Home Blog Page 990

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Hambalyo u diray Shaqaallaha Soomaaliyeed

0

Arbaco, May 01, 2019–Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo maanta ka qayb galay munaasabadda xuska maalinta Shaqaalaha adduunka ee 1da May ayaa hambalyo u diray dhammaan shaqaallaha Soomaaliyeed.

Khudbad uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ka jeediyay munaasabadda dabbaal degga oo Muqdisho lagu qabtay ayuu uga hadlay sida dawladdu ay muhiimad gaar ah u siiso xuquuqda shaqaallaha dawladda iyo dowrka shaqaaluhu ay ku leeyihiin horumarinta dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale hambalyeeyay ciidanka xoogga dalka oo maanta kooxda Shabaab kala wareegay deegaanka Bariirre ee gobalka Shabeellada Hoose.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in maadaama ay dowladdu ku guulaysatay in aan laga walwalin xuquuqda shaqaalaha in ay muhiim tahay in laga farako qorshayaal ballaaran oo ay kamid tahay in la sameeyo shaqo abuur ballaaran si loola dagaalo shaqa la’aanta baahsan, isaga oo shaqaalaha dawladda kula dardaarmay in ay qaybta uga aadan ka qaataan horumarinta iyo dadaallada dib u soo kabashada dalka.

Dowladda sucuudiga oo muwaadiniinteeda ku sugan sri-lanka kula talisay in ay isaga baxaan dalkaasi

0

Dowladda sucuudiga ayaa muwaadiniinteeda ku sugan dalka sri lanka ayaa ugu baqaday in ay  isaga baxaan dalka kadiba markii ay ka dhaceen  weerarro loo adeegsaday qaraxyo oo ay dad fara badani ku dhinteen.

Bayaanka ka soo baxay safaaradda sucuudigu ku leeyahay magaalada colombo ayaa waxa uu imaanaya iyadoo safiirka mareykanka u fadhiya sri lanka uu sheegay in ay suurtagal tahay in  maleeshiyaad ay qorsheynayaan weerarro kale.

Maalmo ka hor ayay markii ay ku dhinteen qaraxyo lala beegsaday hoteello iyo kaniisado ku yaalla dalka sri lanka in ka badan 250 qof kuna dhaawacmeen ku dhawada 500 oo ruux.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo ka qeybgalay tartan kubada Cagta ah oo lagu soo gaban gabeeyay Degmad Boondheere ee Gobalka Banaadir

0

Tartarkaan Kubada Cagta ayaa waxaa ka qeyb-galayay  kooxo  laga soo xulaya afarta waxood oo ay ka koobantahay degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir ,waxaana Xalay ciyaarta kama dambeysta isugu soo haray laba waaxood oo kala ah waaxda siinaay oo ay ka soctay Kooxda Al-cadaala iyo waaxda Yuusuf Al-kowneyn oo ay socdeen kooda kale  sedaxda Geedi kuwaasi oo  ciyaaray kama dambeysata Tartanka Kubadda Cagta ee Degmada Boondheere.

Gudoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Degmada Boondheere  Cabdixamiid Cabdikariin Xuseen ayaa ugu horeyn Goobta ka hadlay ayaa uga mahadceliyay dhalinyarada Soobandhigay Ciyaarta quruxda badan lasoo gaban gabeeyay.

Gudoomiyaha Degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir  Seynab Yuusuf  wehliye  ayaa sheegtay in ay ciyaaraha kubada cagta ee lagu qabatay Degmada Boondheere ay cadeyn u tahay Nabad-gelyada ka jirya Degmadaasi,waxaana ay rejo wanagsan ka muujisay Tartamada Waa weyn ee dalka lagu qabanayo in kaalin fiican ka gelin doonaan.

Ugu dambeyn gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (ENG Yariisow) ayaa sheegay in Ciyaaruhu ay yihiin is dhexgalka Bulshada Islamarkaan uu ka qebqaadanayo Amaanka iyo xasiloonida Gobalka.

