Home Blog Page 1188

Malaayihiin caruurta reer Yemen ah oo wajahaya macluul daran

0

Muqdisho September 19 (SNTV):-War ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan samafalka Caruurta ee Save The Children ayaa lagu sheegay in hal milyan oo ka mid ah carruurta dalka Yaman ay halis ugu jiraan macaluul, xilli qoysas badan oo reer Yaman ah ay la daalaa dhacayaan sidii ay u heli lahayeen cunnooyinka daruuriga ahi iyo sidoo kale sidii ay carruurtooda xanuunsan ku gaarsiin lahaayeen xarumaha caafimaadka.

Waxaa hay’addu ay sheegtay in Tiradani ay ka dhigeyso carruurta reer Yaman ee halista ugu jirta macaluusha 5.2 milyan oo canug,waxaana taasi loo sababaynayaa dagaalada sokeeye ee ka taagan wadankaasi Yemen.

Sidoo kale Save The Children waxaa ay intaasi ku dartay in boqolaal kun oo carruur ah ay haatan wajahayaan halis, xilli colaad hor leh ay ka soo cusboonaatay magaalada Xudeyda.

Goor sii horeysay ayaa Qaramada Midoobey waxaa ay horey uga digtay in dalkaasi Yaman ay ka dhacdo jaagadii ugu xumeyd taariikhda, waa haddii bey tiri aan la helin keyd cunto, shidaal iyo sidoo kale gargaarka kale ee bani’aadanimo.

Dagaalada sokeeya ee ka socda Xudeyda iyo qeybo kale oo dalkaasi kamid ah ayaa halis gelinaysa dekadda kaliya ee badeecadaha iyo gargaarka ay uga soo degaan 80% dadka dalka Yaman, taa oo qarka u saaran in ay xirmato haddii colaadda ay halkaasi ka sii socota, arrintaa soo sidoo kale halis gelineysa in sicirka cunnada iyo shidaalka uu cirka isku sii shareero.

Waxaana Magaalada Xudeyda oo ay ku taal dekadda ugu weyn dalkaasi Yaman ay tahay in  mid ka mid ah 25-kii cannug ee da’dooda ka yar tahay shan sano waxa uu wajahayaa nafaqadarro ba’an.

Qiima dhaca ku yimid lacagta dalkaasi Yaman iyo burburka dhaqaale ee dalkaasi uu wajahayo ayaa qoysas badan halis u gelinaya gaajo iyo dhibaatooyin caafimaad, sida lagu sheegay warbixinta hay’adda the Save The Children.

Sida ay hadda Save the Chilrden ay shegaty Tan iyo sandkii 2015, waxaa 68% sara kacay qiimaha la kala siista cunnooyinka daruuriga ahi, iyadoo meelaha qaarna qiimaha cunnada uu laba jibaarmayo maalinba maalinta ka dambeysa.

Madaxweyne Waare oo sheegay in laga Heshiiyay Tabashooyinkii Hirshabeelle u qabtay Dowlada Dhexe

0

Muqdisho September 19 (SNTV):-Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in laga heshiiyay Tabashooyinkii gaarka ahaa ee Hirshabeelle ay u qabtay Dowlada Federaalka, sidaa darteedna ay wada shaqeyn la yeelan doonaan Dowlada dhexe.

Madaxweyne Waare ayaa Dowlada Federaalka ugu baaqay inay ka mira dhaliso wada hadalada xalka loogu raadinayo Tabashooyinka ay qabaan Maamulada hoostaga Dowlada dhexe.

“Dowlada waa inay ka mira dhaliso wada hadalada socda, dhibaatooyinka aan sheeganana ay wax nagala qabtaan, hadii arrimaha jiro ay xaliyaan Maamulada kalena waxay dhihi doonaan Wada hadalka faa’iido ayaa ku jirta”.ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle.

Maamulka Hirshabeelle ayuu sheegay Madaxweynaha inuu ka gacan geysan doono isu soo dhaweynta Dowlada Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada si loosoo afjaro isfaham waaga taagan.

Kulan wadatashi ah oo ku saabsan siyaasadda arrimaha bulshada oo Muqdisho ka dhacay

0

Muqdisho September 19 (SNTV):-kulan   looga hadlayay Wadatashiga Siyaasada ilaalinta Bulshada ayaa lagu qabtay magaaladda Muqdisho, waxaana   ka qeyb galay wakiilo matalayey Wadamada deeq bixiyaasha muslimka  ah, Hay’adaha gaarka loo leeyahay, Ganacsatada Soomaaliyeed iyo ururada Bulshada rayidka.

