Home Blog Page 1069

Dowladda Soomaaliya oo diyaarisay qorshe cusub oo dalka looga xoreynayo maleeshiyada Al-Shabaab

0

Muqdisho (SNTV):- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan deg deg ah isugu yeeray Taliska Howl-galka AMISOM iyo dawladaha Soomaaliya ka taageera amniga iyo la dagaalanka Argagaxisada.

Kulanka deg deggga ah ayaa aad loogu falanqeeyay  Tageeradda qorsha uu diyaariyay taliska ciidanka xoogga dalka oo la doonayo in meleeshiyaadka argagaxisada ah looga saaro deegaanadda kamid ah dalka ee ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kulanka ka tilmaamay in aan loo sii dul qaadan karin in kooxaha arxan-laawayaasha ah ay sii dhibaateeyaan dalka ayaa dhammaan ka qayb galayaasha kulanka waxa uu ka dalbaday in dagaalka argagaxisada loo wajaho si wadajir ah laguna gacan siiyo dawladda sidii ay dalka oo dhan uga dhigi lahayd mid nabdoon.

Safiirrada Maraykanka, Ingiriiska, Midawga Afrika iyo safiir ku-xigeenka Midawga Yurub ee Soomaaliya iyo Taliyaha Hawlgalka AMISOM oo goob joog ka ahaa shirka looga arrinsanahay qorshaha argagaxisada looga saaryo dalka ayaa taageeray in si wadajir ah loo fuliyo qorshaha dawladdu soo bandhigtay ee lagu doonayo in dalka looga sifeeyo argagaxisada.

Hoggaanka dawladda Soomaaliya oo muhiimadda koowaad ay u tahay sugidda amniga mawaadiniinta Soomaaliyeed maalkooda iyo gayiga Soomaaliya guud ahaan ayaa wada qorshe uu ku doonayo in lagu soo af-jaro ficillada gurraca ee kooxaha nabad-diidka ah ay ku diidanyihiin horumarka dalka.

Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Wasiir Saqar iyo dadkii Soomaaliyeed ee ku shahiiday weerarkii Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay Alla ha u naxariistee dadkii ku geeriyooday falalkii waxshinimada ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si gaar ah ugu tacsiyadeeyay Ehalada,Shacabka Soomaaliyeed iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka geerida Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ka mid noqday dadkii ku shahiiday weerarkii maanta argagaxisada ka geysatay Muqdisho.

Halkaan Hoose ka Akhriso Tacsida madaxweyne Farmaajo uu diray:-

Innaa Lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Alle ha u naxariisto dhammaan dadkii ku shahiiday falalkii waxshinimada ahaa ee maanta dhacay oo uu kamid ahaa Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Wasiirku waxa uu ahaa nin afgaaban, edeb badan, waddani ah,  dalka iyo dadkana ugu adeegay si daacadnimo iyo hufnaan ay ka muuqato.

Waxaan rabaa inaan ummadda Soomaaliyeed la wadaago in shacab iyo ciidanba loo midoobo kooxaha argagixisada ah ee maalin walba doonaya in ay daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed, burburiyaan hantidooda, barakiciyaana maatida si aysan u hana qaadin dowladnimadeeda.

Sugidda nabadgalyada waa masuuliyad saaran ciidamada iyo hay’adaha amniga, waana in ay dardargeliyaan hawlaha loo igmaday si looga hortago dhagarta ay  kooxaha argagixisada ahi la maagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, shacabkuna waa in ay gacan ka geystaan sugidda nabadgelyada.

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo U Tacsiyeeyay Dadkii Soomaaliyeed Ee Ku Shahiiday Weerarkii Argagaxiso Ee Maanta

0

Muqdisho (SNTV): –Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa ka tacsiyeey Alla ha u naxariistee dadkii ku shahiiday weerarkii argagaxiso ee kooxda Arxan-laawayaasha, dad qalatada ah ay ku doonayeen in ay ku dhibaateen umadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku shahiiday weearka argagaxiso waxa uu ugu duceeyay in Allaha uu jannadii geeyo eheledii iyo asaxaabtiib ay ka bexeenna samar iyo iimaan uu ka siiyo.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tacsi gaar ah u diray Wasiir ku-xigeenkii Wasaarradda Shaqada iyo arrimaha bulshada, Saqar Ibraahim Cabdalla oo kamid ahaa dadkii ku shahiiday, waxa uuna dhammaan dadka ku dhaawacmay u rajeeyay in Allah uu siiyo caafimaad deg deg ah.

Wasiirka Koowaad ee xukuumadda ayaa ballan qaaday in dawladda Soomaaliyeed ay sii wadi doonto dagaalaka ay kula jirto kooxaha argagaxisada ilaa laga tirtirayo jiritaankooda si ummadda Soomaaliyeed ay ugu noolaato nabad buuxda

Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo u yeertay Safiirka Soomaaliya ee Switzerland

0

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa u yeeray Safiirka Soomaaliya u fadhiya Switzerland Faadumo Cabdullaahi Maxamuud.

