Gobolka Banaadir oo laga hirgeliyey Xafiiska Amniga heer Gobol

Date:

Muqdisho (SNTV) Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenkiisa ee Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa xarigga ka jaray xafiiska Amniga Gobolka Banaadir oo qeyb ka ah qorsheyaasha ku qotoma dhammeystirka qaab-dhismeedka Amniga Qaranka.

Guddoomiye Xuseen ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir oo fulinaya qodobbadii ka soo baxay Shirkii Amniga Qaranka Baydhabo ee 3-ilaa 5ta bisha Juun ay dhankooda hirgeliyeen xafiiskan oo kaalin mugleh ka qaadan doona is-dhex galka siyaasadaha la xiriira arrimaha amniga qaran ee heer gobol iyo heer Federaal.

“Xafiiskan waxa uu masuul ka yahay isku xirka iyo isku duwidda howlaha ciidamada iyo guud ahaan shaqooyinka lagu xaqiijinayo amniga Qaran oo qorshuhu yahay in istaraatiijiyadda mideysan ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, Dawladda Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay si joogta ah isu dhaafsadaan, ugana wada shaqeeyaan.”Ayuu yiri Guddoomiye Xuseen.

Sidoo kale, Kusimaha Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay Xubnaha Amniga Gobolka Banaadir in ay ka miro-dhaliyaan hiigsiyada ku aaddan xasilinta amniga gobolka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqeynta kala dhaxeysa bulshada.

“Shacabka Muqdisho iyo guud ahaan Gobolka Banaadir waxa ay laf-dhabar u yihiin qorshayaasha lagu sugayo amniga, sidaas darteed waxaan rajeynaynaa in xafiiskan uu kor u qaado wada shaqeynta ka dhaxaysa bulshada iyo laamaha ammaanka si looga hor tago dhagarta argagixisadu ay u maleegayaan dadka Soomaaliyeed.”

Furitaanka Xafiiska Amniga Gobolka Banaadir waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiita Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xasilinta Gobolka Banaadir (SAMA) iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...