Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo gaaray Garoowe

Date:

Garoowe-(SNTV)-Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya, mudane; Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa Maanta gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamul Goboleedka Puntland.

Mudane; Xaashi iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Goalaha wakiillada ee Dowlad Goboleedka Puntland, C/xakiin Maxamed Axmed (Dhoobo daareed) iyo xubno ka tirsan Baarlamanka maamulkaasi.

Shir Jaraa’id oo ay Labada mas’uul ku qabteen qeybta Dadka muhiimka ah ee VIP-da loo yaqaan ayay ku sheegeen in ay wada shaqayn dhow ka dhaxayso Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Shacabka maamulka Puntland.

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi C/llaahi, iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in ay Maalinta Sabtida ah kaga qeyb galaan Magaalada Garoowe Caleema-saarka Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/laahi Deni, oo dhowaan la doortay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...