Mudane Axmed Ciise Cawad Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa safiirka ku wargeliyey in muddo Hal isbuuc gudaheed ah ay kusoo gasho dalka.

Guddoomiye Tuulax oo xalay kormeeray hanaanka suggida ammaanka Degmada Wadajir

0

Mogadisho (SNTV):-Gudoomiye Ku-xigeenka dhanka ammaanka iyo
Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax ayaa xalay
kormeer ku sameeyay hanaanka loo suggo ammaanka Degmada Wadajir.

Gudoomiye Tuulax oo uu wehliyo Gudoomiyaha Degmada Wadajir Cumar
Cabdulaahi Xasan iyo Taliyaha Qaybta Galbeed ee Ciidanka Booliska
Somaliya Yuusuf Xundubey, ayaa u kuurgalay Afarta Waaxood ee ay ka
kooban tahay Degmada Wadajir.

Masuuliyiintaan ayaa socod lug ah ku maray dhamaan Afarta Waaxood ee
Degmada Wadajir, halkaasi oo ay ku soo arkeen Ciidamada ammaanka oo
shaqeynaya, islamarkaana ku jira xaaladda suggida ammaanka shacabka
Degmadaasi.

Gudoomiyaha ayaa Ciidanka ku dhiirageliyay inay sii laba jibaaraan
masuuliyadda ka saaran suggida ammaanka, si shacabka Somaliyed ee
Degmadaasi ku nool nabad ay ugu seexdaan uguna soo toosaan.

Gudoomiye Tuulax ayaa sheegay Kormeerka suggida ammaanka Degmooyinka
inuu yahay mid joogto ah oo loogu kuur galaayo, xilliyada habeenkii &
maalintii sida ay u shaqeeyaan Ciidanka amniga ee Degmooyinka Muqdisho
ka hawlgala.

“Kormeerkaan ayaa ah mid joogto ah oo aan ku sameyn doono laamaha kala
duwan ee amniga xiliyada maalinkii iyo habeenkii si aan u hubino
shaqada iyo wada shaqaynta dhaxdooda ah.” Ayuu yiri Gudoomiye Tuulax.

Ciidanka amniga ee ka hawlgala Degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa
habeen iyo maalin u taagan suggida ammaanka Degmooyinka & ka hortagga
falalka guracan ee Kooxaha  Nabaddiidka ay soo maleegaan.

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis ku saabsan isdhaafsi dhul safaaradeed

Istanbul (SNTV):– Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa shalay Istanbul kula saxiixday heshiis dhiggiisa Turkiga Mudane Mevlüt Çavuşoğlu.

Heshiiskan ay kala saxiixdeen Soomaliya iyo Turkiga ayaa ku saabsan isdhaafsi dhul safaaradeed labada dal ee walaalaha ah ay ku kala yeelanayaan Ankara iyo Muqdisho.

Soomaaliya iyo Turkey waxaa ka dhexeeya xiriir diblomaasiyadeed oo xooggan iyo wax wadaag istiraatiijiyadeed oo dhinacyo badan leh oo nacfi wadaag ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ku tilmaamay Ra’iisul wasaaraha New Zealand hoggaamiye fariid ah

Istanbu (SNTV):- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa muujiyay sida uu ugu qanacsan yahay falcelinta Xukuumadda New Zealand ee ay hoggaamiso Ra’iisul wasaare Jacinda Ardern ay ka sameysay weerarka argagaxiso ee ka dhanka ahaa muslimiin salaadda Jimcaha ku tukanayay laba masjid oo ku yaalla Magaalada Christchurch (15 Maarso).

Wasiir Cawad oo khudbad ka jeedinayay kulanka degdega ee Ururka Iskaashiga Islaamka heer Wasiirro Arrimo Dibadeed oo ku qabsoomay Magaalada Istanbul, Turkey, oo looga hadlayay weerarka argagaxiso ee bahalnimada leh ee islaam neceybka ee ka dhacay New Zealand ayaa yiri “Aniga oo ku hadlaya Magaca Madaxweynahayga, kan Ra’iisul wasaarahayga iyo kan Shacabka Soomaaliyeed, waxa aan tacsi u dirayaa qoysaska, bulshada muslimka ah, Shacabka iyo Xukuumadda New Zealand oo ku aaddan xasuuqii Christchurch ee dhacay 15 March 2019. Ka Soomaali ahaan waxaan la tiiraanyeysannahay dhammaan dhibanayaasha aan waxba galabsan, waxa aan ka naxsannahay xasuuqaasi murugada leh”.

Wasiirku waxa uu khudbaddiisa ku sheegay in Soomaali lagu dilay weerarkaasi argagaxa lahaa “toogashada ka dhacday Masjidka Al Nuur iyo xarunta islaamiga Linwood ee Magaalada Christchurch ee lagu dilay 50 ruux, laguna dhaawacay 50 muslimiin aan waxba galabsan oo da’doodu u dhexeysay 5 illaa iyo 79 sano-jir oo ka kala yimid wadamo kala duwan oo uu ku jiro dalkayga Soomaaliya. Weerarkaas nacaybka xambaarsanaa wuxuu gallaaftay nolosha 5 Soomaali New Zealanders ah oo uu ku jiray canug 5 sano-jir ah”.

