Home Blog Page 988

Kheyre oo kala hadlay Ergada Galmudg danta guud

0

 Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga furay shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ay ka qayb gelayaan ergo meteleysa dhammaan reer Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha oo wasaaradda arrimaha gudaha iyo guddiga qaban-qaabada shir-weynaha uga mahad celiyay dadaalkii dheeraa ee ay u galeen isu keenidda bulshada Galmudug, ayaa sheegay in shirkaani uu gogol xaar u yahay dhismaha Galmudug loo dhanyahay oo ka shaqeynsa danaha reer Galmudug kana qayb qaadata horumarka guud ahaan dalka.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale u mahad celiyay Madaxweynaha Galmudug, Ahlu Sunna, dhammaan bulshada reer Galmudug, ciidamada amniga sugaya iyo dhammaan intii gacan ka geysatay in geeddi socodaka dhismaha Galmdug dhammeys ah lasoo gaarsiiyo heerka uu maanta marayo, waxa uuna shirka u rajeeyay in uu guul ku dhammaado.

“Shirkaan caawa aan daah fureyno waa albaabkii laga gelaayay dowladnimada Galmudug…. Si loo hehiisyo oo maamul la wada leeyahay loo dhiso waa in danta gaarka ah meel la dhigo oo dan guud laga shaqeeyo….Waa in aan ka guurno fikirka khilaafka ku dhisan, dhaqanka colaadda ku dhisan iyo maslaxadda qabyaaladda ku dhisan”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Shir-weynaha ayaa inta uu socdo waxa ay reer Galmudug uga tashanayaan dhismaha dowad gobaleedka Galmudug iyo qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah oo horseedda in maamulka ay dhisanayan uu noqdo maamul ku hoggaamiya wadada horumarka, xariir wannaagsanna la leh dowladda federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa bishii June ee sannadkaan waxa uu deegaannada Galmudug ka bilaabay dadaal gundhiggiisu ahaa ka guul gaaridda geeddi sococdka qorshaha reer Galmudug ay ku dhisanayaan dowlad gobaleed dhammeys ah oo loo simanyahay, wanaana dadaalladaas soo dhaweeyeeyay beesha Caalamka, reer Galmudug iyo bulshada Soomaaliyeed oo dhan.

Maxkamada caalamiga ah ee ICJ oo 2 bil ah dib u dhigtay dhageysiga Dacwadda Soomaaliya iyo Kenya

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Danjire Cali Fiqi ayaa sheegay in Maxkamada caalamiga ah ee ICJ ay dib u dhigtay mudo laba bilood ah dacwaddii xagga badda ee u dhaxeysay Soomaaliya iyo Kenya.

Danjire Cali Fiqi oo u waramaayey  Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dacwada dhageysigeeda ay bilaaban doonto bisha November 04 teeda 2019 ,wuxuuna intaa ku daray in ay kalsoomi badan ku qabaan natiijada iyo waxa ka soo baxa  halkaasi.

Safiirka ayaa muujiyey in Maxkamada ICJ ay ka xun tahay go’aankan balse ay ku gaartay codsi ka yimid Dowladda Kenya kaasi oo ay ku codsatay in dacwada dhageysigeeda dib loo dhigo mudo Sanad ah balse Maxkamadda aanay ka ogolaan.

Go’aankan Maxkamadda ICJ ka soo baxay ayaa ka dhigan in Maxkamaddu aysan fulin dalabkii Dowladda Kenya ee Baddeena nagu heysata maadaama ayagu ay codsadeen in mudo Sanad ah dib loo dhigo oo kaliya Laba bilood dib loo dhigay.

Xulka Qaranka Soomaaliya oo ka adkaaday Zambabwe

0

Xulka Qaranka Kubada cagta dalkeena Soomaaliya ayaa guul muhiim ah ka gaaray dhigiisa Zambabwe.

Kulankaan ayaa ahaa mid ka tirsan Isreebreebka Koobka aduunka ee 2022 lagu qaban doono dalka Qatar.

