Ramadaanku waa Bil uu Allaah (SW) nagu waajib yeelay in aan Soonno, si aan uga Faa’iideysano Nicmooyin fara badan oo noogu dhex kaydsan, ee looma soo dajin in aan baahanno ama aan haraadno.
Hadaba waxaa aad loogu baahan yahay inaan garanno ujeedooyinka iyo Xikmadaha loo Sharciyeeyay Ramadaanka si Nafteena ugu raaxaysato uguna faraxdo gaaritaanka Bishaan Barakeysan, sidaa dartead waxaa laga maarmaan ah inaan wax ka tilmaano Xikamadaha qaar ee loo jideeyay Soonka Ramdaanka waxaana ka mid ah xikmadda caafimaad oo ku jirta Soonka.
Cilmi baaris uu sameeyay Dr. Yoshinori Ohsumi oo ah dhaqtar u dhashay dalka Japan oo ku takhasusay sida uu jirka aadanuhu u shaqeeyo(Physiology) ayuu ku ogaaday in markii uu qofku gaajoodo uu jirkiisu bilaabayo inuu cuno Carbohydrates-ka iyo dufanka ku keydsan unugyada jirka, taas oo keeneysa in uu jirku is nadiifiyo oo uu iska saaro unugyada keena Kansarka, Duqnimada, Asaasaqa,Sokorta, Cadaadiska-dhiigga, iyo Cudurrada ku dhaca Wadnaha, iyo in jirka laga saaro Cholesterolka iyo Cusbooyinka aan loo baanheyn ee dheeraadka ku ah.
Is cunidda jirka (Autophagy) waxay bilaabaneysaa haddii uu qofku shaqeeyo 8-saacadood xiriir ah oo uusan wax cunin, uuna sidaas joogteeyo dhowr maalmood, si aysan unugyadii dhintay fursad ugu helin in ay dib usoo noolaadaan.
Dr. Yoshinori Ohsumi wuxuu ku talinayaa in uu qofku is gaajeysiiyo oo uusan wax cunin ugu yaraan 8 ilaa 16-saacadood oo xiriir ah 2 ilaa 3 maalmood todobaadkiiba, wuxuuna sidoo kale soo jeedinayaa in uu sidaas joogteeyo halbilooxiriirsanadkiiba.
Dr.Yoshinori Ohsumi oo ah bare sare oo wax ka dhiga machadka diraasaaadka hal-abuurka ee Jaamacadda Tokyo ee dalka Japan wuxuu Cilmi baaristaan darted uu mutaystay shahaadada caalamiga ah ee Nobel Prize-kaeedhankaCaafimaadkasanadkii2016-kii
Cilmibaarista dhaqtarkaan lagu abaal-mariyay 2-sano kahor waxay diinteenna Islaamku na fartay 1440-sano ka hor, waana tiir ka mid ah tiirarka Islaamka in uu qofku Muslimka ahi Soomo 30 maalmood oo xiriir ah ka sanad kasta, Nabigeenna naxariis iyo nabad-gelyo korkiisa ha ahaate wuxuu jideeyay Soonka 2 maalmood todobaaakiiba(Isniin iyo Khamiis), iyo Soonka maalmaha cacad oo ah 13ka, 14ka iyo 15ka (Ayaamul- Biidh) bilkasta.
Xanuunada Soonku gaashaanka uga noqon karo aadamaha, waxaa ka mid ah, xanuunada maskaxda ku dhaca ee saamaynta ku yeesha unugyada difaaca ee dhiiga. Xanuunadan ayaa waxa ka mid ah ama ugu horeeya, cudurka Asaasaqa ee afka qalaad loogu yiraahdo, “Alzheimer’s iyo xanuunka dhinac qalalka ee “Parkinson’s disease”la yiraahdo, sida cilmi baaris lagu ogaaday, laba maalmood oo isku xigta qofka Sooma, waxa awoodaysta qaybaha difaaca ee caawiya, neerfayaasha, halka hoos u dhac wayni ku dhaco qandhada iyo kor u kaca dhiiga ee aan caadiga ahayn.
