Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo ka qeybgalay tartan kubada Cagta ah oo lagu soo gaban gabeeyay Degmad Boondheere ee Gobalka Banaadir

Date:

Tartarkaan Kubada Cagta ayaa waxaa ka qeyb-galayay  kooxo  laga soo xulaya afarta waxood oo ay ka koobantahay degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir ,waxaana Xalay ciyaarta kama dambeysta isugu soo haray laba waaxood oo kala ah waaxda siinaay oo ay ka soctay Kooxda Al-cadaala iyo waaxda Yuusuf Al-kowneyn oo ay socdeen kooda kale  sedaxda Geedi kuwaasi oo  ciyaaray kama dambeysata Tartanka Kubadda Cagta ee Degmada Boondheere.

Gudoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Degmada Boondheere  Cabdixamiid Cabdikariin Xuseen ayaa ugu horeyn Goobta ka hadlay ayaa uga mahadceliyay dhalinyarada Soobandhigay Ciyaarta quruxda badan lasoo gaban gabeeyay.

Gudoomiyaha Degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir  Seynab Yuusuf  wehliye  ayaa sheegtay in ay ciyaaraha kubada cagta ee lagu qabatay Degmada Boondheere ay cadeyn u tahay Nabad-gelyada ka jirya Degmadaasi,waxaana ay rejo wanagsan ka muujisay Tartamada Waa weyn ee dalka lagu qabanayo in kaalin fiican ka gelin doonaan.

Ugu dambeyn gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (ENG Yariisow) ayaa sheegay in Ciyaaruhu ay yihiin is dhexgalka Bulshada Islamarkaan uu ka qebqaadanayo Amaanka iyo xasiloonida Gobalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...