Home Blog Page 1071

Kulan looga hadlayey siddii loo xoojin lahaa howlaha baarlamaanka Federaalka oo Muqdisho ka dhacay

Muqdisho (SNTV)- Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay siddii loo xoojin lahaa howlaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana labada aqal baarlamaanka ay ka hadleen howlaha horyaalla iyo siddii ay gacan u siin lahaayeen hay’adaha ka shaqeeya baarlamaanka iyo wadamada taageera.

Guddoonada labada aqal iyo guddiga dib u eegista iyo la socodka iyo hirgelinta dastuurka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dheeraaday shuruucda , muhiimada baarlamaanka uu leeyahay iyo dib u eegista dastuurka KMG halka uu marayo ee gabogabada ah.

Madaxda hay’adaha ka shaqeeya baarlamaanka iyo Safiirada wadamada Switzerland iyo Norway ayaa dhankooda sheegay in gacan ay ka siin doonaan baarlamaanka federaalka Soomaaliya siddii waajibaadkooda ay u gudan lahaayeen.

Gabogabada kulan ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiye ku-xiggeenka Laad golaha aqalka sare BFS Sen. Mowliid Xuseen Guhaad, waxa uuna sheegay in kulankan aqalka sare uu muhiin u yahay, maadaama uu yahay aqal cusub.

Guddoomiyaha golaha Shacabka BFS Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa u mahad celiyay hay’adaha ka shaqeeya baarlamaanka iyo Safiirada wadamada Switzerland iyo Norway sida ay  ula shaqeeyaan baarlamaanka.

Kulanka ayaa waxaa ku sugnaa guddoonada labada aqal baarlamaanka , guddiga dib u eegista, la socodka iyo hirgelinta dastuurka baarlamaanka Soomaaliya iyo Masuuliyiin ka socday UNSOM, UNDP, Switserland ,iyo Norwey.

 

Golaha Wasiirrada Hirshabeelle Oo Ansixiyay Afarta Tubood Iyo Halbeegyada Ku Xusan

0

Jowhar 20 Maarso 2019: Iyaddoo laga amba qaadayo qorshaha horumarinta qaranka iyo halbeegyada iyo hawalaha afarta tubood ee qaranka iyo mabaadi’da federaalka ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya sida ku xusan qodobka 50aad Dastuurka KMG ee JFS, Golaha Wasiirrada waxay go’aamiyeen in ay ku shaqeeyo Afar Tubood.

Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, iyadoo fulineysa siyaasadda Qaran ee daadajinta awoodaha, adeegyada, dowlad wanaagga iyo isla-xisaabtanka ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Cali Kheyre, ayeey soo gebagebeysay dejinta qorsheyaasha Hay’adaha Dowladda Hirshabeelle, si loo dar-dar geliyo geeddi-socodka hawlaha Golaha Wasiirrada iyo laamaha kale ee Dowladda.

Kadib soo dharaan dhirintii Halbeegyada hortabinta u leh Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Golaha Wasiirrada waxay go’aamiyeen in ay ku shaqeeyo Afar Tubood (1. Tubta Siyaasadda Loo Dhanyahay, 2. Tubta Horumarinta Dhaqaalaha, 3. Tubta Amniga iyo Cadaaladda iyo 4. Tubta Horumarinta Arrimaha Bulshada) oo ay ku qoranyihiin halbeegyada iyo hawlaha muhimka u ah geedi socodka dhisidda hay’adha Dowaldda Goboleedka Hirshabeelle si ay u bixiyaan adeegyada muhimka u ah bulshada.

Golaha Wasiirrada Hirshabeelle ayaa loo qeybiyo afar guddi hoosaad oo u abaabullan sida ay shaqooyinkoodu iskugu dhowyihiin si loo helo wada shaqeyn mug leh oo dhexdooda ah iyo isla xisaabtan dhab ah, Waxaana sidoo kale Golaha Wasiirrada Hirshabeelle ansixiyeen Xeer Hoosaadka cusub ee Golaha oo hagi doona hab dhaqanka cusub ee dowladnimo.