Waxaa barnaamijkaan iska kaashanayay wasaaradaha Shaqada iyo arrimaha bulshada, Gargaarka iyo Wasaaradda Qorsheynta dowladda Soomaaliya, waxaana  su’aalo la iska weydiinayey habka loo wajahayo  sida dadka danyarta ah ee u nugul dhibaatoyinka looga samata bixin lahaa, looguna sameeyn lahaa maalgelin iyo shaqo abuur.

Mudane Maxamned Yuusuf Ibraahim ku-simaha Safiirka Dowlada Suudan u fadhiyo Soomaaliya ayaa sheegay in dadka danyarta la garab istaago, maadaama lagu guda jira bisha Seko, loogana faa’iideysto kheyrka ku jira.

“Waxaan habboon in dadka dan yarta ah loo gargaaro loogana faa’iideysto inta lagu guda jira bisha Seko, islmarkaana muuhimad gaar ah ay tahay in la caawiyo dadka u nugul dhibaatooyinka” Ayuu yiri Danjire Maxamned Yuusuf Ibraahim.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa  Saciid Xamsa ayaa xusay in Wasaaradda ay ka sheqeyso gargaarka iyo horumarinta dadka barkacayaasha ah, siyaasadda illaalinta bulshadana ay muhiim u tahay dadka barkacayaasha ah.

Saalax Axmed Jaamac Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha ay qeyb weyn ku leeyihiin dhaqaalaha soo gala dalka, waxaana lagu qiyaasayaa lacagaha ay usoo diraan Eheladooda ku nool gudaha Dalka ku dhawaad Labo Milyan oo Dollar iyo lacago kabadan.

Sidoo kale intii uu kulanka socday Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa lagu ammaanay shaqooyinka iyo fursadaha ay u abuureen qeybaha kala duwan ee Bulshadooda.

Hay’adaha gar gaarka ee ka howl galo gudaha Dalka ayaa la aaminsanyahay in sanad walba Soomaaliya ay ku bixiyaan lacago farabadan, hase ahaate meelihii loogu talagalay siddii loogu talo galay aan wax loogu qaban, waxaana mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya ay balan qaadeen in ay ka go’antahay ogaanshaha iyo la socodka ilaalinta siyaasadda Bulshada danta yar.

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Kormeeray Xarunta Tababarada General Gordan ee Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed oo ay wehliso Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Marwo Aamina Siciid ayaa Kormeer ku Tagay Xarunta Tababarada General Gordan ee Muqdisho Taas oo Hore Gacanta ay ugu heysay Dowladda Imaaraadka Carabta Balse ay la Wareegtay Dowladda Somaliya.

Wasiirka ayaa Warbixin ka dhageystay Taliska Guutada 14 Octoobar Ee Degan Xaruntaas.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ayaa Saraakiisha u sheegay in Dowlada Federaalka ay ku dadaaleyso sidii ciidammada u heli lahaayeen Tababaro iyo Qalab Casri ah, liyadoo ku guuleysatay inay daboosho howlihii Imaaraadka ka waday xaruntaasi, waana balanqaad uu hore u sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Dhanka kale Marwa Aamina Siciid ayaa Xustay in Madaxtooyadu ay kala Shaqeyn doonto Taliska Xaruntaas Bilicda iyo qalabeynta Xarunta.

Ciidammada 14-ka Octoobar ayaa deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobalka Shabeellaha Hoose waxay kala wareegeen Argagaxisada Al shabaab, iyagoo burburiyay Saldhigyo ay kasoo abaabuli jireen Maleeshiyada Al shabaab Weeraro ay ku dhibaateeyaan Shacabka.

Wafuudii Aqalka sare oo kulamo kaladuwan la yeeshey madaxda iyo bulshada maamul goboleedyada

0

Muqdisho (SNTV)- Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii loo xalin lahaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo dowlada Goboleedyada,iyadoo wafuud kaladuwan oo goluhu dirayna ay kulamo kaladuwan la yeesheen madaxda maamulada iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada.

Wafdiga Golaha Aqalka Sare ee Xalinta Qilaafaadka u dhaxeeyo Dowlad Goboleedyada Iyo Dowladda Federaalka Soomaalya Ayaa kulan Layeeshay Bulshada Rayidka ,Aqoonyahano, Culumaa’udiin,Haweenka Iyo Dhalinyarada Jaamacadaha Xarunta Dowlad Goboleedka Puntland Ee Garoowe,kuwaasi ay la wadaagayeen isdhaafsiga aragtida ku aadan talaabooyinka dhanka horumarka ah loo qaadayo.

Sidoo kale  Magaalada kismaayo waxaa ku kulmay wafdigii ka socday Golaha Aqalka Sare iyo Madaxda Maamulka Jubbaland iyo Saraakiisha Ciidamada iyagoo kala hadlay Xaaladda xiligan jirta.

