Weerar lagu dilay dad rayid ah oo ka dhacay Waqooyiga dalka Mali

Date:

Ugu yaraan 12 qof oo rayid ah ayaa ku geeriyootay weerar ay qaaadeen kooxo hubeysan, kaasoo ka dhacay  waqooyi bari dalka Mali oo dhaca xadka dalka Nijer.

Warku wuxuu intaa ku darayaa  in bilooyin ka hor isla degaankaasi  lagu dilay  in ka badan 100 qof oo rayid u badnaa, waxaa kujiray dadkaas  qaar ka soo jeeday qabiilada Al-folani iyo Al-dhaawaariq,iyadoo  la sheegay in mandiqadan ay Saldhigyo ku leeyihiin kooxda Daacish iyo kooxda kale ee Al-dhawaari oo  taageerta Ciidanka Mali iyo xoogagga Faransiiska ee halkaa  jooga.

Sida laga warqabo dalka Faransiiska waxa uu faragelin ku sameeyay dalka Mali sanadkii 2013 kii, isagoo ka saaciday Ciidamada Dowlada sidii waqooyi dalkaasi looga saari lahaa dagaalyahannada  xiriirka la leh kooxda xaqjirka ah ee Daacish.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...