Wasiirka Qorsheynta: Anagu deyn ma qaadano, waxaan ku jirnaa hawshii deyn cafiska (Warbixin)

Date:

Beijing (SNTV)-Wasiirka Qorsheynta, Maal-geshiga iyo Hurumarinta Dhaqaalaha Dawladda Federalka Soomaaliya, Jamal Maxamed Xasan ayaa sheegay in fursado badan oo maalgashi ah uu ka jiro dalka, lana maalgeshan karo, ayna soo dhaweynayaan shirkadaha iyo dawladaha danaynaya ka wada fa’ideysiga fursadahaa.

Wasiirka ayaa iigu waramay maalagada Caasimada ah ee Beijing kadib markii uu ka qayb-galay shirkii ‘Iskaashiga Caalamiga ahaa ee dhanka Kaabayaasha Dhaqaalaha..BRF,kaasi oo qabsomay 25-27 bishi April, waxaana shirkaasi ka qayb-galay 38 dal, ururo caalami ah iyo ka qayb galayaan 5000 gaaraya.

Wuxuu ii sheegay in wafdi uu isaga hogaaminayo, uuna ka mid ahaa Wasiirka Qorsheynta Jubbaland iyo Wafdi kale oo uu hogaaminayey Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha, Maxamed Cabdi Xayir Maareye ay ka qayb-galeen shirka, ayna dhinaca ganacsiga iyo siyaassada ku kala metalayeen.

Waxaan wasiirka weydiiyey sida ay Soomaaliya uga faa’ideysan karto ‘Mashaariicda Shiinaha ee loo yaqaan ‘Belt & Road Initiatives’ oo ah barnamij dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha la xiriira sida waddooyin, buun-dooyin, khadad tareen iyo koronta dhalin oo dalal badan oo adduunka ah ka faa’ideysteen kuwaasi kuwa deriska nala ahi ku jiraan.

“Wadamada halkan joogay oo dhan waxa ay ahaayeen waddamo dayn ka qaata China, anagu deyn ma qaadano, mana qaadan karno oo waxa aan ku jirnaa hawshii deyn cafiska, tii hore ayaa nalagu leeyahay” ayuu wasiirka iigu jawaabay.

Balse Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in wixii kale oo iskaashi ah oo aan deyn ahayn ay labada dawladood, Shiinaha iyo Soomaaliya ka wada shaqayn karaan, ayna diyaar u yihiin, waxana ay dhinacyadaasi noqon karaan kalluumaysiga, iyo beeraha maadaama aan dhul weyn leenahay.

Dhanka kale, Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Qorsheynta ayaa kullan la qaatay madaxa hay’adda Iskaashiga Caalamiga ee Shiinaha, Tian Lin, waxana ay ka wada hadleen fulinta iyo halka ay marayaan mashariic ay hore uga soo gudbiyeen hay’addaas,kuwaa oo ay ku jireen kuwa kaabayaasha dhaqaalaha ah.

Tian Lin,Head of China Intel. Development Cooperation Agency(CIDCA), April 22,2019(Mohamed Osman/ SONNA)

Tian Lin,Head of China Intel. Development Cooperation Agency(CIDCA), April 22,2019(Mohamed Osman/ SONNA)
Mr. Jamaal ayaa sheegay in hay’adu ay weli mashaariicdu daraasad ku wado, kadibna ay hawshaa waxa ay ka qaban karaan, ka qaban doonaan.

By: Maxamed Cisman Cabdi ‘Black Cobra’

E-mail: [email protected]

Beijing-China

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...