Goluhu wuxuu u mahad celinayaa Ra’iisul Wasaaraha JFS iyo hawl wadeenada ka socday Xafiiskiisa oo si mug leh uga qaybqaatay dejinta qorsheyaasha Hirshabeelle ee la hirgelin doono sanadaha soo socdo.

Dowlad Goboleedka Hirshabeeelle waxey tusaale uga tahay dalka intiisa kale in dhaqanka federaalku uu yahay midnimo wada jir iyo iskaashi heerarka dowladda.

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo ka hadlay Tiro koobka Ciidanka iyo halka uu marayo.

0

Muqdisho (SNTV)-Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye gaas Daahir Aadan Cilmi Indha qarshe oo ka hadlay Tiro koobka lagu wado Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in ujjeedada laga leeyahay ay tahay in la helo tirada saxda ah ee Ciidanka Difaaca, si loogu qorsheeyo Hub, Gaadiid,  qalab iyo dhaqaale ku filan.

S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha qarshe ayaa xusay in Dawladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in la kordhiyo Miisaaniyada ku baxda Ciidanka Xoogga dalka, si taasi loo hirgeliyana loo baahan yahay in la oggaado tirada saxda ah ee Ciidanka.

Waxa uu tilmaamay in Askari Xanuunsan Ama Tababar iyo fasax ku maqan maahee Askarta kale looga baahan yahay in ay Xaadir ku ahaadaan goobta Dawladda ay ku ogtahay, isaggoo xusay in Khalad ay tahay in fasax la’aan  laga maqnaadoTiro koobka Ciidanka lagu wado.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa Amray Saraakiisha Ciidanka in ay fuliyaan amarada Taliska, islamarkaana ay dardar geliyaan Shaqada, si Askari walba Xaquuqdiiisa uu u helo.

Ugu dambeyn S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha qarshe ayaa tilmaamay in Ciidanka Xoogga dalka markasta uu u taagan yahay in Ummadda Soomaaliyeed uu ka badbaadiyo Khatar walba oo dalka gudahiisa ama Dibadiisa ah, ayna u dhaarteen in dalkooda ay nafta u horraan.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo Xukun dil ah ku riday Dhagar qabayaal Qaraxyo iyo Dilal geystay

Muqdisho (SNTV)- Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Saaka Xukun Dil ku riday Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad) 23jir ah iyo Max’ed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) oo 25 jir ah, Kuwaas oo ka tirsanaa Argagaxisada Al shabaab sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamadda Qalabka Sida Xasan Cali Shuute.

Eedaysanaha 1aad Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad), waxaa si gaar ah loogu  eedeeyay in uu  ka tirsan yahay kooxda Al-shabaab, kana soo shaqeyay xiliyo kala duwan Qeyba ay ka mid yihiin  Jabhada, weerarada baabuurta lagu fuliyo iyo Qaraxyada ismiidaaminta oo uu sahmiye u ahaa, isagoo si gaar ah ugu eedaysan inuu fuliyay falalka soo socdo:-

Taariikhdu markay ahayd 15/08/2017,waxay weerar ku qaadeen isaga iyo labo ruux oo kale gaari Hartob Land-garuuzal ah oo ay saarnaayeen hal Qoys oo ah reer Xasan Cabdi Cawad oo ka mid ah Maamulka Shirkada Dahabshiil, kuwaas oo ay ku fureen rasaas Tacshiirad ah uuna ku geeriyooday Marxuum Maxamed Xasan Cabdi Cawad kuna Dhaawacmeen 5-ruux oo ka mid ah qoyska maamulaha.

Taariikhdu markay ahayd 27/09/2017 isgoyska Via Roma ee Degmada X/wayne, waxay mar kale ku weerareen gaari ay saarnaayeen 2da Marxuum ee kala ah.