Daraasad caafimaad ayaa sidoo kale iftiimisay, Soonka Toban maalmood oo is xiga qofka soomaa, inay ka yarayso, xanuunada lafaha ku dhaca ee Roomatiisanka loo yaqaan, kaas oo inta badan ku dhaca dadka waaweyn, Khabiirradan ayaa la dhaygagay faa’iidooyinka caafimaad ee tirada badan ee Soonka ku jira, kuwaas oo taabanaya dhinac kasta oo nolosha aadamaha quseeya, heerka waxtarkiisu gaarsiisan yahayna aan la qiiyaasi karin.
Soonku waxa uu dib u cosbooneysiiyaa shaqada Beeryaraha; sidaa darteed muddooyin bilo ah ayuu kaa fogeynayaa inuu kugu dhaco cudurka Sonkorowga, sidaa oo kale Soonku waxa uu jirka ka nadiifiyaa maadaama Nicotine taas oo u sahleysa dadka sigaarka cabbaa iney ka go’aan caadadaas xun.
Soonku:- waa Cibaado iyo Caafimaad
Ciidanka Xoogga dalka oo ku Wajahan Deegaanada Shabeellaha Hoose ay kaga harsanyihiin Argagixisada
SNTV:-Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo muddooyinkii dambe Howlgallo lagu baacsanayo Maleeshiyada Kooxda Alshabaab ka waday Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in ay ku wajahan yihiin deegaanada Awdhiigle, Mubaarak iyo Janaale.
Taliyaha Ciidanka gaarka ah ee Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed Gashaanle Cabdiraxmaan sheekh Cumar (Jeeniqaar) oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyey sida Ciidanka Danab ay Kooxda Alshabaab uga saareen deegaanka Bariire iyo sidoo kale Howlgallo kale oo lagu xoreynayo deegaanada Nabad diidka hadda ay ku dhuumanayaan.
Gaashaanle C/raxmaan Shiikh Cumar ayaa sheegay in ay doonayaan in Shacabka Ku nool Awdheegle, Mubaarak iyo Jannaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ay ka dulqaadaan dhibaatada Kooxda argagixisada ah ee Alshabaab, isaggoo xusay in Cadowga hadda aysan laheyn Awood ay isaga difaaca Ciidanka Geesiyaasha ah ee Xoogga dalka.
Wasiirada Arrimaha dibada IGAD oo shir aan caadi ahayn uga furmay magaalada Jubba ee Koon-furta Sudan
SNTV:-Magaalada jubba ee caasimada dalka Koofurta Sudan ayaa waxaa ka furmay shirkii aan caadiga ahayn ee 67 ee wasiirada arrimaha Dibada dalalka IGAD kaas oo looga hadlayo arrimo ay ka mid tahay dhameys tirka heshiiskii Dhinacyada Koofurta Sudan ay gaareen.
Mas’uuliyiinta ayaa kulanka xoogga ku saaray sidii kooxaha kala duwan ee Koofurta Sudan culays loogu saari laha fulinta waxyabihii hore loogu heshiiyay waxaana ay balan qaadeen inay fulin doonaan dhamaan waxyaabihii lagu heshiiyay kol hore.
Soomaaliya Shirkaas waxaa uga qayb galay wasiiru dawlaha arrimaha dibada XFS mudane Cabdulkadir Ahmed khayr iyo wafdi u hogaminayo sidoo kale waxaa ka qayb galay mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ku leedahay dalkaas.
Shirkaan oo maanta lagu soo gaba gabeynayo Jubba ayaa qorshuhu yahay in laga soo saaro war murtiyeed qeexaya waxyaabihii laga hadlay iyo go’aanadii ka soo baxay sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Ambassador Xuseen Xaaji Axmed Safiirka Soomaaliya ee Dalka Koofurta Sudan.


Shaqsi hubka u iib geyn jiray Alshabaab oo la xukumay
Muqdisho (SNTV)- Cadow Cabdulle Axmed (Carab) ayaa loo heystaa u daabulidda hubka iyo rasaasta nuucyadooda kala duwan Maleeshiyada Alshabaab, Ciidamada Amniga ayaa gacanta ku dhigay, wixii xilligaasi ka dambeeyay Hey’adaha baarista ayaa ka fushaday howlahooda baarista iyadoo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side loo soo gacan geliyay 17-ka bishii April ee Sanadkan xilligaasi oo sidoo kale Xafiiska Garsoorka Ciidamada weydiisteen in loo gudbiyo Eedeysanaha Xabsiga Dhexe Gar-sug ahaan.
Dhowr Cisha kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side ayaa codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda.
