Home Blog Page 966

Maamul cusub oo loo magacaabay degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay

Buur-hakaba (SNTV):- Wafdiga uu Hoggaaminaayo, Wasiirka Arimaha Gudaha ee maamulka koonfiur galbeed Maxamed Abuukar oo dhowaanahan Degmada Buur-hakaba u joogay Dhismaha Maamulka cusub ee Degmadaasi,ayaa maanta wuxuu magacaabay Guddoomiyaha Degmada iyo Ku-xigeenadiisa.

Waxaa goobta magacaabista joogay Wasiirada Ganacsiga Maaliyadda iyo Wasiir ku-xigeenka Amniga iyo Wasiirka Arimaha Gudaha oo goobta kaga dhawaaqay, Maamulka Cusub,

                 Magacyada Mas’uuliyiinta la magacaabay:-

1- Cabdi Maxamed Axmed Guddoomiyaha Degmada Buurhakaba eeBaay.

2-Yarre Nuur Cabdi Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Buur-hakaba

3-Maxamed Yarrow Cabdi Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda

4-Axmed Cabdullahi Axmed Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada,

5-Siidow Cusmaan Xasan Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada,

Kahor inta lagu dhawaaqin maamulka cusub ee degmada Buur-hakaba Wafdiga Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed waxay kulan xog wareysi ah la yeesheen Odayaasha dhaqanka ee ku nool Buurhakaba,

Sidoo kale Wafdiga Wasiirada ayaa waxay booqdeen Ciidanka Daraawiishta Koonfur galbeed Qeybtooda ee ku sugan Buurhakaba iyagoo ku dhiira geliyay iney u adeegaan Bulshada Deegaanadooda,

Wafdigan ka kooban Wasiiro iyo Saraakiil Ciidan ayaa waxay joogi degmada Buur-hakaba ilaa iyo inta ay ka xaqiijiyaan wada shaqeyn buuxda oo dhexmarta maamulka cusub iyo Bulshada deegaanka.

Madaxweynaha K/Galbeed oo booqday Degmada Wala-weyn

Muqdisho(SONNA):- Wafdigan uu hogaaminayey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee maanta gaaray degmada Wala-weyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa soo dhoweyntiisa ka qeyb qaata maamulka degmada,odayaasha,Dhalinyarada iyo Saraakiisha Ciidanka.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo wafdigisa ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay Mas’uuliyinta degmada, Odayaasha iyo Dhalinyarada, waxayna madaxweynaha la wadaageen tashada ay qabaan dadka deegaanka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta gareen) ayaa dhankiisa Sheegey in sida ugu dhow ay wax uga qaban doonaan Cabashooyinka ay so gudbiyeen bulshada reer Walaweyn,waxaana uu sheegey in marna aan raali ka noqonaynin in la dhibaateeyo Shacabka ku nool Deeganadda Shabeellaha Hoose.

Safarka madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli Gobolka Shabeellaha hoose ay ka socoto howlgal lagu ciribtiraayo haraadiga Al-Shabaab,wuxuuna madaxweynaha Koonfur Galbeed shacabka ku dhira geliyay iney ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shbaab.

Wafdiga uu hoggaaminaayey Madaxweyne Lafta Gareen waxa Qeyb ka ahaa Wasiirada wasaaradaha Amniga, Dekadaha iyo Xildhibano ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya iyo Kuwa Koonfur Galbeed,wuxuuna ujeedka uu ahaa sidii wax badan looga ogaan lahaa baahiyaha dadka deegaanka ay qabaan.

Ciidanka DANAB oo dib u howlgelinaya Ceelbiyood maleeshiyada Al-Shabaab ka gubeen dadka deegaanka Ceel-saliini

Muqdisho (SNTV):- Ciidamada DANAB ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa qorsheynaya iney dib u howlgeliyaan Ciil-biyood ku yaalo deegaanka Ceelsaliini oo Kooxda Nabad-diidka Al-Shabaab ay ka gubeen dadka deegaanka.

