Home Blog Page 1128

Wasiirka waxbarashada XFS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayo horumarinta waxbarashada

0

Muqdisho-(SNTV)- Wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane, Cabdulahi Goodax Barre ayaa Maanta shir guddoomiyay kulanka Todobaad laha ee wasaaradda waxbarashada.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Wasiiru Dowlaha wasaaradda waxbarashada, agaasimaha guud ee wasaaradda iyo xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda waxbarashada.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in kulanka diiradda lagu saaray horumarinta waxbarashada Dalka iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa tayada waxbarashada, tababarka macallimiinta iyo Manaahijta cusub ee Soomaaliya.

“Waxaan Maanta shir guddoomiyay kulanka Todobaad laha ee Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee XFS, kulanka waxaan ku lafa gurnay sidii xoogga loo saari lahaa horumarinta waxbarashada Dalka, islamarkana loo dardar gelin lahaa tayada waxbarashada, tababarka macalimiinta iyo manahijtada cusub ee  wasaaradda ay diyaarineyso”ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Mudane, Cabdulahi Goodax Barre ayaa tilmaamay in Wasaaradda waxbarashada  ay ka go’an tahay sidii looga shaqeyn lahaa horumarinta Waxbarashada Dalka.

Wasiirka warfaafinta oo ka tacsiyeeyay geerida Cawil Daahir iyo Dadkii ku dhintay qaraxyadii Maanta

0

Muqdisho-(SNTV)-Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, Daahir Maxamuud Geelle, ayaa tacsi u diray ehelada iyo asxaabta Wariye ,Cawil Daahir Salaad iyo qaar ka tirsan shaqaalaha Universal Tv oo argagixisadu Saaka qarax ku dileen.

Wasiir Geelle, ayaa naxariista  Janno Alle ugu baryay Wariye, Cawil iyo dadkii kale ee ku naf waayay weerarradii argagixisadu ka geysteen Magaalada Muqdisho.

Marxuum, Cawil Daahir Salaad, ayaa ka mid ahaa Wariyeyaasha ugu caansan Soomaaliya, isagoo kasoo shaqeeyay warbaahinno kala duwan , isagoo hadda ka mid ahaa howl wadeennada Taleefishinka Universal.

Burcad dhac u geysan jirtay ardayda jaamacadaha oo la xukumay.

0

Muqdisho (SNTV) – Dable Xoogga Bashiir Muxudiin Jiinow iyo Xasan Maxamuud guure oo ah wada Mooto  ayaa loo heystaa in ay dhac u geysan jireen Ardayda Soomaaliyeed kuwooda u soo aada jaamacadaha qeyba kamid ah degmada Hodan ee  gobalka Banaadir gaar ahaan agagaarka Seybiyaano.

5-bishii tegaty ee sanadkan ayay ciidamada amniga ka soo qabteen isgoyska Seybiyaano ee degmada Hodan, waxaana xilligaas loo gudbiyay Hey’adaha Baarista.

Waxaa jiray cabashooyin ay u gudbiyeen Hey’adaha amniga  Ardayda Dhaca loo gaystay ee dhigta Jaamacadaha Plasma iyo Hornafrik.

01-     Bishii 12-aad ee sanadkan ayay baaritaan dheer kadib codsasdeen xafiiska xeer ilaalinta in la maxkamadeeyo eedeysanayaasha.

18- bishii 12- add ayaa  loo fariistay dacwadda dhanka ah eedeysanayaasha.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa horkeenay maxkamadda sedax kamid ah ardaydii dhaca loo gaystay oo Maxkamadda ka hor cadeeyay in xilliga kala duwan ay dhac u geysteen Dable  Bashiir Muxudiin Jiinow iyo Xasan Maxamuud guure, qorigii dhac lagu geystay, mootadii ay wateen labada eedeysane.

Baarihii kiiskan ayaa Maxkmadda u sheegay in ay ciidamada amniga iyo saldhiga degmada Hodan lasoo gaarsiiyay cabashada labada eedeysane, waxa ayna xilli hore oo waabarigii ah ay ciidamada amnigu qabteen labada eedaysane 5-tii bishii tagtay iyagoo qorsheynaya dhac kale .

