Horjooge Ka tirsanaa Maleeshiyada Al-Shabaab Oo Lagu Dilay Gobolka Hiiraan

Date:

Wararka naga soo gaarayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada Xoogga dalka howlgal ay ka sameeyeen gobolkaas ay ku dileen horgjooge sare oo ka tirsanaa argagaxisada Al-shabaab, kaas oo dhibaato xoogan ku haayay shacabka ku nool degmooyinka Gobolkaas.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Nuur Cagajoof oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in horjoogahaan oo magaciisa lagu soo koobay Maxamed Hiiraan uu argagaxisada u qaabilsanaa baada ay ka qaadaan shacabka ku nool gobolka Hiiraan iyo dhibaateynta Ummadda Soomaaliyeed.

Maalmihii ugu dambeeyay Ciidamada Xoogga dalka ayaa dardar gelinayay howlgallo argagaxisada looga xoreynayo deegaannada ay kaga suganyihiin Gobolka Hiiraan, iyadoo lagu sida lagu soo waramyo halkaasina horjoogeyaal iyo maleeshiyaad tiro badan lagu dilay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...