Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaar kamid ah guddiyada Golaha Shacabka ku wareejiyay Xafiisyadii ay ku shaqeyn lahaayeen

Date:

Muqdisho (SNTV) Kusimaha Madaxweynaha Dalka ahna Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa mudooyinkii dambe waxa uu xarunta guddoonka iyo gudiyada ee Villa Hargeysa ka waday dhismaha xafiisyo ay ku shaqeeyaan gudiyada golaha shacabka ,waxaana dhawaan lasoo gaba gabeeyay dhismaha xafiisyada ay ku shaqeyn donaan 15-ka gudi ee golaha shacabka.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa maanta xafiisyadooda ku wareejiyay ilaa sedax gudi oo ka tirsan golaha shacabka oo kala ah gudiga xuquuqul insaanka ,Guddiga arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo sidoo kale gudiga Howlaha guud,waxaana Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah gudiga howlaha guud ee golaha shacabka uu u mahad celiyay guddoonka golaha shacabka.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux oo ah Habdhowraha Golaha Shacabka ayaa Gudoonka ku bogaadiyay howsha wanaagsan ee ay qabteen.

In gudiyada golaha shacabka ay helaan xafiisyo ay ku shaqeeyaan waxa ay gudiyada u sahleysaa in ay helaan meel loogu soo hagaago oo ay ku qaban karaan howlaha loo igmaday oo ay ka mid yihiin la xisaabtanka iyo kor joogteynta Hay’adaha Dowladda.

Ilaa laba iyo Toban xafiis oo ay ku shaqeyn doonaan 13-gudi ayaa weli harsan kuwaasoo dhawaan lagu wareejin doono gudiyadii loogu tala galay in ay ku shaqeeyaan sida guddoonka golaha shacabka uu sheegay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo Shabeelaha hoose laga fuliyey

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay...

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo kulammo doceedyo la yeelatay Madax kala duwan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....