30-kii April ee Sanadkan ayay Maxkamadda Ciidamada ballamisay dhageysiga Dacwadda, waxaana xilligaasi looga yeeray fadhiga Maxkamadda dhinacyada ay qoseyso.
Xafiiska Xeer Ilaalinta oo kaa shanayay Hey’adaha baarista ayaa fadhiga Maxkamadda kusoo bandhigay Eedeysanahan Lix iyo Sodon jirka ah, waxa ay Maxkamadda wax ka weydiisay jiritaanka kamid ahaanshiyihiisa Alshabaab iyo U daabulidda Hubka iyo Rasaasta ee uu maleeshiyada kaga daabuli jiray Suuqyada Qarsoodiga ah ee Hubka lagu iibiyo.
Si cad ayuu fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in uu u furnaa suuq uu ku iibiyo Hubka oo cid kasta oo daneysa Hubka uu ka iibin jiray laakiin arrinta la yaabka leh ayaa ahayd in uu safarro ku bixiyay si’uu Alshabaab ugu geeyo Nuucyada Rasaasta iyo Hubka.
Kuunya Barrow, Toorotoorow iyo Mubaarag ayuu geyn jiray hubka isaga oo ku kala wareejin jiray shaqsiyaad Alshabaab u qaabilsanaa Keydinta Hubka sida uu garsoorka ka hor caddeeyay Cadow.
Laba Xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa fadhiga Maxkamadda ka sheegay in eedeysane Cadow Cabdulle Axmed (Carab) uusan ahayn dhallinyaro la marin habaabiyay balse uu go’aansaday in uu hanti ka sameeyo dhiigga Umadda, waxa uu garsoorka u sheegay in Eedeysanaha uu ku qanacsanaa shaqada Alshabaab uu u hayay.
“Dadaal iyo Juhdi ayuu ku bixiyay si’uu Alshabaab ugu geeyo goobaha ay ku dhuumaaleysteen hubka iyo Rasaasta, waxa uu isticmaalay farsamo kasto uu Alshabaab ugu geeyo Hubka “ ayuu Hadalkiisa sii raaciyay ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida, garsoorka Maxkamadda ayuu weydiistay isaga iyo kuwa lamidka ah in la marsiiyo ciqaab u dhiganta qodobada sharciga ah oo ay ku soo eedeeyeen.
Qareenada Eedeysanaha ayaa ku dooday in aysan jirin sharci guud oo dowladda dajisay kaasi oo diidaya inaan hub la iibin Karin sidaas darteed uu xaq u leeyahay eedeysanaha in uu ka shaqeysto wixii uu ka dhex arko danihiisa, waxa ay Maxkamada ka codsadeen in la siiyo xurriyadiisa inta dowladda go’aan guud ay kasoo saareyso.
Todobaad kadib Maanta ayay Maxkamadda kasoo saartay go’aan eedeysanaha, waxaana Eedeysane Cadow Cabdulle Axmed (Carab) lagu xukumay Sideed Sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.
Sidoo kale Maxkamadda ayaa ka digtay iibinta hubka Qarsoodiga ah (Cir-toogte), waxa ayna Maxkamadda fartay hey’adaha Ammaanka in ay baaris iyo daba gal ku sameeyeen Shqsiyaadka ka ganacsada Hubka.
“Shaqsigii ay ku cadaato in uu gacan ku siiyo cid kasta oo lid ku ah dowladnimada hub iyo Rasaas waxa uu inooga dhigan-yahay sida kooxaha arga-gixisada, waxa uuna heli doonaa ciqaab u dhiganta miisaanka dambi uu galay, Ogaada cid loogu dulqaadan doono ma jirto ficillada nuucaas oo kala ah” ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.
Eedeysane Cadow Cabdulle Axmed (Carab) ayaa heysta fursad uu ku dalban karo rafcaan hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Qadar:Dadka reer Falastiin oo loogu deeqay 480 milyan oo doolar.
Xukuumadda Qadar ayaa sheegtay in ay u direyso dadka reer Falastiin lacago doolar ah oo gaaraya 480 milyan,gaar ahaan dadka ku sugan deegaanka Daanta Galbeed ee ay heystaan ciidamada Isra’il iyo Marinka Gasa ee ku jira xaalad go’doon ah.
