Home Blog Page 989

Madaxweyne Farmaajo oo Furay Shirka Wadatashiga DFS,Dowlad Goboleedyada iyo G/Banaadir

0

SNTV:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor-dhow  Magaalada Garoowe ka furay shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka,Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan waxaa ka qayb-galaya Ra’iisul wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre ,Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow)

Wax ka baro Taariikh nololeedka Halgamaa Marxuum Cali Cumar Shegow

0

SNTV:-Marxuum Cali Cumar Sheegow wuxuu dhashay 20 july 1924, wxuuna ku dhashay deegaanka Mareeg Soomaaliya. wuxuuna ku soo barbaaray kuna soo bartay Qur’aankanka Kariimka degmada Baraawe.

1941 – 1949:  Qabsahadii Ingiriiska ee Koonfurta Soomaaliya Sheegow wuxuu ka mid noqday ciidamada Booliiska ee Ingiriiska oo loo yaqaaney Somali Gendarmery  Field Force, isagoo ka gaarey derejada seddex xarigle (inspector)  wuxuuna noqday taliyaha saldhigga Booliiska ee Orientale Xamar, Beled-weyne iyo Buula Burde.

1950: Waxaa bilowday maamulkii Talyaaniga (Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia-UN Trusteeship) oo loo yaqaaney AFIS.

1950 – 1952 Waxa uu ka mid noqday ardeydii dhiganeysay macadka siyaasada iyo maareynta (Scuola speciale di preparazione Politico Amministrativo) oo seddex sano lagu qaadanayay Somaaliya, halka sano ee kalana wadanka Talyaaniga iyadoo uu ku qaatey shahaadada darajada koowaad BA- Political Sceince

1955–1956 Waxaa loo magacaabey Duga ama dhiisiiga Bulo Burte (Commisario distrectuale  di Bulo Burte)

1956–1958 Waxaa loo magacaabey barasaabka gobolka Bari (Governatore Regione della Migiurtinia- Bosaaso)

1958–1960 Waxaa loo magacaabey guddoomiyihii gobolka Banaadir  iyo Gudoomiyaha Olimbikada Soomaaliyeed.

1 Luulyo 1960 waxaa lagu dhawaaqey xoriyadda koonfurta Soomaaliya oo ku jirtay gacanta Talyaaniga (AFIS) isla markaana waxaa lagu dhawaaqey in ay isku darsameen labadii gobol Waqooyi iyo Koonfur

1960–1961: Waxaa loo magacaabey agaasimaha guud ee wasaarada arimaha dibada ee dowladii ugu horeysay Somalia.

1962–1964 Wuxuu noqday safiirkii Somaliya ee ururka dhaqaalaha yurub (Eurooean Economic Community-(EEC) ee xaruntiisu ahayd Biljimka.

1964 Waxaa loo doortey barlamaankii sedexaad (3 Asemblea  Legislativa). 1964 waxaa loo magacaabay wasiirka Garsoorka, 2 bil Kadib Wuxuu noqday wasiirkii qorsheynta qaranka ee markaas uu isagu aas aasay, kadib markii howshaas uu u xilsaaray  Ra’iisul wasaarihii soomaaliya ee xiligaas C/risaaq Xaaji Xuseen.

1966 -1967 : Waxaa loo magacaabey wasiirka Maaliyada iyo lacagta (Finanza)

Xiligii dowladii Aadan Cabdulle Cusmaan eey dhamaatay waxaa dhacay dooraahadii 10 June 1967 madadaxweynimada waxaa ku guuleystay Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo noqday Madaxweynaha Soomaaliya wuxuuna Maxamed Haji braahim Cigaal u magacaabay Ra’iisul wasaaraha Dalka.

1967 -1968: Waxaa loo magacaabey wasiiru- dowlaha arimaha dibadda Soomaaliya.

1968 – 1969: Waxaa loo magacaabey wasiirka beeraha iyo daaqa.

