Home Blog Page 1190

Ciidamada amniga oo gacanta ku dhigay dhagar-qabe ka tirsan Al-Shabaab

0

Muqdisho (SNTV);- Ciidamada Amniga ayaa gacanta ku dhigay dhagar-qabe ka tirsanaa Maleeshiyada Al-Shabaab, kaasi oo ku dhuumaaleysanayay nawaaxiga Degmada Afgooye.

Qoraalka kooban oo lagu daabacay Barta Twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen shaqsi ka tirsan Al-Shabaab oo maleeshiyada u qaabilsanaa dhanka sahanka ah, kaasi oo doonayay in uu bixiyo xogaha ciidamada.

“Maanta ciidanka amniga ayaa kasoo qabtay nawaaxiga Afgooye, shakhsi sahan u ahaa AS, tabinayayna xogaha dhaq dhaqaaqa ciidanka si ay wadada ugu galaan. Howlgalkan cidi wax kuma noqon. Qabashadan waxay qayb ka tahay nabad kusoo dabaalida caasimadda,” ayaa lagu yiri warka NISA.

Ciidamada amniga ayaa dardar gelinaya howlaha sugida amniga iyo waliba dabinada loo dhigayo dhaqar-qabayaasha maleeshiyada Al-Shabaab ee doonaya iney bulshada dhibaateeyaan.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada XFS oo la kulmay Saraakiil ka tirsan AMISOM

0

Muqdisho (SNTV):- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Cukuumadda Federaalka Soomaaliya Feysal Cumar Guuleed  ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska AMISOM, iyo xubno ka tirsan Maamulka gobolka Banaadir.

Saraakiisha uu la kulmay wasiir ku xigeenka Waxbarashada Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah  Johnson oo ka tirsan Booliska AMISOM iyo Yoonis Nuur oo ka socda gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa looga hadlay  siddii wada jir la iskaga kaashan lahaa  wacyi gelin loo sameeyo ardeyda wax ka barta iskuullada gobolka Banaadir islamarkana laga wacyi geliyo fikirka xagjirka ee dhaliya rabshadaha.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Feysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in xubnahan ka socday saraakiisha booliska AMISOM iyo gobolka Banaadir isku afgarteen qodobada ay ka wada hadleen.

“Maanta waxaan xafiiskeyga ku qaabilay saraakiil ka tirsan booliska AMISOM oo uu ka mid yahay Johnson iyo Yoonsi Nuur oo ka socday maamulka gobolka Banaadir, arrimaha aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ah sidii iskaashi looga sameyn lahaa  sidii wacyi gelin loogu sameyn lahaa ardeyda taasoo ku saabsan in laga wacyi geliyo fikirka xagjirka ee ka dhalata rabshadaha, waana isku afgaranay,”ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Xukuuumadda Soomaaliya.

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta siddii loo horumarin lahaa Waxbarashada dalka iyadoo Wasiirka Waxbarashada Cabdulahi Goodax Barre uu maalintii shalay ku dhawaaqay in la dhisi doono guddiga tacliinta sare ee dalka, si dib u habeyn loogu sameeyo waxbarashada jaamacadaha dalka, loona ogaado tayadooda.

Ra’iisul wasaare Khayre oo kormeeray Wasaaradda Maaliyadda iyo Dekadda Muqdisho

0

Muqdisho(SNTV);– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Wasaaradda Maaliyada iyo dekadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa xarunta Wasaaradda Maaliyadda kulan kula yeeshay Wasiiru Dawlaha Wasaarada ahna ku-simaha Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, Maxamuud Xayir Ibraahim, oo uga warbixiyay horumaradii ugu dambeeyay ee laga gaaray dakhli uruurinta iyo dardar-gelinta hawlaha dib-u-habaynta dhaqaalaha.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo sidoo kale booqday qaybaha iyo xafiisyada kala duwan ee dekadda Muqdisho ayaa kulamo la qaatay Maamulka sare ee dekadda iyo taliska booliiska oo uu kala hadlay xoojinta dagaalka ka dhanka ah musuq-maasuqa.

