Home Blog Page 1126

faa’iidada ugu wanaagsan ee ay leedahay waxbarashada

0

Muqdisho September 29 (SNTV):- Waxbarashadu waa hubka ugu awoodda badan xaalad kasta ee jirta. Marka xaqiiqda laga hadlayo, qalin biiraha iyo qalin tiraha/qoriga waxa ay ka awood badan yihiin xabadda/qoriga iyo midida.

Jahada aad waxbarashadda ka bilaabeyso waxa ay go’aamisaa mustaqbalka noloshaada, mar aad dib u eegto 50-sano ama 70-sano, dad badan ayaa ka badbaaday aqoon la’aanta. Marka aad eegto tartanka ardayda aduunku ay sameyneyso, waxa aad dareemeysaa in lagu kala horeeyo agabka waxbarasho ee la helayo.

Haddii ay dooneyso maskaxdaadu iney ilaaliso mustaqbalkaada waa iney markasta su’aal is weydiisaa. Qofku haddii uu doonnayo inuu waxbarashadda ka guul-gaaro fadla, wax u baro si xariira.

  1. Waxaad heleysaa xushmad/tixgalin kaaga imaaneyso qof kasta iyo meel kasta

Xushmadu waa keyd ugu qiimaha badan noloshaada. Waxbarashadu waa furaha ugu awoodda badan kaas oo lagu sameeyo xushmaddaha kale.

Haddii aad tahay qof aqoon leh, waxa aad heli doontaa tixgalin taasoo kaaga imaaneyso qof kasta iyo meel kasta. Dabcan, bulshadu way tixgalisaa qofka taajirka ah waliba si wanaagsan, laakiin meelkasta laguma tixgaliyo. Marka ugu horeyso ee aad dad la kulanto, ayagu kuma weydiinayaan waxa aad qabato? Sida xaaladdada, laakiin dadku waxa ay qiyaasaan xirfaddaada. Haddii aad dooneyso inaad noqoto qof xirfad wanaagsan waxa aad u baahan tahay inaad si fiican wax u barato. Sidaa awgeed waxbarashadu waxa ay si fudud kuu siisaa tixgalin dadka ay ku tixgalinayaan.

Bal maley Bill gate waxa uu ku dhacay jaamacadda HARVARD UNIVERSITY, laakiin hadda waxa uu kamidyahay dadka  ugu tixgalinta badan caalamka, Waxa uuna ku muteystay waxa uu kusoo kordhiyay caalamka manta casriga ah. Laakiin ogow Bill gate ma uusan eheyn  jaahil, waxa uu qiimahaas ku muteystana waa aqoontiisa uu ficil u beddelay.

Steve Jobs waxa uu ku dhacay koleyjka REED COLLEGE, laakiin waxa uu ka mid ahaa aas’aasayaashi shirka Apple shirka daasoo ilaa iyo manta ka midda shirkaddaha lagu riyoodo caalamka.

Ku fikir waligaa kaliya hab aan dadka kale suura gal la noqoneyn laakiin aad adigu suura galin laheyd. Laakiin sabab aad adigu ugu cabir qaadataa kaliya 0.0001 boqolkiiba? Tusaale cabirka dadka lake waa 99.9999 boqolkiiba. Inta badan dadka dunida ku nool cabirkooda ka qaataan inta ay la egtahay tixgalinta ay dadku siiyaan, xirfadooda ayaga.

  1. Waxbarashadu waxay beddeshaa caadooyinkada/dhaqamadaada

Ma heleysid meel ka wanaagsan Iskoolka kaasoo aad ku baraneyso dhaqamada asaasigaa. Shay kasta oo aad ku baraneyso Iskoolka waxa uu saameyn adag ku yeelanayaa noloshaada maalin laha ah. Waxbarashadu kaliya ma afayso maskaxadda laakiin sidoo kale waxay afaysaa caadooyinka xun xun. Marka aad la kulanto Ajnabi, waxa aad awood u leedahay inaad xukunto caadooyinkiisa kaliya, sidoo kale waxaa muhiima asluubtiisa shaqsiyadeed, waxaa kale oo adiga kugu filan kaliya dadka aqoonta leh.

