Home Blog Page 1070

Muslimiintii lagu laayay New Zealand oo Maanta la aasay

0

Wellington-(SNTV)- Waxaa Maanta oo Jimca ah la aasay Dadkii Muslimiinta ahaa ee Todobaad ka hor lagu laayay Laba Masjid oo ku yaalla Magaalada Christchurch ee Dalka New Zealand.

Salaadda Jinaazada oo ka dhacday Masjidka Al-Nuur ka ka mid ah goobihii lagu laayay 50-ka Muslimiinta ahaa, ayaa waxaa ka qeyb galay Dad ku dhow 20,000 Qof oo isaga kala yimid daafaha Caalamka.

Sidoo kale aaska iyo ducada loo sameeyay Dadkaasi ayaa waxaa ka qeyb gashay Madax ay ugu horreeyso Ra’iisul wasaaraha Dalkaasi , Jacinda Ardern, iyadoo Muddo Laba Daqiiqo ah loo aamusay  Dadkii halkaasi ku geeriyooday.

Ra’iisul wasaare, Jacinda Ardern, ayaa mar kale ku celisay in Maanta oo Jimca ah Idaacadaha Maxalliga ee Dalkaasi laga sii daayo Aadaanka, si Muslimiinta loogu muujiyo Garab istaag, isla markaana ay Dowladda iyo Shacabku ugu soo horjeedaan falkii ka dhacay Magaalada Christchurch.

Dinaca kale, waxaa Maanta markii ugu horreysay Salaadda Jimacaha lagu tukaday Labadii Masjid ee ay Todobaad ka hor mashaqu ka dhacday ee Lnwood iyo Al-Nuur, halkaasoo loogu duceeyay 50-kii Qof ee halkaasi ku shahiidday.

Isha/ Al-Jaziira

Xukuumadda oo Meel Marisay Istaraatiijiyadda Iyo Qorshaha Dhab-u-heshiinta Qaranka

0

Muqdisho (SNTV)–Ku golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ay Muqdisho ku yeesheen maanta ayaa lagu ansixyay Istaraatiijiyadda iyo Qorshaha Dhab-u-heshiinta Qaranka oo ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib-u-heshiista Soomaaliya isla markaana lagu soo go’aamiyey tubta siyaasadda loo dhanyahay.

Golaha ayaa cod wadar ogol ah ku ansixiyay Istaraatiijiyadda iyo Qorshaha Dhab-u-heshiinta Qaranka oo muhiim u ah dalka maadaama laga soo kabanayo dagaallo, lana doonayo in dalka laga hirgeliyo nidaam dimuqaraadiya oo sax ah lana jaan-qaadi kara dunida, dadka Soomaaliyeedna ay aaminsan yihiin.

Shirka maanta oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa sidoo kale lagu meel mariyay wax ka bedel lagu sameeyay sharciga canshuuraha iyo dib-u-eegsi lagu sameeyay sharciga dawladda Hoose.

Golaha Wasiirrada oo kulankooda maanta ku oggolaaday soo jeedin ay golaha soo hor-dhigtay Wasaaradda arrimaha dibadda xukuummadda federaalka Soomaaliya, ayaa Cabdixakiim Cumar Cabdullaahi (Cameey) u dallacsiiyay darajada safiirnimo.

Shirka golaha wasiirrada ayaa magacii hore looga bedelay hay’addii Saadaasha Hawada iyo Duulista Rayidka oo loo bedelay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Khudbad Ka Jeediyay Shir Looga Hadlayo Ka Hor-tagga Xag-jirnimada

0

Khamiis, Maarso 21, 2019 –Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium uga qayb galay shir looga hadlayo ka hor-tagga iyo la dagaallanka rabshadaha salka ku haya Xag-jirnimada.

Shirka oo maanta furmay qorshuhuna yahay in uu soo xirmo berri oo Jimce ah ayaa si gaar ah looga hadlayaa sidii casharro looga baran lahaa hababka guulaystay ee dalalka Afrika ay u adeegsadeen ka hor-tagga iyo la dagaallanka Xag-jirnimada, si loo wadaago hannaanka ugu habboon, loogana faa’iidaysto talooyinka khuburada.

