Home Blog Page 1127

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay Wakiilka Midowga afrika ee Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Maxamed ayaa maanta ku Qaabilay Xafiiskiisa Xubno uu Hoggaaminayay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira .

Waxay ka Wada hadleen Siddii loo dar dargalin lahaa Howl-galka ka Dhanka ah Alshabaab Ee Ay Gobalada Dalka  ka Socda.

Danjire Francisco Madeira  ayaa ku ammaanay dawladda Federalka Soomaaliya Gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhigga sida ay uga go’antahay Xoreynta Goobaha ay ku Sugan yihiin Haraadiga Maleeshiyaadka Alshabaab

“waa Talaabo Wanaagsan oo hore loo qaaday Howl-galka ka Socda Labada Shabeelle, Gedo, Baay iyo Bakool ee lagu Xoreeyay Deegaano badan oo Dadka ay ku Dhibaateyn jireen Kooxda Ashabaab “Ayuu yiri Danjire Francisco Madeira

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa Sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay u Diyaar garoobeen Qorshaha Kala Guurka Ee Ciidamada Amisom iyo Soomaaliya.

Bangiga adduunka oo madaxda dalka ugu hambalyeeyay ajandaha bid-u-habaynta iyo dhismaha mustaqbalka dalka

0

Sida lagu caddeeyay war-saxaafadeed kasoo baxay bangiga adduunka, guddiga sare ee Bangiga (WBG) oo taageeray qorshaha bahwadaagga Soomaaliyeed (CPF) ee afartii sano ee ugu horeysay, ayaa ansixiyay laba mashruuc oo maalgelineed oo ay ku kacasyo $80 million.

Ansixinta maaliyadda Mashaariicda oo dawladda toos loogu dhiibayo

Guddiga sare ee Bangiga adduunka ayaa ansixiyay $60 milyan oo Maalgelin dheeraad ah oo loogu tala galay qarashaadka joogtada ah iyo mashruuca dib u habaynta maaliyadda iyo $20 milyan oo kor loogu qaadayo dakhliga gudaha iyo mashuurca awood siinta maamulka maaliyadeed ee dawladda.

Dhaqaalaha labadaan mashruuc oo ay bixinayso hay’adda bangiga adduunka u qaabishan horumarinta caalamiga ah ayaa si toos ah lasoo marsiinayaa dawladda Federaalka Soomaaliya maadaama ay horumar ka gaartay dib u dhiska hay’adaha dawliga ah.

Waa markii ugu horeysay oo dawlad Soomaaliyeed lacag lagu aamino laga soo billaabo 1991-kii.

Mashruucyadaani waxa ay ka taageerayaan dawladda  firfircoonaynta iyo dib u qaybinta khayraada loo baahanyahay in dalka dib loogu dhiso kadib ku dhawaad sodon sano oo burubur iyo kala dambayn la’aan ay jirteen.

Muxuu yahay CPF?

CPF waxa uu qeexayaa makaabiyadda (strategy) bangiga adduunku uu ku taageerayo ballaarinta hadafyada dawladda ee daadejinta adeegyada bulshada, dhismaha awoodda u adkaysiga dhibaatooyinka cimillada iyo in la dhiirri geliyo fursadaha dhaqaaale ee dalka ka jira.

CPF oo ah makaabiyaddii horumarineed ee ugu horeysay ee dalka Soomaaliya laga sameeyo laga soo billaabo horraantii 1990-kii waxa uu muujinayaa horumarka laga gaaray dib u habaynta dhaqaalaha iyo dhismaha hay’adaha dawladeed laga soo billaabo 2013-kii xilligaas oo Bangiga adduunku uu bilaabay in uu ku lug-yeesho sanduuqa bahwadaagta deeq-bixiyaasha badan (MPF).

Ujeedada sanduuqa bahwadaagta deeq-bixiyaasha badan (MPF).

Labada qaybood ee diirradda lagu  saaray CPF-ka  ee kala ah hay’adaha dawladda iyo daadejinta adeedyada dadwaynaha, dhaqaale loo dhanyahay iyo kobac dhaqaale oo xasiloon ayaa ujeedada laga leeyahay waxa ay tahay in horumarrada siyaasadeed iyo hay’adeed ee la gaaray loo tarjumo horumarro la taaban karo  oo khuseeya nolosha dadka.