1)Marxuumad Canab C/laahi Xaashi oo ahayd Xoghayihii Guud ee Ururka Haweenka Qaranka 2)Marxuum Axmed Jaamac Xirsi oo ay dhashay Guddoomiyaha Ururka Haweenka qaranka, gaarigaasoo ay rasaas tacshiirad ah ku fureen ayna ku geeriyoodeen 2da marxuum ee sare ku xusan.

Taariikhdu markay ahayd 09/11/2018, wuxuu qayb ka ahaa eedaysanuhu qaraxyadii ka dhacay Hotel Sahafi, isagoo sahmiye iyo hage u ahaa 3-dii baabuur ee qaraxyada ismiidaaminta ahaa iyo weerarkii hubaysnaa oo ay ku naf waayeen dad gaaraya 32ruuxkuna dhaawacmeen69ruux oo kale,

Sidoo kale Taariikhdu markay ahayd 22/12/2018 wuxuu ahaa abaabulihii qaraxyadii ka dhacay Tiyaatarka Qaranka, halkaasoo ay ku geeriyoodeen 27ruuxAyna ku dhaawacmeen 55ruux oo kale,

Iyadoo Ciidamada amnigu ku soo qabteen kadib markii uu uga degtay   gaarigii 2-aad ee Saarufka ahaa Taalada Daljirka Dahsoon, gaarigaasoo isagana qarxay ayna ku geeriyoodeen Marxuumiin ay ka mid ahaayeen 1)Marxuum Faysal Salaad Samow 2)Marxuum Axmed Maxamed Yuusuf oo labaduba macalimiin ka ahaa Iskoolka Yaasiin Cismaan.

Eedaysanaha 2-aad Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin), waxaa lagu eedeeyay in uu ka tirsan yahay  kooxda Al-shabaab gaar ahaan Qeybta qaraxyada,isla markaana uu qayb ka ahaa Sahmintii Qaraxii lagu weeraray Degmada H/wadaag 02/09/2018 oo sababay Dhimashada8ruux iyo Dhaawaca 27 ruux oo kale, sidoo kale wuxuu qeyb ka ahaa eedaysanuhu isaga iyo Eedaysanaha 1aad qaraxii ka dhacay Tiyaarka qaranka 22/12/2018 oo ay wadeen gaarigii 2-aad ee ku qarxay agagaarka Daljirka Dahsoon .

DOOD DHEER KADIB.

MAXKAMADDU:

Markay Aragtay:- Qodabada   221,222,434,71 XCS  .

Markay Aragtay: – Maxkamaddu Qiraalka Eedaysane Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad), oo uu ka horcadeeyay  garsoorka   in uu ka tirsanaa kooxda Al-shabaab kana soo shaqeeyay qaybo kala duwan oo ay ka mid tahay weerarada lagu fuliyo baabuurta asigoo  qayb ka ahaa weeraro ay ka mid ahaayeen weerarkii 15/08/2017 degmada hodan lagula beegsaday  gaari hartoop langaruusal ah oo ay saarnaayeen hal qoys oo uu ku geeriyooday hal ruuxkuna dhaawacmeen 5 ka mid qosykii gaariga saarnaa.

sidoo kale wuxuu eedaysanuhu sheegay in uu qayb ka ahaa weerarkii lagu qaaday gaari saruf ah oo marayayisgoyska via Roma ee degmmada xamar wayne 27/09/2017 oo ay ku geeriyoodeen labadii ruux ee saarnaa gaariga sidoo kale eedaysanuhu wuxuu garsoorka u cadeeyay in uu ahaa sahmiyihii weerar iyo qaraxyo lala beegsaday09/11/2018,  Hotel Sahafi weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen 32 ruux kuna dhaawacmeen 69 ruux oo kale, iyadoo ciidanka amniga ay soo qabteen kadib markii uu ka degay gaarigii labaad ee ku qarxay 22/12/2018 agagaarka daljirka daahsoon , qaraxaas oo ay ku geeriyoodeen labo macalin oo ka tirsanaa iskuulka Yaasiin Cusmaan.

