Home Blog Page 1188

Lixkun oo Siiriyaan ah oo laga daabulayo magaalooyinka Faawa iyo Kefraaya maanta

0

Muqdisho (SNTV) Ugu yaraan  lixkun oo Siiriyaan ah oo horey ugu noolaa magaalooyinka Shiicada ee Faawa iyo Kefraaya ayaa loo masaafurin doonaa deegaanada ay dowladda gacanta ku hayso dowladda Siiriya.

Daraasiin basas ah ah ayaa arbacada maanta galay labo magaalo oo ay deganaayeen dad daacad u ah dowladda kuwaasi oo kuyaala gobolka waqooyi galbeed ee Idlib, halkaasi oo ay hareereeyeen jabhadda, arintani ayaa qayb ka ah heshiis lagu masafurinayo dadkan si loo geeyo deegaannada ay maamusho dowladda Siiriya, sida ay qortay wakaaladda wararka Siiriya ee SANA.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa qortay in warkan ay ka heleen taliyaha isbahaysiga ee gobolka oo taageera madaxweyne Bashar al-Assad. “maxaan ka yeelnaa dhulkeena iyo hantideena? Alla mgaaladii aan ku dhashay,” 42-sano jir ayaa laga soo xigtay hadalkan kaasi oo ay wakaaladdu magaciisa qarisay.

 

Japan iyo Midowga Yurub oo saxiixay Heshiis taariikhi ah oo saameeynaya suuqyo ay ku xiran yihiin 600 milyan oo qof. “Sawirro”

Muqdisho (SNTV) — Japan iyo Midowga Yurub oo saxiixay Heshiis taariikhi ah si loo ilaaliyo waxsoosaarka warshadaha iyo waxyaabaha la dhoofiyo ama lala soo dago.

Midowga Yurub iyo Japan ayaa wada saxiixay hesiis taariikhi ah kaasi oo lagu ciribtiri doono khidmadaha waxsoosaarka ee tariifadaha ay ganacsi ahaan ka raadiyaan labada dhinac.

Rajada lagu hanweyn yahay ee heshiiska lagu saxiixay gudaha magaalada Tokyo ayaa qayb ka ah tallaabooyinka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump si uu horey ugu socdo khidmadaha laga qaado walxaha ganacsiyada ka yimaada shirkadaha ganacsiga ee dalka Mareykanka. waxa kale oo uu heshiiskani dabooli doonaa kan saddexaad marka loo eego dhaqaalaha dunida iyo suuqyo ay ku tiirsan yihiin dad ka badan 600 oo qof.

“Midowga Yurub iyo Japan ayaa muujiyay go’aannadooda ku aadan in ay yihiin calan sidayaasha ganacsiga xorta ah ee caalamka,” Ra’iisulwasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa hadalkan ka jeediyay shirjir’aaid oo ay si wadajir ah uqabteen isaga iyo Donald Tusk oo ah madaxweynaha Golaha Midowga Yurub uuna ku wehlinayay madaxweynaha Guddiga Midowga reer  Yurub Jean-Claude Junker.

Tusk ayaa ku ammaanay heshiiskani “waa heshiiskii ugu weynaa ebed misana laba geesood ah.” wuxuu sheegay wadajirka waa mid keenaysa in la xoojiyo meelaha badan oo kala gedisan, sida Difaaca, Isbedelka  Cimilada iyo wax isweydaarsiga ka dhexeeya beni’aadanka, waxaana ay “fariin qayexan ay u tahay ilaalinta waxsoosaarka wax dhoofinta warshadaha iyo walxaha lala soo dago” Sidaasi waxaa sheegay Donald Tusk.

Hogaamiyeyaasha ma aysan soo hadal qaadin magaca Trump, balse waxyar ayay ka mal daheen si ay u qariyaan waxa kujira maskaxdooda — iyagoo iftiiminayay sida Midowga Yurub iyo Japan ay ugu dhowyihiin tallaabooyinka madaxweyne Trump.

Heshiiskani ayaa la gaaray sanadkii lasoo dhaafay. xafladda heshiiska ayaa dib loo dhigay iyadoo lagu wado in ay qabsoonto dhowaan maxaayeelay, Shinzo Abe ayaa ka baaqsaday safarka Brussels sababtana waxaa lagu macneeyay masiibadii ka dhacday deegaannada Koonfur galbeed ee Japan halkaasi oo daadad ka dhashay roobab mahiigaan ay ku dhinteen in ka badan 200 oo ruux.

