Home Blog Page 1127

Xukun dil ah oo lagu fuliyay dhagar qabe qaraxyada u qaabilsanaa Alshabaab

0

Maxakamadda Darajada Kowaaad ee  ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay dhagar qabe ka tirsanaa Maleeshiyaadka ALshabaab,kaasi oo qeyb ka ahaa qaraxyo iyo dhibaatooyin kale oo loo geystay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Dhagarqabahani oo lagu magacaabo C/qaadir Abuukar Shaacir Maxamed oo 41 jir ahaa kun a dhashey magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ku lug lahaa sahminta iyo diyaarinta qaraxyada,waxaana kamid ah qaraxyadii ka dhacay hotel Wehliye, 13 bishii March 2017 ayna ku dhinteen 10 ruux 17 kalena ay ku dhawacmeen.

Sidoo kale qarixii ka dhacay maqaayada ku taala ag agaarka wasaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha 5-April,2017 oo uu geeyey gaari saaruf ahaa oo qaraxa laga soo buuxiyay,kaasi oo sababay dhimashada 9 qof iyo dhaawaca 10 kale.

Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa sidoo kale ku eedeysay in uu soo sahmiyay qarixii ka dhacay Baar Itaaliya 8-June 2017 halkaais oo ay ku geeriyoodeen 7 qof ayna ku dhaawacmeen 11 kale.

Gaashanle Sare C/llaahi Buule xeer ilaaliyaha guud ee ciidanka qalabka sida ayaa faah faahin xukunka lagu fuliyay dhagar qabahaasi iyo dhibaatooyinkii uu u geystay bulshada Soomaaliyeed.

Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay Qaraxyadii Muqdisho ka dhacay

0

Muqdisho (SNTV):- Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayaa cambaareeyay weerarradii Qaraxyada ahaa ee maanta Caasimadda Soomaaliya ay ka fuliyeen argagixisada Al-Shabaab.

War ka soo baxay Xafiiska Nicholas Haysom,ayaa lagu sheegay in weerarada ay ku dhinteen ugu yaraan 20-ruux.

Kooxda Nabad diidka Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyada, midkii ugu horreeyay ayaa ka dhacay goob baaritaan oo ku taal agagaarka Tiyaatarka  Qaranka ee Muqdisho,waxaana dadka dhintay ka mid ahaa Wariye ka howlgalayay Tv-ga Universal oo fadhigiisu uu yahay magaalada London.

“Weerarada maanta Muqdisho ka dhacay ayaa muujinaya weerar kale oo fulaynimo ah oo lala beegsado dadka Soomaaliyeed iyo xuquuqda ay u leeyihiin iney ku noolaadaan nabadgelyo iyo sharaf, “ayuu yiri Mr Haysom. “Waxaan ku boorrineynaa mas’uuliyiinta Soomaalida inay ku dadaalaan in ay la dagaallamaan xag-jirnimada oo masuul ka ah denbiyadani naxdinta leh. Waxaan tacsi tiiraan leh u diraynaa qoysaska iyo saaxiibadii dhintay, waxaana rajeyneynaa in dadka dhaawacmay si dhaqsi ah kaga bogsoodaan. ” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mr. Nicholas Haysom.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa si wadajir ah u cambaareeyay Qaraxyadii maanta ay kooxaha argagixisada ka fuliyeen Muqdisho,waxayna ku baaqeen in hal meel looga soo wada jeesto kooxaha nabad diidka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Cambaareeyay Qaraxyadii maanta

0

Muqdisho(SNTV):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa qoraal kasoo baxay xafiiskiisa lagu cambaareeyay Labadadii qarax ee kooxaha Argagixisada ay maanta ka geysteen Agagaarka Golaha Murrida iyo Madadaalada Qaranka (National Theater),wuxuu dadkii musiibadaas ku geeriyooday uu Alle uga baryay inuu Naxriistii jano ka waraabiyo eheladoodana uu Samir iyo iiman ka siiyo ,sidoo kalena kuwii ku dhaawacmay uu bogsiimo deg deg ah siiyo.