“Waxa aan si adag u cambaaraynaynaa weerarkaasi argagaxiso ee xun ee islaam naceybka ah” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ciidamada Amniga oo gacanta ku soo dhigay Horjooge kooxeed ka tirsan Amniyaatka Alshabaab

Muqdisho (SNTV):-Howlgal qorshaysan oo ka dhacay Muqdisho 21-kii Bishan ayay Ciidamada Amniga ku soo xireen Horjooge kooxeed ka tirsan Amniyaatka Argagixisada Alshabaab, waxuuna ahaa horjooge koox shabaab ah oo qaabilsan Khaarijnta.

Dhagarqabahaan ayaa ku danbeeyay abaabulka iyo hugaaminta Dilal badan oo loo gaystay Dad waxtar leh.

Dowladda federaalka Soomaaliya waxeey ku hawlantahay dabargooynta argagixisada Alshabaab si looga badbaadiyo shacabka soomaaliyeed dhagartooda.

Waa hawlgalkii sadexaad oo todobaadkaan gudihiisa talaabo looga qaaday Argagixisada Alshabaab.

Shir looga hadlayo Islaam nacaybka oo Maanta ka furmaya Dalka Turkiga

0

Ankara-(SNTV)-Dowladda Turkiga ayaa Waddamada ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ugu baaqday kulan deg-deg ah oo ka dhici doona Maanta Magaalada Istambuul ee Dalka Turkiga, sida ay qortay Jariiradda Daily Sabah.

Shirkan oo looga hadli doona falkii Argagixisanimo ee dhawaan ka dhacay Dalka , New Zealand iyo sidii laga yeeli lahaa Kooxaha Cunsuriyiinta ee Islamophobia” loo yaqaan oo ku soo badanaya waddamada reer Galbeedka, ayaa waxaa qeyb ka ah madax ka kala socota Waddamada ku bahoobay Ururka OIC.

War kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha dibedda Dalka Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu, ayaa lagu sheegay in shirku ay ku casuuman yihiin, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Ururka iskaashiga ammaanka ee Yurub OSCE iyo hay’ado Caalami ah.

15-kii Bishan ayay ahayd markii 50 Qof oo Muslimiin ah lagu laayay Masaajidda Al-Nuur iyo Linwood oo ku yaalla Magaalada Christchurch, ee Dalka New Zealand, markii uu Rasaas huwiyay Nin ka tirsan Kooxaha neceb Islaamka iyo soo galootiga.

Guddoomiyaha Degmada Marka oo Shacabka ka codsaday in ay ka qeybqaataan Ciribtirka Al-Shabaab

Muqdisho-(SNTV)-Guddoomiyaha cusub ee Degmada Marka , C/llaahi Cali Axmed (Waafoow), ayaa sheegay in tallaabooyinka ugu horreeya ee uu qaadi doono ay tahay sidii Al-Shabaab looga xoreyn degaannada ay kaga dhuumeeleystaan Gobolka, ammaankana loo soo celin lahaa.

Mudane; Waafoow, oo u warramayay Warbaahinta Qaranka ayaa ku cel-celiyay in qorshihiisa koobaad iyo kan Labaadba uu yahay sugidda ammaanka, Shacabka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadana ka codsadey in ay maamulkooda la shaqeeyaan, si cadowga looga adkaado.

Guddoomiye, Waafoow ayaa sheegay in ay xoogga saari doonaan sidii dib loogu soo celin lahaa dhammaan adeegyadii Bulshada ee Degmada Marko, sida Caafimaadka, wax-barashada iyo dhaq-dhaqaaqyadii kale ee Bulshada iyagoo kaashana maamulka Koofur Galbeed iyo laamaha ammaanka.

Wuxuu sheegay Guddoomiyuhu in ay sidoo kale xoogga saari doonaan horumarinta degaanka, haatanna ay kulammo la qaateen hay’adaha ay quseyso, Shacabkuna ay u jiheyn doonaan in ay ka faa’iideystaan Kheyraadka uu Alle ku manneystay, maaddaama ay Degmada Marka tahay Magaalo Xeebeed, balse intaas oo idil ay ka horreeyso sugidda ammmaanka.

C/llaahi Cali Axmed (Waafoow), ayaa sheegay in aysan jirin haba yaraatee wax adeeg Caafimaad ah oo uu fuliyo Isbitaalka Guud ee Magaalada Marka, Shababkuna ay arrintaasi dhibaato weyn ka haysato, isagoo Dowladda Federaalka iyo maamulka Koofur Galbeedba ugu baaqay in gar-gaar Caafimaad oo deg-deg ah lala soo gaaro.

Shacabka ku nool Magaalada Marka ayuu ugu baaqay in ay ka gudbaan waxyaabihii dhaliyay colaadihii ragaadiyay Degmada iyo horumrinta degaanka, wuxuuna usoo jeediyay in ay maamulka iyo laamaha ammaankuba kala shaqeeyaan sidii loo Cirib tiri lahaa Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab.