R/ Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Denmark

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo Wasiirka Horumarinta Iskaashiga ee Denmark, Rasmus Prehn, ayaa magaalada Washington ka yeeshay kulan looga hadlay qorshaha deyn cafinta dalka iyo sida Denmark ay dowladda Soomaaliya uga taageeri karto in deynta laga cafiyo horraanta 2020.

Rasmus Prehn oo ballanqaaday in dowladda Denmark ay sii wadeyso taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya ayaa ammaanay guusha ay dowladdu ka gaartay hannaanka dib-u-habeynta.

Mudane Xasan Cali Khayre oo Washington uga qayb galay kulanka miiska wareegsan ee looga hadlay deyn cafinta dalka, ayaa horay kulamo kala duwan ula qaatay wasiirrada maaliyadda Norway, Netherlands, Talyaaniga iyo madaxweynaha Bangiga adduunka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....