Qoondada Haweenka

CPF waxa ay xaqiijinaysaa in fulinta mashaariicda ay qayb ka yihiin dumarka caddaaladna lagu fuliyo, lagana fogaado daciifnimo iyo in la dhiso adkaysi (resilience) u dhexaysa qaybaha dhan.

 “Dawrkeenna Soomaaliya waa in aan dhisnaa hay’adaha halbowlaha u ah ee soo celin kara aaminaaddii muwaadiniinta iyo dib u qaybinta khayraadka si loo yareeyo faqriga xad-dhaafka ah, fursadana loogu abuuro kuwa u baahan caawimaadda,” ayey tiri Bella Bird, u qaabishana Bankiga adduunka ee dalalka Tanzania, Burundi, Malawi iyo Soomaaliya. “waxa aan diiradda saaraynaa taageerada balaarinta hay’adaha dawladeed si adeegyada loo gaarsiiyo mawaadiinta loona abuuro fursado dhaqaale.

Dawladaha Hoose iyo aruutinta dakhliga

CPF waxa uu caawinayaa sare u qaadidda aruurinta dakhliga, dhismaha awoodda dawladaha hoose, magaalaynta iyo hagaajinta daadejinta adeegyada dadwaynaha iyada oo qorshuhu yahay in la hagaajiyo jawi ku habboon ganacsiga, in sare loo qaado awoodda dadku u leeyihiin helidda dhaqaalaha, in dadka miyiga ku nool ay helaan koronto iyo biyo iyo sare loo qaado adkaysiga iyo wax soo saarka.

Maxaa is bedelay kadib dib u billaabida taageerada bankiga aduunka ee Soomaaliya?

Tan iyo markii guddiga sare ee Bangiga adduunka (WBG) ay bilaabeen dib ula fal gelidda Soommaaliya, DFS waxa ay si sharci ah horumar uga samaysay dib u dhiska hay’adaha dawliga ah iyo hagaajinta dhaqaalaha, sare u qaadidda soo xaraynta dakhliga iyo la fal gelidda hay’adaha aan dawliga ahayn. Dib-u-habaynta siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga ee lagu guuleystay shantii sano ee ugu dambaysay ayaa a abuuray fursado wanaagsan.

Xassiloonida Soomaaliya maxay ka dhigantahay?

Soomaaliya waxa ay tusaale uga tahay adduunyada sida bangiga adduunku uu uga shaqeyn karo deegaannada dhibaatooyinka badan ay ka jirto baahida loo qabo caawimaadda Bangiga adduunka,” ayuu yiri Hafez Ghanem oo ah madaxwayne ku xigeenka bankiga adduunka qaybta Afrika. “Xassiloonida iyo barwaaqada Soomaaliya waxa ay fura u yihiin xassiloonida gobalka guud ahaan. Waxa aan dawladda ugu hambalyayneynaa ka go’naanshaha dib u habaynta iyo tilaabooyinka ay u qaadeen dhismaha mustaqbalka wanaagsan ee dalka.”

Maxaa kale oo laga faa’iidayaa Hay’adda caalamiga ah ee bangiga adduunka u qaabishan horumarinta (IDA)?

Taageero ka dambaysa cafinta daymaha dalka lagu leeyahay ayey IDA ku caawisaa waddamada ay dib ula shaqo bilaawdo waqti dheer aysan wada shaqayn laheyn kadib. Taageeradaas waxaa lagu horumariyaa dardargelinta dib u habaynta muhiimka u ah cafinta daymaha, maal gelinta xasilooni ballaaran iyo adeeg dadwayne.

 

 

 

Bangiga Adduunka : Dhaqaalaha Soomaaliya aad ayuu u korayaa

0

Bangiga adduunka ayaa ku dhawaaqay in uu Soomaaliya siinayo lacago deyn ah oo gaaraya 80 Milyan oo dollar, taas oo lagu taageerayo howlaha horumarinta dhaqaalaha dalka, tallaabadan  oo ka dhigan guul kale oo Soomaaliya ka xaqiijisay nidaamka maaliyadda dalka.