Hadal manta oo Talaado ah ay sii daayeen Wasaaradda Arimaha Dibadda ee dalka Qadar,ayaa lagu sheegay in 3-boqol oo milyan oo ka mid ah lacagahaasi lagu taageeraayo barnaamijyada dhinacyada Caafimaadka iyo kuwa Waxbarashada ee ka socda magaalada Ramallah oo xarun u ah maamulka Falastiin,isla markaana gacanta ku haya qeybo ka mid ah Daanta Galbeed.
180 milyan ayaa sidoo kale loo qorsheeyay habka gargaarka degdegga ah ee xagga bini’aadanimada ,gaar ahaan barnaamijyada samofalka iyo kuwa Korontada ee ay wadaan Qaramada Midoobay.
Sadexdii cisho ee u dambeysay waxaa jiray duqeymo lala beegsaday Marinka Gasa iyo Koonfurta Isra’il ,kuwaas oo galaaftay nolosha 25-ruux oo Falastiiniyiin ah iyo 4- Yahuud ah.
Maalinimadii shalay Isra’il iyo Falastiin waxa ay gaareen heshiid xabad-joojin ah oo ay soo qaban qaabiyeen Masar iyo Qadar,waxaana caawiyay Qaramada Midoobay,.
Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo guddoomiyay Shirka horumarinta Kaabayaasha Dhaqaale
Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Aadan Hoosow ayaa shir guddoomiyey shirka kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka oo Sadexdii biloodba mar lagu qabto magaalada muqdisho.
Shirka ayaa waxaa looga Wada hadlay intii uu socday Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka, Dhegaysiga Warbixinada Wax yaabahii Qabsoomay & Sidii loo dardar galin lahaa Dhismaha Mashaariicda kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka ee qabyada ah.
Wasaarada Qorshaynta, Maalgashiga Iyo Horumarinta Dhaqalaha ayaa Soo bandhigtay warbixin heerka uu marayo Diyaarinta iyo Qorista QHQ9aad ee dalku uu yeelanayo 2020-2024.
Waxaa shirkan ka qeybgalay mas’uuliyiin ka kala socotay hay’adaah kaladuwan ee Dowladda Soomaaliya,sida wasiiro,agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo madaxa kale oo caalami ah kuwaasi oo qeyb ka ah shirkan sedx bilood laha ah ee inta badan looga hadlo horumarinta mashaariicda Kaabayaasha Dhaqaalaha ee dalka.
Hay’adda Qatar Charity oo daah furtay masharuuc lagu afurinayo 1100 kun oo qof guud ahaan dalka
Munaasabadan oo lagu daah furayay barnaamij loogu talagalay in lagu afuriyo ilaa 1100 kun oo isugu jira Barakacayaasha iyo Danyerta Muqdisho iyo gobolada Dalka ilaa 30 bisha Ramadaan,ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,waxaana ka qeybgalay Wasiirka Gargaarka,Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya,Danjiraah Qatar ee Soomaaliya Madaxda Hay’adda Qatar Charity,aqoonyahano iyo xubno ka socda bahda waxbarashada.
Dhaqaalahan ayaa waxaa iska soo uruuriyay shacabka iyo ganacsatada Dalka Qatar,kuwaasi oo ugu talagalay in ay caawiyaan shacabka Soomaaliyed,kuwoodi dhibaataysan.
Cabdinuur Xaaji Cali oo ah madaxa Hay”adda Qatar Charity xafiiskieeda Soomaaliya ayaa daahfurka ku faah faahiyay sida ay ugu talagaleen in ay u fuliyaan mashruucani afurinta dadka sooman.
“Maanta waxaan rabnaa in aan daahfurno mashruuc balaaran oo afurin ah,oo lagu afurin doono 1100 kun oo qof dhamaan gobolada dalka Soomaaliya,dhamaan gobolada ayuu ka bilowday,waxaana xooga saari doonaan dadka barakacayaasha ah,dadka barakacayaasha ah oo u badan deegaanak Treedishe iyo dhaman gobolada dalka,waxa gargaarka aan ugu talagalnay waqtigan oo dadku baahiy ay u qabaan,marka sanadkan saad wada ogsoontihiin waxaa soo daahay waqtigii roobka ayaa soo daaha, marka culeys ayaa ka dagaya dadka”.
Wasiiru Dowlaha Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Cabdixakiin Ashkir ayaa talaabo wanaagsna ku tilmaamay u gargaaridad dadkan tabaalaysan iyo fursadaha waxbarasho oo Hay”adda Qatar Charity ay siiso dhalinyaro Soomaaliyeed.