Kulamadan ayaa mas’uuliyiintu waxaa ay xoogga ku saarayaan sidii loo soo afjari lahaa kala aragti duwanaanshiyaha siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada,Senator Ilyees Cali Xasan oo kamid ah wafuudda Kismaayo oo lahadlay Wakaaladda SONNA ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in guulo ay ka soo hooyaan dadaalkooda.

Isla wafuud kale oo ka socota oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa iyana kulamo la yeeshey madaxda Koonfur Galbeed,iyagoo kala hadlay sidii xal waara looga gaari lahaa arrimaha haatana taagan.

Magaalada dhuusa-mareeb waxaa sidoo kale shalay gaaray Wafdi kale waxaana la filayaa in maanta ay kulumo gooni gooni ah la qaataan Madaxda ku sugan magaalada.

Xubnaha Aqalke Sare oo gudanaya waajibkiisa Qaran ee Dastuurka KMG ah ee Dalka ayaa wafuud u kala diray Dowlada Goboleedyada xubinta ah Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana rajo wanaagsan laga muujinayaa in guulo laga soo hooyo kulamadaasi siyaasadeed.

Duqa Muqdisho oo Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in la garab istaago Caruurta Agoonta ah

0

Muqdisho (SNTV):-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo booqday Xarunta Agoonta Booliska Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in la garab istaago Agoonta.

Eng. Yarisow ayaa mid mid u gacan qaaday dhammaan caruurta agoonta ah ee ku nool xarunta, waxuna ka waraystay xaalkoodu sida uu yahay iyo waxbarashada ay helaan heerka ay tahay.

Guddoomiyaha ayaa xusay in agoontu ay u baahanyihiin taageero iyo garab istaag, isla markaana uu Maamulka Gobolka Banaadir mar walba diyaar u yahay sidii ay caruurta ku nool Caasimadda, gaar ahaan kuwa agoonta ah u heli lahaayeen daryeel wanaagsan.

“Mamulka Gobolka Banaadir waxuu mar walba u taagan yahay gacan siinta bulshada Caasimadda, gaar ahaan waxaan xil gaar ah iska saaraynaa agoonta oo xiligan u baahan daryeel, gaar ahaan Waxbarasho iyo bar-baarin wanaagsan”.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo waqti la qaatay caruurta agoonta ayaa kormeeray qaybaha ay ka kooban tahay xarunta xanaanaynta caruurta, waxana kormeerka ku weheliyey Taliyaha Ciidanka Booliska S/G Bashiir Cabdi Maxamed, Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac Taliye ku xigeenka Booliska Sarreeye Guuto u xiray Zakiya Xuseen Axmed, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed, saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

Wafdi ka socda Golaha Aqalka sare oo maanta gaaray magaaladda Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (SNTV)- Wafdi ka socda Golaha Aqalka Sare ayaa Maanta  gaaray Maagaladda Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug, si ay uga shaqeeyaan xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, waxaana hoggaaminayey oo Guddoomiye u ahaa Sanatar Cabdi Xassan Cawaale Qaad-diid.

Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhusamareb ayaa waxaa ku soo dhoweeyey Masuuliiin ka tirsan Galmudug Sida Xildhibaano iyo Wasiiro, waxaana loo gudbiyey Gudaha Magaaladda iyadoo la filayo ina kulamo ay la qaataan Madaxda Galmudug.

Wafdigaan oo ka kooban Sagaal Xubnood ayaa waxay  kala yihiin :-

1)      Cabdi Xassan Cawaale (Qayb-diid)

2)      Jawaahir Axmed Cilmi

3)      Yuusuf Geelle Ugaas

4)      Deeqo Xassan Xuseen

5)      Mustaf Maxamed Qodax

6)      Maxamed Amiin Sheikh Cusmaan

7)      Cabdisalaan Xaaji Maxamuud Dheere

8)      Abuukar Axxmed Xaashi

9)      Cabdiwaaxid Cilmi Goon-jeex

Golaha Aqalka Sare oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ah ayaa u istaagay siddii loo heli lahaa isfaham iyo wada shaqeyn dhab ah.

Goormaa la qabanaya ciyaarta kama dambeysta ah ee degmooyinka Caasimadda?

0

Muqdisho (SNTV)- Sebteembar 18, 2018:Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan wadatashi ah oo looga hadlayay mudeynta tartanta Finalka ee Cayaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir kula yeeshay xarunta Dawladda Hoose bahda Cayaaraha heer Gobol iyo heer Qaran.