Warbixin uu soo saaray ayuu bangiga adduunku ku sheegay in maamulka bangigu oggolaaday in 60 milyan oo Doollar oo ka mid ah lacagtan lagu maalgeliyo mashruuca kharashaadka joogtada ah iyo dib u habeynta, halka 20 milyan oo doollarna loo qoondeeyay in lagu xoojiyo  awoodda hay’adaha  wax soo saarka gudaha iyo maamulka guud ee maaliyadda dalka.

Bankiga adduunka ayaa sheegay in uu filayo in dhaqaalaha Soomaaliya uu sameeyo sara u kac u dhexeeya 3.5 iyo 4.5 boqolkiiba sanad walba muddada u dhaxeysa 2019 – 2022-ka marka uu sii socdo iskaashiga Bankiga adduunka iyo dowladda Soomaaliya ee dhinaca adeegyada bulshada.

Toddobaadkii tagay Bankiga adduunka ayaa sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu sanadkan korayo 3.1 boqolkiiba, halka uu sanadkii hore ka ahaa 2.3 boqolkiiba.

Dalkeenna Soomaaliya ayaa sanadba sanadka ka dambeeyay xaqiijinaya horumarro dhan walba ah, waxaana ugu xowli badan horumarka dhinaca dhaqaalaha iyo nidaamka maaliyadda dalka.

Tallaabooyinka dowladdu u qaadday dhanka la dagaallanka musuqmaasuqa, dakhli ururinta iyo daahfurnaanta dhanka maaliyadda ah, ayaa horseeday in deeq bixiyeyaasha caalamka iyo hay’adaha maaliyadda dunidu aaminaan dowladda Soomaaliya taas oo albaabada u furtay in uu horumar xowli ku socda xaqiijiyo dhaqaalaha dalku.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo New York kulamo kula la qaatay Dhiggiisa Ruushka, Qatar iyo Kosovo

0

NewYork (SNTV):- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed Ciise iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galaya Shirka 73-aad ee Qaramada Midoobay ee ka socda Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa halkaasi kulamo kula qaatay Madax kala duwan oo ka socda Dalalka Caalamka.

Wasiirka ayaa kulamo la yeeshay madaxda wadamo kala duwan iyo Hay’addo hoos yimaada Qaramada Midoobay, Kuwaas oo uu kala hadlay arrimo quseeya Soomaaliya iyo guud ahaanba Gobolka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed Ciise Kulamadii u danbeeyay waxa uu la yeeshay Wasiirada arrimaha dibadadda Wadamada Ruushka, Qatar, Kosovo iyo Kuwo kale.

Kulankii uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibadda ee Kosovo ayay kaga wada hadleen xariirka labada dal, iyadoo dowlada Kosovo Carabka kudhufatay in Soomaaliya ay ku leedahay abaal weyn Taas badalkeedana ay Kosovo diyaar u tahay in ay abaalkaasi guddo, Waxayna halkaasi ku soo bandhigeen in Soomaaliya ay saafaarad ka furato Kosovo ayna fududeeyn doonaan adeegyada furista sadaarad Soomaliya ay ku yeelato halkaasi.

“Dowlada Ruushka waxay marwalba Diyaar u tahay sii wadista xariirka qotoda dheer ee kala dhexeeya Soomaaliya Iyo Soo celinta wada shaqeeyn xoogan oo markale dhexmarta Soomaaliya iyo Ruushka” Sidaa waxaa yiri Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov oo isna kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS.

Sheikh Mohamed Bin Abdulrahman Al-thani oo ah wasiirka Arimaha dibada ee dalka Qatar iyo Wasiir Ahmed Awed ayaa ka wada hadlay wadashaqeyn dhow oo dhexmarta wadamada Qatar iyo Soomaaliya isaga oo sheegay in uu ku faraxsanyahay la kulanka wafdiga Soomaaliya ku matalaya Shirka guud ee Qaramada Midoobay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa madasha fadhiga 73aad ee Golaha Guud ee Jimciyadda Qurumaha ka jeedin doono Khudbada ay Soomaaliya ku leedahay Shirkaasi.