Heshiiska ayaa la sheegay in ay dadka Japan ka macaashi doonaan in qiimo hoose laga siiyo badeecadaha ka yimaada Warshadaha Yurub sida Khamriga, Qansiirka, boorsooyinka gacanta iyo daawooyinka. halka ay Japan sidoo kale qiimo japan ku dhoofin doonto alaabta dayactirka matooradaha ee Japan, caleenta shaaha iyo Kalluunka kuwaasi oo sidoo kale qiimo jaban ay ku heli doonaan dalalka Midowga Yurub.

Waxaa la dhaafi doonaa 99% tariifada laga qaadi jiray badeecadaha Japan ee laga iibin jiray Midowga Yurub halka qiimo dhimis gaarsiisan in kusiman 94% khidmadda tariifada badeecadaha Yurub ee loo iibgeeyo dalka Japan la jari doono, iyadoo ay sare ukici doonto 99% boqolkiiba mustabalka.

Farqiga khidmadaha la dhaafayo ayaa waxaa kujira waxsoosaarka badeecadaha sida bariiska oo kamid ah waxyaabaha ay Japan si xooggan ugu baahantahay in ay u illaaliso siyaasad ahaan marka loo eego badeecadaha ay dalka dibadiisa kala soo degto.

Midowga Yurub ayaa sheegay in xoreeynta ganacsiga ay caawin doonto in ay kordhaan waxyaabaha Yurub dhoofiso sida badeecadaha ka samaeeysan kiimikada, dharka, waxyaabaha laysku qurxiyo kuwaasi oo loo iibgeeyo Japan. dadyowga Japan ayaa si raqiis ah kuheli doona macmacaanka laga sameeyo dheefta ama subagga xoolaha, shukulaatada iyo buskudka.

Heshiiska ay labada dhinac wada gaareen ayaa imaanaya xilli ay labada dhinac baahi weyn u qabaan ganacsiga xorta ah kaasi oo ay ka faa’iidi doonaan dad lagu qiyaasay lix malyan, waxaana uu imaanaya 8-sano kadib heshiiskan, iyadoo sanadkii 2013-kii ay dhinacyada uu khuseeyo heshiiskan ee dalalka kulaala qaaradda Yurub iyo wadanka Japan ay ka doodeen horumarinta ganacsiga iyo fududeeynta tariifada badeecadaha la dhoofiyo iyo kuwa lala soo dego.

W/D SNTV/Mux’ednur Mucalim Muxamed.

Madaxweyne Farmaajo “Waxaa naga go’an in aan beegsanno talada saxda ah, annaga oo shacab iyo dowladba wada soconna.”

0

Brussels, Belgium, Luuliyo 17, 2018; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeeyb qaatay guddoominta Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa sheegay in dadka Soomaaliyed ay maanta haystaan fursad taariikhi ah oo ku aaddan xoojinta iskaashiga iyo hor-u-socodka dalka, taas oo dhabaha u xaareysa in la gaaro himilooyinka shacabka.

Madaxweynaha ayaa xaqiijiyey in miraha Shirkii Iskaashiga Soomaaliya ee Muqdisho lagu qabtay Diseembar 2017-kii, ay ka mid ahayd qorsheyaasha lagu hormarinayo siyaasadda loo dhan yahay, kabashada dhaqaalaha, dib-u-habeynta laamaha amniga iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

“In la tixgeliyo oo la dhiirigeliyo rabitaanka Soomaaliya waxay na siinaysaa awood iyo kalsooni. Waxaan ogsoonnahay in aan si degdeg ah lagu xallin karin dhammaan caqabadaha ka jira Soomaaliya, laakiin qorsheyaal wax ku ool ah, shaqo hufan iyo qiimeyn joogto ah ayaa loo baahan yahay si loo gaaro natiijooyin la taaban karo. Waa in aan marnaba la oggolaan in la wiiqo geeddi-socodka, wadashaqeynta, xasilloonida, isla-xisaabtanka iyo horumarinta Soomaaliya.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale tilmaamay horumarka ay dowladdu ka samaysay kordhinta dakhliga oo qayb ka ah qorshaha deymaha lagaga cafinayo Soomaaliya, xoojinta amniga iyo diyaarinta hannaanka dimuqraadiyadda doorashooyinka 2020-ka.

