Home Blog Page 1657

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka oo gaaray dalka Qatar

0

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa gaaray magaalada Doxa ee dalka Qatar, isagoo isku dayaya inuu dhex dhexaadiyo xiisada diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyay Qatar iyo Xulafada uu hoggaaminayo Sacuudiga.

Tillerson ayaa soo maray dalka Kuwait, halkaasoo Isniintii shalay uu kula kulmay Amiirka dalkaas Sheekh Sabah Al Ahmad Al Sabah oo dadaal ugu jira xalinta xiisada u dhaxeysa dalalka Qatar iyo afar dal oo carbeed.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ugu baaqay dalalka Khaliijka in xal loo helo khilaafka, waxaa lagu wadaa in magaalada Doxa uu kula kulmo Amiirka Qatar.

Sidoo kale waxaa uu berri u ambabixi doonaa dalka Sacuudi Carabiya, halkaasoo uu kula kulmi doono Boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis.

Mareykanka oo saaxib dhow la ah wadamada khaliijka ee hodanka ku ah saliida ayaa doonaya in xal laga gaaro xiisada ka taagan Gobolka.

Xulafada Sacuudiga ayaa dhowaan Qatar u gudbiyay dalab ka kooban 13 shuruudo inay aqbasho, hadii ay rabto in laga qaado cunaqabateynta ay ku soo rogeen hase ahaatee Qatar ayaa diiday

Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ay xiriirka u jareen Qatar, iyagoo ku eedeeyay inay dhaqaale siiso Argagixisada, balse Qatar ayaa ku gacan seyrtay eedeymahaas.

Shirkii golaha amniga qaranka oo la soo gaba gabeeyay

0

Muqdisho, 10 Luulyo 2017 :- War-murtiyeedka Golaha Amniga Qaranka

1.Golaha Amniga Qaranka ayaa kulan kuyeeshay magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay 5ta ilaa 10ka bisha Luulyo, 2017.

2.Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, waxaana ka soo qeyb galay Ra’iisul Wassaraada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle, Hirshabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, Wasiirrada Caddaaladda, Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Gaashaandhigga, Amniga Gudaha, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo La Taliyaha Amniga Qaranka.

3.Golaha Amniga Qaranka waxa uu bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ay dowladda dhexe ka qabatay arrimaha amniga sida xasilinta caasimadda, siyaasadda iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.

4.Keddib markii uu Goluhu qiimeeyay xaaladaha amni ee ka jira dalka, waxay isla garteen in la xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxaha nabaddiidka ah, meelna looga soo wadajeesto cid kasta oo ku taageerta dhaqaale, gabbaad ama faafineysa afkaardooda gurracan.

5.Golahu, markiiuu dib u eegay Heshiiskii Amni ee Bishii 16-17 Abriil, 2017, uuna dhageystay talooyinkii ay soo jeediyeen Guddi hoosaadyada Difaaca iyo Amniga ee Golaha Shacabka, tixgeliyeyna aragtiyada kala duwan ee bulshada, waxaa talooyinkaas lagu biiriyay Qorshaha Amniga Qaranka.

6.Golahu, waxaa kale oo uu ku heshiiyay sameynta guddi farsamo oo ka shaqeeya dhameystirka Qaab dhismeedka Amniga Qaranka oo ay ku jiraan qaab-dhismeedka Ciidamada Nabadsugidda, Booliska, iyo ciidanka Asluubta. Guddidaas waxa uu ka kala imaandoonaa Dawladda Federaalka, Dawlad-goboleedyada iyo Gobolka Benaadir.

7.Golaha oo garowsan baahida loo qabo in siyaasad mideysan laga yeesho horumarinta nidaamka federaalka, dib-u-eegista dastuurka iyo doorashooyinka qof iyo cod ee 2020ka, waxay ku heshiiyeen in taabo gelinta qodobadaas loo maro hannaan ku salaysan wadatashi joogto ah oo 3dii biloodba mar ah.

