Home Blog Page 1128

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday seddex heshiisyo shaqa abuur ah

0

Muqdisho (SNTV) Dowladdaha Soomaaliya iyo Qatar oo xiriir wada shaqeyn wanaagsan uu ka dhaxeeyo ayaa Magaalada New York ee Dalka Mareykanka waxay ku kala saxiixdeen seddex heshiis oo lagu hormarinayo Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Heshiisyadan ayaa u suuragelinaya in lagu awood siiyo dhaqaale ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed, iyadoo laga abuurayo 75000 fursado shaqo gudaha dalka Soomaaliya.

Munaasabada lagu kala saxiixday Heshiisyadan Waxaa goobjoog ka ahaa Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Marwo Sheikha Moza bint Nasser, Guddoomiyaha Golaha Xoghayeyaasha Hey’adda Silatech.

Dhawaan Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani oo ah Amiirka Dalka Qatar ayaa saxiixay labo Heshiis oo hore ay u wada galeen Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar kuwaasoo kala ah Mashruuca Adeega Duulimaadka iyo Iskaashi dhinaca Caafimaadka.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga “Waxaan isku furnay Wadada Xiriirisa Muqdisho iyo Marka”

Muqdisho (SNTV) Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dhawaan Nabad diidka Kooxda Alshabaab ka eryay deegaanada isku xira Muqdisho iyo Marka oo ay kamid yihiin Gandershe, Dhannaane, Jillib Marka iyo deegaano kale, halkaasi oo muddo ay joogeen Argagixisada.

Ciidanka Geesiyaasha ayaa maanta sameeyey Howlgal la isugu furayo dhulka Xeebta ah ee u dhaxeeya magaalooyinka Muqdisho iyo Marka oo Muddo Sanado ah Kooxda Alshabaab dadka ay ku dhibi jireen, islamarkaana ay go’doomiyeen wadadaasi.

Howlgalka wado furista ee Ciidanka ay sameeyeen ayaa ku dhammaaday guul iyo siddii loo qorsheeyey, kamana dhallan wax qasaaro ah, maadaama Maleeshiyaadkii Argagixisada ka tirsanaa ee halkaasi ku dhuumanayey ay carareen markii ay arkeen Ciidanka Huwanta ah ee Xoogga dalka.

Geesiyaasha Xoogga dalka, ayaa howlgalka markii uu dhammaaday waxay bilaabeen in Wadada Xiriirisa Muqdisho ilaa iyo Marka inay ka jaraan dhir badan oo ka baxday hareeraha wadada, sida Geedka Soomaalida ay u taqaan “Cali Garoobka” oo Nabad diidka gabbaad ka dhigan jiray , iyaggoo intaasi kadib Wadada ka bilaabay diyactir iyo in Jaay iyo Caro kaawo ay ku shubaan meelaha Jajaban.

Abaanduullaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye guuto Odowaa Yuusuf Raagge oo Ciidanka Howlgalka fuliyey hoggaaminayey, ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay Muddo dheer kadib Shacabka Soomaaliyeed in laga dulqaaday Nabad diidkii ku dhibi jiray inta u dhaxeyso Wadada Xeebta ah ee isku xirta Muqdisho iyo Marka, ayna dhammaatay arrintaasi.

Gen. Odowaa oo la hadlay Idaacadda codka Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliyeed, ayaa tilmaamay qorshaha Taliska Ciidanka Xoogga dalka inuu yahay  Kooxda itaalka darran ee Alshabaab in laga xoreeyo dhammaan goobaha ay kaga dhuumanayaan dalka oo ay ku dhibaan dadka Shacabka ah,

Kooxda Alshabaab ayaa dadka isticmaala wadadaasi u geysan jiray dhac, Boob, Dil iyo Kufsi oo ay usii dheereyd Afduubka Maatida oo ay kusoo daayaan Lacago Madax furasho ah, balse dhibaatada Shacabka waxaa u dulqaadan Daljireyaasha Xoogga dalka oo maanta soo afjaray dhibkii Argagixisada dadka ay ku hayeen.

Wariye C/waaxid Axmed Geeddi oo ka tirsan Shaqaallaha Idaacadda Codka Ciidammada qalabka sida, islamarkaan qeyb ka ah Ciidanka howlgalka wada, ayaa sheegay in Shacabkii dhibka ku qabay marista Wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Marko ay aad u soo dhaweeyeen in dhibka laga dulqaaday, iyagoo Geesiyaasha u mahad celiyey, waxaana ay ballan qaadeen in Ciidanka ay kala shaqeyn doonaan Ciribtirka Nabad diidka dhiigya cabka ah.

