sano oo haatan kasoo wareegatay markii inqilaabka la fashiliyay ayaa  dowladda Turkiga waxa ay ka qaadi doontaa xaaladda deg-degga ah ee ay soo rogtay waxaana todobaadka soo socda la qaadi doonaa xaaladdii deg-degga (state of emergency) sida uu balanqaaday madaxweyne Rajjab Dayyib Erdoğan 24-kii bisha June oo ku beegnayd maalintii isaga dib loo doortay isagoo helay 52.6% codadka doorashada.

Haddii Iskudayga inqilaabka 15-ka July uu ka dhacay dal leh hay’ado tabar daran ayna ka jirto dhaqan dimuqraadiyadeed oo aad u yar, waxaa si dhaqso leh u burburi lahaa dhaqaalaha, iyadoo uu meesha ka bixi lahaa guud ahaan hanaanka siyaasadda iyadoo sidoo kale ay soo wejihi lahayd nabadgelyada ay maanta haystaan shacabka Turkiga.

Marka arrimahaasi ayaa ah kuwa u baahan in si taxadar leh isha loogu hayo, gaar ahaan weeraradii lagu qaaday dimuqraadiyadda Turkiga iyo maanta sida ay xaaladdu tahay, waxaana guusha Turkiga aas aas u ah dulqaadka iyo biseeylka ay muujiyeen si ay uga gudbaan dhibaatooyinkii loo maleegay.

Dalka Turkiga oo kamid ah Nato ayaa ah dalka keliya oo si isku mar ah ula dagaalama saddex kooxo oo kuwa argagaxisada lala xiriiriyo kamid ah, waxa ay dharbaaxo xoogleh ku dhufatay PKK iyadoo guullo kasoo hoysay weerarkii xagga dhulka ahaa oo ay ku qaaday saldhigyada Daacish ee gudaha Suuriya.

Majirin weerar argagaxiso oo ka dhacay Turkiga wixii ka dambeeyay bishii Diseember ee sanadkii 2016-dii iyadoo dhaqaalaha Turkiga uu noqday kan ugu koboc ballaaran ee dunida sanadkii 2017-dii waxaa kordhay boqolaalo kun oo shaqooyin cusub ah.

Afti ayaa loo qaaday Dastuurka wadanka Turkiga iyadoo doorashooyinka baarlamaaniga iyo kuwa madaxweynenimada ay si nabadgelyo leh uga dhaceen dalka Turkiga.

Waa maalin lagu farxo oo ay faca dambe mustaqbalka Turkiga xasuusan doonan taariikhdan.

Turkiga waxa uu awood uleeyahay inuu ka adkaado naxdintii inqilaabkii 15-ka July, 2016-kii oo ku beegab maanta. waxaana taasi loogu mahadcelinayaa xukunka adag ee hogaaminta hufan ee madaxweynaha shacabka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, iyo ballanta adag ee uu uqaaday shacabka Turkiga ee ah inuu ku hogaaminayo dhinaca dimuqraadiyadda islamarkaana uu dhisayo hay’ado leh awood adag oo hufnaan iyo howlkarnimo intaba howlahooda ay ku dheehan tahay.

W/D. SNTV/Muxamednur Mucalim Muxamed (Johannesburg)

 

Guddoomiyaha degmada Xudur oo kormeeray Mashaariic ka socda degmadaasi

Xudur(SNTV);– Kormeerkaan oo uu horkacayo Guddoomiyaha Degmada Xuddur ayaa goobaha ay booqdeen waxa ka mid ah laba xarumood oo loogu talagaley in adeeg caafimaad loogu bixiyo Hooyaha iyo Dhalaanka, Ceel biyood cusub oo laga lqodayo dhuul ay bixiyeen maamulka degmada iyo dugsigii sare ee Gobolka Bakool oo dayactir lagu sameynayo, kaa oo dayactir aan helin tan iyo burburkii Dowladii Dhexe.

Guddoomiyaha Degmada Xuddur Maxamed Mocallim ayaa intii uu kormeerka ku jirey waxa uu xog-wareysi la yeeshey holwadeenada Mashaariicdan fulinaya.

Guddoomiyaha ayaa markii uu kormeerkiisa soo gabagabeeyey waxa uu lahadlay warbaahinta, wuxuna u mahadceliyey dhammaan Hay’adaha mashaariicda ka fuliyana gudaha degmada xuddur, Guddoomiye Maxamed Mocallim ayaasheegay in maamulkiisa si shuruud la’aan ah ula shaqeynayo hay’adaha samafalka, wuxuuna intaasi ku darey in ay balan qaadayaan ammaanka cid walbo oo deegaankaan horumarkiisa wax ka qabanayso.

Tan iyo bilowgii sanada 2018 ka magaalada xuddur waxa ay ku tilaabsanaysaa mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey iyo kuwa haatanba ka socda waxana gundhig u ah amaanka magaalada oo ah mid la isku haleynkaro, waxana haatan degmada dib ugu bilaabanayaa magaalada dhalinyaro oo maalgashi sameyneyso.