Kormeerka ayaa qeyb ka ah hannaanka kor-joogtaynta ee Ra’iisul wasaaruhu kula socdo shaqooyinka Wasiirradda Xukuumadda iyo hey’adaha kale ee Dawladda, isla xisaabtanka joogtada ah iyo daah-furnaanta.

 

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta oo furay Shirka Xirfadleyda Teknoojiyada

0

 Muqdisho (SNTV);- Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Md Cabdi Sheekh Axmed, ayaa si rasmi ah u furay shirka xirfadleyda teknolojiyada ee Soomaaliya Network Operators Group (SomNOG), kaas oo isku keenay khubarada internetka, shirkadaha ka ganacsada internetka, bahda waxbarashada iyo dadka daneeya arrimaha internetka Soomaaliya.

Shirkan oo hal-hayskiisu yahay “Sida internetku u xoojiyo dhaqaalaha dalka,” ayaa imanaya maalin kadib markii SomNOG ay soo xirtay aqoon-isweydaarsi socday afar maalmood oo loo qabtay xirfadleyda internetka ee dalka, waxaana shirkan looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin sida loo dhisi karo Xarunta Isku-xirka Internetka (IXP), Hirgelinta IPV6, sida ay shirkaduhu u wadaagi karaan qalabka isgaarsiinta, iyo shuruucda internetka iyo maamulkiisa.

Guddoomiyaha SomNOG, Eng. Axmed Siyaad, ayaa sheegay in shirkan uu yahay madal sanadle ah oo la qabto xilligan oo kale, waxay ka kooban tahay siminaarro, shirar iyo kulamo ay isku bartaan bahda internetka Soomaaliya. Shirkan oo ah kii saddexaad ee la qabto, waxaa ka qeybgalaya illaa 150 xirfadley iyo aqoonyahan ka shaqeeyaha arrimaha isgaarsiinta iyo teknoolojitada.

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa sheegay in hay’addu ay taageereyso hawlaha SomNOG maadaama ay ka shaqeynayaan horumarinta aqoonta xirfadleyda maadaama isgaarsiinta iyo teknoolojiyada aan horumar laga gaari Karin haddii aan la dhisin aqoonta xirfadleyda.

“Warbixintii uu sanadkan soo saaray Ururka Caalamiga ee Isgaarsiinta (ITU), Soomaaliya waxay ka mid tahay 5ta dal ee ugu liita caalamka dhinaca helitaanka internetka. Waxaa nalaga doonayaa inaan ka wada shaqeyno sidii arrintaas aan wax uga qaban lahayn innaga oo wada jirna oo mudnaanteeda ay leedahayna siineyna,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.Maareeye Cabdi Sheekh.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo saxiixay Buugga diiwaangelinta Tacsida Madaxweynihii hore ee dalka Sudan

0

Muqdisho (SNTV) Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta saxiixay buugga diiwaangelinta Tacsida  Madaxweynihii hore ee dalkaasi General C/raahman Mahamed Hassaan (Siwar Al Dahab) kaasi oo ka furan safaarada sudan ee Muqdisho.

Madaxweynihii hore ee dalkaasi Marxuum C/raahman Mahamed Hassaan (Siwar Al Dahab) ayaa dhawaan ku geeriyooday Isbitaal Mileteri oo ku yaal magaalada Riyad ee Caasimaada Boqortooyada Sacudi Carabiya halkaasi lagu daweynayay, waxaana uu soo noqday madaxweynihii 5-aad ee soo mara dalkaasi Sudan sanadkii 1985 ilaa 1986.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa uga tacsiyay shacabka iyo dowladda Suudan geerida Madaxweynihii hore ee dalkaasi Marxuum C/raahman Mahamed Hassaan (Siwar Al Dahab)

Safiirka Safaaradda Sudan ee Somaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa gudoomiyaha ka gudoomay dhambaalka tacsida, waxaana safaaradu ay sheegtay in buugaasi Tacsida marxuumka uu furan yahay maalmaha sabtida ,Axada iyo Isniinta saacadda 11 ka Subaxnimo ilaa 4 ta Galabnimo oo ka bilaabmaysa manta oo Sabti ah,  waxaana buugga diwaangelinta Tacsida uu yaallo Xarunta safaarada ee Muqdisho.