Maxkamadda ayaa ugu dambeyn go’aan ka gaartay, waxa ay ku wada xukuntay min shan sano oo xabsi ciidan ah iyo sidoo kale in ay bixiyaan teleefanno shan ah oo ay ka qaateen  ardayda  oo Maxkamada la hor keenay, sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.

 

Dable Xoogga Bashiir Muxudiin Jiinow sawirka hore…..

Xasan Maxamuud guure oo ah wada Mooto sawirka 2-aad…

Ra’iisul wasaare Kheyre oo ka hadlay Barnaamijka Tubaha Dowladda

0

Muqdisho-(SNTV)-Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane ,Xasan Cali Kheyre, ayaa faah-faahin ka bixiyay Tubaha Dowladda Soomaaliya u jeexday horumarinta Dalka iyo ujeeddooyinka laga leeyahay.

Mudane, Kheyr, oo Maanta  hadal kooban ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada Qaranka, tukashada Salaadda Jimcaha ka dib ayaa sheegay inay Dowladdu leedahay Tubta siyaasadda loo dhan yahay, taasoo ka shaqaysa sidii Dadka laysugu keeni lahaa, loo dhammaystiri lahaa Dastuurka Kmg ah, dhismaha Asxaabta siyaasadeed , awood qaybsiga iyo in Ummadda Soomaaliyeed loo sameeyo mustaqbal loo aayo Boqolka Sana ee soo socda, una dareemaan Dowlad iyagu ay wada leeyihiin,

Wuxuu sheegay in ay Dowladdu leedahay Tubta dhaqaalaha, taas oo ka shaqaysa kobcinta Dakhliga, la dagaallanka musuq-maasuqa, isku soo dhoweynta Ganacsatada iyo Dowladda, la fal galka hay’adaha dhaqaalaha Dunida, uruurinta canshuurta, si loo gaaro isku filnaasho loogana baxo Gacan hoorsiga iyo sidii loo soo celin lahaa sharafta iyo karaamada Ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha, oo ka jawaabayay su’aal ka timid Khaddiibka Masjidka oo ahayd sida loo ilaalin karo fekerka xag-jirka ah ayaa sheegay in Dowlad waliba Dadkeeda ay ku kasbato bixinta adeegga arrimaha Bulshada ee asaasiga ah, sida Caafimaadka, wax-barashada iyo Jidadka, taas oo Qofka dareensiin karta waxa ay u qabatay Dowladdiisa.

Mudane; Kheyre, ayaa madaxda Soomaaliyeed xusuusiyay inay Taariikhda xusi doonto , wuxuuna sheegay inuu hadafka Dowladdu yahay inay Ummdda Soomaaliyeed u sameeyaan mustaqbal loo aayo Boqolka Sana ee soo socota, Qof walbana lagula xisaabtami doono inta uu xilka hayay wixii uu qabtay.

Alshabaab oo maleeshiyaad looga laayay Beledul Amiin

0

Maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Alshabaab ayaa lagu laayay duqeyn ka dhacday Baladul Amiin oo woqooyi galbeed kaga beegay Muqdisho.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidammada Mareykanka oo taageeraya kuwa dowladda Soomaaliya ay beegsadeen maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Alshabaab oo isku dayay in ay weeraraan ciidammada dowladda iyo kuwa Amisom.

Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyay in 11 maleeshiyada Alshabaab ah lagu dilay labo duqeymood, waxaana la qiyaasayaa in khasaaraha argagixisaada gaaray uu intaas ka badan yahay.

Ma jirto khasaare dhimasho oo soo gaaray dadka rayidka ah, ciidammada dowladda Soomaaliya iyo saaxiibbadooda taageeraya intaba.

Dowladda Mareykanka howlgalkeeda Africa ee AFRICOM, ayaa si joogto ula howl gala ciidammada Qaranka Soomaaliyeed, iyagoo ka caawinaya sidii ay u xididdo siibi lahaayeen argagixisada.

Dowladda Mareykanka ayaa ku celisay inay sii wadeyso taageerada ay la barbar taagan tahay ciidammada Soomaaliyeed iyo kuwa midowga Afrika, si loo cirib tiro argagixiada Alshabaab iyo Daacish ee cadowga ku ah jiritaanka Soomaaliya.