1969 xilligii doorashadii cusbeyd wuxuu noqday xildhibaan matalaya deegaan doorashadiisa oo ahayd Baraawe.

Xilgaasna waxaa dhacay inqilaabkii October 21  1969 dowladii ratidka aheyd halkaaseey ku dhamaatay

Intii intaas kadambeysay Wuxuu noqday oday soomaaliyeed oo u taagan midnimada iyo horumarka soomaaliyeed.

Guud ahaan Xilalka wasiirnimo ee uu soo qabtay ama loo magacaabay Allaha-unaxariistee Marxuum Cali cumar Sheegoow waxaa ka mid ahaa:

Wasiirka arimaha diinta iyo Garsoorka

Wasiirka Wasaaradda qorshaynta

Wasiirka maaliyadda iyo lacagta

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha dibedda

wasiirka wasaaradda beeraha iyo daaqa.

Aagisamaha guud ee wasaarada arimaha dibadda.

 

Wasiir Cabdirashiid Xasan ”Dalka Abaar Dhibaatadeeda Wadato ayaa ku soo socoto”

0

SNTV:- Wasaaradda Gargaagarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Dawladda Soomaaliya iyo Wasaaradaha Gargaagarka ee Dowlad Goboleedyada oo ku shiray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dalku galayo Abaarro aad u daran sida saadaashu sheegeyso  loona baahan yahay in arrintaas laga hortago.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiiibooyinka Cabdirashiid Xasan ayaa sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya ugu sareysa arrintan ay Baaq ka soo saari doonaan.

“Waxaa arrintan baaq kasoo saari doona Madaxda Dowladda ugu sareysa sida Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka, waxaan kuu sheegi karaa hadda in dalka abaar dhibaatadeeda wadato ku soo socoto taasna waxa kaliya oo aan u baahanahay ayaa ah in aan ka hortagno”.

Wasiirka Gargaarka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdinaasir Cabdi Caruush ayaa tilmaamay in Koonfur galbeed tahay meelaha ugu badan oo dadka abaartu ku saameysay.

“Koonfur Galbeed waa meelaha ugu badan oo dadku abaartu ku saameyso magaalada Beydhabo waxaa jooga Barakacayaal ka badan dadka deegaanka ah”.

Wasiirada waxaa ay ugu baaqeen Ganacsatada iyo dadka wax heysta in arrintan sidii looga gaashaaman lahaa gacan ay ka geystaan.

Xilli roobaadkii guga ee laheli jiray Bilahan ayaana wali la helin waxaana dhibaato xoogan kasoo yeereysaa dadka reer guuraaga ah ee deegaanadooda wali uusan roobkii guga uu san ka da’in.

  

Akhriso Isku aad wareegga 1-aad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka

0

Akhristayaasheena iyo Daawadeyaasheenna Sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa Isku aadka wareegga 1-aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka.

Halkaan ka degso ama ka Akhriso
ISKU AADKA WAREEGGA 1-AAD 2019 TARTANKA WARBAAHINTA QARANKA

Xukuumadda oo Meel Marisay Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka

0

Khamiis, May 02, 2019 — Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay meel mariyeen Hindise sharciyeedka doorashooyinka qaranka oo ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta.

Ujeedooyinka sharciga doorashooyinka qaranka ayaa ah in lagu maamul doorashooyinka golayaasha sharci dejinta iyo madaxwaynaha jamhuuriyadda, laguna hir gelinayo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka maran cabsi gelin iyo ceeb oo dhan, loona maamulay si madax bannaan, dhex-dhexaad ah, sugan, hufan oo isla xisaabgan leh kuna salaynsan hab-raac sharci oo dhaqan gal ah, in uu cadeeyo awoodda iyo waajibaadka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo in lagu qeexo laguna tilmaamo nidaamka doorashooyinka dalka.

