ku dhawaad 200 oo Tahriibayaal Soomaali ay kujirto oo lagu qabtay Turkey

Date:

Turkey (SNTV) Sida ay qortay Wakaaladda Wararka Turkiga ee ANADOLU, Hay’adaha ammaanka dalka Turkiga ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen ilaa 178 qof oo muhaajiriin ah kuwaasi oo la sheegay in si sharci daro ah ay ku galeen dalkaas.

Dadkan la qabtay ayaa isugu jira muhaajiriin u kala dhalatay wadamada Soomaaliya,Pakistan iyo dalka Afganistaan,waxaana lagu soo qabtay howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen wadaooyinka isaga kala goosha degmooyinka Uzunkopru iyo Enez ee gobolka Edirne ee dhaca Waqooyiga dalkaasi Turkiga

Saraakiil diiday in magacooda loo adeegsado warbaahinta sababao la xiriira xadidaad lagu sameeyey in ay la hadlaan warbaahinta ayaa xaqiijiyay in 4 kamid ah dadkii wax tahriibinayay la xiray.

Sidoo kale howlgal ka dhacay gobolka dhinaca Waqooyi kuyaala ee Canakkale waxaa lagu qabtay ilaa 14 qof,waxaa 6 kamid ah ay ahaayeen caruur,waana la xiray,Gobolka kale ee Balikesir waxaa lagu qabtay ilaa 43 qof xili ay saarnaayeen doon kuna sii jeeday dalka Gariigga,kuwaasi oo ay qabteen ciidamada ilaalada Xeebaha dalkaasi Turkiga.

Wakaaladda ANADOLU ayaa sidoo kale sheegaysaa in ilaa 30 qof oo kale oo dhamaantoodi ay yihiin Siriyaan lagu qabtay magaalada Altinozu ee gobolka Hatay,waxayna ka yimaadeen dalka Syria,si ay u galaan dalkaasi Turkiga.

Dalka TUrkiga ayaa marin u noqday muhaajiriin badanm tan iyo 2011 bilowgii colaadda dalka deriska la ah ee Syria,waxaa lagu qabtay dalkaasi dad gaaraya ilaa 265,000 oo muhaajiriin ah sanadkii 2018,sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi Turkiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...