8.Golahu waxa uu iskuraacay in sharciga lagu dhisayo Golaha Amniga Qaranka la horgeeyo Golaha Shacabka si waafaqsan Qodobka 111, Faqrada (h) ee Dastuurka KMG.

9.Golahu, waxa uu meelmariyay xeerka anshaxa ee kulamadooda iyo Fulinta Qorshaha Amniga Qaranka.

10.Ugu dambeyntii, Kulanka Golaha Amniga Qaranka wuxuu dhici doonaa saddexdii biloodba mar.

Wabillaahi Towfiiq

DHAMMAAD

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland oo Garoowe Ku Daah-furay Shirweynaha Dib u Eegista Mashruuca Horumarinta Degmooyinka Puntland.

0

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Goboleedka Puntland Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta 10 July, 2017 waxa uu caasimadda Maamul Goboleedka Garoowe ku daah-furay shirweynaha dib u eegista mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG, shirkaas oo sanadkasta qabsooma isla markaana daba socdey shirarkii hore ayaa waxaa lagu gorfeeyaa tallaabooyinka dhinaca horumarka loo qaaday iyo guulaha laga gaaray mashruuca JPLG sanadkii tagay.

Madaxweyne ku xigeenka waxaa shirka ku wehelinayey hay’adaha Qaramada Midoobey iyo wasaaradaha Dawlad Goboleedka Puntland ee ay sida wada jirka ah uga dhaxayso dhaqaajinta iyo hirgelinta qorshayaasha mashruuca JPLG, kuwaas oo kala ah Hay’addaUNDP, Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Deegaanka, Waxbarashada, Howlaha Guud, Maaliyadda iyo guddoomiyayaasha degmooyinka Puntland.

Dhammaan masuuliyiinta kala duwan ee ku midaysan horumarinta iyo ka faa’iidaysiga mashruuca JPLG ayaa madasha shirka ka hadlay waxayna si qota dheer uga warameen mashruuca oo maraya heer gebo-gebo ah iyo sidii loo kordhin lahaa mudada mashruuca, caqabadaha taagan iyo sidii loo xallin lahaa, arrimaha muhiimka ah ee loo baahan yahay in lagu guulaysto iyo hirgelinta qorshayaashii waxqabad ee baaqday muddooyinkii lasoo dhaafay.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Goboleedka Puntland Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey oo shirka si rasmi ah u daah-furay ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyay faa’iidooyinka iyo horumarka laga dhaxlay mashruuca JPLG isagoo caddeeyey in Puntland ay buuxsio markasta dawrka ay ku leedahay mashruuca isla markaana ay diyaar u tahay sixitaanka iyo dhaqaajinta qorshayaashii baaqday muddooyinkii lasoo dhaafay.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa u mahad celiyay hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka qayb qaata socod siinta mashruucan iyo dhammaan masuuliyiinta iyo hay’adaha kale ee Maamulka oo iyaga laftoodu kaalin muhiim ah ku leh mashruuca JPLG.

Wasiir Xoosh iyo wafdigiisa ku sugan Baydhabo oo la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed

0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa maanta booqday xarunta Baarlamaanka Koonfur Galbeed (KG) iyaga oo kulan la qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka KG Mudane Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa, Guddiga Arrimaha Dastuurka ee Baarlamaanka KG, iyo Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee KG Mudane Cabduqaadir Nuur Caraale.

Wasiir Cabdi Xoosh ayaa ugu horreeyn uga mahadceliyay Gudoomiyaha soo dhaweeynta isaga oo uga war bixiyay hawlagalka ay u joogaan Baydhabo.

“Gudoomiye aad ayaan kaaga mahadcelinaynaa soo dhaweeynta diirran ee aad noo sameeysay, waxaan adiga iyo Guddiga idinku nimid in aan idinkaga warbixino habka aan ku galeyno hannaanka dib-u-eegista Dastuurka Qaranka, aad ayaana ugu baahannahay in aad taladiiina na la wadaagtaan” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Ugu damabeyn, Wasiirka ayaa ku ammaanay Baarlamaanka iyo dhamaan hay’adaha dawlad goboleedka Koonfur Galbeed horumarka ay durbaba gaareen isaga oo ka codsaday in gacan laga siiyo Geedi-socodka taariikhiga ah ee dib-u-eegista Dastuurka oo muhiim u ah dhamaan dadka Soomaaliyeed.