“Dalkeenu wuxuu u baahanyahay in waxbarashada dhalinyarada iyo garaadkooda la garab istaago,si ay beri ay dadka iyo dalku ay u garab istaagaan,marka mashruucan waa mid dhiirogelin mudan,waxaa ka sii wanaagsan deeqaha waxbarasho ee ardayda la siinayo”.Ayuu yiri mudane Ashkir.
Ugu dambeyn wasiirka wasaaradda Gargaaka Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Siciid Xamsa ayaa siweyn uga hadlay howlaha gargaarka ee dalka ka socda iyo dhibaatooyinka ay qabaan bulshada Somaaliyeed,mahadcelin ka sokow wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan in ay ku deydaan mashaariicdan gargaarka ah oo kale,si loo samatabixiyo dadka tabaalaysan.

Burcad ku dhici jiray dadweynaha Shaatiga Ciidamada Amniga oo la xukmay.
Muqdisho (SNTV)– Dable Axmed Maxamed Xuseen oo katirsan Ciidamada Amniga gaar ahaan Boliska ayaa siyaaba kala duwan dhac ugu geystay dad rayid ah oo uu u galay waddada xilliya kala duwan qeyba kamid ah degmada Kaaraan gaar ahaan Xaafadda Jamhuuriya.
March Tobankeedii Sanadkan ayay Ciidamada amniga kasoo qabteen Xaafadda Jamhuuriye xilligaasi oo uu gacmaha kula jiray dhac uu u geysanayay qaar kamid ah bulshada ku dhaqan xaafadaasi.
Todoba qof oo dhibana u ah ayaa iska diiwaan geliyay galka cabashada Ciidamada Amniga ee degmada Kaaraan kuwaasi oo ka cabanayay dhac uu u geystay Dable Boliis Axmed Maxamed Xuseen.
$604 agab Teleefoona ah oo kala duwan lacag u dhiganta ayuu qaatay iyo malyan iyo Shan boqol oo Shilin Soomaali ah.
12-bishii sedaxaad ayaa loo soo wareejiyay kiiskiisa xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida, wixii xilligaasi ka dambeeyay Garsoorka Ciidamada ayaa u diray xabsiga dhexe si loo soo dhameystiro Cadeymaha kiiska eedeysanaha.
Sedaxda bishii tagtay ayay xafiiska xeer ilaalinta codsadeen in la horgeeyo Maxkamadda, lix cisha kadib ayay Maxkamadda ballamisay eedeysanaha maxkamadeyntiisa.
Xafiiska xeer ilaalinta ayaa horkeenay Maxkamadda ilaa todoba dhibane oo dhammaan dacwad ka ah eedeysanaha oo siyaaba kala duwan uga qaatay teleefanadooda isaga oo ku labisan dareeska ciidamada amaniga, waxa ay sidoo kale horkeeneen Maxkamadda qorigii uu dhacca ku geysan jiray eedeysanaha iyo Qiraalkiisa.
Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka side ayaa ku dooday in eedeysanaha uu caadeystay jidgooyo oo uu ku dhaco dadka isaga kala goosha qeyba kamid ah degmada kaaraan gaar ahaan Jamhuuriya.
Waxa uu Sidoo kale ku dooday Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada in Eedeysanaha uu beegsan jiray dadka xilliyada dambe Shaqeeyo gaar ahaan kuwa ka shaqeeyo Gowraca Xoolaha.
Qareenada u dooday Eedeysane Dable Axmed Maxamed Xuseen ayaa fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in loo naxariisto oo loo eego sifaalaha dambiga fududeeya.
Maxkamadda ayaa kiiskan go’aamisay in aan fadhi kaliye ku filneyn, waxaa la isugu soo noqoday laba fadhi oo kale 16 iyo 23-ka bishii na dhaaftay ayaa markale la dhageystay Kiiskan.
Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada Go’aan kasoo saartay Eedeysane Dable Axmed Maxamed Xuseen oo katirsan Ciidamada Amniga, waxa ayna Maxkamadda Ku xukuntay Sideed Sano (8) oo Xabsi Ciidan ah sida uu u sheegay Warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.
Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad waxaa ka furan Rafcaan hadii aysan ku qancin dhinacyada dacwadda.








































