Eritrea oo dib u furatay Safaaraddeedii ay ku lahayd Addis ababa

Date:

Madaxweynaha Dalka Eritrea Isaias Afeworki ayaa shalay  xarigga ka jaray Safaaraddii uu Dalkiisu ku lahaa Addis Ababa ka dib booqasho Saddex Cisho ah oo uu halkaasi ku tagey Ethiopia.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay heshiis Taariikhi ah oo ay dhowaan Asmara ku kala saxiixdeen Labada hoggaamiye, iyagoo halkaasi kusoo afjaray colaaddii Labaatankii Sano ee ugu dambeeyay dhex tiillay Eritrea iyo Ethiopia.

Eritrea ayaa ka go’day Ethiopia 1993, wuxuuna Labada Dowladood Dagaallo lagu riiqmay ku dhexmaray xadka 1998 – 2000 , kaasoo galaaftay nolosha in ka badan 70,000, waxana soo gabagabeeyay colaaddii Labada dhinac booqashadii uu 9-kii Bishan Asmara ku tagey Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaaraha XFS oo daahfuray xarun cusub oo qaabilsan ka hortagga weerarada internetka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA ARUSHA EE DALKA TANZANIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...