Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Wasiirka Maaliyadda Netherland Oo Kulan Ku Yeeshay Washington

Date:

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Washington kula kulmay wasiirka maaliyadda Norway, Siv Jensen oo ay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dowladood iyo qorshaha Soomaaliya deynta looga cafinayo.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa wasiirka maaliyadda Norway la wadaagay abaalka dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay dowladda Norway uga hayaan taageerada joogtada ah iyo $359-ka milyan ee deynta ah ee loo qorsheeyay in lagu nadiifiyo deynta Bangiga adduunku uu ku leeyahay Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulanka ka sheegay in tillaabada dowladda Norway ku caawisay Soomaaliya ay tahay tilaabadii ugu horreysay ee loo qaaday nadiifinta dowladda iyo barta go’aanta ee Feberaayo 2020.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Khayre uu la qaatay Siv Jensen ayaa qayb ka ahaa shirar doceeyo uu Washington kula yeelanayay wasiirro maaliyadeed iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ka qayb galay kulanka miiska wareegsan oo looga hadlay deyn cafinta dalka, waxa uuna kulamo kala duwan la qaatay wasiirrada maaliyadda Netherlands iyo Talyaaniga iyo madaxweynaha Bangiga adduunka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...