Hindise Sharciyeedka ay maanta xukuumaddu meel marisay ayaa loo gudbinayaa golaha sharci dejinta dalka si ay u ansixyaan.

Shirka golaha wasiirrada oo maanta uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale lagu meel mariyay sharciga xisbiyada siyaasadda dalka oo dib-u-eegis lagu sameeyay.

Ansixinta Hindise Sharciyeedka doorashooyinka qaranka iyo sharciga xisbiyada siyaasadda dalka ee dib-u-eegista lagu sameeyay ayaa qeyb ka ah halbeegyada Tubta Siyaasadda loo dhanyahay ee lagu guuleystay.

Waa kuma Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha?

0

Eng. C/llaahi Cali Xasan ayaa maanta wareegto rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre loogu magacaabay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha. ayaa wuxuu ka mid yahay aqoonyahanadii waxgalka ahaa ee wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaliya 1991 u istaagay dhinaca horumarinta bulshada rayidka ah iyo u adeegida shacabka Soomaaliyeed ee ay aafeyeen dagaalada sokeeye, dowlad la’aanta, fatahaada, abaaraha iyo gaajada isagoo ku howlanaa gargaarka beni’aadinimada iyo samatabixinta bulshada dhibaateysan 20 sano ee la soo dhaafay.

Waxbashadiisa asaasiga iyo mida sare wuxuu kusoo qaatay magaalada Muqdisho, halka waxbarashadiisa jaamacadeed uu ka qalin jabiyay Jaamacadda State University Of New York ee Suny Albany, wuxuuna macallin uu kasoo noqday jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed oo ay isaga iyo aabihiis macallimiin ka wada ahaayeen allaha u naxariistee Prof. Cali Xasan.

Laga soo bilaabo sanadkii 1990 ilaa iyo hadda waxa uu ku howlanaa u gargaaridda dadka Soomaaliyeed ee dagaalada iyo abaaraha saameeyeen. wuxuuna mudooyinkii u danbeeyay ahaa agaasimaha Hay’adda Waxbarashada iyo Hormarinta ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano CED oo ah hay’ad maxalli ah oo ka shaqeeysa arimaha gargaarka bani’aadanimada.

Mudadii aadka u fogeyd wuxuu ku lug lahaa arimaha samafalka iyo gargaarka bani’aadanimada Eng. Cabullahi Cali Xasan waxa uu wax la taaban karo u qabtay shacab farabadan oo Soomaaliyeed oo aad u liitay kuwaaasi oo u badnaa haween, caruur iyo dad da’ ah.

Eng. C/llaahi Cali Xasan ayaa lagu yaqaan inuu yahay hoggaamiye nadiif ah oo la imaan kara isbedel muuqda iyo horumar howsha loo igmaday. Waa aqoonyahan qunyarsocod ah, howlkar ah, go’aan qaadasho leh oo balamadana ku fiican wuxuuna ka tirsan yahay bulshada rayidka ah.

Dadka yaqaan Aqoonyahankaan ayaa ku sifeeyey in uu yahay shaqsi isku darsaday diin jacayl, wadaninimo, daacadnimo, hoggaan suuban, aqoon iyo howlkarnimo waxyaabaha lagu soo xushayna ay u badan yihiin intaas.

Waa shaqsi waayo arag ah, bisayl siyaasadeed iyo mid aqooneed intaba u leh maamulka iyo hoggaaminta, isla markaana isku darsaday khibrad maamul iyo mid hoggaamineed oo waqti dheer ah.

Ugu danbeyntii, Eng. C/llaahi ayaa waxaa uu ka mid ahaa murashaxiintii madaxweyne ee 2017-kii, balse u tanaasulay isagoo eegaya danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo xiligii lagu jiray ee kala guurka.

Xigash: Cali Muhiyaddiin Cali

Horjooge Alshabaab u qaabilsanaa Qaraxyada oo maanta isu dhiibay Ciidamada

Garbahaareey (SNTV)–Horjooge Yuusuf Ahmed Cadow oo Alshabaab u qaabilsanaa Qeybta Qaraxyada ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga Dalka Gaar ahaan Kuwa Ka howlaka Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobalka Gedo.