Dowladda Sudan ayaa  saaxiib dhaw la ah Soomaaliya, iyadoo ka taageerto dhinacyo badan oo ay ugu horeeyaan dhismaha ciidamada, waxayna sanad walba waxbarasho bilaash ah siisaa boqolaal arday Soomaaliyeed ah.

Dib u dhis lagu sameynayo Masjidka Taariikhiga ah ee Suuqa Afleershe

0

Muqdisho (SNTV):-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda  Awqafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir, guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cusamaan Yariisow iyo Safiirka Dowladda Qadar u fadhiya Soomaaliya ayaa maanta si wadajir ah u dhagax-dhigay Dib u dhis lagu sameynayo Masjidka Taariikhiga ah ee Suuqa Afleershe ee Degmada Boondheere.

Waxaa ka qeybgalay munaasabadda dhagax-dhigga xildhibaanno iyo madaxa Hay’adda Qatar Charity ee Soomaaliya oo hirgelinaysa mashruucan dib u dhiska masjidka.

Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow ) Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyay Hay’adda qadar Charaty oo maalgelinaysa dib u dhiska masjidkan waxuuna  shacabka ugu baaqey in ay baneeyeen dhulkaasi.

“Waxaa sharaf inoo ah in maant aaan halkan ka dhagax dhigno Masjidkii Suuqa Afleershe oo loo dhisi doono sida masaajidda casriga ah ee ka dhisan Khaliijka oo kale,marka waxaan u mahadcelinayaa Hay’adda Qadar charity,waa waxyaabo kheyr badan in la dhiso masjid,runtii Kaalmada ay inoo fidinayaan Qadar charity,anagana waxaa nalaka rabaa in aan ka qeyb qaadano dib u dhiskiisa,waana qeyb kamid ah bilic soo celinta”. Ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.

Wasiiru dowlaha Owqaafta iyo arrimaha Diinta XFS C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir ayaa sheegay in Wasaaraddu ay xil gar ah iska saari doonto la socodka arrimaha la xiriira goobaha cibaadada si loo xoojiyo fidinta diinta Islaamka.

“Waxaan u mahadnaqayaa cidkasta oo ka qeyb qaadanaysa dhismaha Masjidkan Hay’adda Qadar,iyo shacabka dhamaan iyo maamulka gobolka oo fududeynaya,waxaa ay ila tahay in aan maant isugu nimid camal aad u wanaagsan,anaga waxaan si dhow ula soconaaa goobaha cibaadada in dhulalkooda si shaqsi ahaan loo qaadanayo,marka arrimahaasi waa in la joojiyaa,wasaaradduna waxaa ay wadaa sidii dhulalkii masaajidda loo soo celin lahaa”. Ayuu yiri Wasiiru Dowlaha

Masjidkan kuyaala Suuqa Afleershe Xaafadda Daljir degmada Boondheere ayaa la dhisay sanadka markuu ahaa 1932,iyadoo uu kamid yahay xarumaha danta guud oo sanadihii ugu dambeeyey burbursanaa.

Taliska Ciidanka Xoogga ee gobolka Hiiraan oo sheegay iney sii socon doonaan Howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab

0

Baladweyne (SNTV) Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Guutada 5-aad ee gobolka Hiiraan Korneyl Faarax Cali Waasuge oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa waxaa uu ka hadlay Howlgalada Ciidamada Dowlada ugu xuraynayaan haraadiga Maleeshiyada Shabaab ee ku sugan gobolka Hiiraan.

Korneyl Faarax Cali Waasuge waxaa uu sheegay in ay ka qabsadeen Deeegaanno badan Argagixisada oo hadana ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowlada, islamarkaana uu sii socon doono  Howlgalka lagu furayo wadooyinka.

