Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Hambalyo u diray Shaqaallaha Soomaaliyeed

Date:

Arbaco, May 01, 2019–Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo maanta ka qayb galay munaasabadda xuska maalinta Shaqaalaha adduunka ee 1da May ayaa hambalyo u diray dhammaan shaqaallaha Soomaaliyeed.

Khudbad uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ka jeediyay munaasabadda dabbaal degga oo Muqdisho lagu qabtay ayuu uga hadlay sida dawladdu ay muhiimad gaar ah u siiso xuquuqda shaqaallaha dawladda iyo dowrka shaqaaluhu ay ku leeyihiin horumarinta dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale hambalyeeyay ciidanka xoogga dalka oo maanta kooxda Shabaab kala wareegay deegaanka Bariirre ee gobalka Shabeellada Hoose.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in maadaama ay dowladdu ku guulaysatay in aan laga walwalin xuquuqda shaqaalaha in ay muhiim tahay in laga farako qorshayaal ballaaran oo ay kamid tahay in la sameeyo shaqo abuur ballaaran si loola dagaalo shaqa la’aanta baahsan, isaga oo shaqaalaha dawladda kula dardaarmay in ay qaybta uga aadan ka qaataan horumarinta iyo dadaallada dib u soo kabashada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...

Wasiirka Kalluumeysiga oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Masar ee Arrimaha Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Hoggaamiyaha Koongur Galbeed oo Daah furay Imtixaanaadka Dugsiga Dhexe ee Degaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...