Dadka deegaanka Ceel-saliini ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ka biyo diiday iney baad-siiyaan maleeshiyada Al-Shabaab,taas badalkeedan waxay Kooxda argagixisada gubeen Ceelkii Biyaha ay ka cabi jireen dadka deegaanka oo awalba la daala dhacayay dhibaatooyin kale oo dhanka nolosha ah.

Gaashaanle C/raxmaan Sheikh Cumar (Jini-qaar),taliyaha Ururka 4-aad ee Ciidanka DANAB oo hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay iney ku dadaali doonaan dib u howlgelinta Ceelka Deegaanka Ceel-salliini oo ay maleeshiyada Al-Shabaab gubeen.

“ Waxaan qabanay deegaanka Ceel-saliini oo u ahayd argagixisada taliskooda Guud,markii ay isku dayeen in shacabka lacago baad ah ka qaadaan shacabkiina uu diiday waxay ka gubeen Ceelbiyoodkii dadka ay biyaha ka cabi jireen,waxayna ku kalifeen dadka iney ka barakiciyaan deegaanka oo dhan,dadka Ceel-saliini ku nool waxay u aroor tagaan deegaanka N.50,inshalah waxaan ku dadaaleen inaan si deg deg ah u sameynayo Ceelbiyoodka shacabkeenna Soomaaliyeed,”ayuu yiri Taliye Jini-qaar.

Ugu dambeyntii, Taliyaha Ururka 4-aad ee Ciidanka DANAB Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidanka ku sugnaan doonaan dhammaan deegaanadii laga saaray gacanta cadowga ummadda Soomaaliyeed,islamarkaana ku dadaali doonaan sidii shacabka nolol wanaagsan u heli lahaayeen.

Deegaanka Ceelsaliini wuxuu 20-km dhanka Waqooyi kaga beegan yahay magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose,wuxuuna isku xiraa deegaanada Dhannaane,Gandarshe, N.60 iyo Deegaano kale,sidoo kalena wuxuu marin muhiim u ahaa maleeshiyada Al-Shabaab oo ka soo abaabuli jiray falalka guracan ee lagu gumaadayo Shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda qorsheynta Soomaaliya oo wada tashi la yeelatay ganacsatada

0

Muqdisho-(SNTV)-Wasaaradda qorsheynta Qaranka Soomaaliya ayaa Maanta kulan wada tashi ah oo ku saabsan horumarinta Dalka kula  yeelatay Ganacsatada Soomaaliyeed Magaalada Muqdisho.

Kulankan wada-tashiga ah ee ku aaddan wareegga Labaad, qorshahiisa Sagaalaad horumarinta Qaranka Soomasliya, ayaa diiradda lagu saaray, qodobo ay ka mid yahiin, soo jeedin ku saabsan nuqalka koowaad ee qorshaha horumarinta Qaranka, soo jeedin waxyaabaha lasyku raacay iyo waxa dhiman ee ay tahay in lagu daro qorshaha.

Xubno ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed, ayaa ayaa ka dhiibtay aragtidooda ku  aaddan Qorshaha horumarinta Qaranka, waxayna ku fogaadeen hannaanka shaqo abuuka iyo in la dhiiri-geliyo ganacsiga, si Dalku uu u gaaro isku filnaansho dhaqaale iyo mid horumar.

Agaasimaha qorsheynta Qaranka Soomaaliya, Ased Yuusuf Qanyare, ayaa sheegay in ay ka Wasaarad ahaan ka go’an tahay siddii ummadda Soomaaliyeed looga qeyb-gelin lahaa qorshaha horumarinta Qaranka, isla markaana loo dhageysan lahaa talooyinka ku aaddan qorshaha si uu u noqdo qorshe ay wada leeyihiin umadda Soomaaliyeed.