Dhambaalka Madaxweynaha ee Maalinta Shaqaalaha Adduunka 1da May

0

Munaasabada Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May waxaan ugu hambalyeynayaa dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed oo maskax iyo muruqba geliyey dib u dhiska iyo horumarinta dalkeenna.

Waxaan xasuusannahay dadaalladii wax ku oolka ahaa iyo doorkii taariikhiga ahaa ee shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sooyaalka dalkeenna, iyagoona saldhig u ahaa halgankii xurnimo doonka iyo aasaaskii qarannimadeenna.

Inkastoo shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku shaqeynayeen duruufo adag sanaddadii la soo dhaafay, haddana waxa ay muujiyeen hawlkarnimo iyo dhabar adayg, iyagoona fashaliyey yoolka argagixisada Alshabaab ee ku aaddan kala dhantaalidda rajada iyo yididiilada shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan ka tacsiyeynayaa waalidiinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee maskaxdooda iyo muruqooda iyagoo ugu adeegaya dalkooda iyo dadkooda ku naf waayey falalkii ay argagixsada soo maleegtay.

Dowladdu waxa ay xoogga saartay dhammeystirka shirciga shaqaalaha oo xaqiijinaya in ay ku shaqeeyaan xuquuq dhammeystiran iyo deegaan shaqo oo fayoow.

Sidoo kale, waxaan mudnaanta siinay kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xaqiijinta mushaaarad ku filan nolashooda, taasoo aan uga golleenahay yareynta shaqo la’aanta ka jirtay dalkeenna.

Waxaan dardar gelinaynaa dadaalladeenna ku aaddan xoojinta Iskaashatooyinka dalka, ururrada shaqaalaha iyo ururrada bulshada rayidka ah, si aan u adkaynno xuquuqda shaqaalaha, horumarka iyo wada jirka umaddeenna.

Ciidanka Xoogga Dalka oo la wareegay Bariire

0

Taliyaha Danab Gashaanle C/raxmaan sheekh Cumar (Jeeniqaar) ayaa wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyey in ciidamadu ay saaka maleeshiyada Al-shabaab ka saareen Deegaanka bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Danab ayaa hadda Howlgallo Baaritaanno ah kawada Gudaha Deegaanka Bariire,iyagoo dhoor miino ah ka saaray Wadooyinka laga soo galo deegaankaas.

Ciidanka dawladda ayaa jab gaarsiiyey maleeshiyada oo muddo dhibaato ku haysay bulshada deegaankaas, waxayna ciidamadu deegaanka ka wadaan hawlo miinooyinka jidadka looga saarayo, taas oo shacabku ay soo dhaweeyeen.

Gobolka Shabeelaha hoose waxaa ka socda hawlgal baaxad leh oo ka dhan ah maleeshiyada Al-shabaab, halka deegaanadii dhawaan laga saarayna ay ka socdaan hawlo shacabka lagu caawinayo maamulana looga hirgalinayo deegaaanada la xoreeyey.

 

Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida oo go’aan kasoo saartay kiiska Cabdirisaaq Xuseen Tahliil

Muqdisho (SNTV)- 11-kii November 2018 ayay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabaka Sida Puntland  ayaa ku riday Xukun dil ah Eedeysane Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geelle), wixii xilligaas ka dambeeyay ayay soo qaateen Qareenada difaacayay Eedeysanaha rafcaan kaasi oo la keenay Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Side ee heer Federaal Fadhigeeda Muqdisho.

Inkastoo kiiskan muran ka dhex abuuray degmada  Gaalkacyo ee u kala qeybsan maamulada Gelmudug iyo Puntland kiiska Cabdirisaaq hadane Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side ayaa isku howlay baaritaanka eedeymaha loo heysto oo ah arrimo arga-gixisanimo.

Xafiiska Xeer Ilaalinta oo safar ku bixiyay baarista kiiskan ayaa 24-kii bishii Sedaxaad codsaday in la hor geeyo Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida, laba isbuuc kadib Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka Side ayaa sedax jeer oo kala ah  6-13-27 bishii na dhaaftay u fariisatay eedda Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geelle).