“Howlaglka wali ma dhamaan wuu socdaa cadawgana meel walba waan ka saareynaa ilaa iyo inta lagu guuleysanyo cadawga Alshabaab”ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha Ciidamada  Guutada 5-aad ee gobolka Hiiraan Korneyl Faarax Cali Waasuge ayaa sheegay in dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada looga baahanyahay iney la shaqeeyaan ciidanka si looga guuleysto Cadowga.

Hadalka Taliyaha Ciidamada  Guutada 5-aad ee gobolka Hiiraan Korneyl Faarax Cali Waasuge ayaa waxaa uu imaanayaa xili bulshada ay si aad ah usoo dhaweeyeen guulihii ciidamada ay kasoo hooyeen Howlgalada iyo dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Bartamaha gobolka Hiiraan.

Ciidanka Booliska ee Degmada Xudur oo Sameeeyey Howlgalo lagu baacsanaayo Maleeshiyaadka Al-shabaab

Muqdisho (SNTV)- Ciidanka Booliska ee ka howlgala Degmadda Xudur ee Gobolka Bakool ayaaa deegaano hoostaga Degmadaas waxaa ay kasameeyeen Howlgalo ay ku baacsanayeen Maleeshiyaadka Al Shabaab kuwaas oo dhibaato ku hayey dadka Shacabka ah.

Xuseen Maxamed Axmed Taliyaha Ciidanka Booliska ee Degmadda Xudur oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in meelaha ay tageen ay isaga sii careen Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

“Waxaan Tagnay Deegaano badan oo hoos yimaada Degmadda Xudur oo Maleeshiyaad Al Shabaab ka tirsan dadka Shacabka ah dhibaatooyin aad u badan ku hayeen waxaana u xusay in ay deegaanaadaas ka xureeyeen Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska Degmadda Xudur ayaa waxaa kale oo uu sheegay inay Howlgalkooda sii wadi doonaan tan iyo inta Maleeshiyaadka Al Shabab ka saarayaan meelaha ay ku dhuumaleysanayaan.

Dhanka kale qeybo kamid ah Gobolka Bakool ayaa waxaa Ciidanka Malatariga ay kawadaan Howlgalo balaaran kuwaas oo ay ku baacsanayaal Maleeshiyaadka Kooxda Al Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Xalay kormeer ku sameeyay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho.

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khayre ayaa xalay kormeer ku sameeyay qaybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir si uu ugu kuur galo amniga caasimadda , isagoo waqtina la qaatay shacabkii halkaasi uu kula kumay xiligaas.

Goobaha ay isku yimadaan bulshada muqdisho ayuu Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaaliya kula kulmay qeybo ka mid ah shacabka kuwaa oo uu waydiinayey talooyinka iyo tabashoyinka ay qabaan ee ay doonayaan in ay dowladdu wax kala qabato, isagoo si cadi ah uga jawaabayey su’aalihii ay wadiinayen qaar Kamid ah dadkaasi.

Mudane Xasan Cali khaye ayaa suuqa Bakaaraha kula kulmay ciidanka boliska oo ku jiray xiligaas howlgallo ay ku xaqiijinayeen amaanka Caasimadda, waxa uuna ku boogaadiyey kulana dar daarmay in ay laban laabaan  wajibaadkooda ku aadan ilaalinta nafta iyo maalka Muwaadinka.

Kormeerkan xalay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya saacadaha Badan Ku bixiyay ayaa qeyb ka ah qorshaha lagu xoojinayo Amniga Caasimadda,isagoo horay sidan oo kale dhoor Mar Kormeeray qaar Kamid ah Degmooyinka Gobolka Bamaadir.