“Sida aad la socoteen waxaan wareegga koowaad ee qorsahahan  horumarinta Qaranka wada –tashi kala yeelannay dhammaan Bulshada Soomaaliyeeed oo aad qeyb ka tahiin , marka qorshahan waa mid ay wada leeyihiin umadda Soomaaliyeed, Ayuu yidhi Agaasime, Asad Yuusuf Qanyare.

Wuxuu sheegay Agaasimuhu in haddii la diyaariyo uu qorshahani saldhig u noqon doono in Soomaaliya laga cafiyo daynta lagu leeyahay, wuxuuna intaa ku daray in la soo koobi doono ahmiyadda la doonayo in la fuliyo, si xoogga loo saaro Dalka horumarkiisa , lana dar-dar geliyo.

Wasaradda Qorsheynta DFS, ayaa sidan oo kale wax ay wada-tashiga wareegga Labaad la yeelatay hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo dhageysto talooyinkooda ku aaddan qorshaha horumarinta Qaranka iyo in loo soo bandhigay ahmiyadda Wareegga koowaad.

Munaasabad ku saabsanayd is-dhexgalka Soomaaliya iyo Turkiga oo lagu qabtay Ankara

0

Ankara-(SNTV)-Munaasabad ku saabsanayd is-dhexgalka Bulshooyinka walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa Xalay  lagu qabtay Magaalada Ankara ee caasimadda Dalkaasi.

Waxaa munaasabadda ka qeyb galay, Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaannada Labada Dal, Ganacsato, Dhaqaatiir, Cuqaal iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada oo ay dhammaantood ka muuqato bogaadin iyo in ay ku faraxsan yihiin is dhexgalkooda.

Safiirka Soomaaliya u jooda Turkiga, Danjire; Jaamac C/llaahi Caydiid, ayaa sheegay in Dowladda ugu dhow Soomaaliya ay tahay Turkiga xiriir ballaaranna uu ka dhexeeyo Labada dhinac, wuxuuna aad ammaanay waxyaabaha wanaagsan ee ay Soomaalida ku soo kordhisay Turkiga oo ay ka mid yahay ganacsiga furfuran.

Xildhibaan, Axmed Macallin Fiqi, oo ka mid ah mudanayaasha Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya, ayaa sheegay in Dowladda Turkiga ay Garab istaagtay Soomaaliya, isagoo ku dheeraaday sida wanaagsan ee ay muwaaddiniinteenna u soo dhoweysay xukuumadda Ankara, wuxuuna Labada Shacab kula dardaarmay in ay adkeeyaan xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya.

Farxaan Maxamed Dhoorre, oo ah maamulaha Shirkadda Guuleed (Real State), ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay munaasabad noocan oo kale ah ku qabsadaan Dalka Turkiga, kuna guuleystaan qaban qaabadii ay u galeen qabsoomidda kulankan ee lagu xoojinayo xiriirka Labada Shacab, isagoo ballan qaaday in ay sii wadi doonaan qabashada munaasabado kale oo tan la mid ah.

Munaasabaddan ayaa kusoo beemeysa xilli uu aad u sii xoogeysanayo xiriirkii soo jireenka ah ee Labada Shacab, iyadoo ay waayadii dambana aad usoo badanayeen Dadka Soomaaliyeed ee degaya ama siyaabaha kala duwan u tagaya Dalka Turkiga, taas oo sii adkaynaysa cilaaqaadka qotoda dheer ee Muqdisho iyo Ankara.

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Waddo Laami ah

Muqdisho-(SNTV)—Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyeha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa dhagax-dhigay waddo Laami ah oo laga hirgelinayo isgoyska Cali Kamiin iyo Ifka Xalane oo isku xira jidadka 30ka iyo Warshadaha. Waana waddadii 9aad oo maamulku dhisayo muddo sanad iyo bar ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhismaha Jidkani uu qeyb ka yahay qorshaha horumarinta Caasimadda ee Sanadkan 2019-ka lagu dhisayo waddooyin dhowr ah oo muhiim u ah isku socodka Dadweynaha, Gaadiidka iyo bilicda Magaalada.