Kulanka ayaa waxaa lagu go’aamiyey in habeenka Isniinta ah ee 24-ka bishan la qabto dhammaadka tartanka dhexmari doona degmooyinka Shibis iyo Waaberi oo iyagu isugu soo haray dhammaadka cayaarta.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay qabsoomidda xili habeen ah tartanka cayaaraha Gobolka Banaadir ay muujinayso nabadda iyo dib u soo kabashada Caasimadda.

Sidoo kale, Eng. Yarisow ayaa sheegtay in tartankan si wanaagsan uu ku bilowday ayna rajeynayaan inuu ku soo dhammaado si xamaasad leh, maadaama ay labada degmo ee isugu soo haray ay kamid tahay degmada Waaberi oo horey koobka u qaaday sanadkii hore.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale, hadallo ka jeediyey Wasiir ku xigeenka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya, Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Xoghayaha Gobolka Banaadir.

Lix cunto oo sababa in qofka uu ku hurdo goobtiisa shaqo

0

Muqdisho September 18 (SNTV):-Akhristow  waa laga yaabaa in aad aragto adigoo  Gamaayoonaya ama (lulmooday) waxaana laga yaabaa inay kugu dhacday  in ku huruddo Kursigaaga shaqada.

Haddaba waxaan idin soo gudbineynaa lix cunto oo ay ku badanyihiin maaddooyinka sababa hurdada ama lulmada xilliga shaqada,waxaana ka mid ah;

Cuntooyinka hurdada keena waxaa ka mid ah caanaha,  iyo caanaha oo laga sameeyo Farmaajada,Ukunta,Doolshaha iyo wixii la mid ah.

Sababta oo ah Caanaha iyo noocyadan kaleba waxaa ku jira maaddada Tryptophan,taas oo dhalinkarta maaddada serotonin oo isu beddesha melatonin,soona saarta hurdada.

Qamadiga laga sameeyo Soorta ama Cambuulada waxaa uu u wanaagsanyahay  caafimaadka aroortii ee qofka laakiin sida caanaha oo kale waxaa ku jira maaddooyinka Melatonin iyo Amino Acid oo soo saara hurdada.

Cuntooyinka isku darsan waxaana ka mid ah Galleyda,Mooska,Basasha iyo cuntooyin kale oo la isku kariyo kaddibna la cuno shaqada ka hor.

Waxaa ku jira Carbohydrates, oo sababi kara in ruuxu hurdoodo ama xubnaha qofka gabaan fir fircoonida taas oo horseedi karta Gamaayada ama lulmada.

Mooska waxaa ku jirta maaddada magnesium oo aad ugu wanaagsan jirka,laakiin waxaa ay soo saari kartaa hurddo badan, sida ay lee yihiin kooxda soo saartay warbixintan oo ah dhakhaatiir ama dad ku xeeldheer arrimaha caafimaadka.

Malabka waxaa ka buuxa sokor badan,taas oo mararka qaar sababta in maskaxda fariisato,qofkana sidaas ku hurdo.

Ugu dambeyn, warbixintan oo lagu qoray wargeyska The Stander ee ka soo baxa Kenya ayaa lagu sheegay in Dhaqaatiirta ay dadka shaqeeya kula talinayaan in aysan badsan cuntooyinka horseedi kara in qofka fir fircoonida aroortii gabo,gaar ahaan xilliga ka horreeya shaqada ee subaxii ah.

W/Q Maxamedkaafi Cali Muumin

Ciraaq oo ciidamo u dirtay xuduudda Turkiga

0

Muqdisho September 18 (SNTV):-Sida uu qoray wargeyska Daily News, ee ka soo baxa Turkiga, waxa dowladda Ciraaq ay go’aansatay in ay ciidamo ilaaliyo u dirtay xuduudda Turkiga, si ay uga hortagaan falalka amni darro ee ka dhaca halkaas, sidaas waxaa laga soo xigtay saraakiil ka tirsan xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Ra’iisal wasaaraha Ciraaq Xeydar Al-Bagdaadi ayaa shir guddoominayey kulanka golaha amniga qaranka ee dalkaas oo Isniintii shalay ka dhacay caasimadda Baghdad, waxaana looga hadlay guud ahaan amniga dalka iyo xuduudaha.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha Ciraaq ayaa lagu sheegay in shirka golaha amniga qaranka looga hadlay sidii ciidamo loogu daadgureen lahaa xuduudda Ciraaq.

“Wasiirka arrimaha dibadda Ciraaq ayaa qaadi doona tallaabo ku saabsan sidii ciidamo loogu daadgureen lahaa xuduudaha”ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay Turkiga ayaa kordhiyey weerarrarada cirka ee ka dhanka kooxda PKK.

Diyaaradaha Turkiga ayaa weerarra kooxda PKK, oo ka howlgala waqooyiga bari ee dalka Ciraaq gaar ahaan buuraha Qandiil.