Safiirka Turkiga oo Casha Sharaf u sameeyey Golaha Aqalka Sare

Date:

Muqdisho (SNTV) Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi iyo xubna Senatora ah ayaa aqbalay casho sharaf uu u fidiyay Safiirka u fadhiyo Soomaaliya Dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga ambassador Mehmet Yelmaz.

Intii uu socday kulanka casha sharafta Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Dalka iyo shaqooyinka ugu horeeyo ee uu rabo safiir mehmet inuu xoogga saaro.

Gabagadii kulanka Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa kaga mahad celiyay safiirka casha sharafta iyo kulanka qiima badan, dhankale safiirka Dowlad Turkiga ayaa Mahad naq ka sakoow sheegay markastana Aqalka Sare uu u leeyahay Mudnaan Gooni ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SODMA oo kulan la qaadatay hay’adaha gargaarka iyo Ururrada samafalka gudaha Dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Md. Maxamuud Macallin Cabdulle,...

Guddoomiye Kuxigeenka Golaha Shacabka oo Muqdisho Kusoo Dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Nabadda.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hal-abuurka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...