“Waxa aan ku faraxsanahay in maanta aan machadka nabadda ee Yurub, ka jeediyo khudbad aan uga hadlayo ka hor-tagga iyo la dagaallanka rabshadaha Xag-jirnimada ku salaysan. Nuuc kasta oo Xag-jirnimo ah waxa uu nagu hayaa dhibaato. Waa in aan kula dagaalnaa wadajir, run-sheegid, fursadaha aan haysanno iyo wada shaqayn xooggan. Waxa aan ku jiraa xilli ay jirto caqabado dhanka amniga ah, jawaabteennu waaa in ay ahaataa mid isku xiran oo xooggan”, ayuu ra’iisul wasaare ku-xigeenku ka sheegay shirka Brussels.

Kulanka oo uu marti geliyay Mahadka Nabadda Ee Yurub (EIP) ayaa waxaa kasoo qayb galay wakiillo ka soda Yurub, Afrika, Bariga, Dhexe, hay’ado calami ah iyo bulshada Rayidka.

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dhismaha Xarunta Oktoobar

0

21 Maarso, 2019; Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa mAanta dhagax dhigay Xarunta Waaxda Oktoobar ee Degmada Waaberi.

Guddoomiyaha oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa ku ammaanay bulshada degmada Waaberi isku duubnida iyo is-garab istaagga ay ku tilmaaman yihiin, iyagoona hormuud u ah dadaallada nabadda iyo isdhexgalka Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Xuseen ayaa soo bandhigay guulaha laga gaaray barnaamijka daadejinta Maamulka oo masuuliyiinta Gobolku ay dadaal badan geliyeen, iyadoona adeegyadii asaasiga ah ee maamul haatan la gaaarsiiyey inta badan degmooyinka Gobolka.

Sidoo kale, munaasabadda dhagax dhigga waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Axmed Guddoomiyaha Degmada Waaberi Mudane Mahad Cilmi Cali iyo hormuud qeybaha bulshada ee degmada.

Dadka ku nool degmada Waaberi ayaa soo dhaweeyey dhagax dhigga Xarunta Waaxda Oktoobar waxa ayna tilmaameen in hirgelinteedu ay xoojinayso isdhexgalka bulshada, darsieynta iyo amniga.

Guddiga Joogtada Golaha Shacabka oo shaaciyay waqtiga uu furmayo kalfadhiga 5-aad ee Golaha

0

Muqdisho (SNTV):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta guddoomiyay Shirka Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka BFS waxaana Kulanka ka qeyb galay gudddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane Cabdi wali Sheekh Ibraahim Muudey ,habdhowraha golaha shacabka iyo xoghayaha golaha.

Xubnaha Guddiga joogtada ah ayaa ka hadlay waqtiga uu furmayo kalfadhiga shanaad ee golaha shacabka iyo sidoo kale Ajendayaasha horutabinta u leh golaha shacabka kalfadhigan iyo shuruucda hortaala.

Kulanka maanta ee Guddiga joogtada ah ayaa lagu go’aamiyay waqtiga uu furmaayo kalfadhiga shanaad ee golaha shacabka oo a asteeyay in 27-ka bisha maarso oo ku beegan maalinta arbacada ah uu si rasmi ah u furmi doono kalfadhiga shanaad ee golaha sida uu Warbaahinta qaranka u sheegay Xoghayaha guud ee golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux.

Sheekh Kenyaawi oo Muxaadaro Wacyi-gelin ah u jeediyay Ciidamada Xoogga Dalka

0

Muqdisho (SNTV):-Sheekh Maxamed Ibraahim Kenyaawi oo ka mid ah culumaa’udiinka soomaaliyeed ayaa Maanta waxaa uu booqasho ku tagay xarunta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Wasiirka Gaashandhigga XFS ,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Sheekh Maxamed Ibraahim Kenyaawi ayaa ujeediyay Muxaarado lagu wacigalinayo ciidamada xoogga dalka waxa uuna ka hadlay waajibaadka shaqo ee ka saaran qof kasta oo muslim ah dalkiisa iyo diintiisa.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa ka hadlay Ahmiyada ay dowlada Soomaaliya ay ku bixineyso dhismaha,qalabeynta dib u dhiska xerooyinka ciidamada ay tahay mid kor loogu qaadayo Aqoonta ciidamada xoogga dalka.

Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed Amar Dambe ayaa bogaadiyay Barnaamijkan wacigalinta ah ee sheekha u sameeyay Ciidanka, isagoona sheegay in Xukuumada Soomaaliya ay ku dadaaleyso dar-dargalinta diwaangalinta ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo hadda meel wanaagsan maraya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo soo xeray shir looga hadlayay Awoodaha Heerarka Dowladda

0

Muqdisho(SNTV):- Shirkaan oo sadaxdii maalin ee la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho waxaa soo qaban qaabisay wasaarada  Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Dowladda Soomaaliya waxa diirada lagu saaray nidaamka federaalka ah ee Soomaaliya iyo awoodaha heerarka dowladda.

waxa ka qeyb galaya qeybaha bulshada ee degmooyinka gobolka Banaadir iyo maamulka Gobolka iyo Madax kale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha federaalka, iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya   Mduane Cabdi Maxamed Sabriye oo soo xeray shirka ayaa sheegay inay wasaaradu balaarinayso wadatashiyada la xiriira awoodaha heerarka dowladda si loo helo hannaan dowladeed oo la isku raacsan yahay kuna dhisan rabitaanka bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa u mahad celiyay ka qeyb galayaasha shirka iyo sida ay uga doodeen waxyaabihii laga wada hadlayay inta uu socday.

Sanatar Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex oo ka tirsan Aqalka sare ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya oo ka hadlay shirka ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in laga wada hadlo nidaamka dowladeed ee maanta jira uuna noqdo mid xoojiyo midnimada dalka iyo wadajirka ummadda.

Soomaaliya nidaamka dowladeed ee maanta ka jira waxaa uu ku dhisan federaal oo macnihiisu yahay qeybinta awoodaha dowladda iyo adeegyadda bulshada si loo gaaro horumar waara waxaase uu baahan yahay in laga wada hadlo nuuca ku haboon dalka iyada oo ay dadku go’aan ka gaarayaan.

Cabdishakuur Cali Axmed


Garoonka Aadan Cadde oo loo sameeyey Ciidan loogu talagalay badbaadinta dadka ku hafta biyaha badda

0

Muqdisho (SNTV) Ciidankan loo tababaray badbaadinta dadka ku hafta biyada badda oo loo sameeyay Garoonka Aadan Cadee tan iyo Bur burkii Dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay sameyeye dhoolo tus ay ku muujinayeen tababarkii ay qaateen ee la xiriira gudashada waajibaadkii loo igmaday.

Ujeedda arrin tan ka dambeysa ayaa ah in la waafajiyo nidaamyada iyo adeegyada kajira garoonada caalamiga ah ee ka dhisan dunida inteedi kale,waxaana ciidanku ay bilaabeen in ay guda galaan shaqooyinkii loo igmaday.

Maxamed Cabdiwahaab oo hogaaminayay kooxda loo diyaariyay  badbaadinta dadka ku hafta biyaha bada hadii ay dhacdo lama filaan ah qabsato ayaa sheegay in ay haystaan xirfad iyo tababara ku filan oo ay ku gudan karaan waajibaadka loo igmaday,wuxuuna xusay in ay diyaar u yihiin in ay bulshadoodi u adeegaan.

S/Gaas Bashiir Cabdi Maxamed Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gob jog ahaa  ayaa la wareegay dhul loogu talgalay in xarun looga dhisa Ciidanka Ilaalada xeebaha Soomaaliya  gaar ahaan kuwa ilaalada xeebta garoonka,wuxuuna taliyuhu muujiyay in ay diyaar u yihiin sidii ciidankaasi ay u qabsan lahaayeen waajibaadkooda.

Wasiirka  gadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomar ayaa sheegay in ciidanka ay qeyb ka yihiin Horumarinta Garoonk,islamarkaana amnigiisa uu noqon doono mid meeshi laga rabay gaara.

Todobaadkaan gudihiisa ayay aheyd Markii dib loo dhagax dhigay xaruntii horey ee dam-demiska Garoonka Aadan Cade,waxaana tani ay muujinaysaa in garoonkaasi uu ku talaabsanayo horumar ku aadan in loo dhameystiro guud ahaan adeegyada ay bulshadu uga baahanyihiin.