Yuusuf oo xiriira kale duwan la soo sameeyay Sarakiisha Ciidanka, iyadoona ay suurogashay saaka inuu soogaaro in uu iska soo dhiibay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Waayahaanba waxaa isa soo tarayay baxsadka Kooxda Al-shabaab, kuwaaso oo si isdaba joog ah isugu soo dhiibayay Dowladda Soomaaliya, si ay u helaanb nabadgelyo iyo mustaqbal wanaagsan.

Wasiirka Qorsheynta: Anagu deyn ma qaadano, waxaan ku jirnaa hawshii deyn cafiska (Warbixin)

0

Beijing (SNTV)-Wasiirka Qorsheynta, Maal-geshiga iyo Hurumarinta Dhaqaalaha Dawladda Federalka Soomaaliya, Jamal Maxamed Xasan ayaa sheegay in fursado badan oo maalgashi ah uu ka jiro dalka, lana maalgeshan karo, ayna soo dhaweynayaan shirkadaha iyo dawladaha danaynaya ka wada fa’ideysiga fursadahaa.

Wasiirka ayaa iigu waramay maalagada Caasimada ah ee Beijing kadib markii uu ka qayb-galay shirkii ‘Iskaashiga Caalamiga ahaa ee dhanka Kaabayaasha Dhaqaalaha..BRF,kaasi oo qabsomay 25-27 bishi April, waxaana shirkaasi ka qayb-galay 38 dal, ururo caalami ah iyo ka qayb galayaan 5000 gaaraya.

Wuxuu ii sheegay in wafdi uu isaga hogaaminayo, uuna ka mid ahaa Wasiirka Qorsheynta Jubbaland iyo Wafdi kale oo uu hogaaminayey Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha, Maxamed Cabdi Xayir Maareye ay ka qayb-galeen shirka, ayna dhinaca ganacsiga iyo siyaassada ku kala metalayeen.

Waxaan wasiirka weydiiyey sida ay Soomaaliya uga faa’ideysan karto ‘Mashaariicda Shiinaha ee loo yaqaan ‘Belt & Road Initiatives’ oo ah barnamij dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha la xiriira sida waddooyin, buun-dooyin, khadad tareen iyo koronta dhalin oo dalal badan oo adduunka ah ka faa’ideysteen kuwaasi kuwa deriska nala ahi ku jiraan.

“Wadamada halkan joogay oo dhan waxa ay ahaayeen waddamo dayn ka qaata China, anagu deyn ma qaadano, mana qaadan karno oo waxa aan ku jirnaa hawshii deyn cafiska, tii hore ayaa nalagu leeyahay” ayuu wasiirka iigu jawaabay.

Balse Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in wixii kale oo iskaashi ah oo aan deyn ahayn ay labada dawladood, Shiinaha iyo Soomaaliya ka wada shaqayn karaan, ayna diyaar u yihiin, waxana ay dhinacyadaasi noqon karaan kalluumaysiga, iyo beeraha maadaama aan dhul weyn leenahay.

Dhanka kale, Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Qorsheynta ayaa kullan la qaatay madaxa hay’adda Iskaashiga Caalamiga ee Shiinaha, Tian Lin, waxana ay ka wada hadleen fulinta iyo halka ay marayaan mashariic ay hore uga soo gudbiyeen hay’addaas,kuwaa oo ay ku jireen kuwa kaabayaasha dhaqaalaha ah.

Tian Lin,Head of China Intel. Development Cooperation Agency(CIDCA), April 22,2019(Mohamed Osman/ SONNA)

Tian Lin,Head of China Intel. Development Cooperation Agency(CIDCA), April 22,2019(Mohamed Osman/ SONNA)
Mr. Jamaal ayaa sheegay in hay’adu ay weli mashaariicdu daraasad ku wado, kadibna ay hawshaa waxa ay ka qaban karaan, ka qaban doonaan.