 Markay Aragtay:- Maxkamadda Qiraalka Eedaysane Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin), oo uu ka hor bixiyay  garsoorka  Ciidamada Qalabka sida hortiisa kuna cadeeyay in uu ka tirsan yahay kooxda al-shabaab  gaar ahaan qaybta qaraxyada isaguna sahmiye ka ahaa qaraxii lagu weeraray Degmada howl-wadaag 02/09/2018 ,sidoo kale eedaysanuhu wuxuu cadeeyay inuu qayb ka ahaa weerarkii 22/12/2018 lagu qaaday tiyaaterka qaranka,  ciidamada amniguna ay qabteen kadib markii uu ka degay gaarigii labaad ee ku qarxay agagaarka daljirka dahsoon.

Markay Dhagaysatay:-  markhaatiyaasha  la horkeenay maxkamaddda mid midna ay u waydiisay marag furkooda waxay maxkamada ka hor cadeeyeen in ay dad shacab ah u sheegeen in labada eedaysane ay ka degeen gaari ay dhigeen agagaarka daljirka dahsoon sidaasna ay ku qabteen  inti ay waraysanayeena uu qarxay gaarigii ay ka degeen, qaraxaas oo sababay dhimashada 3 ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen macalimin iskuul.

Markay Aragtay:- Dembi muujinta ah 1- dukumiintiyo ay ka mid yihiin- cadaymihii iyo qiraaladii laga qoray eedaysanayaasha. 2- liiska dadkii ku geeriyooda kuna dhaawacmay qaraxyadii iyo weeraradii lagu eedeeyay eedaysanayaasha. 3- sawirada muujinaaya bur-burkii ka dhacay qaraxyada iyo weerarada lagu soo eedeeyay.

Markay Dhagaysatay:-  Doodii Qareenada oo ahayd in eedaysanayaasha loo naxariisto loona eego sifaalaha dembiga fududeeya.

Sidaas Darteed Maxkamadda waxaa u Caddaaty in:-

Dambiile Shabaab Canshuur Cismaan Abuukar Cumar iyoDambiile ShabaabMax’ed Cali Boorow Aadanay wada yihiin dambiilayaal galay dembiga lagu soo oogay waxayna ku wada xukuntay Dil Toogasho.

Cidii aan ku qanacsanayn xukunka maxkamada waxaa u furan rafcaan.

Madaxweyne Farmaajo iyo Dhiggiisa Jabuuti oo si wadajir ah xarigga uga jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti

0

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynayaasha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si wadajir ay xariga uga jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya.

Munaasabaddii xariga looga jarayay dhismaha cusub ee Safaaradda Jabuuti oo ay ka qeyb galeen Madaxweynayaasha labada dal, goleyaasha Dowladda iyo diblomaasiyiinta dalalka shisheeye ee Muqdisho ka hawl gala ayaa haatan lasoo gabagabeeyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goor dhaw khudbad u jeedinaya kulan wadajir ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo ka dhacaya Dugsiga Tababarka Booliiska ee Janaraal Kaahiye.

Xarig-jarka safaaradaan ayaa muujineysa horumarka laga sameynayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal, taasi oo labada Madaxweyne ay bogaadiyeen.

Hadaba Hoos ka Daawo Sawirada.

Horjooge ka Tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Shabeellaha Hoose

Muqdisho (SNTV)-Faah Faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay degaanka Yaaqbari  ee Gobalka Shabeelaha Hoose sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta maamulka Gobalka Shabeellaha Hoose

Horjoogahaan oo qaabilsanaa degmada Wanlla-Wayn ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay in ay dileen dadka degaanka waxaana degaanka Yaaqbari-wayne ka taagan xiisad arintaasi ka dhalatay oo u dhaxeysa Al-shabaab iyo dadka degaanka, iyadoo dadka shacabka ay billaabeen inay Al-Shabaab iska celiyaan.

Dadka Yaaqbar Weyne ayaa meydka Horjoogaha  la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Gar-Gaduud usoo qaatay Wanlla-Weyn, waxaana halkaas isugu soo baxay dadweyne badan.

