Home Blog Page 1126

Madaxweynaha Mexico oo ka hadlay mas’uuliyiin shil diyaaradeed ku dhintay

0

Shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Mexico ayaa ka dhashey dhimashada dad mas’uuliyiin ahaan oo isugu jiray xildhibaan iyo guddoomiye gobol,kadib markii ay burburtay diyaarad ay saarnaayeen.

Guddoomiyaha gobolka Puebla state ee dalkaasi Mexico Martha Erika Alonso,seygeedi Rafael Moreno Valle,2 duuliye iyo qof kale oo diyaaradda saarnaa ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay dalkaasi markii ay burburtay diyaarada nuuca Helcopterka ah oo ay saarnaayeen xili ay ka kacaysay garoonka diyaaradaha caasimadda Puebla .

Madaxweynaha cusub ee dalkaasi Mexico Andrés Manuel López Obrador ayaa xaqiijiyay geerida guddoomiye Martha Erika Alonso iyo seygeeda Rafael Moreno Valle kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka isagoo adeegsanayay luuqadda Spanishka.

Wuxuuna sheegay in ay jiraan baaritaano ku aadan sababaha dhaliyay shilkaasi.

Miss Martha Erika Alonso ayaa ah haweeneydii ugu horeysay ee guddoomiye ka noqoatay gobolkaasi Puebla Satate ee Mexico kadib markii ay ku soo baxday doorasho adag oo halkaasi ka dhacday dhawaan,waana 45 sano jir ka tirsanayd xisbi u ololeeya xuquuqda aadanaha.

Baarlamaanka maamulkaasi Puebla ayaa horyaala in ay doortaan hogaan cusub oo KMG ilaa doorasho ay ka dhacaysa.

Hooyo Salaado Xuseen Nuur argagixisada nama niyad jebinkarto!

0

Hooyo Salaado Xuseen Nuur waa Hooyo Soomaaliyeed oo ka shaqeysan jirtay goob shaaha lagu cabo oo ku taalo Taalada Xaawo Taako afaafka hore ee Tiyaatarka Qaranka,isla markaana kala qeybisa Degmooyinka Xamar weyne iyo Warta Nabadda.

Qaraxii 22 December ay Al-Shabaab ka geysteen Taalada Xaawo Taako ayay Qoyska Hooyo Salaado ku noqotay musiibo, kaddib markii ay ku waayeen Walaasheed Farxiyo oo u geeriyootay bir ka gashay dhanka Wadnaha oo jartay xididka halbowlaha, taasi oo ka timid gaariga Al-Shabaab ay ka soo buuxiyeen biraha iyo walxaha qarxa ee ay ugu talagaleen inay Ummadda ku xasuuqaan.

Sidoo kale isla goobta Xaawo Taako waxaa ku dhaawacantahay curudda Hooyo Salaado oo jirta da’da 13-sano, taasi oo u ahayd xoog, maadaama ay shaqadoodu tahay iibinta shaaha, isla markaana aysan ka niyad jebi doonin dib u yegleelidda meheradooda ganacsi.

Qaraxii kan ka horeeyay oo ay argagixisadu ka geysteen isla goobtan waxa ay Hooyo Salaado ku weysay Seeygeeda.

“Anaga masaakiin ayaan iska nahay, goobtan shaah ayaan ku karsan jirnay, mucjisadan ayaa nagu habsatay oo galaafatay Walaasheyda Farxiyo, iyo gabarteeyda curudda ah oo iga dhaawacantay, tani waa qadar Alle ee aan u wada duceyno Farxiyo iyo inta kale ee goobta ku dhimatay” ayay tiri Hooyo Salaado.

Hooyo Salaado iyo Walaasheed Farxiyo subax kasta waxay u soo kalihi jireen in shilin shilin-ka ay goobta ka helaan ku quudiyaan ehelkooda iyo naftooda, balse taa badalkeeda Argagixisada Al-Shabaab ay gaari ka soo buuxiyeen waxyaabaha qarxa oo ku kacaya kumanaan kun oo dollar ay ku holciyeen in ka badan 20  qof oo ay ka mid ahayd Farxiyo.

Allaha u naxariistee Farxiyo waxa ay ifka kaga tegtay hal canug, halka Hooyo Salaado ay iminka korineyso 6- carruur ah oo midi kamid ah ay ku dhaawacantahay qaraxii musiibada ahaa, kuwaasi oo isugu jira agoon iyo carruur ay Aabahood kala tageen.