“Anigoo ku hadlaayo Magaceyga,kan guddoonka Golaha iyo sidoo kale kan Xildhibaanada Golaha Shacabka Waxaan cambaareynayaa dhacdooyinkii foosha xumaa ee kooxaha nabad diidka ay maanta ka geysteen Magaaladda Muqdisho gaar ahaan Agagaarka Theater-Qaranka ,dadkii ku geeriyooday Illaahey naxriistiisa haka waraabiyo kuwii dhaawacmayna Caafimaad deg deg ah Allaha ha siiyo dhammaanteenana samir iyo iimaan Allaha ha naga wada siiyo.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa uga mahad celiyay Hay’adaha ammaanka Qaranka dadaalada ay mar walba ugu jiraan ka hortaga dhagaraha kooxaha Argagixisada ah ay la damacsan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan u mahad celinayaa qeybaha kala duwan ee Ciidanka ammnaanka Qaranka oo u taagan difaaca sharafka iyo karaamada dadka Soomaaliyeed iyo fashilinta dhagaraha kooxaha nabad diidka ah”

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka Qaranka oo mar walba u taagan difaacooda si loo soo afjaro dhibaatooyinka kooxdan ay ku heyso shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay la shaqeeyaan oo ay garabkooda istaagaan Ciidanka ammaanka si looga adkaado kooxaha nabad  diidka ah ee fikradaha shisheeye ku shaqeeya mar walbana u taagan daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo “Weeraradan oo kale nagama hor istaagayaan in aan sii xoojinno dhiiranaanteenna ku aaddan in aan ka adkaano aragagixisada”

0

Muqdisho, Diseembar 22, 2018; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay shacabkii iyo askartii ku geeriyooday qaraxyadii bahalnimada ahaa ee argagixisadu maanta ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryey in uu naxariistiiisa Janno ka waraabiyo dadkii ku shahiiday qaraxyadaas oo ay fuliyeen kuwo naftood halligeyaal ah, arxan daran, diin iyo dadnimo midna aan lahayn.

“Inaa Lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Jannadiisa ku manneysto dadkii Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee kooxda arxan laawayaasha ah ku beegsadeen qaraxyadan, intii dhaawacyadu gaareena iyagana waxa aan ugu ducaynaynaa in uu siiyo caafimaad degdeg ah.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in weerarada fulaynimo ee aragagaxisadu aanay cabsi galin doonin shacabka iyo dowladdaba in ay gaaraan ahmiyadaha horyaala ee dhinacyada horumarinta, amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo u adeegidda bulshadda isagoona yiri “weeraradda fulaynimo ee argagixisadu ku beegsanayso shacabka aan waxba galabsan nagama leexin donaan dhabbaha horumarka.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa intaas ku daray “Weerardan oo kale nagama hor istaagayaan in aan sii xoojinno dhiiranaanteenna ku aaddan in aan ka adkaanno aragagixisada oo aan gaarsiino.shacabka Soomaaliyed xasillooni iyo horumar ay mahdiyaan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in isku daygan argagaxisadu ay ku doonayaan inay ku hor istagaan horumarka shacabka Soomaaliyeed uusan u suurta galayn.

“Mileeyshiyaadka jahwareersan ee argagixisada ah waxaa cabsi galiyey dadkeenna midoobay ee uu istaagay in ay gacana ku dhistaan dalkooda, gacantana kalena kula dagaalamaan kuwa ka soo horjeeda horumarka iyo barwaaqada dalka.”

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey Ciidamada Qalabka sida ee mar walba u taagan qorraxda iyo dhaxanta in ay sugaan amniga, kana hortagaan cadawaga, isagoona faray in ay sii xoojiyaan feejignaantooda.

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka oo tababar usoo Xirey 81 dhaqaatiir ah oo kubiiray ciidamada Xoogga

0

Muqdisho December 22 (SNTV):-Ku dhawaad 81 oo isku jir Dhakhaatiir kalkaaliyaal Sheebriste oo mudado labo bilaad ah qaadey tababar  kor loogu qaadayaya  aqoontooda Kuna soo biirey Ciidamada Xoogga dalka gar ahaan qeybta Caafimaad ayaa loogu soo xirey Xerada Tabarada Janeraal Gordan ee Magaalada Muqdsiho.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Janeraal Odwaa Yuusuf  Raagge ayaa ka hadleyay Muhiimada ciidamada xoogga dalka uu lee yahay iney helaan adeegyo  Caafimaad Madaam ay ku jireen Howgalo ka dhan ah Maleyshiyaadka Al-shabab

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo soo xirey Tababrkaas ayaa muujiyay in Taliska Xoogga uu xooga saari doono tayinta adeegyada Caafimaad ay helaan Ciidamada Dalka

Wasiirka Ku-xigeenka Caafimaadka Xukuumada Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Saciid Cabdulaahi oo ka qeyba galey munsaabadaas ayaa sheegay in tayeynta Caafimaadka uu qeyba weyna ka qaadanayo dhismaha ciidamada Xoogga dalka

Masuliyintii ka qeyba gashey Munsabada oo ugu horeyey  Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka  Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka iyo Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga dalka waxa ay shahaadooyn ku gudoosiyeen Dhalanyaradii ka qaadey tababar ee ku soo biirey Ciidanka Xoogga dalka

 

Wasiir Oomaar oo beeniyay in loo xeray musuq maasuq “Dhegeyso”

0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Salaad (oomaar) ayaa beeniyay warar ay baahiyeen warbaahinta qaar kaa soo sheegayay in wasiirka loo xeray eedo la xiriira musuqmaasuq.