Horjoogaha la dilaya ayaa qaabilsanaa Baada iyo Dhaca loo gayto ilaa iyo Afartan tuulo oo ka tirsan Shabeellaha Hoose dadka ku nool.

Shacabka deegaanada Shabeellaha Hoose ayaa markii ay u dul qaadan waayeen ficilada ka soo horjeeda diinta Islaamka ee Al-Shabaab wadaan ayaa haatan waxay billaabeen inay Hubka qaataan oo ay iska dhiciyaan Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo oo Villa Soomaaliya casho sharaf ugu sameeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

0

Muqdisho (SNTV):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho sharaf lagu maamuusayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdiga uu hoggaaminayo ugu sameeyay Villa Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa ku caweeyay heeso iyo suugaan kala duwan oo xambaarsan dhambaallo soo dhawayn iyo walaaltinimo oo ay goobta ka qaadeen fanaaniinta Soomaaliyeed iyo kuwa reer Jabuuti, kuwaas oo loogu talo galay soo dhawaynta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdiga la socda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahallo lagaga arrinsanayo danaha ay wadaagaan labada dal iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya ku yeeshay Villa Soomaaliya.

Munaasabadda casho sharafta oo ahayd mid si heersare ah loo agaasimay ayaa waxa ka qayb-galay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Xasan, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed,  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan DFS.

Wafdiga reer Jabuuti ee la socda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa kamid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cali Xasan Bahdoon, Wasiirka Dhaqanka iyo Arrimaha Islaamka Mudane Muumin Xasan Barre, Wasiirka Arrimaha Bulshada Marwo Muna Cismaan Aadan, Taliyaha Amniga Qaranka Mudane Xasan Saciid Khayre, Maareeyaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Najiib Cali Daahir, Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya Mudane Aadan Xasan Aadan, Kuxigeenka Guddoomiyaha Haweenka Qaranka Jabuuti Marwo Xasna Xummad Bilil iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Jabuuti.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay kulan banbax ah oo lagu qiimeynayo Waxqabadka Wasaaradda

0

Muqdisho (SNTV):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geele ayaa maanta daah-furay kulan banbax ah oo lagu qiimeynayo waxqabadka Waaxyaha Wasaaradda Waraafinta.

Kulanka oo mudo saddex cisho ah socon doona ayaa waxaa goob-joog ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Aadan Isaaq, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Agaasimayaasha Waaxyaha ,La taliyaasha Wasaaradda iyo Madax-qeybeedyada Wasaaradda Warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geele ayaa sheegay in kulankan uu yahay mid lagu qiimeynayo waxqabadka Waaxyaha Wasaaradda Warfaafinta iyo in shaqada hadda socoto loo diyaariyo waxa asalka ah si loogu fur-furnaado shaqada Wasaaradda warfaafinta loo igmaday.

Waaxda Shaqaalaha iyo Tababarrada Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Waaxda Filimada ayaa kulanka maanta ku soo bandhigay howlahooda shaqo Waxii u qabsoomay iyo Qorashayaasha sanadkan 2019-ka u degsan iyo Caqabadaha jira, iyadoo ka qeyb-galayaasha Banbaxan ay aragtiyo iyo su’aalo ka dhiibteen bandhigga Labadaadsi Waaxood.

Labada maalin ee dhiman ayaan sidan oo kale Waaxyaha kale ee Wasaaraddu ay ku soo bandhigi doonaan Howlahooda shaqo ee hadda iyo Kan mustaqbalka u degsan iyo sidii loo gaari lahaa Yoolkaasi halbeegyada u ah Waaxyaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumaadda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle oo wadahadallo ku yeesahy Villa Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahadallo labo geesood ah ku yeeshay Villa Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa wadahadalladooda diiradda ku saaray danaha ay labada dal wadaagaan, xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dhinac iyo dardargelinta hawlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah ee u taagan daadinta dhiigga shacabka iyo curyaaminta dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada Madaxweynaha Jabuuti iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in imaatinkoodu ka tarjumayo xiriirka walaaltinimo ee labada dal isaga oo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uga mahadceliyey sida ay uga go’an tahay inuu Soomaaliya ugu garab galo la dagaalanka argagaxisada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Dowladda Jabuuti uga mahadceliyay kaalinta ay ciidamada Hiil Walaal ka qaataan nabadgelyada dalka iyo dib u soo kabashada Soomaaliya, taasi oo ka tarjumaysa sida ay Dowladda Jabuuti daacadda uga tahay garabsiinta walaalahooda Soomaaliyeed.