Hooyo Salaado Xuseen Nuur inkasta oo uu dhibkan gaaray hadana hankeedu waa kii shalay, iyadoo si murugo ku dheehantahay ula hadlaysay bulshadana waxa ay ka codsatay inay gacan ku siiyaan sidii ay markale meheraddii ka bur burtay u dhisan lahayd, maadaama ay ka soo jeeddo qoys sabool ah, una baahantahay kaalmo dhinac waliba leh.

W/D: Maxamed Macalin Xasan

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Garsooreyaal ka tirsan Maxkamadda Sare

0

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Garsooreyaal ka tirsan Maxkmadda Sare ee dalka, keddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

Garyaqaannada uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ayaa ah:

Garyaqaan Xasan Cabdinuur Cabdirixmaan.
Garyaqaan Abuukar Axmed Cali (Qasaali).
Garyaqaan Cabdulqaadir Idiris Ciise.
Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey garsooreyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka.

Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku saleeysan dardar gelinta Golaha Adeegga Garsoorka iyo wax ka qabashada cabshooyinka dhanka cadaaladda ee ka yimid Muwaadiniinta Soomaaliyeed

Ciidamada Amniga oo Gacanta ku dhigay Xubin ka tirsan Argagaxisada Daacish

0

Muqdisho (SNTV) Ciidamada Amniga ayaa howlgal qorsheysan ku soo qabtay Xubin ka tirsan Argagaxisada Daacish oo u qaabilsanaa  Tashkiilinta xubna cusub iyo faafinta wararkooda beenta ah (Borobagaandhada), sida uu sheegay Taliska NISA.

War kooban oo kasoo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan aysan jirin cid wax ku noqotay.

“Howlgal aan cidi wax ku noqon ayaa ciidamada amniga 23-ka bishan, kusoo qabteen howlwadeen ISIS u qaabilsanaa soo tashkiilinta xubna cusub iyo faafinta wararkooda beenta ah (Borobagaandhada), waxaana la horkeeni doonaa cadaaladda”.

Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka waxaa ka socda Howlgalo ay wadaan Ciidamada Amniga,iyagoo ku guuleystay inay ka hortagaan dhibaatooyin badan oo Argagixisada ay la doonayeen shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Beyle oo warbixin ku aadan horumarka iyo hagaajinta hanaanka maaliyadda siiyay Madaxweynaha JFS

0

Muqdisho(SNTV):- Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beele ayaa sheegay in warbixin kooban uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka siiyay horumarka Dowladda ka gaartay dib u habeynta iyo hagaajinta hanaanka maaliyadda Dalka.

“Sharaf ayay ii tahay inaan warbixin kooban ka siiyo Madaxweynaha Soomaaliya MD Maxamed Cabdullahi Farmaajo horumarka aan ka gaarnay dib u habeynta iyo hagaajinta hanaanka maaliyadda Dalka”, ayuu yiri Wasiirka Beyle.

Sidoo kale, Wasiir Beyle ayaa madaxweyne Farmaajo la wadaagay natiijada ka soo baxday kulanka Jaamacadda Carabta oo uu dhowaan kaga qeyb galay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

“Waxaan sidoo kale la wadaagay natiijooyinkii kasoo baxay kulankii Jaamacadda Carabta ee Qaahira usbuucii tagay aan uga qeyb galay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya.

R/wasaare Kheyre oo guddoomiyay shir looga hadlay qorshaha cafinta daymaha+Sawirro

0

Muqdisho (SNTV):- Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Qorshaha Cafinta Deymaha kaasi oo ka dhacay xarunta wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka ee Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda ayaa Ra’iisul wasaaraha uga warbixiyay guulaha laga gaaray shuruudaha dayn cafinta ee dawladda lagu xiray iyo shaqooyinka qabyada ah ee dhammeeystirka u baahan si loo dar-dar geliyo qorshaha cafinta daymaha Soomaaliya.

Shirka Toddobaadlaha ah ee geeddi socodka dayn Cafinta Soomaaliya oo ay kasoo qayb galaan dhammaan dhinacyada ay khuseyso geeddi socodkaasi ayaa looga hadlaa qodobada ka fulay heshiiskii Hay’adda lacagta adduunka ee loo soo gaabiyo (IMF) iyo Dawladda Soomaaliya ay wada gaareen iyo dar-dar gelinta qorshayaasha fududaynaya in Soomaaliya daynta laga cafiyo.