“Dadaalladaas idilkood waxaa udub dhexaad u ah in dhammaanteen aan si buuxda kaalinteenna uga qaadanno dowlad-dhiska iyo hirgalinta ajendayaasha ina horyaalla, innaga oo dhanka kale xoojinayna wadashaqeynta aan la leennahay beesha caalamka iyo bah-wadaagta kale.”

Madaxweynaha oo bogaadiyey wadashaqeynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo Dowladda Goboleedyada dalka ayaa sheegay in siyaasadda guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aasaas u tahay wada-tashi iyo wax wada-qabsi.

“Madaama aan nahay dal ka soo kabanaya dagaallo sokeeye, waxaa naga go’an in aan beegsanno taladda saxda ah, innagoo shacab iyo dowladba wada soconna. Ma jiro, mana jiri doonto qof Soomaali ah oo laga tagayo ama laga xigsanayo gaarista horumarka aan higsanayno.”

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa guddoomiyey shirka ganacsatada, isagoona ka jeediyey khudbad uu ku boorriyey ganacsatada iyo maalgashadeyaasha in ay kaalintooda ka qaataan dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceedyo la qaatay wakiillo ka socda haweenka, Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Sweden Marwo Margot Wallström, Wasiirka Socdaalka dalka Canada, Mudane Axmed Xuseen iyo masuuliyiin kale.

Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee Brussels waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa goobjoog ku ahaa Madaxweyne Ku Xigeenka Midowga Yurub Federico Mogherini, Xoghayaha Qaramada Midoobay ee Arrimaha Siyaasadda Rosemary Diclo iyo Ergada Gaarka ah ee Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ururradda Bulshada Rayidka, Safiirro iyo Wakiillo ka socday qaar ka mid ah dalalka taageera Soomaaliya.

Hadal-jeedinta Madaxweynaha ee kulanka Wakiillada Ganacsatada Madasha Iskaashiga Soomaaliya

0

Waxaa farxad iyo sharaf weyn ii ah inaan maanta halkan ku suganahay aniga oo idin kala hadlaya dardargelinta maalgashiga ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya, si loo gaaro soo-kabasho dhaqaale, iyadoo loo marayo hannaan maalgelin oo casri ah.

Soo kabashada dhaqaale waa qodob mudnaan u leh dawladdayda oo ay aaminsan tahay in uu xoojinayo deganaanshaha, maalgashiga, shaqo-abuurka iyo soo celinta guud ahaan rajada shacabka.

Soomaaliya waxa ay abaal u haysaa dhammaan qaybaha caalamka ee nagala shaqeeya dhiirrigelinta horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, waxaanna caddaynaynaa, dawlad ahaan, in ganacsiga gaarka loo leeyahay uu yahay qayb muhiim u ah horumarka.

Ugu horreyntii, waxa aan garwaaqsanahay doorka muhiimka ah ee ganacsatada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin soo kabashada Soomaaliya. Waqtiyadii adkaa, ganacsato dhiirranaan leh ayaa maalgashaday adeegyada asaasiga ah, taas oo dadkayaga u suurtagalisey in ay caalamka ku xirnaadaan. Dadaalladaas haatan waxa ku soo biiray qorsheyaal ganacsi oo lagu ballaarinayo saaxadda dhaqaale, iyadoo lala imaanayo hal abuur iyo aragti cusub. Sidaas oo ay tahay, waxa weli loo baahan yahay in la maalgaashado kaabayaasha dhaqaale ee muhiimka ah, si loo kordhiyo wax-soosaarka iyo fursadaha dhaqaale.

Dawladdani waxa ay ganacsiga gaarka ah u aragtaa mid laf-dhabar u ah horumarka iyo dib-u-soo-kabashada dalka. Waxaa naga go’an inaan noqonno maamul u roon ganacsiga iyo ganacsatadaba, annaga oo abuurayna deegaan maalgashi oo habboon, si ganacsatadu, kuwii hore iyo kuwa danbeba, ay u guuleystaan.

Soomaalidu dabeecad ahaan waa dad ganacsi, dawladduna waxa ay u suurtagelinaysaa fursadaha ugu badan si loo gaaro guul bulsho iyo mid dhaqaale. Sidaasi darteed, dardargelinta maalgashiga ganacsiga gaarka ah waa yool lagama maarmaan ah oo aan ku kalsoonahay in lagu gaari karo iskaashi.

