Ciidanka Xoogga Dalka oo la wareegay Bariire

Date:

Taliyaha Danab Gashaanle C/raxmaan sheekh Cumar (Jeeniqaar) ayaa wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyey in ciidamadu ay saaka maleeshiyada Al-shabaab ka saareen Deegaanka bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Danab ayaa hadda Howlgallo Baaritaanno ah kawada Gudaha Deegaanka Bariire,iyagoo dhoor miino ah ka saaray Wadooyinka laga soo galo deegaankaas.

Ciidanka dawladda ayaa jab gaarsiiyey maleeshiyada oo muddo dhibaato ku haysay bulshada deegaankaas, waxayna ciidamadu deegaanka ka wadaan hawlo miinooyinka jidadka looga saarayo, taas oo shacabku ay soo dhaweeyeen.

Gobolka Shabeelaha hoose waxaa ka socda hawlgal baaxad leh oo ka dhan ah maleeshiyada Al-shabaab, halka deegaanadii dhawaan laga saarayna ay ka socdaan hawlo shacabka lagu caawinayo maamulana looga hirgalinayo deegaaanada la xoreeyey.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka...

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...