  1. Shaqo ayaad ka heleysaa meel kasto

Waxaa jiro habab lacag loo sameeyo, annaga waxaa nagu waajiba inaan shaqa fiican la imaano. Hadda kaba soo qaad maalinkasta waxaa soo qalin jabiyo arday xaqiiqatan si adag ayey shaqo u raadinyaan. Sidaas awgeed dadka aanm waxbaran sidey shaqa u raadinayaan? Waxbaradu waxay u baahan tahay qaabki aad ugu gudbi laheyd tilaabadda xigto. Haddii aad heysato Bachelor, Diploma  ama shahaadda kale, waxaad heli doontaa shaqo meel ay ahaataba, laakiin wax ka hooseeyo lama sheegi karo waqtigaan la joogo. Haddii aadan heysan wax shahaadda ah sidee u rabee shaqo xafiiseed. Kaliya waxaad qaban kartaa shaqooyinka aan xirfadda aqooneed u baahneyn sida xamaaliga, si aad uga dhacsato noloshaada maalin laha ah. Qaarada aasiya xitaa ma heleysid shaqada xamaaliga ah haddii aadan wax shahaada ah wadan. Sidaa darteed bal ka fikir faa’iidada wax barashada ay u leedahay noloshaada ha noqonin waligaa jaahil xitaa in yar oo noloshaada ka mida.

  1. Waxbarashadu waxay sameysaa saaxiibo

Waxaa jiro farqi badan oo u dhexeeyo saxiibtinimadda, sida saaxiibadii sanaddii 1994 iyo saaxiibadda 2018. Waayadii hore waxbarashadu ma eheyn wax ay sidaas ugu sii weyn tahay sameysashada saxiibo. Laakiin hadda waxaa muhiim ah iney kugu hareereysan yihiin saaxiibo heerkoodda aqooneyd sareyso. Aniga maka hadlaayi dhammaan dadka dunida ku nool, laakiin waxaan ka hadlayaa inta ugu badan dadkaas. Sida loo sameysto saxiibo cusub, waa inaad la saaxiibtaa dadka aqoonta leh ama dadka dhaqaalaha leh. Haddii aadan laheyn mid ka mida labadaan, waxa ay noqoneysaa si fudud in leesaga ka tuuro. Runtii wax murugoonayaa laakiin nolosha aduunyadaan waxa aan ku noolaaneynaa manta oo kaliya.sidaas awgeed sameyso saxiibo cusub kuwaasoo leh faa’iido aqooneed.

  1. Maamulida waqtigaada/lacagtaada

Maamulida waqtigaada/lacagtaada waa laba arrimood oo muhiima maanta iyo nolosha maalin laha ah. Laakiin aqoon la’aan, way adag tahay in loo maamulo waqtiga iyo lacagta si xirfad leh. Labadaan aaladood waxa ay sameeyaan noloshaada si fudud waliba.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya oo kulan sagootin ah u sameeyay danjirihii hore ee Suudaan u fadhiyay Soomaaliya

0

Muqdisho September 29 (SNTV):- Wasiirka wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa kulan sagootin ah u sameeyay danjirihii dowladda Suudaan u fadhiyay Soomaaliya Maxamed Yuusuf Ibraahim.

Kulanka ayaa lagu lafa guray xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal, iyo  iskaashiga dhanka waxbarashada, waxana kulanka goob joog ka ahaa xoghayaha joogtada ee wasaaradda waxbarashada Mudane Axmed Yuusuf Xassan iyo xubno kale oo ka tirsan wasaaradda.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa dowladda Suudaan uga mahad celiyay sida markasta ay u garab tagan yahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dhanka waxbarashada.

“Waxaan kulan sagootin ah ugu sameeyay  danjirihii hore ee dowladda Suudaan u fadhiyay Soomaaliya  Ambasador. Maxamed Yuusuf Ibraahim, waxaan ka wada hadalnay, xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dalka, dowladda Suudaan waxay ka mid tahay dalalka deeqaha waxbarasho siiya dalkeenna, hadda waxaa jaamacadaha Suudaan wax ka dhigta ardey badan oo Soomaaliyeed”ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa guul u rajeyay danjirihii hore ee Suudaan u fadhiyay Soomaaliya Maxamed Yuusuf Ibraahim, isagoo bogaadiyay hawshii uu dalka ka qabtay mudadii uu joogay.

Ambasador Maxamed Yuusuf Ibraahim ayaa dowladda Soomaaliya ku amaanay horumarka ay ku talaabsatay mudadii ay jirtay isagoo ballan qaaday in dowladda Suudaan ay kordhin doonto deeqaha waxbarasho ee ay siiso Soomaaliya.