Dowladda Federaalka ayaa dadaal xooggan gelisay sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay, waxayna Hay’adaha dhanka maaliyadda ka taageera Soomaaliya ay ku ammaaneen daah-furnaanta iyo kobaca dhaqaalaha dalka uu sameeyay sanadihii ugu danbeeyay.

 

Madaxweynaha Mareykanka oo si Kumeel gaar ah Patrick Shanahan ugu magacaabay Wasaaradda Difaaca

0

Washington(SNTV ) Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku cadaadiyay Mr James Mattis wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Mareykanka oo dhawaan xilka iska casilay in uu dhaqsi xafiiska u baneeyo,iyadoo ujeedka uu yahay in la buuxiyo jagadaasi uu ka tagay.

James Mattis Xoghayihii Difaaca Mareykanka oo 68 jir ahaa ayaa Jimcihii la soo dhaafay xilka ka degey kadib markii uu sii fogaaday khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeyay isaga iyo madaxweynaha khilaafka oo salka ku haya arrimaha la xiriira miisaaniyadda Difaaca ee dalka Mareykanka.

Mr James Mattis  oo la filayay in uu xilka wareejiyo bisha February ee sanadka cusub ayaa lagu qasbay in uu banneeyo xafiiska gebi ahaanba bisha January ee sanadka na soo aadan ee 2019-ka iyadoo xilkaasi si KMG uu u qaban doono kuxigeenkii xoghayihii Difaaca ee Mareykanka oo uu u magacaabay madaxweyne Trump.

War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu madaxweyne Trump kaga waramay isbedelka lagu sameynayo hoggaanka sare ee wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqo in xoghaye kuxigeenkeenii Difaaca oo aad u Khibrad badan ee Patrick Shanahan uu si kumeel gaar ah xilka Wasaaradda Gaashaandhiga Ula wareegi doono, 1-da bisha Janaayo, Patrick Shanahan  wuxuu leeyahay Khibrad ku filan oo horey uu uga soo shaqeeyay sida xukigeenka Difaaca, wuxuu noqon doonaa qof wanaagsan”. Ayuu yiri madaxweyne Trump.

Patrick Shanahan  oo 56 jir ah ayaa ku soo biiray Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka sanadkii 2017-dii kadib markii uu kuxigeen ahaan uu u magacaabay madaxweyne Donald Trump.

 

Ra’iisal wasaaraha dalka oo kormeeray Tiyaatarka Qaranka+Sawirro

0

Ra’iisul wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeeray Golaha Murtida iyo madadaalada Qaranka oo ay ka socdaan howlo dib u dhis ah.

Xilligii uu Ra’iisul waasraha ku guda jiray kormeerka ayaa waxaa goobta ku sugnaa shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadad Soomaaliya oo halkaasi ka waday shaqa Maalmeedkooda Is-xilqaan, taasoo qayb ka ah qorshaha ay hay’adaha Dowladda kaga qayb qaadanayaan ololaha Is-xilqaan oo uu Madaxweynaha JFS ku dhawaaqay.

Ujeedka ugu weyn ee Ra’iisal wasaare Kheyre u kormeeray Golaha Murtida iyo madadaalada Qaranka ayaa waxay tahay inuu u kuurgalo howsha is-xilqaan iyo siday u socoto,wuxuuna warbixin ka dhageystay Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure iyo Injineerada wax ka dhisaya xarunta.

Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure ayaa sheegay iney aad ugu faraxsan yihiin inuu soo booqdo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya xilli ay ku guda jiraan howsha is-xilqaan ee dib loogu dayactirayo Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka,islamarkaana uu Ra’iisal wasaaraha qeyb ka noqdo barnaamijka is-xilqaan ee maanta ka socoto xarunta Tiyaatarka Qaranka.

Waxaa meel wanaagsan maraya dib u dhiska iyo dayac-tirka golaha murtida iyo wacyi gelinta Qaranka Soomaaliyeed oo dhawaan la billaabay.

dav
dav
dav
dav
dav

 

Hooyo Suldaano Bare, Bulshada wayday.!!!

0

Hooyo Suldaano Muuse Caddow, waxay ka mid ahayd Macalimiinta Soomaaliyeed ee mudada dheer waqtigooda u huray waxbarista, iyo kobcinta garaadka dadka Soomaaliyeed ee waxbaranaya.

Halganka Nolosheeda iyo hamiga wayn ay ka laheyd soo saarista Bulsho waxbaratay oo leh maskax nadiif ah ayaa waxaa hor istaagay maleeshiyada Al-Shabaab oo Qarax ku dilay 22-kii Bishaan December, xili ay u socotay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ay ka tirsanayd.