Kulankaan ayaa sidoo kale ahaa wareega kowaad iyo lugta hore oo ka dhacday gudaha dalka aynu walaalaha nahay ee Jabouti halkaasi oo Soomaaliya ay ku matalayso Guriga waxaana uu kulan ka dhacay Garoonka El Haji Xasan Guuled.

Goolka xulka qaranka Soomaaliya sadexda dhibcood ay ugu qaaten Zambabwe waxaa saxiixay Anwar Sayid Cali oo loo yaqaan Anwar Shakuunda oo u Ciyaara kooxda Elman oo ka mid kooxaha ugu guuldaha badan Soomaaliya.

Lugta labaad ayaa waxay ka dhaci doonta gudaha dalka Zambabwe sadex maalin kadib oo ay tariikhda ku asteysan tahay 08-09-2019 saacaduna tahay 4:00 galabnimo xiliga geeska afrika.

Macalinka Cusub ee xulka qaranka dalkeena oo ka soo jeeda dalka Ghana ayaa waxaa uu gaaray guushisii ugu horeysay tan iyo markii uu qabtay xulka qaranka dalkeena Soomaaliya.

 

Madaxweyne Farmaajo oo Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ugu hambalyeeyey Guusha ay u soo hoyeen Qaranka.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Hambalyo u diray ciyaartoyda iyo macallimiinta Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo 1-0 kaga adkaaday Zimbabwe, kadib ciyaar isreebreeb ah oo ku dhex martay Dalka Djibouti, taasi oo loogu diyaar garoobayo Koobka Adduunka ee 2022 ee ka dhici dalka Qatar.

“Waxaad sharaf usoo hooyseen dalkiinna iyo dadkiinna, waxaana idiin rajeynayaa inaad guul kala soo noqotaan lugta 2-aad ee ciyaartan.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Saldhigga Booliiska Iyo Xarumaha Ciidamada Danab Iyo Nabad-sugiddu Ay Uga Sugan yihiin Dhuusamareeb

Khamiis, September 05, 2019–Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray saldhigga Booliiska Dhuusamareeb iyo xarumaha ciidamada kumaandoosta Danab iyo nabad sugidda ee qaybta ka qaadanaya adkeynta amniga magaalada Dhuusamareeb inta ay socdaan howlaha loogu diyaar garoobayo dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug loo dhanyahay.

Wasiirka amniga iyo Saraakiisha ciidamada ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyay kormeerka oo isugu jiray dhiirri gelin iyo u kuur gelidda hannaanka ay ciidamadu uga shaqeynayaan adkeynta amniga iyo sidoo kale isu diyaarinta ciidamda Danab ee qorshaha xoreynta deegaannada ay argagaxisadu uga sugantahay Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la hadlay ciidamada ku sugan xarumaha uu kormeeray ayaa u sheegay in madaxda dowladdu ay aad ugu farasaxsantahay shaqada wanaagsan ee ciidanku qaranka u hayaan, ayna ku faanto ciidamada nafta u huraya ilaalinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna kula dardaarmay in ay si wadajir ah u laba jibbaaraan shaqada ay qaranka u hayaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa isku dhinac wadda dadaallada dhismaha Galmudug loo simanyahay iyo qorshaha xoreynta shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan deegaannada ay argagaxisadu uga suganyihiin Galmudug, si marka ay dhismaan hey’adaha dowladeed ee Galmudug, ay dhamaan reer Galmudug u helaan adeegyada aasaasiga ah ee ay xaqa u leeyihiin.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa bogaadiyey dadaallada dib u heshiisiinta ee R/wasaaraha XFS ay ka waddo Galmudug

Guddoonka Golaha Shacabka JFS ayaa bogaadiyey dadaallada dib u heshiisiinta ee uu Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka wado deegaannada Galmudug ayadoo guddoonku uu dadka reer Galmudug ugu baaqay iney nabadooda ilaashadaan  .

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo wareysi gaar ah siiyey Radio Muqdisho codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in uu bogaadinayo dadaallada dib u heshiisiinta gaar ahaanna dadaalladii ugu dambeeyey ee lagu heshiisiiyey beelaha walaalaha ee Xeraale iyo Huurshe.