Laga soo bilaabo kulankeennii London ee sannadkii hore, waxaa la ansixiyay Sharcigii Maalgashiga Soomaaliya, iyadoona la aasaasay Guddiga Maalgashiga Qaranka. Xeerkii Isgaarsiinta sharci noqday, waxaana dhidibbada loo taagey hay’addii maamuli lahayd.

Dawladdda Federaalku waxa ay xoojisay wada hadallada kala dhexeeya ganacsatada gaarka ah iyada oo ujeedkeedu yahay in dhaqaalaha la kobciyo, lana kordhiyo kalsoonida maalgashadaha. Waxaa kale oo la hagaajiyey siyaasad-dejintii la xiriirtay dhaqaalaha iyo cashuuraha. Waxaa hubaal ah in dadaalladani ay keeni doonaan adeegyo badan, isla markaana kordhin doonaan dakhliga dawladda ee gudaha, si dib loogu maalgaliyo isbeddelka Soomaaliya.

Waxaan ogsoonnahay in ganacsatada iyo maalgashadayaashu ay u baahan yihiin in loo ilaaliyo hantidooda iyo hal-abuurkooda, si ganacsiga gaarka loo leeyahay uu doorkiisa oo buuxa uga ciyaaro soo kabashada Soomaaliya. Waxa kale oo ay u baahan yihiin inay helaan bangiyo iyo hay’ado maaliyadeed oo uu u maalgeliya ganacsiyadooda, una ilaaliya hantidooda.

Dawladdani waxa ay samaynaysaa dadaal kasta oo ay kor ugu qaadayso tartanka ganacsiga, hal abuurka iyo in la sameeyo iskaashiyo maxalli ah iyo kuwo caalami ah oo lagu dardargelinayo maalgashiga qaybaha muhiimka ah ee Soomaaliya sida ganacsiga beeraha, xoolaha, kalluunka iyo tamarta.

Iskaashiyadani waxa ay faa’ido weyn u leeyihiin maalgashadayaasha iyo dadka labadaba, gaar ahaan, haddii ay abuuraan hannaan oggolaanaya in badeecado iyo wax soosaar badan lagu sameeyo gudaha Soomaaliya, loona iibgeeyo suuqyada maxalliga ah iyo kuwa caalamka.

Ganacsigu waa uu ka jiritaan iyo sharaf badan yahay kaalmada. Tani waa xaqiiqo aannu si fiican u fahansannahay, waxaana xoogga saaraynaa in dadaalladani ay miradhalaan. Ilaa iyo markii ay xukumaaddani la wareegtey talada dalka, waxaanu heshiisyo la saxiixannay saaxiibbo muhiim ah, si loo kordhiyo ganacsiga iyo maalgashiga. Waxa aannu ka shaqaynaynaa dib ugu biirista Ururka Caalamiga ah ee Ganacsiga, Ururka Ganacsiga Waddamada Koonfurta iyo Bariga Afrika (COMESA), waxaan kale oo qiimaynaynaa sidii aannu uga faa’idaysan lahayn isdhexgalka dhaqaale ee heer gobol. Sidoo kale, waxa aan ku rajaweynahay in heshiisyadani ay Soomaaliya dib ugu xiri doonaan suuqyada caalamiga ah.

Ganacsatada Soomaaliyeed waxa ay u baahan yihiin maalgashi, waxa ayna mudan yihiin taageero si ay u kobcaan. Dhinacayaga, waxa aannu ku dhiirrigelinaynaa Bangiyada Soomaalida ee gaarka loo leeyahay inay sii wadaan taageeridda ganacsiyadii hore iyo kuwa cusub, maxaa yeelay taas ayaa xasilinaysa Soomaaliya, kordhinaysa fursadaha, abuuraysana barwaaqo waarta.

Ugu danbayntii, dardargelinta maalgashiga ganacsiga gaarka loo leeyahay si soo kabasho dhaqaale loo gaaro waxa ay u baahan tahay aragti, dhiirranaan iyo iskaashiyo micno leh.