” ma jiro qof i soo eedeeyay, majiro musuq maasuq laygu soo eedeeyay, qolo qowleysata ah oo ka ganacsata inay dadka baadaan ayaa wax qor qoray dhib weyna iguma hayso” ayuu yiri wasiirka oo la hadlay Radiomuqdisho.

Halkan ka dhegeyso Codka  Wasiirka

Kumuu ahaa Wariye Cawil Daahir Salaad oo maanta argagixisadu dileen?

0

Allaha u naxariistee Cawil Daahr Salaad oo ka mid ahaa wariyeyaasha ugu caansan Soomaaliya ayaa maanta ku geeriyooday qarax gaari loo adeegsaday oo argagixisadu saaka ka geysteen magaalada Muqdisho.

Cawiloo ay la socdeen shaqaale ka tirsan Telefishanka Universal, ayaa qaraxu ku haleelay agagaarka Tiyaatarka Qaranka, waxa uuna ku dhex geeriyooday gaarigii uu la socday.

Allaha u naxariistee Cawil Daahir Salaad waxa uu ahaa saxafiruug caddaa ah oo muddo dheer ku soo jiray shaqada saxaafadda. Waxa uu ka soo shaqeeyay Radio Muqdisho bilowgii mihnaddiisa. Cawil waxa uu sidoo kale ka mid ahaa dadkii bud dhigga u ahaa saxaafadda madaxa bannaan ee dalka ka hana qaadday.

Waxa uu ahaa qoraa ku caan ah sheekooyinka iyo riwaayadaha. Waxaa ka mid ah sheekooyinkii uu qoray sheekadii jaceylka ahayd ee Ambabixii Muqdisho oo lagu daabacay wargeyskii Qaran. Sidoo kale Cawil ayaa allifay sheekadii caanka noqotay ee ” Intey Waayuhu i badeen Waqtigu ha ku baro” taas oo laga soo deyn jiray idaacaddii Horn Afrik Muqdisho.

Cawil waxa uu ahaa barnaamij tabiye caan ah oo qabta doodaha siyaasadda, waxa uuna in muddo ah waday barnaamijka Dood Wadaag oo ka bixi jiray idaacaddii Horn Afrik.Islabarnaamijka Dood Wadaag ayuu ka bilaabay Telefishanka Universal, waxa uuna noqday mid ka mid ah barnaamijyada loogu daawashada badan yahay ee ka baxa telefishannada Soomaalida.

Cawil Daahir waxa uu ka mid ahaa wariyeyaasha Soomaaliyeed ee xirfad yaqaannada ah, sida mas’uuliyadda lehna u tabiyaha arrimaha dalka ka taagan.

Geerida Cawil Daahir waxaa khasaare weyn oo gaaray bahda saxaafadda iyo bulsho weynta Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Daahir Maxamuud Geelle, ayaa tacsi u diray ehelada iyo asxaabta wariye Cawil Daahir Salaad oo isaga iyo 3 ka tirsan shaqaalaha Universal ay saaka ka mid noqdeen dad Soomaaliyeed oo argagixisadu saaka ku laayeen Muqdisho.

Wasiirka ayaa yiri ” Cawil Daahir waxa uu ka mid ahaa udub dhexaadka saxaafadda Soomaaliyeed, waxa uuna ahaa wariye edeb badan oo xirfad yaqaan” Waxa uu intaas ku daray wasiir Geelle ” Waxaan tiiraanyada la qeybsanayaa ehelkiisa, asxaabtiisii shaqada, saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo Shacabka Soomaaliyeed ee uu u adeegayay”.

Bahda Warbaahinta Qaranka ayaa iyaguna tacsi tiiraanyo u diray ehelada Cawil iyo shaqaalihii la geeriyooday.

Agaasimaha Telefishanka Qaranka Liibaan Cabdi Cali, ayaa geerida Cawil Daahir Salaad ku tilmaamay mid xanuun badan,isagoo tilmaamay in uu banneeyay boos weyn oo ay buuxintiisu adkaan doonto.

” Waxa uu Cawil tusaale u ahaa wariye dhiirran oo yaqaan waxa uu ka shaqeynayo farriinta ay saxaafaddu u taagan tahay”.