“Waxaa aad iyo aad farxad noo ah oo aan Dowladda Federaalka ee Ra’iisul wasaaraha ugu horeeyo aan ku  bogaadinayo ugana mahad celinayo heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee Xeraale iyo Huurshe, waxaan sidoo kale Madaxweynaha iyo odayaasha Dhaqanka uga mahad celinayaa xabad joojintii afar bilood ka hor la dhex dhigay dhinacyadaas walaalaha ah “ayuu yiri Guddoomiye Mahad Cawad.

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka ayaa si guud u bogaadiyey dadaallada lagu dhisayo Galmudug isaga oo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda ku ammaanay waqtiga uu geliyey dhismaha maamulka loo dhan yahay ee Galmudug oo uu sheegay in uu rajeynayo in uu kasoo baxo maamul samatabixin kara Galmudug , sidoo kalena waxa uu bogaadiyey guddiga dib u heshiisiinta Galmudug.

Ugu dambeyn Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka JFS Mahad Cabdalla Cawad ayaa ugu baaqay dadka reer Galmudug iney gacan weyn ka geystaan dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan dhismaha dowlad Goboleed loo dhan yahay oo ay reer Galmudug yeeshaan.

Golaha Wasiirrada KG oo Maanta ka hadlay soo dhoweynta Ra’iisul Wasaaraha Dalka iyo ammaanka

0

Kulanka Khamiislaha ah ee golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta dhacay Caasimadda ku meel gaarka ah ee Baydhabo.

Shirka oo uu Guddoominayay Madaxweynaha KG, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa looga dooday qodobbo ay ka mid yihiin xaaladaha guud ee amniga iyo qaban-qaabada soo dhoweynta Ra’iisul wasaaraha Dalka oo lagu wado in uu Maalmaha soo socda halkaasi booqdo.

Wasiirka amniga Koonfur Galbeed, Isaag Cali Subag, ayaa ugu horrey laga dhageystay warbixin ku aaddan nabad gelyada guud ee Gobollada Koofur Galbeed Soomaaliya, wuxuuna sheegey in Ciidanka xoogga Dalka iyo kuwa Darawiishta ee maamulkaasi ay wadaan howl-gallo lagu baacsanayo haraadiga Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee dhuumaalaysiga ku jira.

Ugaas xasan Cabdi Maxamed, Wasiirka warfaafinta iyo wacyi gelinta ee maamulka Koofur Galbeed ayaa isna ka hadlay halka ay marayso qaban-qaabada loogu jiro soo dhoweynta Ra’iisul wasaaraha Dalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre oo lagu wado in uu Baydhabo booqdo marka uu soo xirmo shirka haatan ka soconaya magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Kheyre iyo wafdigiisu ay booqan doonaan qaar ka mid ah Degmooyinka Gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellada hoose, si uu ugu kuur galo xaaladaha guud ee degaannadaasi.

Amniga Magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo halkaasi laga dareemayo qaban-qaabada iyo diyaar garoowga xooggan ee loogu jiro imaanshaha Ra’iisul wasaaraha Dalka, mudane; Xasan Cali Kheyre iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo Maalmaha soo socdo lagu wado in uu halkaasi gaaro.

Dowladda Soomaaliya oo mar kale ka hadashay dhibaatada lagu hayo muwaaddiniinteeda ku nool Koofur Afrika

0

Wasirrka Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (maareeye), ayaa sheegay in ay madaxda Koofur Afrika kala hadleen dhibaatada lagu hayo Dadka Soomaaliyeed ee Dalkooda ku ganacsada.

Wasiirka oo u warramayay warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in kacdoonnada shisheeye nacaybka ah ee haatan halkaasi ka socda iyo kal horeba ay u sheegeen Dowladda Koofur Afrika in ay damaanad qaaddo Dadka Soomaaliyeed ee sida sharciga ah ku deggen waddankeeda laguna dhibaataynayo.