Wasiirka Amniga XFS oo Muqdisho ka furay shirka dardar gelinta Howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

0

Muqdisho(SNTV);- Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka saddex billaha ee isku xirka howlaha Xafiisyada Hay’adda ee Laamaha Gobollada,safaaradaha iyo xarunta dhexe.

Shirkan ayaa waxaa lagu marti qaaday Hay’addaha kale ee Dowladda sida Taliska Booliska, Maamulka Gobolka Banaadir, Mareeyaha Garoonka Adan Cadde, Ururada Bulshada iyo Dhalinyarada.

Muhiimada shirka ayaa ahaa isku xirka howlaha ka socda xafiisyada Hay’adda iyo sidoo kale hagaajinta wada shaqeynta kala dhaxeysa hay’adaha kale ee Dowladda.

Wasiirka amniga ayaa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ku ammaanay shaqada wanaagsan oo ay bulshada u hayaan, islamarkaana kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan, sido kale waxa uu sheegay wasiirka in dhawaan Golaha Wasiirada la horgeyn doono Sharciga Socdaalka Dalka oo ay hadda ku howlan tahay diyaarintiisa Hay’adda Socdaalka.

Shirka ayaa warbixino looga dhageystay wixii u qabsoonmay saddaxdii bilood ee la soo dhaafay agaasimayaasha waaxyaha Hay’adda iyo Agaasimayaasha laamaha ay hay’addu ku leedahay Dowlad Gobolleedyada dalka.

Maxkamadda Maamul Gobolleedka Galmudug oo ridday xukunno kala gedisan

0

Muqdisho (SNTV) Maxkamada Gobalka Mudug ee dowlad Goballeedka Galmudug ayaa ku ridday xukun isagu jira xabsi iyo ganaax labo nin kuwaasoo ay ciidamada ammaanka ee Maamul Gobolleedka Galmudug gacanta kusoo dhigeen xilli sida la sheegay ay eedeeysanayaashu faraha kula jireen falal la xiriira amni darro.

Eedeeysaneyaasha gacanta lagu soo dhigay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Mahdi Cabdi Xuseen iyo Cali Maxamed Cali kuwaasi oo eedaha iyo xukunnada lagu ridday uu maxkamadda horteeda ka akhriyay Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Gobalka G/dhexe Maxamuud Cilmi Gulaafe.

Ciidamada ammaanka ee Galmudug ayaa illaanayay si ay uga hortagaan falalka la xiriira amni darrada si loo illaaliyo amniga iyo xasiloonida sida ay sheegeen saraakiisha amniga ee maamul Gobolleedka Galmudug.

Bilowgii sanadkani ayay ahayd markii heshiis ku aadan illaalinta amniga iyo nabadgelyada guud ahaan Gobolka ay wada gaareen ciidamada maamul Gobolleedka Galmudug iyo Puntland sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada booliiska ee Galmudug.

Xulunka Maxakamadda ayaa kusoo beegmay iyadoo guud ahaan gobalka Mudug ay ka socdaan howl galo lagu sugayo amniga iyo nabadgelyada si looga hortago falal ammaan darada ah kuwaasi oo carqaladeeyn kara heshiiskii horaantii sanadkan ay magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug ku wada saxiixdeen Madaxda Dowlad Gobaleedyada Galmudug iyo Puntland.

Taliska Qaybta 43-aad ee xoogga dalka oo dardargalinaya hawlgalada ciidamada ee ka dhanka ah Nabad diidka Al-shabaab.

0

Muqdisho (SNTV) Ulajeedada laga leeyahay isbedelka hogaanka cusub ee qeybta 43 Aad ee ciidanka xooga dalka ayaa ah in la dardargeliyo sidii Kooxaha Argagaxisa looga xoreyn lahaa Guud ahaan Dalka islamarkaan lagu tayeyn lahaan Ciidamada Qalabka sida ee soomaaliyeed.

Taliyaha Cusub ee Qeybta 43 Aad ee ciidanka Xooga dalka ayaa socdaal kormeer ku tagay Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo waxaana uu goobtaasi kula hadlay Cutubyo ka tirsan guutooyinka 10-Aad iyo ururka 50-Aad ee ciidanka Xooga dalka kuwaas oo heegan ugu jira sida ay maleeshiyada Al-shabaab uga sifeyn lahaayeen guud ahaan Gobolka Gedo

Taliyaha Guutada 10 Aad ee ciidanka xoogaa dalka General Maxamed Cali Cadoow oo warbixin kooban ka siiyay taliyaha ciidamada ayaa u sheegay in la dagaalanka kooxda Argagaxisada Alshabaab ay heegan ugu jiraan.

“Ciidmadan waa guutada 10 Aad iyo Ururka 50 Aad ee ciidanka Xooga Dalka  waxay ay u taagan yihiin ilaalinta Dadka iyo Dalka astaantooduna waa Qaranka Soomaaliyeed  daruuf walbo iyago ku shaqeynaayo ayay diyaar u yihiin la dagaalanka Kooxda Xagjiriinta Al-shabaab”. Ayuu yiri Janaraal Caddow.