Ilaahey ha u raxmado Cawil Daahir Salaad, carruurtii, ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna sabar iyo iimaan ha ku irzaaqo.

Ciidamada amniga oo Gacanta kusoo dhigay hoggaamiyihii qaraxdii Maanta ee Muqdisho

0

Muqdisho-(SNTV)-Ciidanka amniga Qaranka oo kaashanaya Shacabka ayaa Gacanta kusoo dhigay hoggaamiyihii howlgalka qaraxyadii Al-shabab ee Maanta lagu gumaaday Ummadda Soomaaliyeed iyo wadahii Gaarigii danbe eek u qarxay Taallada Daljirka dahsoon, kaas oo qarxay xilli ay Ciidanka amniga Gacanta ku hayeen , kadib markii shacabka laga fogeeyay.

War qoraal ah oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ee hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in weerradan qorshahoodu uu ahaa in lagu laga beegsado xarunta Murtida iyo madadaalada ee National Terte-ka Qaranka,halkaas oo Maalmahan ay Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladdooda oo iskaashanaya ay dayactir ka wadeen.

Qoraalkan ayaa gebagabdii lagu yiri ,” ficilladooda arxandarrada ah nama wiiqo doono, dibna nooma celin doono inta Ciidanka iyo Shacabka iskaashanayaan”

Howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka socda Hiiraan

0

Baladweyne-(SNTV)-Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanay kuwa nabad ilaalinta AMISOM ayaa Maanta waxa ay howlgallo lagu baacsanaya Malleeshiyada Al-Shabaab ka wadaan degaanno dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Howlgalladan ayaa waxay si gaar ah ugu socdaan Waddooyinka isku xirta Degmada Jalalaqsi, Buur-weyn iyo Fiidoow, iyagoo halkaasna ka sameeyay baaritaanno la xiriira sidii halkaasi looga Cirib tiri lahaa haraadiga Kooxda Al-Shabaab iyo Dadka Gacan-saarka la leh.

Saraakiisha hoggaamineysa howl-galka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegtay in ay Malleeshiyaadku halkaasi ku dhibaateeyaan Dadka musaafurka ah ee isaga kala goosha Degmooyinka Gobolka, iyagoo dhac iyo boob u geystay Gaadiid u rarnaa Degmada Buulo-burte.

Xubin ka tirsan aqalka sare ee Soomaaliya oo soo dhaweeyay dedaalka Sacuudiga ee ku wajahan Midnimada Umadda Carabta.

0

Riyad- (SNTV)- Senator, Ayuub Ismacil Yuusuf oo ka tirsan Aqalka sare ee Somaliya ayaa bogaadiyay dowrka boqortooyada Sacuudiga ee ku wajahan u adeegidda iyo midnimada Umadda Carabta, si loo sugo amniga iyo degenaashaha Waddamada Carbeed.

Wuxuu kaloo soo dhaweeyay Sanatarku ugana hambalyeeyay Boqortooyada Sacuudiga doorashada Magaalada Riyad loo doortay inay noqoto Xarunta Warbaahinta Carabta,talaabadaasi oo ka dambeysay go’aan ay ku gaareen Golaha Wasiirrada Warfaafinta Carbeed Bishii May ee Saanadkan xarunta Jaamacadda Carabta ee Magaalada Qaahira.

Wuxuu kaloo  Senator, Ayuub Ismacil Yuusuf oo ka tirsan Aqalka sare ee Soomaaliya si gaar ah uga mahadceliyay Boqortooyada Sacuudiga, gaar ahaan wasaaradda Warfaafinta Dalkaasi mudnaanta ay siinayso horumarinta warbaahinta Carbeed, si kor loogu qaadi lahaa sharafta iyo karaamada Carbeed iyo dhowrista ama sugidda Madaxbannaanideeda.

Wuxuu kaloo daboolka ka qaaday isla maarkaana soo dhoweeeyay mowqifka Sacuudiga  ee ku wajahan masaalixda Ummadda Carabta, taas oo ay horseed u ahayd wasaaradda Warfaafinta Sacuudiga iyo Ururrada ee bulshada rayida ee Dalkaasi oo ay ku yaallaan Labada Xaram ee shariifka ah.

Wuxuu kaloo canbaareeyay ololaha ka dhanka ah Sacuudiga, taas oo uu sheegay inay u horseedayso kala qoqobka Ummadda Carabta iyo amnigeeda guud ,wuxuuna intaa raaciyay Senator, Ayuub Ismacil Yuusuf inay Boqortooyada Sacuudiga dowrka shariif ah kaga jirto hoggaaminta caalamaka siiba danaha Carabta.

W/ Tarjumay; Mukhtaar  Soofe