Shir u dhaxeeyay Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka iyo Beesha Caalamka oo Muqdisho ka dhacay

0

Muqdisho (SNTV)- Sii-hayaha Xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ahna Wasiir Ku-xigeenka Xildhibaan Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa gudoomiyay Shirka Boardka ee Barnaamijka Dib-u-eegista Dastuurka kasoo ay ka qeybgaleen labada Guddi ee dib-u-eegista Dastuurka, Deeqbixiyayaasha, UNDP iyo UNSOM.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay horumarka laga gaaray dib-u-eegista Dastuurka ilaa iyo hadda iyo sii ambaqaadka oo ay ka mid tahay la-tashiyooyinka dadweynaha, horgeynta cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay Baarlamaanka iyo xilliga ugu dambeyn lasoo gabagabeynayo dib-u-eegista dastuurka.

Wasiir Ku-Xigeenka oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa ugu horeeyn ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Marxuum Wasiirkii hore C/raxman Xoosh Jibriil, wuxuuna ballanqaaday in si habsami leh loo sii wadi doono howlihii miradhalka ahaa ee uu hogaaminayay Marmuum Xoosh; waxuuna Dr. Xuseen xaqiijiyay in wax isbedel ah ku imaan doonin hanaanka dib u eegista dastuurka.

Ugu dambayn, Dr. Xuseen waxuu deeq-bxiyaasha, UNDP iyo UNSOM kaga mahadceliyay taageeradooda dhan kasta ah, waxuuna ku booriyay in ay taageeridooda sii wadaan si looga guul gaaro dhameystirka dib u eegista dastuurka muddada loo asteeyay ee sanadkan 2019ka oo aynu haatan ku jirno.

Kulan looga hadlayay waxqabadka wasaaradda Maaliyadda oo Muqdisho lagu qabtay

0

Muqdisho (SNTV)-Kulankaan waxaa diirada lagu saaray howlqabadka wasaaradda waxaa uu ka jawaabayay sadax su’aalood oo kala ahaa xagee ka nimid? xageen joognaa? Xageense u soconaa? Marka laga hadlayo shaqada wasaaradda maaliyadda ee Soomaaliya.

Howladeena wasaaradda madax iyo shaqaalaba waxa ay ka wada hadlayeen guulihii la gaaray iyo caqabadaha jira sida looga gudbi karo waxaana ka qeyb galay wasiirada maaliyada, Ganacsiga, Qorsheynta Dowladda Soomaaliya, masuuliyiin, saraakiil ciidan, shaqaalaha wasaaradda maaliyada iyo merti sharaf kale,

Wasaaradda maaliyada waxa ay soo bandhigtay horumarka daqliga gudaha dalka oo ee lixdii sano ee la soo dhaafay oo is barbar dhig  lagu sameeyay iyo waxa iska badalay.

Tusaale ahaan sanadkii 2018 daqliga dalka ayaa kordhay 31% una dhigatay miisaaniyadda guud ee qaranka ee sanadkii tagay in 45% ay ka timid canshuuraha gudaha lacagihii laga uruuriyay.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Maaliyadda Suleemaan sheikh Maxaamed Cumar ayaa howlwadeenada wasaaradda ugu mahad celiyay dadaalka ay ku bixinayaan horumarinta howlaha wasaaradda oo ay dalkooda ugu adeegayeen.

Agaasimaha guud ee Daqliga wasaaradda Maaaliyadda  Jacfar Maxamed Axmed ayaa sheegay aragti daqli kordhintu saldhig u tahay dhismaha dalka iyo hagaajinka maamulka maaliyadda.

Taliyaha Hogaanka Canshuuraha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen Cabdulaahi xasan Bariise ayaa tilmaamay inuu wax badan iska badalay dhibkii ay ku qabeen canshuur bixiyayaasha oo hada ay dadka canshuuraha u bixiyaan sidii la rabay iyaga oo imaanaya goobaha looga talagalay.

Xisaabiyaha guud ee Qaranka Faadumo Cismaan faarax oo ka mid aheed masuuliyiintii ka qeyb gashay kulanka ayaa sheegtay in sanadihii la soo dhaafay xafiiska xisaabiyuhu sameeyay horumar la taaban karo oo la xiriira hubinta habka maareynta dhaqaalaha.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha DFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku amaanay dadaalka ay galinayso horumarinta dhaqaalaha ayna sii xoojinayaan la shaqeynta wasaaradda.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa bulshada Soomaaliyeed uga mahad celiyay garab istaaga wasaaradda maaliyadda, waxaana uu sheegay in wasaaradu sameysay horumar la taaban karo oo loo qaaday kordhinta daqliga, deyn cafinta iyo bixinta mushaaraadka.