Madaxweynaha Puntland oo ka qeyb galay aaska Jeneraal; Carays

Date:

Garoowe-(SNTV)-Madaxweynaha Puntland ayaa Maanta ka qeyb galay aas loo sameeyay Marxuum Gen. Cabdullaahi Cali Mire (Carays), oo Shalay ku geeriyooday Magaalada garoowe.

Aaska ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay, mas’uuliyiinta maamulka Puntland, Labada gole ee Dowlad Goboleedka, Saraakiil, madaxdii hore ee maamulkaasi, Culimaa’udiin iyo Dadweyne fara badan.

Marxuum Gen. Cabdullaahi Cali Mire (Carays) ayaa waxaa uu kamid ahaa Saraakiishii Ciidankii Xooga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo markii danbe noqdey Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland, isaga oo haatanna ahaa lataliyaha Madaxweynaha Puntland arrimaha amniga.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni, oo ka hadlay aaska ayaa mar Labaad uga tacsiyeeyay ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Careys.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...

Wasiirka Kalluumeysiga oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Masar ee Arrimaha Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Hoggaamiyaha Koongur Galbeed oo Daah furay Imtixaanaadka Dugsiga Dhexe ee Degaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...