Waa inaan fursado u abuurnaa da’yarteenna si ay jiilkooda iyo kuwa ka danbeeyaba ugu abuuraan mustaqbal barwaaqo leh.
Haddii aan iska kaashanno gaarista yoolkan, waxa aan abuuri karnaa rajada ay da’yar badani ka baadigoobayso dibadaha, taasi oo naga luminaysa ka faa’idaysiga awoodda dhallinyaradaas.

Taas ayaa ah waddo la hubo oo ay Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda caalamiga ahi si wadajir ah ugu faa’idayaan.

Waa idiin mahadcelinayaa idilkiin.

 

 

 

 

 

Xeer ilaaliye ku xigeenkii Qaranka oo xilka wareejiyey

0

Xaflad sogootinta  ah uu ma’suuliyadda ku wareejinayay ku Xigeenkii 1aad ee Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka oo dhawaan loo magacaabay Gudoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa  lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Muuse Macalin  Maxamed  ayaa maantay si rasmiya u wareejiyay xilkii ku xigeenka 1aad ee xeer ilaaliyaha Qaranka.

Xafladda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Axmed Cali Dahir  Ku Xigeenada Xeer Ilaaliyaha , Agaasimayaasha Xafiiska iyo dhammaan shaqaalaha kale Ee Xafiiska Xeer Ilaaliyah Guud Ee Qaranka.

Muuse Macalin  Maxamed  ayaa dhawaan  madaxwaynaha dalka Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo u magacabay  Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir.

Sanad guurada ciidanka Xasilinta gobolka Mudug oo lagu qabtay Galkacyo

0

Munaasabadaan lagu maamusayay sanad guuradii koowaad ee kasoo
wareegtay markii la howl galiyay Ciiidanka Booliiska ee  Xasilinta Gobalka
Mudug oo ay ka qeyb galeen masuulyin iyo saraakiil ka tirsan dowlad
gobaleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa maanta lagu qabtay magaalada
Galkacyo ee xarunta Gobalka mudug.

Munaasabada oo looga hadlay inteeda badan waxqabadka ciidanka
xasilinta gobalka Mudug iyo baahiyada jira ayaa waxaa ugu horeyn ka
hadlay Taliyaha Ciidanka Xasilinta G/sare Jaamac Maxamed Axmed oo
sheegay in mudadii ay shaqeynayeen ay wax weyn ka qabteen amniga iyo
nabad galyada Gobalka.

Taliyaha qeybta boliiska gobalka Mudug ee Puntland G/sare Axmed
Cismaan cali oo isna ka hadlay munaasabada ayaa uga mahad celiyay
ciidanka xasilinta waxqabadka muuqda asagoona kula dar daarmay in ay
sii laba laabaan.

Duqa Dagmada Galkacyo ee Galmudug Xirsi Yuusuf Barre oo ku hadlayay
magaca masuuliyiinta Maamulka dagmada ee labada Maamul  iyo Gudoomiye
ku xigeenka gobalka mudug ee galmudug Axmed Maxamed Shire Qoodaar oo
iyaguna ka hadlay munaasabada ayaa ku booriyay ciidanka xasilinta in
ay u adkeystaan baahiyada jira iyagoona uga mahad celiyay howsha adag
ee ay u hayaan bulshadooda.

Ugu danbayna waxaa munaasabada soo xiray Taliye ku xigeenka Ciidanka
Booliiska Galmudug Korneyl Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeeb.

Wasiirka Arrimaha Dibadda  oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Brussels

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa booqasho ku tagay dhismaha Safaaradda Soomaaliyeed ee Brussels.

Booqashada Wasiirka uu Ku tagay Safaaradda waxaa Ku wehliyay Safiirka Soomaaliya ee Biljimka, Holland, Luxembourg iyo Midowga Yurub Mudane Dr. Cali Siciid Faqi.

Intii lagu jiray booqashada, Wasiirka waxa uu xog waran ka dhageystay Danjiraha Midowga Yurub Mudane Dr. Cali Siciid Faqi oo Wasiirka ugu xog waramay howlaha ka socda Safaaradda iyo adeegga ay u qabato jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ku dhaqan halkaasi.

Obama Oo ugu baaqay Madaxda Kenya in la joojiyo khilaafyada xagga qabaa’ilka ee ka dalkaas kadhaca

Madaxweynihii hore ee waddanka Mareykanka Barack Obama ayaa ka dhoofay caasimadda Kenya ee Nairobi, kaddib markii uu soo gabagabeeyey safar labo maalmood qaatay oo uu ku tagay dalkaas.