“Waxaan bogaadinaya dadaalka dowladda federaalka Soomaaliya iyo horumarka ay ku talaabsatay mudadii ay jirtay, waxaan u mahad celinaya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa wasaaradda waxbarashada, oo si wanaagsan aan u soo wada shaqeynay”ayuu yiri danjirihii hore ee Suudaan u fadhiyay Soomaaliya.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa shahaado sharaf guddoonsiyay danjirihii hore ee dowladda Suudaan u fadhiyay Soomaaliya Maxamed Yuusuf Ibraahim.

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa maalintii shalay ku guuleystay inay la soo wareegto 24 iskuul  oo ku yaalla gobolka Banaadir.

Maxkamadda gobolka Banaadir oo dhagaysatay dacwad la xiriirta Musuq-maasuq

0

Muqdisho September 29 (SNTV):- Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Marka ay Taariikhdu aheyd 27/09/2018 u fariisatay dacwad ciqaabeed loo haysto eedeysanayaasha kala ah Daahir Maxamed Nuur oo ah Agaasimaha waaxda dib u dejinta Barakacayaasha ee Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka XFS iyo Maxamed Cumar Macallim oo ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gargaarka oo ahaa maqane.

Waxaa Maxkamadda furay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallim Maxamed, iyadoo ay ka soo qeyb galeen xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr.Axmad Cali Daahir iyo ku xigeenadiisa, Qareenada difaacayay eedaysane Daahir Maxamed Nuur, waxayna Maxkamddu intaa kadib guda gashay Dhagaysiga Dacwadda loo heysta eedaysanayaasha.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallim Maxamed ayaa u akhriyay eedda loo haysto eedaysanayaasha oo uu goob joog ahaa Daahir Maxamed nuur, waxaana dooda qaatay Xeer ilaalinta oo ku oogeysay Dacawadda loo haysto eedeysanayaasha iyadoo Qareennada difaacayay eedeysane Daahir Maxamed Nuur ay ka difaaceen eedda lagu soo oogay Muwakilkooda kuwaas oo soo bandhigay difaacooda sharci.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka banaadir Garyaqaan Muuse Macallim Maxamed ayaa mar kale balamiyay dhagaysiga dacwada maalinta khamiista ee soo socata inta ka harsan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ka qeyb-galay munaasabad uu xilka kula wareegayey Taliyaha cusub ee Ururka 60

0

Muqdisho September 29 (SNTV):- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka  Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa maanta ka qeyb-galay Munaasabad uu xilka kula wareegayey taliyaha cusub ee loo magacabay Ururka  60-aad  ee ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya taas oo lagu qabtay xarunta taliska Ururka 60-aaad ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa la hadlay saraakiisha, saraakiil,xigeenada, allifleyda iyo dableyda Ururka 60-aad ee ciidanka ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya, isagoona ku ammaanay shaqada ay u hayaan Bulshada iyo madaxda Dalka.

“Ururkaan waxaa uu kamid yahay ururada ugu fiican Ciidanka Xoogga Dalka, waxaan rabaa in miisaanka aad leedihiin aad sii muujisaan, waana idinku amaanayaa howshiina”ayuu yiri taliyaha

Duqa Muqdisho iyo Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka oo ka wada hadlay ballaarinta Sohdimaha Caasimadda

0

Muqdisho September 29 (SNTV):-  Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka ayaa ka wada hadlay ballaarinta Sohdimaha ay Caasimaddu leedahay.

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay baahida loo qabo in Caasimaddu ay sii ballaarato, maadaama xiligan ay ku nool yihiin tiro aad uga badan waqtiyadii hore, isagoo xusay in bulshada Caasimaddu ay tallo ahaan u soo jeediyeen in la gaarsiiyo labada Wabi ee Balcad iyo Afgooye.

“Maadaama uu dalku yahay Federaalka, Caasimadduna ay ka ballaaratay intii hore waxaa muhiim ah in laga wada-xaajoodo mustaqbalka sidii loo gaarsiin lahaa sohdinta hadda jira labada Wabi ee Balcad iyo Afgooye”.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyey guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka doorka ay ka qaadanayaan federaaleynta dalka, gaar ahaan sidii bulshadu u noqon lahayd kuwa faham u leh hannaanka federaalka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay ahmiyadda ay arrimahan u leeyihiin wadatashiga dadweynaha, si go’aanada la qaadanayo u noqdaan kuwa ku saleysan rabitaanka bulshada.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Mudane Khaliif Cabdikariin Maxamed ayaa warbixin ka siiyey Duqa Muqdisho howllaha uu guddigu qabto, isagoo faah faahin dheerna ka bixiyey shaqooyinka muhiimka ah ee horyaalla, gaar ahaan sameynta sohdimaha maamullada dalka.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya oo Kulan la qaatay Madaxa Arrimaha Diinta Dalka Turkiga

0

Muqdisho September 29 (SNTV):- Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xukuumadda Federaalka Soomaliya Xildhibaan Sheikh Nur Mohamed Hassan ayaa kulan looga hadlay dhinacyo badan Turkiga kula qaatay Madaxa Arrimaha Diinta Turkiga Dr.Cali Irbaash.