—–DHAMAAD—–

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo Kismaayo ka dhacaya

0

R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa shaaciyay in shirka ugu horeeya ee golaha Wasiirrada lagu qaban doono magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, sidoo kalana haatan xarun ku meel gaar ah u ah dowlad gobaleedka Jubbaland.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in arintaan looga goleeyay in la xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad gobaleedyada dowladda hoos taga.

Sidoo kale qorshuhu wuxuu yahay in todobaadyada soo socda golaha wasiirrada ay ku shiraan xarumaha dowlad gobaleedyada kale ee dalka.

Shirka golaha Wasiirrada ee lagu balansanyahay inuu ka dhacayo Jubbaland ayaa qabsoomi doona maalinta Khamiista ah ee nagu soo aadan.

Wasiir Bayle oo Magaalada Baydhabo ku dhagax dhigay dhismaha wado laami ah.

0

Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Cabdiraxman Ducaale Bayle iyo wafti uu hogaaminayo oo safar shaqo ku joogo magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed, isagoo halkaas ku dhagax dhigay wadamo laami oo dharerkeedu gaarayo 3.5km.

Dhaqaalaha ku baxaya dhismaha wadadaan ayaa waxaa bixinaya Bangiga Aduunka waxaana lasoo marsiiyey lacagta ku baxaysa Mashruuca SSF, oo hoostimaada Wasaaradda Maaliyadda, taas oo shaqadeedu tahay dhismaha wadooyinka iyo dayactirka xarumaha dowladda.

“Waxaan kala kulmay magaalada soo dhaweyn balaaran, waana markii iigu horeysay oo aan imaado, waxaana farxad ii ah in imaatinkayga ay qayb ka tahay furitaanka wado laami ah oo gaaraysa 3.5km, waxayna bilwo u tahay mashaariic badan oo wasaaradu maaliyaddu ka fulinayso magaaladda Baydhabo iyo magaalooyinka kale ee gobolka’ ayuu yiri Wasiir Bayle oo dhanka kale xusay in lacagta wax lagu dhisayo ay nasiiyeen wadamo kale balse lagma maarmaan ay tahay inaan isku tashano oo aan dhisano waxkastaoo dalkaan u baahan yahay, waana inaan iskaa waxu qabso dalkaan ku dhisnaa”

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ee KG ayaa dhankiisa uga mahadceliyey waftiga dowladda imaatinkooda Baydhabo, kuna tilmaamay dhismaha kaabayaasha dhaqaaluhu in ay wax weyn k abadalayaan nolosha dadka, Baydhabana ay tahay xarunta halbowlaha u ah horumarka ka hana qaada goboladaan.

 

Gudoomiyaha Degmadda Maxaas oo ka warbixiyey dad dhawaan lagu dilay degmada Maxaas.

0

Gudoomiyaha   Degmada  Maxaas ee  Gobolka  Hiiraan Muumin  Maxamed  Xalane  ayaa  sheegay In  Dad dhawaan  lagu  Dilay  Deegaan  Hoos yimaada  Maxaas  ay  ka   Dambeeyeen  Malayshiyaadka  Al-shabaab.

Dadka  la  Dilay  ayaa  waxaa  ka   mid  ahaa Askari  ka  tirsanaa  Ciidamada  Xooga  Dalka  Soomaaliya  iyo  qof  shacab  ah iyadoo Weerarkaan  ay  ku  Dhaawacmeen labo  Qof  oo  shacab  ah  Gudoomiyaha  ayaa  Tilmaamay  In Falkaani  uu  ahaa  Gaadmo  ay geesteen kooxaha nabad diidka ah ee ku dhuumaaleysanayo qeybo ka mid ah Gobolka.