Argagixisada Arxanka darran ee Alshabaab, ayaa noqday Tusbax dhinac laga furay, waxaana ku socda Xidido siib, si loo Ciribtiro, Maadaama ay muddo dheer ku howl lanaayeen Xasuuqa Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Buuhoodle oo laga hir-geliyay xafiiska xuduudeedka socdaalka

0

Muqdisho (SNTV) Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo kaashaneysa maamulka iyo odoyaasha dhaqanka degmada Buuhoodle ayaa dib u howlgelisey xafiiska socdaalka bar-xuduudeedka Buuhoodle.

Munaasabadda lagu daahfurey xaafiiska ayaa waxaa ka soo qaybgalay xubno ka socdey qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka, maamulka degmada iyo ciidamada amniga, wuxuuna dhinac walba balan qaadey gudashada waajibka kaga aadan howlaha xaafiiska.

Daahfurka xaafiiskaan ayaa micnihiisu yahey in Soomaaliya dhinaceeda ay diyaar u tahey ilaalinta amniga, sharciga iyo hababka socdaalka gobolka iyo guud ahaan kan caalamka.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo kulamo la leh Madax ka socota Caalamka.

0

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahan ku sugnaa Magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa waxa ay ka qeybgalayaan shirka sanadlaha ah ee Qaramada Midoobay kaas oo lagu qabto xarunta UNka ee New York.

Waxa uu wasiirku shirkan ku matalayaa dowladda Soomaaliya isaga oo jeedin doona qudbadii Madaxweyne Farmaajo ka jeedin lahaa Shirka madaxda aduunka ee qaramada Midoobay.

Shalay ayuu wasiirku kulan la qaatay qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka kuwaas oo ka kala yimid goboladda dalkan, waxayna kawada hadleen arimo baddan oo la xariira marxalada uu ku suganyahay dalka Soomaaliya, kaalinta Jaaliyada, isku xirka Qurba joogta iyo Horumarka dalka .

Wasiir Cawad waxa uu sidookale kulamo gooni gooni ah la qaatay qaar kamid ah madaxda caalamka ee ka qaybgalaysa shirka iyaga oo is dhaafsanayay xaaladaha dalalkooda, isbadalada caalamka iyo iskaashi caalami ah oo dhex mara wadamada caalamka si loo gaaro himilooyin ku dhisan Horumar iyo si dhexgal.

Qudbada uu jeedin doono wasiirka ayuu diirada ku saari doona  xaalada Soomaaliya, sida arimaha Amniga, Dhaqaalaha, Dowladnimada, iyo wax walba oo horumar ah oo ay dowladu qabatay iyo hadii ay jiraan wax caqabadaa oo ku xeeran gaar ahaan sidii loo xoreyn lahaa deegaamada ay Al-shabab gacanta ku hayaan.

Deeqo Shire (SONNA)

New York

Madaxweyne Farmaajo oo xulka degmada Waaberi guddoonsiiyey Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir

Muqdisho (SNTV):–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay xulka degmada Waaberi hanashada Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo sannadkii 2-aad oo xiriir ah ay ku guuleysteen.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku ammaanay xulka degmada Shibis dadaalka ay muujiyeen iyo sida ay ugu soo dhabar adayggeen in ay soo gaaraan ciyaarta kama danbeysta ah.

Madaxweyne Farmaajo oo shahaadooyin maamus ah guddoonsiiyey qaar ka mid ah taliyeyaasha Ciidanka Booliska ee ku hawlannaa tartanka tan iyo markii uu bilowday, ayaa ku bogaadiyey sida ay u muujiyeen nabadda iyo horumarka Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa u mahad celiyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha, masuuliinta heer Federaal iyo heer gobol  ee ka qeyb qaatay qabsoomidda Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ciyaarta kama dambeysta ah ee tartanka ciyaaraha degmooyinka Gobolka Banadir oo xilli habeennimo ah la qabtay ayaa waxaa ka soo qeybgalay daawashadeeda kumannaan shacab ah, iyadoona kooxda degmada Waaberi ay 1:0 kaga guuleysteen xulka degmada Shibis.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland oo Kormeeray Xarumaha Puntland ee Magaalada Boosaaso

0

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 24 Sep 2018 kormeeray xarumaha Maamulka ee magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dolwadda Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa ka bilaabay xarunta Dowladda Hoose ee degmada Boosaaso, waxaana uu Madaxweynuhu halkaasi kulan isbarasho la qaatay golaha degaanka degmada Boosaaso oo kalfadhi aan caadi ahayn u furmay maanta.

Madaxweynaha oo la daardaarmay golha cusub ee degaanka degmada Boosaaso ayaa ku booriyey masuuliyiinta golaha degaanka inay dardar geliyaan kor uqaadida bilicda magaalada iyo sidii loo horumarin lahaa magaalada.

“Waan ka mahad naqayaa martiqaadkan inaan idiin imaado golaha deeganka ee cusub ee magaalada Boosaaso waana ku mahadsan yahay meeyarku inuu igu martiqaado inaan idinla dardaarmo maadaama aad cusub tihiin, inkastoo aan rajeynayo inaad qaar kiin tihiin kuwii hore, waxaa lagu jiraa wakhti xaasaasiya oo la idinkaga fadhiyo waxqabad badan, magaaladan waa caasumada ganacsiga Puntland, Puntland waa Boosaaso, Boosaaso hadaysan jirina Puntland ma jirteen, Boosaaso hadaysan amni noqona Puntland amni noqonmayso, waxaa loo baahan yahay in maskaxdiina ku duxdo in masuuliyad idinka saaran tahay Boosaaso” ayuu yiri MadaxweynahaPuntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Sidoo kale madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa kormeerkiisa ku tagay xarunta Gobolka Barri ee Magaaladda Boosaaso isla’markaana madaxweynaha ayaa kormeeray xafiisayada xarunta gobolka Barri oo ay kasocoto shaqada maalin laha ah ee Gobolku, iyadoona madaxweynuhu kulan laqaatay maamulka Gobolka Barri.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa booqday xarunta saldhiga dhexe ee magaalada Boosaaso oo dhisme ku socdo, waxaana madaxweynaha warbixin kasiiyay qaabka dhismaha saldhiga uu u socodo Duqa Degmada Boosaaso iyo taliyaha saldhiga dhexe ee Boosaaso, isla’marahaantaana madaxweyanaha ayaa sheegay in saldhigan uu yahay saldhig loo dhisay qaab casriya uuna noqonayo kan ugu fiican Puntland, loona baahan yahay in la dardar geliyo shaqadiisa.

Guddigii Aqalka sare uu udiray Galmudug oo gudoonka golahaas ku wareejiyay Xogtii ay soo uruuriyeen

0

Muqdisho September 24 (SNTV);-Guddoonka Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxay xogtii ay Maamul Gobolleedyada ka soo uruuriyeen kala wareegayeen Guddiyadii Golaha Aqalka sare ka socday ee dhowaan tagay magaalooyinka Garowe,Baydhabo,Kismaayo iyo magaalada Dhuusa-mareeb.

Xubnihii Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee tagay Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shalay wareejiyay xogtii ay soo uruuriyeen,waxayna maanta Guddoonka Aqalka sare xogtii kala wareegeen Xubnihii Golaha aqalka sare ee loo diray Galmudug,kuwaasi oo uu Guddoomiye u ahaa  Senatar Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid),wuxuuna warbixn siiyay Guddoonka Golaha Aqalka sare kuna wareejiyay nuqulka xogta la soo uruuriyay.

Senator, Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo warbixnta ka hadlayay ayaa sheegay in ay guddi ahaan ay soo qabteen howshii Aqalka Sare ay uga direen Galmudug.

“Annaga waxaan ahayn Guddigii loo diray Galmudug,waxaana halkaasi ku maqneyn shan maalmood,dhammaana waa aragnay qeybaha Bulshada Xukuumadda,Baarlamaan iyo qeybahahaasi kala duwan waa aragnay,waxaan ka soo uruurinay waxaan rabnaa inaan idin ku wareejino si aad dabcan idinkuna shaqadiina uga qabsataan,labo nuqul baan idin  ku wareejinayaa guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka si aad u aragtaan oo uga mid noqoto shaqada hogaankiinu uu qabanayo,” ayuu yiri Senator Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid”.

Maalmahii la soo dhaafay waxaa Dowlad Goboleedyada Puntland ,Galmudug ,koofur galbeed,iyo Jubbaland ku sugnaa xubno ka socday Golaha Aqalka sare BFS,kuwaasi oo u baxay si ay usoo uruuriyan xog dhammeystiran oo la xiriirta khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada iyo sida xalka uu noqon karo.

Ra’iisalwasaare kuxigeenka dalka oo gudoomiyey Shir looga hadlayay Qorshaha amniga qaranka iyo la dagaalanka Xagjirnimada

0

Muqdisho September 24 (SNTV);-Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta Guddoomiyeyay Shir looga hadlayay arrimaha Amniga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho.