Deeqo Shire (SONNA)

Wasiirka waxbarashada XFS oo hoggaanka dalladaha waxbarashada kala hadlay Hirgelinta manhajka cusub

0

Muqdisho(SNTV), September, 25, 2018:- Wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay hoggaanka dalladaha waxbarashada dalka.

Kulanka ayaa looga hadlay, hirgelinta manhajka cusub ee ay diyaarisay wasaaradda waxbarashada dalka, xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa wasaaradda iyo dalladaha waxbarashada.

Agaasimaha guud  wasaaradda waxbarashada   Mudane Xassan Maxamed Cali,  iyo xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda  Mudane Axmed  Yuusuf Xassan, ayaa kulanka goob joog ka ahaa.

Xubnaha ka socday dalladaha waxbarashada dalka ayaa boggaadiyay dadaalka wasaaradda waxbarashada ugu jirto siddii loo horumarin lahaa waxbarashada.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in  hoggaanka dalladaha ay ka wada hadleen siddii manhajka cusub ee wasaaradda soo diyaarisay loo gaarsiin lahaa iskuullada dalka,

“Maanta waxaan xafiiskeyga ku qaabilay, hoggaanka dalladaha waxbarashada dalka , arrimaha ugu muhiimsan ee aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ah hirgelinta manhajka cusub ee wasaaradda waxbarashada ay diyaarisay”ayuu yiri wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa hoggaanka dalladaha waxbarashada dalka uga mahad celiyay, siddii ay ugu soo dhabar adeygeen horumarinta waxbarashada dalka intii lagu guda jiray burburka.

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maalmaha soo socda qorsheyneysa inay la soo wareegto 25 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir kuwaasoo si lacag la’aan ah ay wax uga baran doonaan caruurta Soomaaliyeed.

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay shir wada tashi ah

0

Muqdisho-(SNTV)-Wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa la tashi kala sameynaysa Maamulka iyo qeybaha bulshada Gobolka Banaadir diyaarinta hannaanka dib u heshiisiinta Qaranka.

Shirka qeybtiisa koowaad ee Maanta furmay waxay Wasaaradda la-tashi la sameynaysa madaxda iyo dadka ka shaqeeya hey’adaha  dowliga ah ee gobolka Banaadir, halka maalinka berri ah wadatashiga ay la yeelan doonto  qeybaha bulshada ee Gobolka sida uu sheegay agaasimaha guud Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya Cali Maxamed Maxamuud.

La taliyaha Ra’iasalwasaaraha ee arrimaha dib u heshiisiinta Dr, Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyoow oo ka hadlay shirka waxa uu sheegay in  muhiim tahay in la daadajiyo wadatashiyada diyaarinta hannaanka Qaran ee dib u heshiisiinta dalka.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir  Maxamed Cabdulaahi Tuulax ayaa tilmaamay in Gobolka uu soo dhaweynayo in wadatashiyo lala sameeyo Dadka caasimadda.

“Waan soo dhaweynaya wadatashigaan diyaarinta hannaanka Qaran ee dib u heshiisinta, anaga gobolka Banaadir ahaan Ahmiyad weyn ayay noo leedahay dib u heshiisiinta waayo hadii ay caasimadu hagaagto dalkoo dhami waa hagaagayaa maadaama ay tahay muraayada dalka” ayuu yiri guddoomiye Tuulax.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisinta xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo furay shirka  waxa uu sheegay hannaanka dib u heshiisiinta Qaranka sanadkii tagay uu soo biloowday haatana uu marayo waqtigii la tashiga bulshada lagana billaabay Gobolka Banaadir.

