Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya oo furay fadhigga 1-aad ee shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee Brussels

Date:

Brussels(SNTV) :–Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Maxamed Guuleed ayaa guddoomiyey fadhiga 1aad ee furitaanka Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo maanta ka furmay magaalada Brussels.

Qeybta 1aad ee fadhigan ayaa lagaga hadlay “Siyaasadda loo dhan yahay ee dalka” oo ku saabsan doorashooyinka dalka, dib-u-habeynta ciidanka, la dagaallanka argagixisada, qeybsashada kheyraadka dabiiciga ah iyo hannaanka mideynta cashuuraha waddanka.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo masuuliyiinta heer Federaal ayaa ka dooday muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado qorsheyaasha lagu xaqiijinayo hiigsiga Soomaaliya ee sanadka 2020-ka, gaar ahaan qabyo-tirka dastuurka, dhammeystirka hannaanka Fadaraaleynta iyo qiimeynta qorshe-hawleedka doorashooyinka sanadka 2020-ka.

Qeybaha kale ee fadhiyada kale ayaa lagaga hadli doonaa amniga guud ee Soomaaliya, bixitaanka AMISOM iyo sidii ciidamada Soomaaliyeed ay ugala wareegi lahaayeen ammaanka dalka, arrimaha bini’aadantinnimada iyo gargaarka, dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo soo kabashada ilaa haatan Dowladda Soomaaliya ay ka gaartay dhanka dhaqaalaha iyo sidii loo sii joogtayn lahaa.

Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Puntland; Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Jubbaland; Mudane Axmed Maxamed Islaan, Koonfur Galbeed; Mudane Shariif Xasan Sheekh Axmed, Galmudug; Mudane Axmed Ducaale Geelle, Hirshabeelle; Mudane Maxamed Cabdi Waare, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Lataliyaha Madaxweynaha ee dhanka Amniga, khubaro iyo ganacsto Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa shirka qeyb ka ahaa madax ka tirsan Midowga Yurub, Midowga Afrika, Beesha Caalamka iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Sweden.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Shiinaha oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Daah-furay Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali...

Shirka Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya oo goordhow furmay

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Madasha 3-aad ee...