Duqa Muqdisho “Dib u kabashada Caasimadda ee dhanka amniga iyo kaabeyaasha dhaqaalaha waxay rajo gelinaysaa dhallinyaradeenna”

Date:

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane; Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo soo xiray horyaalka Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay muhiimadda uu tartankaani u lahaa isdhexgalka Bulshada iyo nabadeynta Caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa u hambalyeeyey Kooxda Dharkiinley oo hanatay sanadkan Horyaalka Degmooyinka Gobolka Banaadir, isagoo sidoo kale bogaadiyey dhammaan ciyaartooyda, macalimiinta iyo maamulka ka qeyb qaatay tartankan oo muujiyey ilbaxnimo iyo tartan

“Ciyaarahan caawa aan soo gabagabeynay waxa ay ka tarjumayaan qiimaha nabadda iyo is –dhexgalka bulshada. Dib u kabashada Caasimadda ee dhanka amniga iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha waxa ay rajo gelinayaan dhallinyaradeenna Soomaaliyeed oo u badan dad firfircoon, hibo iyo xirfadba leh.”

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale ku ammaanay xulka degmada Waaberi dadaalka ay muujiyeen, iyagoo sanadkii saddexaad oo xiriir ah soo gaaray ciyaarta kama danbeysta ah ee Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa u mahad celiyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha, masuuliinta heer Federaal iyo heer Gobol ee ka qeyb qaatay qabsoomidda tartankan, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in lasii joogteeyo, lana sii dhiirri geliyo dhallinyarada Caasimadda.

Madaxweynaha ayaa markii uu abaalmarinada guddoonsiiyey cayaartoyda iyo qabanqaabiyeyaashii cayaarahan, waxaa uu sheegay in isboortiga uu ka mid yahay waxyaabaha fududeeya isdhexgalka bulshada, qeybna ka qaata nabadeynta iyo horumarka.

Daawashada cayaarta kama dambeysta ah ee horyaalka Degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa Duqa Caasimadda ku weheliyey Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo; Khadiijo Maxamed Diiriye, Guddoonka Ciyaaraha heer Qaran iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

     

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...