“Sanadkii tagay 2017 bishii June ayuu soo biloowday wadatashiga hanaanka dib u heshiisiinta dalka wax badan ayaa nooga qabsoomay hada waxaan galnay la tashiga bulshada oo aan ka biloownay dadka gobolka Banaadir si aragtidooda loogu daro  hannaankani” ayuu yirri Wasiir Sabriye

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa intaa ku daray in wasaaradiisa ay ku dadaalayso sidii loo heli lahaa hannaan dib u heshiisiin Qaran oo leh sal adag kuna dhisan talada bulshada Soomaaliyeed si xal waaro looga gaaro khilaafyada noocyadooda kala duwan ee dalka ka jira.

Wasiirka Qorsheynta iyo Madaxa Bariga iyo Koofurta Africa ee Unicef oo Xariga ka jaray Xafiiska Unicef ee Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya iyo Madaxa Bariga iyo Koofurta Africa ee Hay’adda Unicef ayaa maanta si wadajir ah xariga uga jaray dhismaha cusub ee xafiiska Unicef ee Soomaaliya.

Munaasabada waxaa Goobjoog ka ahaa shaqaalihii Hay’adda Unicef ee ka howlgali jiray dalka kenya oo maanta wixii ka dambeeya shaqadooda ay tahay gudaha dalka Soomaaliya, taasoo muuqal wanaagsan ka bixinayso u hogaasanaanta Hay’adda baaqii dowladda ee ahaa in dalka ay mudo  kooban ugu howlgalaan.

Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya ayaa sheegay in maanta ay u tahay maalin wayn oo taariikh ah in xafiiskii Soomaaliya ee Hay’adda ee ku yaalay Niarobi in gudaha dalka ka howl bilaabo.

Madaxda Bariga iyo Koofurta Africa ee Hay’adda UNICEF Leyla Bakar ayaa sheegtay in Muhiimad gaar ah ay leedahay arrintan

“Waxaan maanta u soo wareejinay xafiiska maamulka Magaalada Muqdisho kaas oo si wadajir ah uga shaqeyn doona Muqdisho iyo qeybaheeda kala duwan, muhiimad gaar ah ayee ii leedahay maanta in halkan aan joogno”.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa tilmaayay in maanta micno weyn dalka ugu fadhiyo xafiiska Soomaaliya ee Unicef si rasmi ah in dalka uga shaqo bilaabo, isla markaana uu shaqo abuur ay u noqon doono Muwaadiniinta.

Unicief ayaa Soomaaliya waxa ay kala shaqeysaa arrimaha Biyaha, Caafimaadka, Nafaqeynta, Haweenka iyo dhalaanka, waxbarashada iyo ilaalinta bulshada.

W/Q Cabdirashiid Nuur Ibraahiim

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday seddex heshiisyo shaqa abuur ah

0

Muqdisho (SNTV) Dowladdaha Soomaaliya iyo Qatar oo xiriir wada shaqeyn wanaagsan uu ka dhaxeeyo ayaa Magaalada New York ee Dalka Mareykanka waxay ku kala saxiixdeen seddex heshiis oo lagu hormarinayo Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Heshiisyadan ayaa u suuragelinaya in lagu awood siiyo dhaqaale ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed, iyadoo laga abuurayo 75000 fursado shaqo gudaha dalka Soomaaliya.

Munaasabada lagu kala saxiixday Heshiisyadan Waxaa goobjoog ka ahaa Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Marwo Sheikha Moza bint Nasser, Guddoomiyaha Golaha Xoghayeyaasha Hey’adda Silatech.

Dhawaan Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani oo ah Amiirka Dalka Qatar ayaa saxiixay labo Heshiis oo hore ay u wada galeen Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar kuwaasoo kala ah Mashruuca Adeega Duulimaadka iyo Iskaashi dhinaca Caafimaadka.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga “Waxaan isku furnay Wadada Xiriirisa Muqdisho iyo Marka”

Muqdisho (SNTV) Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dhawaan Nabad diidka Kooxda Alshabaab ka eryay deegaanada isku xira Muqdisho iyo Marka oo ay kamid yihiin Gandershe, Dhannaane, Jillib Marka iyo deegaano kale, halkaasi oo muddo ay joogeen Argagixisada.