Obama ayaa ugu baaqay hoggaamiyayaasha Kenya, in ay ka shaqeeyaan horumarinta Kenya isla markaana ay joojiyaan kala qeybsanaanta dhinaca siyaasadda,Isagoo sidoo kale ku baaqay in lala dagaallamo musuqa-maasuqa

Obama ayaa la kulmay madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha mucaaraadka Raila Odinga isagoo kala hadlay sidii loo joojin lahaa khilaafyada xagga qabaa’ilka ee ka dalkaas kadhaca.

Waxana deeganka  aabihii uu ka soo ee ku yaalla  Kogelo uu ka furay iskuul ay carruurtaas deegaankaas wax kubartaan.waxaa uu sidoo kale halkaas   ka furay xarrun Sports taasoo leh garoon kubadda cagta iyo mid kubadda gacanta ah, wuxuuna sidoo kale bixiyey agab Sports.

Shaashado waaweyn ayaa lagu rakibay tuulada K’Ogelo halkaasoo dadweyne fara badan ay toos ugala socdeen xafladda furitaanka xarrunta Sports.

Mr. Obama ayaa markii ugu horresay booqday tuulada K’Ogelosannadkii 1987-dii, xilligaas oo uu ahaa nin dhallinyaro ah oo u ololeeya arrimaha bulshada.

Obama ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee madow ah oo madaxweyne ka noqda Mareykanka, isagoo sideed sanno madaxweyne ka ahaa dalka Mareykanka, waxana  xilka  ka beddelay  Donald Trump doorashadii dalkaas ka dhacday bishii November 2016.

Waa safarkiisii afaraad ee Obama uu ku tago Kenya, waxa uu markii ugu horreysay ka tagay sannadkii 1987, isagoo sidoo kale tagay sannadkii 2006 iyo sannadkii 2015 xilligaasoo uu Ahaa Madaxweynaha mareykanka

Sweden iyo Soomaaliya oo wada hadlay

Muqdisho (SNTV)- Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxammed Cabdullaahi Maxammed Farmaajo ayaa intii  uu socday   kullanka beesha caalamka iyo Soomaaliya ee  ka socda waddanka Belgium magaalad xarunta u ah ee Brussels maalintii labaad waxa uu la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Swedan margot wallstrom.

Kulanka madaxweynaha iyo haweeneyda u qaabilsan arrimaha dibadda Sweadan ayaa arrimaha diiradda ay ku saareen waxaa ka mid ah dhismada dowladnimada, amniga iyo hiigsiga horumarada amni ee Soomaaliya ay hiigsaneyso, waxaa intaasi dheer oo ay isla soo hadal qaadeen labada masuul arrimaha haweenka ee dhammaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo hab nololeedka bulshada.

Brussels waxaa ka socdo shir ay ka qeyb galayaan golayaasha dowladda dhexe iyo maamul gobaleedyada, waxaana dhamman dhinacyadaasi hormuud u ah Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Shirka Brussels ayaa la filayo in maanta la soo gaba-gabeeyo, arrimaha sida gaarka ah diiradda loogu saarayo waxaa ka mid ah Maal-gashiga, ganacsiga, dhaqaalaha dowliga ah iyo horumarka dib u habeynta kaabayaasha dhaqaalaha.

Masar oo Meel marisay Sharci ogolaanaya inay Dhalasho bixiso

0

Dawladda Masar ayaa soo saartay sharci cusub oo dadka Ajnabiga ah u
ogolanaya inay qaataan dhalashada dalkaas, hadii ay maalgashi samayn
karaan.

Baarlamanka dalka Masar ayaa meel mariyey xeerkan oo dadka Ajnabiga ah
u ogolaanaya inay dalban karaan dhalashada Masar, hadii ay Bangiyadda
dalkaasi dhigtaan lacag garaysa 400 oo Kun oo Doller.

Xeerkan waxaa ku jira in qofka Ajnabiga ah ee dhalashada Masar
dalbanaya in uu 5-sano hore u daganaa dalka, lacagta Bangiga u taalna
aysan ka yarayn 7-Milyan oo lacagta dalka Masar ah.

Arrintan waxaa looga gol leeyahay in sare loogu qaado maalgashiga
dalka Masar, laguna soo jiito hantiilayaasha ajnabiga ah, si
dhaqaalohooda looga faa’iido.