Rafcaanlayaal  go’aan ay ka gaartay Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Side

0

Muqdisho (SNTV)- Xasan Geedi Cabdulle iyo Maslax Maxamuud Cali ayaa si wada jir ah loogu soo eedeeyay in ay rasaas ay rideen ay   ku dhintee    dad rayid ah oo saarnaa gaari Hoomey ah oo marayayay waddada Bacaacow ee  degmada Afgo’e, halka Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow uu Beledweyn  uu ku dilay Marxuum Xasan Abshir Warsame todobada bishii labaad ee sanadkan.

Xasan Geedi Cabdulle iyo Maslax Maxamuud Cali  Labadii bishii kow iyo tobneed ee sanadkii tegay ayay Maxkamadda Darajada koowaad ku xukuntay in ay bixiyaan magta Laba boqol oo halaad iyo Qarashkii ku baxay dhibanayaal dhaawac uu  ka soo gaaray rasaasta ay fureen, halka  Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow lagu xukumay dil toogasha ah oo ah qisaastii Marxuum  Xasan Abshir Warsame  26-ka bishii sideedaad ee sanadkan ah.

Wixii xilligaas ka dambeeyay ayuu Yariisow isaga soo baxsaday halka uu dilka ka geystay ee aheyd degmada Beledweyn ee  xarunta gobalka Hiiraan, isagoo soo  gaaray  magaalada Muqdisho.

07/07/2018 ayuu isku dayay in u iska diiwaan  geliyo dugsiga tababarka Boliiska ee Jeneraal Kaahiye xilligaasi uu ku dadaalayay badalka magiciisa iyo ku biiristiisa balse ciidamada boliiska oo haayay xogta Yariisow ayaa gacanta ku soo dhigay iyagoo ku wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan  qeybta 27-aad  ee ka howlgasha deeganada maamulka Hirshabelle.

10k- bishii tobanaad ee sanadkan ayay Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Side  muddeysay waqtiga dacwad qaadista labada Kiis, waxaana sedax  cisha kadib loo ballamay in loo fariista Maxkamadeynta Sedaxda  eedeysane ee rafcaan ka soo qaatay Xukunkii Maxkamadda Darajada Koowaad.

Dood dheer oo u dhaxeysay dhinacyada Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side iyo Qareenada difaacayay eedeysanayaasha oo qaadatay Subaxnimadii Sabtida ilaa Duhuradii ayay dhageysatay Maxkamadda Sare ee Ciidamada 13/10/2018, waxa ayna dhinac kasta u bandhigeen Garsoorayaasha hadba qodobada ay cuskanayaan difaacca iyo eedeynta eedeysanayaasha.

Xeer Ilaalinta ayaa si wada jir ah labada kiis ugu dooday in ay ahaayeen kuwa ku tala gal ah, waxa ayna Maxkamadda weydiisteen in dil toogasha lagu xukumo sida uu ka sheegay fadhiga Maxkamadda Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenKa Xeer ilaaliyaha  Ciidamada Qalabka Side.

Qareenada u dooday  eedeysanayaasha ayaa iyagana ku dooday in Xasan Geedi Cabdulle iyo Maslax Maxamuud Cali ay ku guda jireen  howlo shaqo oo amni xaqiijin ah, waxa ay weydiisteen garsoorka in loo naxariisto  halka Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo isaga qirtay dambigiisa loo fududeeyo xukunka oo  dhammaan eedeysanayaasha si wada jir ah looga qaado diyo.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn  go’aan ku gaaray in Xasan Geedi Cabdulle iyo Maslax Maxamuud Cali lagu  raaco  xukunkii Maxkamadda Darajada koowaad ee ahaa bixinta laba boqol ee halaad ee labada Marxuum  iyo  qarashka ku baxay sedax dhibane ee uu dhaawaca soo  gaaray, waxa ay sidoo kale Maxkamadda ku xukuntay dil toogasha ah Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo ah qisaaasta Marxuum Xasan Abshir Warsame, Sida uu  u sheegay dhammaan dhinacyada ka qeyb  galayay fadhiga dacwadda Sareeye guuto Liibaan Cali Yarow guddoomiyaha Maxkamadda Saree ee Ciidamada Qalabka Side.