Duqa Muqdisho oo Xariga ka Jaray Warta Biyo-Qabadka KM4

Date:

Muqadisho (SNTV)–Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xariga ka jaray Warta Biyo-qabadka Degmada Waaberi oo Maamulka Gobolka Banaadir uu dayactir ballaaran ku sameeyey.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Warta Biyo-qabadka KM4 ay kamid tahay meelaha ugu badan ee biyuhu fariistaan iskagana gudbaan Caasimadda, isla markaana uu Maamulkiisu xoogga saaray sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka ka dhasha xili roobaad oo goobtan dhiga biyo fara badan oo saameeya dadka iyo deegaanka ka ag-dhow.

“Maamulka Gobolka Benaadir oo in muddo ah ku howllanaa sidii xal loogu heli lahaa saameynta roobabka ayaa isku howllay howlgelinta xarumo muhiim ah oo biyo qabadka Caasimadda saldhig u ahaa, gaar ahaan Degmada Waaberi, agagaarka N4 waxay kamid tahay meelaha ay saameynta ballaaran ku yeeshaan roobabka, waad la socotaan in xiliga roobka uu xirmo jidka Garooonka”.

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in maamulka Gobolka Benaadir uu la tacaalayo wax-ka qabashada dhibaatooyinka ka dhashay bulaacadaha, isagoo xusay in xiliga dhow uu qorshuhu yahay in Caasimaddu ay yeelato goobo ay biyuhu isaga gudbaan, maadaama dayactiro lagu sameeyo goobo badan oo saldhigan jireen biyuhu.

“Magaalada Muqdisho waa ay lahaan jirtay Tubooyin qaada biyaha roobka iyo tubooyin bixiya wasakhda (Sewage). Qaarkood wa shaqeeyaan hadda oo qeybo ka mid ah magaalada ayey biyha ka saaraan. Si walba ha ahaatee, xilli roobaad kasta waxaa magaalada Muqdisho soo gaara dhibaatooyin fara badan oo ay ka mid tahay, Jidadka waaweyn oo qaarkood burbura iyo nadaafadda deegaanka oo xumaata, waana taas midda aan rabno in waqtiga dhow xal loo helo”.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa muhiimad gaar ah siinaya xal-u-helidda dhibaatada ay ku hayaan daadadka roobka ee burburiya waddooyinka iyo isku socodka magaalada. Waxuna maamulku qorshaynayaa in waqtiga dhow arrintaa xal loo helo si loo ilaaliya Fayo dhowrka Caasimadda.

Munaasabadda xariga looga jarayay Biyo-qabadka Degmada Waaberi ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeennada Maaliyadda, Howllaha Guud , Guddoomiyaha Degmada Waaberi iyo masuuliyii kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...