Shirkan looga hadlayay arrimaha Amniga Qaranka labaddii biloodba mar ayaa laqabtaa waxaana looga hadlaa qodobo ay kamid yihiin falalka ku saleysan xagjirnimadda iyo la dagaalanka kooxaha argagaxisadda ah.

Waxaa shirka ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka socda Dowladda Federaalka, Dowlada Goboleedyada,Ururadda Bulshadda rayidka iyo deeq bixyaasha Caalamka, Midowga Yurub iyo Dalalka Soomaaliya sidda gaar ah  u taageera.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo shirka ka hadlay ayaa sharxay muhiimadda shirka iyo waliba waxa looga gol leeyahay.

“Waxaan saakay shir isugu yimid Dowladda Federaalka, Mas’uuliyiin ka socda Wasaaradaha Maamul Gobolleedyada ay quseyso arrimahan iyo Beesha caalamka safiirka Sweden iyo mas’uuliyiin kale oo beesha caalamka ka socda,shirkaan waxaa lagaga hadlayay arrimaha amniga,qorshaha amniga Qaranka iyo xoojinta qeyb ka mid ah qeybaha uu ka kooban yahay Qorashaha amniga Qaranka oo ah la dagaalanka Fikirka Xagjirnimada iyo sidii loo wacyigelin lahaa Bulshada Soomaaliyeed dul qaad iyo wada hadal wax la yiraah loo sameyn lahaa,” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed.

Mashruuca Qorshahan lagu fulinayo ayaa waxaa kala saxiixday Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ,waxaana dhanka Dhaqaalaha ka taageereyso Dowlada Sweden.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedalka Cimilada Puntland oo La dhaariyay

0

Muqdisho September 24 (SNTV);-Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 24 Sep 2018 qasriga Madaxtooyada Maamulka Puntland ee Magaalada Boosaaso lagu dhaariyey Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Puntland Saleebaan Xaaji Cabdalle Sardheeye oo xilkaasi loo magacaabay 23 September 2018.

Munaasibadda dhaarta oo ka qabsoontay Qasriga Madaxtooyada Maamul Gobolleedka Puntland ee Boosaaso ayaa waxaa fuliyey xubno ka tirsan Maxkamadda sare ee Puntland, iyada oo wasiirka maanta lagu dhaariyey Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas hortiisa.

Wasiirka maanta la dhaariyey ayaa Madaxweynuhu kula dardaarmay in si daacad nimo leh uu ugu adeego shacabka, si xilkasnimo lehna uguto waajibaadkiisa shaqo, isla’markaana uu ka dhawr-soonaado wax walba oo shaqadiisa hakad gelinaya

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan maanta halkaan ku dhaarino Saleebaan Xaaji Cabdalle, Saleebaan soo dhowoow waan kuu duceynaynaa in Alle kuu fududeeyo shaqada laguu igmaday waxaan kuu rajeenaya wixii hawlo ah iyo mashaariic oo taagan inaad dardar geliso, aniga iyo xfiiskayga iyo Maamulkuba wixii talo iyo tusaalee ahba waan kula garab taaganahay, shaqo wanaagsan baan kuu rajeenayaa, dhana waxaan ku leenahay hambalyo, dhana Alle hakuu fududeeyo hawshaas culus ee laguu igmaday” ayuu yidhi Madaxweyana Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali gaas ayaa xasuusiyey Wasiir Saleebaan Xaaji Cabdalle Sardheeye in looga baahan yahay in uu ku hawl galo siyaasada Maamulka ee ah “Puntland Ha isku Tashato” iyadoona weliba Madaxweynuhu xusay inuu  socdo horumar baaxad leh oo lagu taaba-gelinayo kor u qaadida dhaqaalaha.

Dagaal lagu dilay Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay Buurhakaba

Muqdisho September 24 (SNTV);-Guddoomiyaha Degmada Buurhakaba ee gobolka Baay Maxamed Ibraahim Nuur oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyey dagaal Maleeshiyaadka Al-shabaab ay kula galeen duuleedka Degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen degmada Buurhakaba balse ay ka hortageen ciidamada amaanka oo sida uu sheegay ka dilay Al-shabaab 6-kamid ah maleeshiyaadka Argagixisada.

Waxaa sidoo kale uu sheegay Maxamed Ibraahim Nuur guddoomiyaha degmada Buurhakaba iney gacanta ku dhigeen hub ay ka furteen maleeshiyaadkii ay dileen ee soo weeraray degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Hadaba Hoos ka dhageyso wareysiga Guddoomiyaha degmada Buurhakaba Maxamed Ibraahim Nuur.