Mudda 21-cisha ah oo ay Maxkamadda Sare kiiskan ku dhex jirtay, waxa ay Guddoonka Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida  ku bixiyeen  dadaal fara badan oo ah hubinta Eedda arga-gixisanimo ee Eedeysanaha u xirnaa weliba horay loogu soo xukumay balse buray markii ay aqbashay rafcaanka Maxkamadda Sare.

Xafiiska Xeer Ilaalinta oo codsiyada ugu badan lahaa ee dib u dhigista eedda ayaa 27-kii bishii tagtay soo jeediyay in aysan sii wadi Karin xaggooda eedda ka dhanka ah eedeysanaha, waxa ay sidoo kale soo jeediyeen in tallaabooyin amni oo la dul dhigo eedeysanaha iyadoo la fiirinayo danaha guud ee gobalka Mudug.

Qareenada u doodayay eedeysanaha  ayaa soo dhaweeyay soo jeedinta fadhigii ugu dambeeyay ee Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, waxa ay sheegeen  in ay aqbalayaan wax kasta oo ay ku jirto danta guud ee dowladnimada iyo ilaalinta nabad galyada gaar ahaaneed ee degmada Gaalkacyo.

5-cisha kadib Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Side ayaa go’aan ka soo saartay Cabdirisaaq Xuseen Tahliil, waxaana  ay Maxkamadda Sare amartay in si deg-deg ah looga daayo xabsiga hadii aysan jirin dambiya kale, waxa ay sidoo kale amartay in uusan ka bixi Karin magaalada Muqdisho muddo 2-sano ah, ugu dambeyn Maxkamadda ayaa ku amartay  ciidamada amniga in ay si gaar ah ula socdaan dhaq-dhaqaaqiisa ku dhawaad 5-sano iyo in uu todobaadkiiba mar iska diiwaan geliyo Xarunta Dambi Baarista Boliiska CID, sida uu u sheegay warbaahinta guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida jenaraal Liibaan Cali Yarow.

Kiiska Cabdirisaaq Xuseen Tahliil ayaa soo jiitamayay tan iyo dabayaaqadii July 2017.

 

Ujeedo:- Magacaabis Maareeyaha Golaha Murtida iyo Wacyigelinta

0

Muqdisho (SNTV):- Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa maanta Wariye Maxamed Abuukar Ma’da u magacaabay Maareeyaha cusub ee Golaha Murtida iyo Wacyigelinta Qaranka.

Waxaa sidoo kale xilkii laga qaaday Maareeyihii hore ee Golaha Murtida iyo Wacyi-galinta Qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure.

