Eriterea oo Safaaradeedii Dib Uga furatay Adis ababa “Sawirro”

Date:

Muqdishu (SNTV) Dowlada Ereterea ayaa dib uga furatay Safaaradeedi Magaalada  Adiss Ababa ee Dalka Ethiopia Maanta oo isniin ah, Arintaasoo Kadambeysay Wadahadalo iyo heshiisyo Dhawaan labada dhinac ay wada gaareen.

Munaasabad Kooban oo ka dhacday Xarunta Safaarada Eriterea  ee Magaalada Adiss Ababa, ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiya Axmed, iyo Madaxweynaha Dalka Eriterea Isais Afwerki iyagoo si wadajir u furay Safaaradda.

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia ayaa la arkayay isagoo furaha safaarada ku wareejinaya Madaxweyne Isais Afwerki.

Hoggaamiyeyaashu waxay si wadajir ah uwada saareen  calanka Eritrea gudaha safaarada iyada oo koox askar ah ay ku ciyaareen heesta calanka ee  Eritrea, Kadibna mas’uuliyiinta ayaa waxay kusoo wareegeen dhismaha ay kutaallo Safaarada.

Maalintii Shalay waxay hogaamiyaasha ka qeybgaleen Munaasabad loogu dabaaldagayey Nabada labada  Dal, taasoo Kummaan kun oo qof ay ugu dabaal dageen caasimada Ethiopia Ee Adiss Ababa.

Hadallo kooban oo ay mas’uuliyiinta ka jeediyeen munaasabada ayaa waxa ay ku sheegeen in uu dhammaaday Naceybki iyo faquuqii loona baahanyahay in wixii hore la iska cafiyo, lana furo bog cusub.

Dib u furashada safaarada Eriterea ee Magaalada Adiss Ababa ayaa timid kadib wadahadalo iyo heshiisyo iskaashi oo  dhowaan ay  wada gaareen  labada hogaamiye, taasoo keeni karta isfaham iyo is-dhaxgal soona Afjareysa Colaaddii dhowr iyo labaatan sanno udhaxeysay labada dhinac.

kummaan kun oo qof ayaa inta la ogyahay kudhintay dagaal xagga soohdinta ah oo socday sanado badan kaasi oo ka bilowday lahaanshaha magaalada Badama oo ay haatan Ethiopia u aqoonsatay in ay leedahahay Eritrea.

Heshiiska labada dal ayaa waxaa ka faa’idi doona guud ahaan gobolka oo ay Soomaaliya kamid tahay.

Eritrea ayaa taageero siin jirtay kooxaha nabad diidka halka Ethiopia ay qayb ka ahayd taageerada dowladda Soomaaliya.

SNTV/Aamina Ladan Axmed Cali

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...