By: Maxamed Cisman Cabdi ‘Black Cobra’

E-mail: Cobrasonna@gmail.com

Beijing-China

Duqa Muqdisho oo Xariga ka Jaray Warta Biyo-Qabadka KM4

0

Muqadisho (SNTV)–Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xariga ka jaray Warta Biyo-qabadka Degmada Waaberi oo Maamulka Gobolka Banaadir uu dayactir ballaaran ku sameeyey.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Warta Biyo-qabadka KM4 ay kamid tahay meelaha ugu badan ee biyuhu fariistaan iskagana gudbaan Caasimadda, isla markaana uu Maamulkiisu xoogga saaray sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka ka dhasha xili roobaad oo goobtan dhiga biyo fara badan oo saameeya dadka iyo deegaanka ka ag-dhow.

“Maamulka Gobolka Benaadir oo in muddo ah ku howllanaa sidii xal loogu heli lahaa saameynta roobabka ayaa isku howllay howlgelinta xarumo muhiim ah oo biyo qabadka Caasimadda saldhig u ahaa, gaar ahaan Degmada Waaberi, agagaarka N4 waxay kamid tahay meelaha ay saameynta ballaaran ku yeeshaan roobabka, waad la socotaan in xiliga roobka uu xirmo jidka Garooonka”.

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in maamulka Gobolka Benaadir uu la tacaalayo wax-ka qabashada dhibaatooyinka ka dhashay bulaacadaha, isagoo xusay in xiliga dhow uu qorshuhu yahay in Caasimaddu ay yeelato goobo ay biyuhu isaga gudbaan, maadaama dayactiro lagu sameeyo goobo badan oo saldhigan jireen biyuhu.

“Magaalada Muqdisho waa ay lahaan jirtay Tubooyin qaada biyaha roobka iyo tubooyin bixiya wasakhda (Sewage). Qaarkood wa shaqeeyaan hadda oo qeybo ka mid ah magaalada ayey biyha ka saaraan. Si walba ha ahaatee, xilli roobaad kasta waxaa magaalada Muqdisho soo gaara dhibaatooyin fara badan oo ay ka mid tahay, Jidadka waaweyn oo qaarkood burbura iyo nadaafadda deegaanka oo xumaata, waana taas midda aan rabno in waqtiga dhow xal loo helo”.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa muhiimad gaar ah siinaya xal-u-helidda dhibaatada ay ku hayaan daadadka roobka ee burburiya waddooyinka iyo isku socodka magaalada. Waxuna maamulku qorshaynayaa in waqtiga dhow arrintaa xal loo helo si loo ilaaliya Fayo dhowrka Caasimadda.

Munaasabadda xariga looga jarayay Biyo-qabadka Degmada Waaberi ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeennada Maaliyadda, Howllaha Guud , Guddoomiyaha Degmada Waaberi iyo masuuliyii kale.

Madaxweyne Farmaajo oo farriin u diray Ardayda Dugsiyada Dhexe iyo Sare

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi ayaa boggaadiyey sida ay kusoo dhammaadeen Imtixaanaadka Dugsiyada Hoose iyo Dhexe ee dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ardayda Soomaaliyeed ay yihiin rajada Dalka, sidaas darteedna ay muhiim tahay in dhiiri gelin iyo garab istaag mar walbo loo muujiyo.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dar-daarmay ardayda Dugsiyada Dhexe iyo kuwa Dugsiyada sare ee dalka in ay dadaalaan, si ay uga gudbaan Marxaladaha muhiim ah ee Noloshooda, qeybna uga noqdaan Gacmaha dhisaya dalkeenna.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey ardayda Dugsiyada sare ee dalka inay guuleystaan, Natiijo fiicanna ay ka keenaan Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dawladda.