“Waddadan waa Waddo muhiim ah oo halbowle u ah Bulshadda Caasimadda dagan, iyada ayaana u dooranay in la dhiso oo laga dhigo Laami casri ah oo noqoneysa mid kaalin wax ku ool ah ka qaadata bilicda iyo horumarka aan hiigsanayno, shirkadda dhisayso waxaan leeyahay Laamiga waaa in uu ahaado mid tayo leh oo si wanaagsan loo dhisay”ayuu yiri Guddoomiyahu.

Eng. Yarisow ayaa sheegay in waddadan iyo kuwa kale ee Laamiga ahba ay wax badan ka beddaleen bilicda Caasimadda, isla markaana hagaajinaya adeegyada Bulshada.

Duqa Muqdisho, waxuu tilmaamay in xilligan Gacanta lagu hayo dhismooyinka Waddooyin dhowr ah iyo xarumo Maamulka oo qaarkood ay gabo-gabo marayaan, kuwa kalana mashruucooda dhismaha uu socdo.

Guddoomiyaha ayaa yiri” Waxaan rajeynayaa in sanadba sanadka ka dambeeya horumarku sii siyaado, Wadooyinku noo siisiyaadaan, dib u dhiska Caasimadduna ku socdo dardar , isbeddal dhab ah ayaa ku dhici doonta bilicda Muqdisho marka Waddooyinkan ay dhameystirmaan”.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa ku weheliyey dhagax-dhigga Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya iyo qaar kamid ah Guddoomiye-kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir.

Wasiirka Warfaafinta oo Axdii shaqo la saxiixday agaasime waaxeedyada wasaaradda

0

Axdi laga saxiixay agaasimeyaasha waaxyaha wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, waa halbeegyada ku  jira Tubaha ay wasaaradda, kuwaas oo ka soo farcamay Tubaha guud ee Xukuumadda.

Waaxda shaqaalaha ee wasaaradda iyo guddiga goob-shaqo  labaduna waxaa la faray in ay shaqaalaha gaarsiiyaan fulinta Halbeeyadan, iyadoo agaasime waaxeed walba uu Cahdi la saxiixan doono tirada shaqaale ee waaxdiisa ka howlgasha.

Shaqaalaha wasaaradda ayaa loo qeybiyey nuqullo ay ku qoran yihiin qoddobo sheegaya tilmaamayaasha shaqo ee xubinta shaqaalaha ku waajibtay.

Dowladda Soomaaliya ayaa u soo jeesatay in habka shaqo gudashada hey’adaheeda oo dhan ay noqdaan kuwa hufan, wasiirraduna uu kula xisaabtamayo Ra’iisul wasaaraha Dalka, Xasan Cali Khayre.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa xaqiijiyey in Tubaha iyo Halbeeyadooduba aysan ka imaaneyn, sharciga shaqaalaha Rayidka iyo Dastuurka KMG ah ee lagu dhaqmo. Codka wasiirka ee Xafiiska.

Faa’iidooyin waa weyn ayeey ka heli doonaan shaqaalaha dowladda, sida in ay saacado cayimman shaqeeyaan, in ciddii Saacado dheeri ah shaqeysa ay heli doonto qiimeyn gaar ah iyo abaalmarinno ka dhallan doona shaqo gudashada lagu heshiiyey.

Halbeeyada axdigooda la saxiixay ayaa leh wakhti ay ka bilowdaan iyo mid ay ku dhammaadaan, taasina waxa ay suurigelineysaa in meesha ay ka baxdo dhaliisha la xiriirta in shaqaalaha hey’’adaha dowladda ay ka gaabiyaan shaqada, fursadna loo helo horumarinta  Wasaaradaha Xukuumadda oo dhan, wasaaradda Warfaafinta, ayaa noqoneysa wasaaraddii ugu horreysay ee u howlsha hirgelinta qorshahaan.

