Wasiir Sadiiq: Waxaan Haynaa In Ka Badan $15 Milyan Oo Doolar Looguna Talo Galay Mashruuca Badbaadada Bulshada

Date:

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa sheegay in horey loo qaadayo tallaabooyinkii ugu horreeyay ee yareynta faqriga iyo shaqo la’aanta.

Wasiirka oo khudbad ka horjeediyay Golaha Shacabka ayaa shaaca ka qaaday in dib ugu noqoshada miisaaniyadda sannadka 2019-ka oo Baarlamaanka loo soo gudbiyay akhrinta koowaad ay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ku leedahay in ka badan shan iyo toban milyan oo dollar oo loogu talagalay mashruuca badbaadinta Bulshada.

“Miisaaniyadda ku noqoshadda waxaa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, mashruuca badbaadinta bulshada ugu jirta lacag dhan $15,853,857.. run ahaantii sharaf gaar ah ayay noo tahay.” ayuu yiri wasiir Sadiiq oo intaa ku daray ”Mashruucan wuxuu gaarayaa dalka oo dhan ula jeeddadiisa waxay tahay in faqriga lagu yareeyo oo deegaannada dadka inta ay ka soo qaxi lahaayeen lagu hayo.”

Mashruuca badbaadinta Bulshada , waxaa dowladda Soomaaliya ka taageeraya bangiga adduunka, iyadoo wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada uu caddeeyay in ay ka go’antahay in la dhimo shaqo la’aanta iyo faqriga ama saboolnimada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...