Dhanka  kale Muumin Maxmed  Xalane Gudoomiyaha Degmada Maxaas oo  hadalkiisa  Siiwata  ayaa  soo  Hadal  qaaday  Inay Didaal  ugu  jiraan  Xal  ka  gaarista  Dagaal  beelo  dhawaan  ku  dhexmaray Deegaano  ka   tirsan Gobolka  Hiiraan asaga oo xusay in ay waan waanta beelaha walaalaha ay mareyso meel wanaagsan waxa uuna rajo wanaagasan ka muujiyey xal u helida khilaafkaas.

Wasiir Xoosh iyo Saraakiil Sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo gaaray Baydhabo

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo Saraakiil Sare oo katirsan Wasaaradda ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed, xubnaha Wasiirka safarka ku wehliya ayaa waxaa kamid ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Abuukar Zubeeyr iyo 3 kamid ah La-taliyayaasha Wasaaradda.

Ugu horeeyn, Wafdiga uu hogaaminayay Wasiirka ayaa shir la qaatay Ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Dhaqan Celinta Maleeshiyaadka iyo Hub-ka-dhigista Mudane Xasan Maxamed Xuseen iyo Wasiirka Arrimaha Dastuurka Koofur Galbeed Mudane Cabduqaadir Cali Caraale.

Intaa kadib, AVV Cabdi Xoosh oo warfidiyeenka kula hadlay xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa ka warbixiyay ujeedaada ay daarantahay safarka wafdiga uu hogaaminayo.

“Waxa aan Baydhabo u nimid in aan madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed aan ka talo gelino Qorshaha Guud ee hannaanka dib-u-eegista Dastuurka ee ay Wasaaradda diyaarineyso; innagu waxaa inaga go’an in aan si daah-furnaan ah ugu shaqeyno dadka Soomaaliyeed waxa aana kulamo wadatashi ah la yeelan doonnaa dhamaaan qaybaha kala duwan ee bulshada Baydhabo” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh.

Ugu damabeyn, safar hawleedkan ayaa kamid ah kuwo ay Wasaaradda ku gaarsiineyso kulamada wadatashiga dhamaan gobolada dalka si diyaarinta Qorshaha Guud ee hanaanka dib u eegsita Dastuurka uu u noqdo mid ka qaybgalkiisu loo dhanyahay.

—–DHAMAAD—–

Wasiirka Haweenka oo Daahfurtay nidaamka lagu soo xulayo Guddiga Madaxa Bannaan ee Xaquuqul Insaanka

0

Wasiirka Haweenka & Horumarinta Xaquuqul Insaanka Marwo Deeqa Yaasiin, ayaa maanta daahfurtay billowgii nidaamkii lagu soo xulayey Guddiga Madaxa Bannaan ee Xaquuqul Insaanka. Tani waa tallaabo muhiim u ah xoojinta, dhowrista iyo horumarinta Xaquuqul Insaanka Dalka.

“Maanta waa maalin taariikh weyn u ah Shacabka Soomaaliyeed oo loo dhisayo Guddigan Madaxabannaan oo wax weyn ka bedeli doona noloshooda. Wallow ay jiraan caqabado farabadan sida amniga, gaajada iyo abaaraha, haddana Dowladda Federaaka waxey ahmiyad gaar ah siineysaa xoojinta hay’adaha xuquuqul insaanka.” Ayey tiri Wasiir Deeqa Yaasiin.

Wasaaradda Haweenka & Horumarinta Xaquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka oo kaashaneysa Dowlad Goboleedyada, bulshada rayidka ah iyo dhammaan qeybaha bulshada ayey ka soo shaqeysay nidaamka iyo habraaca lagu soo xulayo Guddiga Madaxa bannaan ee Xaquuqul Insaanka iyadoo la raacayo Sharciga Guddiga Xaquuqul Insaanka (Human Rights Commission Law). Guddigan ku meel gaarka ah ayaa maalmaha soo socda ka howlgeli doonaa diyaarinta sidii loo soo xuli lahaa Guddiga Madaxabanaan. Waxeyna diyaarinayaan nidaamka iyo habraaca lagu soo xulayo Guddiga Madaxabannaan iyadoo si adag loo raacayo Dastuurka KMG ah ee dalka iyo Sharciga dhisidda Guddiga Madaxabannaan ee Xaquuqul Insaanka. Marka la diyaariyo habraaca iyo nidaamka xulista, waxaa ku xigi doonta xog-wareysiga (interview) iyo xulidda shaqsiyaadka buuxiya shuruudaha oo ugu danbeyntii la xuli doono Guddi ku yimaada nidaam caddaalad ah.