Sareeye Guuto Cali Maxamed Maxamuud Bogmadoow ayaa tagay furmaha ciidanka heeganka ku jiray isagoo ukuur galayay xaaladaha ay ku sugan yihiin, waxaana uu sheegay in Dowlada Soomaaliya ay ka go’antahay ka warqabka daryeelka Ciidanka qaranka.

Cali Maxamed Maxamuud ayaa kula dar daarmay ciidamada in ay ka shaqeeyaan Soomaalinimada islamarkaana ay ka hortagaan falalka ay kooxda arxanka daran nabad diidka caadeeystay daadinta dhiiga umma Soomaaliyeed.

“Waxaan idinkula dar daarmayaa in aad ka fogaataan qabyaaladda islamarakaana aad u diyaar garoowdaan si feeynta cadowga Soomaaliyeed oo ku dhuumaaleysanaya meelaha ay kaga Suganyihiin Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo”.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaalo ku aadan dhismaha ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliyeed si ay ula wareegaan marka uu dhammaado ‘Mandate-ka’ waqtiga joogitaanka ciidamada nabad illaalinta Midowga Africa ee Amisson.

Falalka Argagixisadu ma hor istaagi doonaan dadaalka dowladda ee horumarinta dalka.

 Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay si xoog leh u cambaaraynaysaa weerarkii ay shalay soo qaadday kooxda argagixisada ee al-Shabab.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daahir Maxamuud Geelle, ayaa sheegay in al-Shabaab ay guul darro xoog leh kala kulantay weerarkii argagixisnimada si la mid ah kii ay ku qaadeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Wasiirka, ayaa sheegay in weerarada al-Shabab ee Nafla-caariga ah, aysan sii jiri doonin, maadaama ay waddo khaldan, oo ka fog bini’aadaminimada iyo diinta Islaamka ay ku socdaan.

“Ciidamada Amiga Qaranka, waxay ku ammaanan yihiin sidii ay uga hortageen weerarka, oo ka koobnaa mid toos ah iyo laba qarax. Ciidamadu waxay ku guuleysteen in ay hor istaagaan arxan-laawayaasha dhiigga shacabka caadaystay ee al-Shabaab in ay gaaraan goobta ay qaraxa la damacsanaayeen. Kadib markii rasaas ay huwiyeen, ayaa mid ka mid ah 2 gaari oo qarax laga soo buuxiyay wuxuu ku qarxay meel u dhow taaladda SYL, waxaa sidoo kale ay ciidamadu Isla goobta ku dileen dhowr ka mid ah maleeshiyada al-Shabaab ee la marin-habaabiyay.” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirku, wuxuu xusay in dowladda Soomaaliya ay xil weyn iska saarayso daaweynta dadka rayidka ah iyo ciidamada ku dhaawacmay, iyadoo uu tacsi u diray dhamaan intii ku geeriyootay.

Wasiirka, ayaa sheegay in aan loo hakan doonin weerarada Islaamnimada ka baxsan ee kooxdan caadeysatay in ay ku qaadaan shacabka Soomaaliyeed, iyadoo ujeedkoodu yahay in nabadda iyo xasiloonida dalka ka jirta ay qalqal-galiyaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay horey ugu tallaabsatay guulo ay ka soo hoysay kooxda argagixisad,a oo laga saaray goobo badan oo ay xoog ku lahaayeen, Isla markaana loo wiiqday awoodda kooxdan, taasoo keentay in weerarada noocan ah ee maatida lagu beegsado iyo kuwa gaadmada ah ay doorbidaan. “waqti yar ayaa u dhiman kooxdan” ayuu yiri Mudane Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Turkiga oo cambaareyay weearkii argagixiso ee ka dhacay Muqdisho.

Ankara (SNTV)- Madaxda Turkiga ayaa  cambaareeyay weerarkii argaixiso ee maalinimadii shalay kooxo hubeysan oo naftood halligayaal ah ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

War saxafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Turkiga,ayaa lagu sheegay in dowladda dalkaasi ay si xoogan u cambaareyneyso falalkii argagixiso ee ka dhacay caasimadda  Muqdisho,kaas oo ay ku dhinteen dhowr qof.

Warsaxaafadeedkaan,ayaa lagu muujiyay in dowaladda Turkiga ay sii wadi doonto taageerada iyo dadaalka walaaltinimo ee ay la garab-taagan yihiin dadka Soomaaliyeed tan iyo inta xukuumadda Federaalka  ay ka so celineyso nidaamka iyo kala dambeynta.

Ciidamada dowladda ayaa fashiliyay Weerarkii argagixiso ee ay soo maleegeen kooxaha nabad-diidka ah.waxaana  ku dhintay dhagarqabayaashii soo abaabulay falkaasi,halka la tilmaamay in uu jiro dhaawac fudud oo soo gaaay dad rayid ah.