Duqeymo joogto ah oo laga baaraan dagay iyo dagaallo maleeshiyaad badan looga dilay, ayaa wiiqay tabarta kooxda Alshabaab ee gabbalkeedu sii dhacayo, taas oo yareysay khatartii amni ee ay ku hayeen shacabka.

Jabuuti oo soo dhoweysay dedaallada nabadeed ee Gobolka ka socda

0

Jabuti-(SNTV)-Madaxweynaha Dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ammaanay doorka fir-fircoon ee uu Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali, kaga jira nabadda iyo is-dhexgalka Wadamada Geeska Afrika.

Isaga oo ka hadlaya, kulan Saddex Cisha ahaa oo ay yeesheen Safiirro reer Jabuuti ah iyo Diblomaasiyiin sare, oo Maanta lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Jabuuti, ayaa wuxuu si aad ah usoo dhoweeyay is-beddelka ka jira Bariga Afrika ee uu hormuudka ka yahay Abiy Axmed.

Madaxwayne, Geelle, ayaa xusay in ay tallaabadani xal ka geysan karto shaqaaqooyinka ka dhex taagan qaar ka mid ah Qowmiyadaha ku dhaqan bariga Afrika iyo in is-afgaradka laga gaaro xaaladaha jira.

Wuxuu sidoo kale aad usoo dhoweeyay, mudane, Geelle, dedaallada jira , isagoo ka mahad celiyay dedaallada caalamiga ah ee uu wado Dr; Abiyi Axmed, ee ku aaddan Gobolka, oo ay ka mid tahay dedaalka uu ka sameeyay iyo geeddi-socodka is-dhexgalinta ah ee Jabuuti iyo Eritrea.

Isha/ Walta Media

Ciidanka Amniga oo gacanta ku soo dhigay dhagar qabe ka tirsan Alshabaab

0

Ciidamada Ammaanka ayaa qaranka ayaa gacanta ku soo dhigay mid ka mid ah xubnaha argagixisada oo maamulayay guri lagu farsameeyo gawaarida walxaha qarxa lagu soo rakibo.

Hay’adda Sirdoonka Qaranka ayaa sheegtay in ay gacanta ku soo dhigtay dhagar qabahaas ka tirsanaa maleeshiyada argagixisada ah ee Alshabaab.

War kooban oo lagu faafiyay barta twitter ee hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in dhagar qabahan la soo xiray uu sidoo kale handadaad iyo cago jugleyn joogto ah ku hayay dadka Soomaaliyeed oo uu ka qaadan jiray lacago baad ah.

Ciidammada ammaanka dalka ayaa laba jibbaaray howl gallada qorsheysan ee ay ku beegsanayaan goobaha ay qaraxyada iyo dilalka ka soo maleegaan kooxaha argagixisada ah sida Alshabaab iyo Daacish, waxayna howl galladaan ku fashiliyeen qorshayaal badan oo argagixisadu la damasanaayeen dhibaateynta shacabka soomaaliyeed.

Golaha wasiirrada Oo Meel Mariyay Sharciga Iibka Qaranka Oo Is-bedel Lagu Sameeyay

0

Muqdisho; Khamiis, Deseembar 20, 2018 —Kulanka Khamiislaha ah ee golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta uu guddoomiyay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu meel mariyay wax ka bedel lagu sameeyay sharciga iibka qaranka.

Sharciga iibka qaranka oo ay diyaarisay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, ayaa dib-u-eegis lagu kadib waxaa lagu sameeyay horumarin wayn si hannaanka iibka qaranka loo casriyeeyo looguna saleeyo qorshaha iibka qaranka.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa ansixinta sharciga kadib waxa uu golaha uga warbixiyay shirarkii uu uga qayb galay magaalooyinka Nairobi iyo Qaahira ee looga hadlayay cafinta daynta lagu leeyahay Soomaaliya, dakhi aruurinta, xakamaynta qarashaadka iyo shilinka Soomaaliya, waxa uuna sheegay in meel wanaagsan uu marayo geedo socodka dayn cafinta Soomaaliya.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo federaalka, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa golaha uga warbixiyay doorashadii shalay ka dhacday Baydhabo ee madaxwaynaha dawlad gobaleedka koonfur galbeed Soomaaliya loogu doortay Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Golaha wasiirrada ayaa u mahad celiyay bulshada Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed sida ay uga qayb gaateen taabba gelinta doorashada, waxa ayna sidoo kale hambalyeeyeen madaxwayne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo ay u rajeeyeen in uu ku guulaysto mas’uuliyadda horumarinta deegaannada Koonfur Galbeed iyo qaybta uga aaddan horumarka guud ee dalka.