Hooyo Suldaano in ka badan 10-sano ayay ka shaqaynay howlaha Waxbarashada, iyadoo waqtiga uga badan ay ahayd Macallim waxbara Ubadka Soomaaliyeed.

Waxay mudo dheer ka soo shaqaysay oo macallim ay ka ahayd Machadyo kala duwan oo ku yaala magaalooyinka Maka iyo Madiina ee dalka Sacuudiga.

Sidoo kale waxay macallim ka soo noqotay qaar ka mid ah Jaamacadaha ku yaala dalka, sida ay inoo sheegeen dadkii ay aadka isku garanayeen Suldaano Allaha u naxariistee.

2015-kii ayay Suldaano Muuse ku biirtay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo dib loo howlgaliyay 2014-kii.

Waxay haatan sidoo kale la shaqaynaysay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya sida uu Radio Muqdisho u sheegay saygeeda Eng. Axmed Calasow.

Alla ha unaxariistee Hooyo Suldaano waxay xilligaan ahayd Madaxa qaybta Tababarrada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, sidoo kalana waxayd ahayd Macalimad dhigta luuqada English-ka.

Suldaano Muuse Caddow da’deeda waxay ahayd 54, sano jir, waxayna ku dhalatay Gobalka Shabeellaha Hoose Sanadka markuu ahaa 1964-tii.

Waxbarashadeeda Hoose, Dhexe iyo Sare waxay ku qaadatay Magaalooyinka Golwayn, Marka iyo magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Sido kale degree-ga koowaad ee Jaamacadd waxay ka qaadatay Universiti Putra Malaysia (UPM) waxayna ka baxday kuliyadda luuqadaha.

Shaadada master-ka ee heerka labaad ee Jaamacadda waxay ka qaadatay Lincoln University oo ku taala dalka Malaysia, iyadoo baratay cilmiga maaraynta Ganacsiga.

Waxay ahayd Hooyo dhashay Saddex caruur ah, waxaana haatan ay ifka uga tagtay oo kaliya Hal wiil oo ay dhashay iyo labo caruur ah oo uu dhalay.

“Waxay ahayd qof naxariis badan, oo aad uga war haysa dadka ay isku shaqada yihiin duruufaha iyo culaysyada ay dareemayaan, sidoo kale aad ayay ugu fir fircoonayd shaqada, waxayna ahayd qof aad iyo aad u jecel horumarka iyo isbadalka,” Sidaasi waxaa Radio Muqdisho u sheegay qof ka mid ah dadkii ay isla shaqaynayeen.

W/D Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS oo sheegay in sanadka soo socda la kordhin doono tirada Xujeyda Soomaaliyeed.

0

(SNTV):-Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Xildhibaan, Sheekh Nuur Maxamed Xassan ayaa dalka sacuudiga waxaa uga bilowday booqasho rasmi ah oo uu maalmo kujoogi doono halkaasi.

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa sidiirran u qaabilay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga Dr. Maxamed Salalax Bin Dahir Bintin, iyo Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Xajka & Cumtrada Dr. Cabdilfataax Mashaad,

Masuuliyiintan ayaa yeeyashay kulan saacado qaatay waxaana looga wada hadlay Arrimaha Xajka, iyadoo Wasiirka Awqaafta XFS  laga dhageystay warbixinno kusaabsan arrimaha xajka sanadkii hore sida ay ahayd, waxyaabihii ka dhinaa iyo faa’iidooyinkii lagaaray.

Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku hishiiyay in tirada dadka soomaaliyeed ee sanadka soo socda xajin doona lagu daro, Labo kun iyo Labo Boqol (2,200 ) oo xaaji, taas oo ka dhigan in tirada xujayda Soomaalida sanadkan noqota Kow iyo Toban kun iyo Shan Boqol (11,500 ) oo Qof, halka sanadkii hore ay aheyd, Sagaal kun iyo Sedex Boqol (9,300 ) oo Qof, sida uu sheegay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Xildhibaan, Sheekh Nuur ayaa sidoo kale sheegay in la isla-gartay in aad loo wanaajiyo adeegyada la siiyo soomaalida, haddey ahaan lahayd, deegaannada gaadiidka  iyo cunnada intaba, iyadoo lagu ballamay in lada-dajiyo soo saarista Fiisayaasha xajka iyo adeegyada kale ee xajka.