Mudane Xildhibaan Sheikh Nur Mohamed Hassan ayaa marka hore ka mahadceliyay soo dhawaynta loo sameeyay isaga & wafdigiisa waxuuna xusay taariikhda lama ilaabaanka ah ee Dadka iyo Dalka Turkigu ku leeyihiin quluubta shacabka Soomaaliyeed.

Dr. Cali Irbaash Madaxa Arrimaha Diinta Dalka Turkiga ayaa xusay muhiimadda ay leedahay booqashada Wasiirka uu ku joogo Dalka Turkiga isagoo sheegay inay muhiim tahay in la iska kaashado dhanka horumarinta Barashada Diinta Islaamka.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xildhibaan Sheikh Nur Mohamed Hassan ayaa dhankiisa soo dhaweeyay iskaashi ku dhisan danaha labada Dal oo dhaxmara Soomaaliya iyo Turkiga.

“ Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinaynaa isbarbar taagga iyo hiilka uu markasta noo hayo Turkiga, anaga oo ka faa’idaysan doono fursadaha iskaashi dhanka horumarinta Barashada Diinta & Horumarinta Xarumaha Barashada Diinta, waxaana mustaqbalka balaarin doonaa xiriirka iskaashi” ayuu yiri wasiir Xildhibaan sheikh Nur Mohamed Hassan.

Ugu damabayn, Wasiir Sheikh Nur Mohamed Hassan ayaa xusay inay muhiim tahay in Soomaaliya laga caawiyo horumarinta xarumaha barashada Diinta iyo Tababaridda Imaamyada, Khadiibyada, macalimiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradda.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo gaartay Baraawe.

Baraawe (SNTV)- Wefdi uu hugaaminayo guddoomiyaha  Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ay  wehliyaan Xeer Ilaaliyaha Guud ee  Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Cabdullaahi Buule Kameey iyo Saraakiil kale ayaa u tegay magaala xeebeedka Baraawe ee gobalka Shabeelaha-Hoose howlo shaqo oo dowladda dhex ee Soomaaliya kaga wakiil  yihiin.

Ujeedada wefdiga  ay u gaareen magaala xeebeedka Baraawe ayaa ah sidii loo darsi lahaa isfaham waa u dhaxeeye maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada, iyadoo sidoo kale wefdigan la filayo in ay go’aan ka gaaraan   maxaabiis ku xiran Xabsiyada Baraawe.

Inta uu jooga guddoomiyaha ayaa la filayaa in uu sidoo kale booqdo xarumaha ciidamada oo u diyaar garowaya howlagallo guud oo dalka looga xureynayo maleeshiyada Alshabaab.

Maamulka degmada, Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa howlgalka AMISOM ayaa garoonka ku soo dhaweeyay wefdiga guddoomiyaha.

Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyey dadaallada Xukuumadda ee dib u habaynta hannaanka maaliyadda

0

Muqdisho, Sebtembar 26, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey dadaallada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ay ku bixisay dib u soo celinta kalsoonida beesha Caalamka ee ku aaddan hufnaanta hay’adaha maaliyadda dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qorshaha iskaashiga wada jirka ah ee Soomaaliya iyo Golaha Bangiga Adduunka (2019-2022) uu ka tarjumayo horumarka Xukuumadda Soomaaliya ay ka sameeysay dib-u-habeeynta laamaha maaliyadda, kobcinta dhaqaalaha iyo sare u qaadista ilaha dakhliga dalka.

“Barnaamijyada ay ansixiyeen Golaha Bangiga Adduunka ee ku saabsan maalgelinta adeegyada asaasiga ah, dhammaystirka dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo kor u qaadista fursadaha shaqo waxa ay dhiirrigelin u yihiin qorsheyaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay higsanayso.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in fulinta barnaamijyadaas horumarineed lagu jaan gooyo baahiyaha shacabka, gaar ahaan kobcinta ganacsiga dadka dan yarta ah, kor u qaadista fursadaha waxbarashada, yareynta saboolnimada iyo shaqo la’aanta ka jirta dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Golaha Maamulka ee Bangiga Adduunka (WBG) iyo Hay’adda lacagta (IMF) sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo gacanta ay ka geysanayaan qorsheyaasha ku saabsan hirgelinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Barnaamijka iskaashiga wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka ayaa salka ku haya kor u qaadista dakhliga, dhisidda awoodda Dowladaha Hoose, kobcinta adeegyada asaasiga ah ee bulshada, horumarinta ganacsiga iyo taabbo gelinta maalgashi horseeda in si xawli ah dib loogu dhiso dalka.