Wasaaradda Haweenka & Xaquuqul Insaanka ayaa ahmiyad gaar ah siisay sidii nidaamka iyo habraaca lagu soo xulayo Guddiga Madaxabannaan ay u noqon lahaayeen kuwo loo dhan yahay, laga wada qeyb qaatay, daahfuran, caddaalad ah. Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed waxuu xaq u leeyahay inuu dalban karo inuu ka mid noqdo Guddiga Madaxabanaan ee Xaquuqul Insaanka Soomaaliya. Wasaaraddu waxey sidoo kale abuurtay jawi xoojinaya isla xisaabtanka si loo hubiyo in nidaamka iyo habraaca uu u noqon lahaa mid si simman ugu adeega shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale 9ka qofood ee Guddiga Madaxabanaan waxaa lagu soo xuli doonaa si caddaalad ah oo ixtiraam ku dhisan.

Marka Guddiga Madaxabanaan ee Xaquuqul Insaanka la soo xulo oo ay howlgalaan waxey u adeegi doonaan shacabka Soomaaliyeed si loo joojiyo xad-gudubyada Xaquuqul Insaanka iyagoo raacaya sida uu qabo Dastuurka KMG ah ee dalka.

WAR-MURTIYEED laga soo saaray Shirweynihii CAFIS

0

Shirweynaha  CAFIS oo muddo 2 maalmood ah  5-6 July, 2017 ka socday magaalada Turku ee dalka Finland ayaa waxaa soo abaabulay Suxufiyiin Soomaaliyeed oo is xilqaamay waxaana ka soo qeyb galay saxafiyiin, khubaro heer caalami, ururada bulshada ee dalka Finland, ka qeybgalayaal ay ka kala yimid Ingiriiska, Jabuuti, Switzerland ayaa lagu lafa-guray ugu dambayntiina lagu daah-furay is ololaha iscafiska, CAFIS.

 

Shirweynaha oo ay soo fududeeyeen Ururka Difaacayaasha Nabadda ee dalka Finland  oo kaashanaya Lansi Suomen Somali Seura iyo Suomen Somali Seura oo ah laba urur soo Soomaaliyeed. Shirkaas waxa qabsoomidiisa qayb weyn ka ahaa suxufiyiin dareemay waajibka iyo xilka ka saaran dalkooda iyo dadkooda.  Weriyayaasha ayaa ku dhiiraday qabashada howshan kadib wada tashiyo dheer oo ay la sameeyeen dad khubaro oo aqoon u leh maadada, taasina waxaa ka dhashay gogoshan lagu daahfurayo shirweynaha CAFIS oo ay marti geliyeen dadka soomaaliyeed ee deggan Finland gaar ahaan Turku.

Shirka ayaa waxaa furay Elina Rantanen oo ah madaxa magaalada Turku oo ah magaaladii martigelineysay shirka labada cisho ah, iyadoo soo dhoweyn kadib bogaadisay barnaamijka iyo muhiimada uu u yeelan karo xiligan Soomaaliya, balanqaadayna in ay ololaha taageeri doonaan.

 

Labadii cisho ee uu shirku socday ka qeyb galayaasha waxa ay isla qireen in arrinka IS CAFISKu u yahay ummadda soomaaliyeed lagama maarmaan  heer shakhsi – oo qofkii caafimaad u tahay –  iyo heer bulsho.

 

Waxyaalaha shirka lagu soo qaaday waxaa ka mid ah in aanay dadka keliya u baahneyn inay dhexdooda is cafiyaan, balse loo baahan yahay in aynu cafis weydiisano dhulkeenii iyo xitaa dhirteenii aynu godobta ka galnay ee aan xaalufinay!