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Askari dilay Wade BL

0

Muqdisho (SNTV)- Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali ayaa loo heysta dilka wada gaari dad-weyne oo marayay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan Siinka Dheer iyo dhaawaca qof rayid ah oo kamid ah rakaabka gaariga, dilkaas oo dhacay 06-01-2019.
12- bishii 1-aad ee sanadkan ayaa lagu soo wareejiyay Kiiska Dable Boliis Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.
AUN Maxamed Ismaaciil Qaboobe ayuu ahaa wadaha gaariga, sidoo kale dhaawac culus oo qeyba kamid ah jirkiisa uu dareen seegay ayaa gaaray Maxamed Cali Xasan oo kamid ahaa rakaabka gaariga darawalkiisa geeriyooday.
kuma qorneen Ilaalada Goobta sidoo kale kamid ma ahayn askarta ilaalada ka heysay halka lagu hubiyo gawaarida qaybahooda kala duwan ee ka baxa iyo kuwa ku soo wajahan Xarunta dalka ee Muqdisho.
Baaris dheeraad ah oo ay sameeyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayay ku soo ogaadeen in Eedeysanaha uu toogtay wadaha gaariga si jees-jees ah, weliba xilliga uu dilka geysanayay uusan tix gelin gaar ah siin wadaha gaari ee u istaagay si’uu aqbalo hubinta sharci ee taala siinka dheer oo uu mari jiray badi waddadaas.
14-kii bishan sii dhamaaneysa ayay codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda eedeysanaha, waxa ay Maxkamadda aqbasha Sideed Cisha kadib.
22-kii bishan ayaa loo fariistay dhageysiga eedda ka dhanka ah eedeysane Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali, waxaana ay xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda horkeeneen Qiraalka Eedeysanha, dhibane kamid ah rakaabkii gaariga saarnaa oo qeyb badan oo jirkiisa kamid ah dareen seegay dhaawici gaaray dartiis, sawirka Marxuumka, warqadda dhaawac muujita dhakhtarka.
Laba Xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa u sheegay garsoorka in Eedeysane Dable Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali uu u geystay dil bareer ah wadaha gaariga, waxa uu sheegay in aysan jirin sabab qura oo uu marxuumka ku weydiin karay talaabooyin amni maadaama uusan kamid ahayn ciidamada gaarka ah ee hey’adaha amniga uga wakiilka ah bartaas.
Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa dhinacooda ku dooday in loo naxariisto loona fududeeyo maadaama uu iskiisa u qaatay waajibaad aan loo dirsan taasi oo ay ka dhalatay dhimashada wada gaari iyo dhaawaca rakaab kamid ah dadyowgii saarnaa gaariga.
Intaas kadib ayay Maxkamadda go’aamiyeen in lagu xukumo Eedeysane Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Maxamed Ismaaciil Qaboobe, sida uu u sheegay Warbaahinta Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xuseen Maxamed oo kamid ah Garsoorayaasha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.
Eedeysanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabaka Sida

Golaha Millateriga Suudan iyo Isbahaysiga mucaaradka oo ku heshiiyay in la sameeyo gole Maamula Dalkaasi

Golaha millateriga ee maamula dalka Suudaan iyo isbahaysiga mucaaradka dalka Suudaan ayaa heshiis ku gaaray sameynta golle ka  arrimiya dalka Suudaan ints  doorasho  ay ka dhacayso Suudan.

heshiiskan ayaa lagu gaaray shir Sabtigi dhex maray golaha millateriga iyo xooggaga isbeddel-doonka oo ah dallad ay ku midaysan yihiin kooxaha mucaaradka.

Qof diiday in la shaaciyo magaciisa ayaa wakaaladda wararka turkiga ee  Anadolu u sheegay in golaha cusub uu  ka koobnaan doono qeybaha kala duwaan ee  bulshada  iyo saraakiisa millateriga kuwaas oo maareyn doona geedi socodka nabada inta laga soo dooran doono madax ay dadka ku kalsoon yihiin  mudda kumeel-gaarka ah ee dalka u ka gudbayo xaalada hadtan tagan ee ka jirta dalka Suudan.

Ka dib oloolihii xilka looga tuuray madaxweynihi hore ee dalka suudaan cumar albashiir 11ki bishi  April ee aynu ku jirno ayaa waxaa dalka maamulaya golaha millateriga oo  la wareegay talaada dalk bidadbaxayo xoogleh oo ka dhacay Suudan.

Shirweynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka Xagjirnimada oo Isniinta ka furmaya Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV):- Shirweynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka Xagjirnimada oo ay qabanqaabisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, maalgeliyayna Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa ka furmaya Muqdisho maalinta Isniinta ee berri ah.

Shir-weynaha waxaa ka qeybgalaya 12 wakiillo dowladeed oo xubno ka ah Ururka, 30 caalim oo ka socda wadamada Islaamka iyo 12 ka mid ah culimada diinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah wakiillada dowladeed, xeel-dheerayaasha iyo khubarada arrimahan ayaa hadal ka jeedin doona shirka oo soconaya labada maalmood (29-30 April) , iyaga oo diiradda ku saari doona qaabka, ujeeddooyinka iyo farriimaha ku qotoma badqabka fikirka iyo la dagaallanka xagjirnimada.