 

Madaxi gobolka Amxaarada iyo la taliyiihiisi oo ku geeriyooday isku daygi afgembi ee ka dhacay gobolka Amxaraada

0

Madaxi gobolka Amxaarada dalka Itoobiya iyo la taliyihiisi ayaa ku geeriyooday iskudaygi afgmebi ee ka dacay gobolka Amxaarada, sida ay baahisay warbaahinta dowladda Itoobiya.

madaxi gobolka Amxaarada Ambajew Mekoneen iyo la taliyehiisi Eris Waasiye ayaa lagu weeraray xafiisyadooda sabtidi , sida ay baahisay warbaahinta dowladda Itoobiya, warbaahinta Itoobiya ma sheegin cidda ka dambeysay.

goor sii horreysay ra’iisul-wasaaraha Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in taliyaha ciidamada Itoobiya la toogtay xilli uu isku dayayey in uu ka hortago iskudayga afgembi, Abii Axmed ayaa sheegay in taliyaha ay toogteen dad u dhow balse ma cadda in taliyuhu uu geeriyooday iyo in uu dhaawacmay sida laga soo xigtay xoghayaha warfaafinta Abii Axmed.

dadka deggan magaalada Bahir Dar ee caasimadda gobolka Amxaarada ayaa sheegay in gelinki dambe ee sabtidi rasaas laga maqlay xaafadaha qaar iyadoona la xiray waddooyinka qaar.

Saraakiil uu ku jiro taliyiha ciidamada dalka Itoobiya oo wax ku noqday afgambigii fashilmay ee ka dhacay gobolka Amxaarada

0

Taliyaha  ciidamada dalka Itoobiya ayaa wax ku noqday rasaas dhacday xilli uu socday isku day afgmbi oo ka dhacay sabtidi gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya sida uu sheegay ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abii Axmed.

isaga oo ka hadlayay telefishinka dowladda Itoobiya ayuu Abii Axmed sheegay in General Siyaare Mekonen uu ku jiro dad ay waxyeello  soo gaartay.

xoghayaha warfaafinta Abii Axmed  Billeene Seyuum ayaa wakaaladda Reuters u sheegay in aysan  kala caddeyn in  taliyaha uu dhintay iyo inuu dhaawacmay.

Abii Axmed ayaa sheegay in taliyaha ay rasaaseeyeen dad ku dhow.

 

 

Xog-hayaha Joogtada ah ee Xafiiska R/Wasaaraha oo la shiray Agaasimayaasha Wasaaradaha Warfaafinta,Kalluumaysiga iyo Tamarta

0

Xog-hayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Dr. Axmednuur Maxamed Cabdi, ayaa shalay kulan la qaatay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Warfaafinta, Kalluumaysiga iyo Tamarta.

Dr. Axmednuur Maxamed Cabdi oo agaasimayaasha guud ku booqday wasaaradaha ayaa kala hadlay wixii uga qabsoomay halbeegyada ay ku leeyihiin Tubaha Qaranka ee ay ballan qaadeen in sannadkaan 2019 gudihiisa ay ku fulinayaan.

Intii ay socdeen kulamada oo qayb ka ahaa qorshaha isla-xisaabtana, daah-furnaanta, iyo hufnaanta oo loo daadejiyay heer agaasime guud ayuu Dr. Axmednuur war-bixinno uga dhagaystay agaasimayaasha guud, waxa uuna kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaallada ay ugu jiraan ka guul qaaridda qorsha sannadeedka ay horay u ballan qaadeen.

Dhammaan wasiirrada xukuumadda ayaa sannadkaan billaawgiisii waxa ay Ra’iisul Wasare Xasan Cali Khayre u gudbiyeen halbeegyada iyo shaqooyinka hor-tebinta leh ee tubaha qaranka ay ku leeyihiin oo ay sannadkaan gudihiisa doonayaan in ay ku guuleystaan fulintooda.