Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la Kulmay Danjiraha Cusub ee Dowladda Masar

Date:

Muqdisho (SNTV) Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eg.Yarisow) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Cusub ee dalka Masar ay u soo wakiishadeen Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim.

Guddoomiyaha ayaa uga warbixiyey Safiirka horumarka ballaaran ee ka socda Gobolka Banaadir iyo sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu hawllan yihiin dib u soo celinta dalkooda, gaar ahaan olalaha isxilqaan ee dib loogu dhisayo goobihii iyo adeegyadii ku burburay dagaalladii sokeeye.

Eng.Yarisow ayaa kala hadlay Danjire Ibraahim qorsheyaashii taariikhiga ah ee Dowladda Masar ay ku gacansiin jirtay Maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan dhinaca waxbarashada oo ay kaalin weyn kku leeyihiin.

Sidoo kale, Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay isku xirka dowladaha hoose ee Gobolka Banaadir iyo dalka Masar, gaar ahaan mataaneynta Muqdisho iyo Qaahira.

Safiirka dalka Masar ee Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir soo dhaweynta wanaagsan iyo sida ay ugu garab taagan yihiin gudashada waajibaadka loo soo igmaday.

Safiirka cusub ee dalka Masar Mudane Mohamed Ibrahim Nasr waxaa booqashadiisa ku wehliyay Qunsulka Masar u fadhiya Soomaaliya Tamer  Safwat. El.mahdy.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...