 

Kasoo-qaybgalayaashii shirweynaha CAFIS waxay ku bogaadiyeen dhalinyaradii iyo aqoonyahankii iskood isu xilqaamay inay dadaalkan halkaas ay kasii wadaan ilaa ay ka miro dhalinayaan is CAFIS taam ah oo gaarta ah guri kasta iyo qof kasta.

 

Waxyaabihii ugu qiirada badnaa ee shirka ka dhacay waxaa ka mid ahaa gabar yar oo 11 sano jirta oo dadkii meesha isugu yimid weydiisay su’aalo ka qeybgalayaashii ka ilmeysiiyay. “Waxa aan ahay ilme caruur ah oo Soomaali ah, laakiin ma garanayo sababta maalin kasta loo dilo caruur Soomaaliyeed oo ila mid ah? ……….”, su’aalahaasi waxa ay ka mid ahaayeen kuwii ay is weydiisay gabar yar oo Soomaaliyeed oo 11 sano jirtay.

 

QODOBADA SHIRKA KASOO BAXAY

 

  1. Dadkii shirka isugu yimid waxa ay isla qireen inay dadka Soomaaliyeed ka daaleen colaad, ayna arkeen in aanay dhammaad lahayd, diyaarna u yihiin in la jebiyo gidaarka colaadda, laguna bedelo jawi is CAFIS, kaas oo kamid noqon doona tiirarka dib-u-heshiisiinta iyo dib-u-curashada Soomaalida cusub.

 

  1. In ay lagama maarmaan tahay in qof kasta oo Samowade ahi halkiisa uu adduunka ka joogo ka bilaabo dadaal lagu abuurayo jawi is CAFIS, isagoo ka bilaabaya nafsadiisa iyo gurigiisa,

 

waxaa la isla qaatay in aanay is-cafintu cid gaar ah u xilsaarnaaneyn, ay waajib tahay qof walba haduu xil hayo iyo hadduusan haynba uu kaalintiisa ka qaato. “daawanaayow, waa dadkaagii”!

 

  1. Ka-qeybgelayaashu waxa ay si hagar la’aan ah ugu muujiyeen inay ku faraxsan yihiin, ayna diyaar u yihiin qof waliba intii kaga soo aada uu ka qaato door muuqda.

 

  1. In howshan aan halkan lagaga harin, oo la qabto shirar kale oo caalamka daafihiisa iyo dalka gudihiisa  ka dhaca oo ololahan ka bilowday daahfurka CAFISKA lagu taageerayo.

 

  1. Shirkani waxa uu ku baaqayaa in shirkii Hannaanka Dib-u-heshiisiinta ee Muqdisho ka dhacay 13-17 June 2017, dowladdu ka dhabayso is cafintu qeyb weyn ku yeelato, saxaafaddana door muuqda laga siiyo.

 

BAAQ

 

DAAH-FURKA CAFISKA ee magaalada Turku lagaga dhawaaqay waxa uu ugu baaqayaa qof kasta oo Soomaali ah, meel kasta oo uu jooogo, in uu marka hore cafis dalbada isna wax cafiyo, abaabulka iyo ololaha CAFIS ee bilaabmayna halkooda ka bilaabaan.

 

Waxa shirka CAFIS lagu soo gabagabeeyey tixihii taariikhda galay ee maansadii Dib-u-heshiisiin ee uu tiriyey Abwaan Abshir Bacadle

 

Duqowdiyo wax garadkow,             fursadan dahabigaa qaata

Dad weynihiyo shacabkow,             ayida dib u heshiisiinta

Dumarkiyo caruurtow qalbiga,         nabad ka doon doona

Dhalinyarada duulaamadow,            damiya baaruuda

Aqoonyahanki lagu daalayow,         deynta soo celiya

Culimada dariiqooyinkow,               daacad wax u sheega

Degaanada cadaawoobayow,   dib u walaalooba

Dhamaad