Ciidanka Geesiyaasha ayaa maanta sameeyey Howlgal la isugu furayo dhulka Xeebta ah ee u dhaxeeya magaalooyinka Muqdisho iyo Marka oo Muddo Sanado ah Kooxda Alshabaab dadka ay ku dhibi jireen, islamarkaana ay go’doomiyeen wadadaasi.

Howlgalka wado furista ee Ciidanka ay sameeyeen ayaa ku dhammaaday guul iyo siddii loo qorsheeyey, kamana dhallan wax qasaaro ah, maadaama Maleeshiyaadkii Argagixisada ka tirsanaa ee halkaasi ku dhuumanayey ay carareen markii ay arkeen Ciidanka Huwanta ah ee Xoogga dalka.

Geesiyaasha Xoogga dalka, ayaa howlgalka markii uu dhammaaday waxay bilaabeen in Wadada Xiriirisa Muqdisho ilaa iyo Marka inay ka jaraan dhir badan oo ka baxday hareeraha wadada, sida Geedka Soomaalida ay u taqaan “Cali Garoobka” oo Nabad diidka gabbaad ka dhigan jiray , iyaggoo intaasi kadib Wadada ka bilaabay diyactir iyo in Jaay iyo Caro kaawo ay ku shubaan meelaha Jajaban.

Abaanduullaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye guuto Odowaa Yuusuf Raagge oo Ciidanka Howlgalka fuliyey hoggaaminayey, ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay Muddo dheer kadib Shacabka Soomaaliyeed in laga dulqaaday Nabad diidkii ku dhibi jiray inta u dhaxeyso Wadada Xeebta ah ee isku xirta Muqdisho iyo Marka, ayna dhammaatay arrintaasi.

Gen. Odowaa oo la hadlay Idaacadda codka Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliyeed, ayaa tilmaamay qorshaha Taliska Ciidanka Xoogga dalka inuu yahay  Kooxda itaalka darran ee Alshabaab in laga xoreeyo dhammaan goobaha ay kaga dhuumanayaan dalka oo ay ku dhibaan dadka Shacabka ah,

Kooxda Alshabaab ayaa dadka isticmaala wadadaasi u geysan jiray dhac, Boob, Dil iyo Kufsi oo ay usii dheereyd Afduubka Maatida oo ay kusoo daayaan Lacago Madax furasho ah, balse dhibaatada Shacabka waxaa u dulqaadan Daljireyaasha Xoogga dalka oo maanta soo afjaray dhibkii Argagixisada dadka ay ku hayeen.

Wariye C/waaxid Axmed Geeddi oo ka tirsan Shaqaallaha Idaacadda Codka Ciidammada qalabka sida, islamarkaan qeyb ka ah Ciidanka howlgalka wada, ayaa sheegay in Shacabkii dhibka ku qabay marista Wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Marko ay aad u soo dhaweeyeen in dhibka laga dulqaaday, iyagoo Geesiyaasha u mahad celiyey, waxaana ay ballan qaadeen in Ciidanka ay kala shaqeyn doonaan Ciribtirka Nabad diidka dhiigya cabka ah.

Argagixisada Arxanka darran ee Alshabaab, ayaa noqday Tusbax dhinac laga furay, waxaana ku socda Xidido siib, si loo Ciribtiro, Maadaama ay muddo dheer ku howl lanaayeen Xasuuqa Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Buuhoodle oo laga hir-geliyay xafiiska xuduudeedka socdaalka

0

Muqdisho (SNTV) Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo kaashaneysa maamulka iyo odoyaasha dhaqanka degmada Buuhoodle ayaa dib u howlgelisey xafiiska socdaalka bar-xuduudeedka Buuhoodle.

Munaasabadda lagu daahfurey xaafiiska ayaa waxaa ka soo qaybgalay xubno ka socdey qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka, maamulka degmada iyo ciidamada amniga, wuxuuna dhinac walba balan qaadey gudashada waajibka kaga aadan howlaha xaafiiska.

Daahfurka xaafiiskaan ayaa micnihiisu yahey in Soomaaliya dhinaceeda ay diyaar u tahey ilaalinta amniga, sharciga iyo hababka socdaalka gobolka iyo guud ahaan kan caalamka.