Wuxuuna Wasiirku intaa raaciyay in ay shaqaalaha Safaaradda amreen in ay Dadka Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan ay ka caawiyaan waxyaabaha ay u baahan yihiin lana wadaagaan hadba caqabadaha soo wajaha.

“Adduunka Beryahan dambe meel kastaba ha joogee Ajaaniib nacaybka waa wax jira, laakiin Dowladaha ayay masuuliyaddu saran tahay in ay damaanad qaadaan amniga Dadka Dalkooda ku nool iyo hantidooda in la badbaadiyo”,ayuu yiri Wasiirku.

Mudane; Maareeye, ayaa xusay in Koofur Afrika ay ka mid tahay Waddamadii ay Soomaaliya lasoo hoysay gobannimada ay Maanta haystaan, hanti bandanna ay kaga baxday sidii ay xornimo u gaari lahaayeen, isla markaana aysan mudnayn in laga abaal dhaco.

Wasiirka ayaa Ummadda Soomaaliyeed iyo tan Koofur Afrikaba xusuusiyay halgankii ay Soomaaliya la Garab taagnayd Ururradii gobannima doonka Koofur Afrika, isagoo sheegay in ay qaddiyaddooda la mid ahayd tan muwaaddinta Soomaaliyeed, wuxuuna ku tilmaamay in ay yihiin Dad iyo Dal aannu u Dhiig baxnay.

Mudane; Maareeye ayaa mar kale ku celiyay in ay la xiriireen kana war sugayaan madaxda Dowladda Koofur Afrika, wuxuuna sidoo kale Shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan usoo jeediyay in ay ka fogaadaan meelaha ay rabshaduhu ka jiraan isla markaana ay muujiyaan taxaddar dheeri ah.

Kulan looga hadlaya horumarka dhaqaalaha iyo waxbarshada Dalka oo Muqdisho lagu qabtay

0

Xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamul Goboleedyada Dalka iyo Saraakiil ka socota Bankiga Adduunka oo Maanta kulan ku yeeshay Muqdisho, ayaa ka wada hadlay halka ay marayaan horumarka ka jira dhinacyada dhaqaalaha iyo waxbarshada.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle, oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in uu meel wanaagsan marayo dhaqaalaha , isla maraana ay Dowladdu ay in badan oo dakhligeeda ka mid ihi ku ku xoojiso dhinaca waxbarshada oo saldhig u ah koboca dhaqaalaha Dalka.

Cabdullaahi Goodax Barre, Wasiirka Waxbarashada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya,  ayaa isna goobta ka sheegay in Dowladdu ay ka go’an tahay tayaynta waxbarshada Dalka iyo sidii loo horumarin lahaa.

Wakiilka Bangiga Aduunka ee Sooomaaliya , Huth Ridel , ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sii xoojiyo horumarka Soomaaliya ay ka sameynayso dhinacyada dhaqaalaha iyo waxbarashada oo haatam meel fiican marayo iyaguna ay taageeri doonaan.

Wafdi heer sare ah kana socda QM iyo Bankiga Adduunka oo kusoo wajahan Muqdisho

0

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 12-ka Bishan uu Muqdisho soo gaari doono wafdi heer sare ah oo ka kala socda Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeysa iyo Bankiga Adduunka.

Ujeeddada booqashada wafdigan ayaa lagu sheegay sare u qaadidda howlaha Bini-aaddan-nimada Soomaaliya, taageeridda nabadda iyo dedaallada horumarinta Dalka.

Wafdigan ayaa sidoo kale waxaa uu socdaalkiisu salka ku hayaa sidii loo xoojin lahaa taageerada ay Beesha caalamku u fidiso Soomaaliya,  wax ka qabashada arrimaha barakacayaasha iyo sidii xal loogu heli lahaa xaaladaha Bini’aaddan-nimo.

Ugu dambayn Wafdiga ayaa la kulmi doona hoggaanka sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamullada xubnaha ka ah, waxanay sidoo kale kulamo la qaadan doonaan hoggaamiyeyaasha Dadka kasoo barakacy Abaaraha iyo shaqaaqooyinka.