“Waa maalin taariikhi ah oo xaqiiqatan ka tarjumaysa xiriirka labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah. Waa inaan xoojinno iskaashiga dhanka dhaqaalaha iyo wax wada qabsiga. Arrinta ugu muhiimsan waa iskaashiga arrimaha amniga iyo la dagaallanka qolooyinkan argagaxisada ah. Waxaan aad iyo aad runtii kaaga mahadcelinayaa hoggaankaaga oo aad qayb uga tahay la dagaallanka argagaxisada.”

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhankiisa sheegay inuu farriin walaaltinimo, hambalyo iyo dhiirrigelin uga sido shacabka reer Jabuuti, isaga oo hoosta ka xarriiqay in labada waddan ay wadaagaan xiriir walaaltinimo oo soojireen ah, dowladdiisana ay ka go’an tahay inay Soomaaliya ku taageerto sidii ay ula soo noqon lahayd maqaamkii iyo sharaftii ay ku lahayd caalamka.

“Dadweyneheennu waxa ay jecel yihiin inaan iskaashiga sii biirinno (kordhinno), waxa uu jecel yahay inaan wadaagno dhib iyo dheefba, waxa uu jecel yahay inaan isku duubnaanno, annaguna waxaan fulinaynaa waxa uu dadweyneheennu leeyahay. Wehel baad noo tihiin, annaguna wehel baan idiin nahay.”

Wafdiga qaybta ka ah safarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo isugu jira Wasiirro, Xildhibaanno iyo La-taliyayaal ayaa maanta iyo berri kulamo wadatashi ah la yeelan doona dhiggooda Soomaaliya si ay uga wada xaajoodaan adkeynta iyo sare u qaadidda wadashaqaynta ka dhexaysa labada dhinac.

Howlwadeennada Madaxtooyada Hirshabeelle oo loo tababarayo Daadejinta Tubaha Qaranka

Jowhar (SNTV):- Khuburo, la taliyaal iyo agaasinno ka socda xafiiska Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, oo maalmahaan booqasho shaqo ku joogay magaalada Jowhar ayaa maanta tababar u billaabay Howlwadeennada Madaxtooyada dawlad gobaleedka Hirshabeelle.

Tababarka ayaa hawlwadeennada lagu baranayaa qaab dhismeedka agaasinka golaha wasiirrada oo muhiim u ah qabashada shaqada golaha wasiirrada, ujeedooyinka iyo waajibaad shaqo ee laga doonayo.

Khuburada ka socota xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo howlwadeennada madaxtooyada Hirshabeelle ayaa isla meel dhigay qaab dhismeedka guddi hoosaadka golaha wasiirrada iyada oo lagu salaynayo tubaha qaranka si guddi hoosaad kasta uu qaybtiisa uga qaato daadejinta howlaha tubaha.

Aqoon kororsigaan ayaa hawlwadeenada madaxtooyada iyo guud ahaan dawlad gobaleedka Hir-shabeelle waxa uu ka caawinayaa dhismaha aasaaska dawladnida,  qorsheeeda, fulinteeda iyo isla xisaabtankeeda.

Tababarka la siinayo howl wadeennada iyo agaasinnada madaxtooyada Hirshabelle ayaa qayb ka ah Baahinta barnaamijka Tubaha qarana oo ah barnaamij ay ku cadyihiin qorshaha qaran ee siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulsha, amniga iyo cadaaladda.