DHAMMAAD

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo bilowday hirgalinta mashruuc Cusub

0

Muqdisho (SNTV) Mashruucaan ayaa loogu talo galay in lagu dhiira geliyo haweenka ka ganacsada Dhuxusha si loo yareeyo ka ganacsiga dhuxusha oo keeni karta nabaad guur saameyn ku yelata deegaanka, waxaana badalkii dhuxusha wasaaradda Xanaanad Xoolaha Dhirta iyo Daaqa oo wada arintan  ay guddoonsiisay haweenkan Gaas, iyadoo mashruucan lagu bilaabay haweenka ka ganacsada dhuxusha ee degmada Hodan.

Munaasabadda oo lagu qabtay xarunta wasaaradda waxaa ka qeyb galay madaxda wasaaradda, waiilo ka socday UNDP iyo Midowga Yurub, masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir iyo guddoomiyaha degmada Hodan C/xakiin Dhagajuun oo degmadiisa lagu bilaabay mashruucan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa C/kariin Khaliif Cabdi oo ugu horeyn halkaasi kahadlay ayaa sheegay in mashruucaan lagu bilaabay haweenka degmada Hodan.

“Mashruucaan oo ah mid waxtar leh waxaan ku bilownay haweenka ka gacasada Dhuxusha ee kunool degmada Hodan, waxaana rejeyneynaa iney ka faaiideystaan”ayuu yiri.

Madax ka socotay UNDP iyo Midowga Yurub oo iyagana halkaasi kahadlay ayaa sheegay in wasaaradda ay kala shaqeynayaan sidii looga maarmi lahaa ka ganacsiga dhuxusha.

Raxma Maxamed Jimcaale oo kamid ah haweenka ka faaiideysanaya Barnaamijkan ayaa tilmaamtay in talaabadan ay ku dhiira gelineyso iney ka maarmaan ka ganacsiga Dhuxusha.

“Anaga hadiiba aan helnay dhiira gelintaan wan ku faraxsanahaya waana joojineynaa ka ganacsiga dhuxusha”ayey tiri Raxma Maxamed Jimcaale.

Guddoomiyaha Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax ayaa ku bogaadiyey haweenka in ganacsiga dhuxusha oo halis ku ah deegaanka ay tahay waqtigii ay joojin lahaayeen.

“Waad ogtihiin deegaanka ayey halis ku tahay in laga ganacsado Dhuxusha, maadaama hadda Gaas la idin guddoonsiiyey waa inaad la jaanqaadaan dunida sida hadda ay tahay oo aad ka gudubtaan ganacsiga dhuxusha”ayuu yiri.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha DHirta iyo Daaqa Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo agabkii ay ku ganacsan lahaayeen guddoonsiiyey haweenka degmada Hodan ayaa sheegay in si walba oo ay ku joojin karaan jarista iyo ka ganacsiga dhirta ay sameynayaan.

“Wasaaraddu wax waliba oo arintaan ay ku joojin karto wey sameeneysaa, cid waliba oo nagu taageertay mashruucaana aad ayaan ugu mahad celineynaa”ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir Guddoomiyay kulanka Billaha ah ee Guddiga Dhaqaalaha

0

Muqdisho (SNTV):–Wasiirka Maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa Maanta Shir Guddoomiyay kulanka Billaha ah ee Guddiga Dhaqaalaha (FGC meeting).

Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in maanta kulanka Billaha ah diiradda lagu saaray waxyaabihii guddiga u qabsoomay iyo caqabadihii ka horyimid tan iyo markii la dhisay Guddigan.

“Waxaan maanta shirgudoomiyay kulanka Billaha ah ee guddiga dhaqaalaha (FGC meeting) oo aan diiradda ku saarnay waxyaabaha inoo qabsoomay iyo caqabadaha jira sidii looga gudbi lahaa” ayuu yiri Wasiir C/raxmaan Ducaale Beyle.

IMF ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in Dowladda Sooomaaliya buuxisay dhammaan 27-dii shuruudood oo uu Sanduuqa Caalamiga ah ee Lacagta Adduunka (IMF) uu ku xiray si deymaha lagu leeyahay looga cafiyo.