Duqa Muqdisho oo Kulan la yeeshay Madaxda Dugsiga Farsamada Gacanta iyo Jaamacadda Bern ee dalka Switzerland

0

Muqdisho (SNTV)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo weli ku guda jira booqashadii uu ku joogay dalka Switzerland ayaa kulan mihiim ah la qaatay Madaxda Dugsiga Farsamada gacanta iyo Technology-ga ee Bern oo uu kala hadlay siddii ay gacan uga geysan lahaayeen soo nooleynta Dugsiyadii Farsamada gacanta Muqdisho.

Eng.Yarisow ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay in dib loo soo nooleeyo dugsiyadii farsamada gacanta ee dadka Soomaaliyeed lagu bari jiray xirfadaha kala duwan, isla markaana kaalinta wanaagsan ka qaadan jiray wax-soo saarka, aqoonta bulshada iyo Shaqo abuurka.

“Farsamada Gacantu waa shaqada ugu badan ee ay xoogsatada adduunka ku nool ku shaqeystaan, waana meesha kaliya ay dalalka dunida ku kala horumareen, anaguna waxaan xoogga saareynaa sidii ay dhalinyarada ku nool Gobolka Banaadir u noqon lahaayeen kuwa leh xirfado kala duwan oo noloshooda ku maareystaan, maadaama ay guud ahaan dalka %70 dhalinyaro yihiin”.

Sidoo kale Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa booqday Jaamacadda Bern, iyadoo uu halkaas ku soo dhaweeyey Prof. Sonja Vogt oo ah barre iyo Cilmi bare dhinaca horumarinta, waxuna kala hadlay sidii ay kaalin uga geysan lahaayeen horumarinta Jaamacadaha ku yaalla Caasimadda Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa inta uu ku sugan yahay Bern waxa uu kulammo la yeelan doonaan hay’adaha kala duwan ee dalkaas, isagoo u soo bandhigi doona fursadaha maalgashiga u baahan iyo sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarinta kaabayaasha kala duwan ee Caasimadda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo tababar u furay shaqaale ka tirsan wasaaradda iyo hay’adaha kale ee dowladda

0

Muqdisho (SNTV) Tababarkani oo ku saabsan xoojinta xiriirka ka dhexeeya Hayadaha Dowladda Iyo bulshada inteeda  kale Ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,waxaana Lagu soo bandhigay aragtiyo ku aadan side ugu Hoboon ee loo xoojinkaro arrintaasi.

Tababarkani ayaa waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Warfaafinta XFS,waxaa maalgelinaysa safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya,iyadoo hirgelintiisu ay iskakaashanayaan Muqdisho Media House Iyo Farsight Africa,waxaana Lagu soo bandhigay aragtiyo ku aadan ahmiyadda ay leedahay in xal loo helo caqabadaha kuhor-gudban xoojinta xiriirka.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Iyo Danjiraha Dowladda Mareykanka oo furitaanka ka Hadlay ayaa faah faahiyay hadafka laga leeyahay Tababarkani.

Safiirka Mareykanka eye Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa sheegay in Dowladda Mareykanku ay Diyaar u tahay Sidii taageero Buuxda loo siin Lahaa Soomaaliya,iyadoo loo marayo hirgelinta mashaariic horumarineed.

Mudane Daahir Maxamuud Geele Wasiirka Warfaafinta  Iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in qorshaha Wasaaradda uu yahay wacyigelinta bulshada,sida xoojinta xiriirka Iyo barnaamijka isqaadasho is loo hello xasilooni iyo horumar.

Wasiirka Warfaafinta ayaa Uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka garab istaageeda Soomaaliya,wuxuuna ku booriyay shaqaalaha Dowladda in ay ka faa,ideystaan tababarkani ayna Uga adeegaan bulshada.