Saraakiisha ammaanka degmada Afgooye oo faah faahin ka bixiyay howlgalo amni sugid ah oo halkaasi ka socda

Date:

Afgoye (SNTV) Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose iyo deegaanada hoostaga waxaa ka soconaya howlgalo lagu xaqiijinayo amniga guud ee degmada iyo deegaanada hoostaga,si looga hortaga falalka guracan ee koxda Alshabaab.

Taliyaha Saldhigga Degmada Afgooye C/qaadir Warsame oo lahadlay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay in lagu guuleystay adkeynta amniga iyo ka hortaga dhagaro badan oo alshabaab ay u maleegayaan shacabka,wuxuuna xusay in isbedelo ballaraan oo dhanka amniga ah ay kajiraan degmadaasi.

Wuxuu taliyuhu ku ammaanay shacabka degmadaasi Afgooye sida ay ula shaqeynayaan laamaha ammaanka,taasi oo uu ku tilmaamaya in ay horseedey in sugida nabadgeliyada lagu guuleysto.

C/qaadir Warsame oo ka jawaabay su’aal ahayd weerarada ay geystaan mararka qaar koxda ALshabaab ayuu xusay in ciidanku ay heegan ugu jiraan sidii ay uga hortagi lahaayeen isku day kasta,isagoo xusay in la fashiliyay dhagaro badan oo ay u soo maleegayeen shacabka.

Degmada Afgooye waa goob Istraatiiji ah marka loo fiiriyo isku xirka Muqdisho iyo gobolada kale ee dhaca Koonfurta Soomaaliya,saraakiisha ammaanka ayaa ka codsaday bulshadu in ay xoojiyaan wadashaqeynta laamaha ammaanka,maadaama shacbku ay yihiin lafdhabarta horumarka amni hadii ay muujiyaan dowrkooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka Golaha Shacabka oo baaq nabadeed ka soo saartay dagaal beeleedka Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hay’adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...