Wasaaradda Xanaanada Xoolaha K/Galbeed Soomaaliya Oo Daahfurtay Mashruuc

Date:

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Mukhtaar Maxamed Guulleed ayaa daahfuray Mashruuca Daaweynta Xoolaha ee magaalada Baydhabo, kaas oo sahlaya in lagu ogaado caafimaadka iyo xaaladaha xoolaha nool ee deegaannada K/Galbeed.

Wasiirka oo degmada Baydhabo kula hadlayay warfidiyeenka ayaa sheegay in Mashruucan ay ka faa’iideysan donaan illaa iyo 100 qoys oo danyar xoolo dhaqato ah kuwaasoo xoolahooda looga daaweyn doono cudurada.

Mukhtaar Maxamed ayaa sheegay in mashruuca ay iska kaashanayaan hay’adda Save the Children iyo Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa KG.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa K/Galbeed ayaa sidoo kale in ka Warqabka Caafimaadka Xoolaha ay tahay muhiimadda koowaad ee Wasaaraddu leedahay isgoona sheegay in ay ka go’an tahay in la sii wado dadaalka loogu jiro la tacaalidda cudurada soo wajaha xoolaha.

Ugu Dambeyn Wasiirka ayaa baaq u diray dhammaan hay’adaha ku howlan Arimaha Xanaanda Xoolaha in ay wasaaraddu si toos ah ula soo xiriiraan si howlaha ay wasaaradiisu ula socoto isagoo ballan qaaday in ay si wanaagsan ula shaqeeyn doonaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Shacabka Muqdisho oo soo dhoweeyey qaybinta kaarka codbixinta

Shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa si weyn u...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dib u dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Muqdisho oo saaka laga bilaabay qaybinta kaarka codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...