Ka hortaggu waxa uu ka wanaagsan yahay xallinta dhibaatada (Warbixin)

Date:

Dal dhisan iyo dad isjecel waxaa la helaa marka  qof,qoys ama bulsho ay u istaagaan dhowrista deegaanka iyo ka hortagga wax kasta oo caqabad ku ah habsami u socodka horumarka dalka,gaar ahaan goobaha laga fuliyo adegyada bulshada sida waddooyinka,suuqyada iyo wixii kale oo la mid ah.

Nadaafadu waa aasaaska nolosha ,waana iimaanka barkii,taasoo macnaheedu yahay in dadku ay ku xisaabtamaan in mar kasta oo qashin uu deris kula yahay uu kuu dhow yahay cudurku,sidaa aawadeedna ay lagama maarmaan tahay in lagu baraarugo in Ka hortaggu uu ka haboon yahay daaweynta dhibaatooyinka.

Waxaa xaqiiqo ah in muddooyinkaan magaalada Muqdisho ay ka socdaan dadaallo lagu bixinaayo barnamijka isxilqaan ee dhiso dalkaada iyo olole nadaafadeed,oo lagu qaadayo haraaga qashinka ay ka tageen biyaha robabka ee ku soo rogmaday qeybo ka mid ah waddooyinka iyo xaafadaha gobolka Banaadir.

Qeybaha bulshada oo gacan ka helaya maamulka dowladda hoose ee Xamar,ayaa ku howlan ololahaasi nadaafadeed oo si habsami leh uga socda degmooyinka gobolka,kaas oo lagu soo celiyay inta badan bilicda magaalada Muqdisho,ka dib markii si iskaa wax u qabso ah loogu howlgalay nadiifinta waddooyinka Muqdisho.

Dhinaca kale shaqaalaha dowladda ayaa ku guuleystay in ay qeyb ka noqdaan ololahaasi nadaafadeed,gaar ahaan barnaamij la magac baxay isxilqaaan oo soo abaabuleen madaxda dowladda Federaalka ah,isla markaana lagu nadiifinaayo ama lagu dhisaayo xarumaha dowladda.

Iyadoo ay socdaan olole nadaafaded ayaa haddana waxaa jira dad badan oo caadeystay in waddooyinka iyo xaafadaha Muqdisho ay ku daadiyaan qashin aad u farabadan oo ka haray waxyaabaha daruuriyaadka ah ee lagu  isticmaalo guryaha sida raashinka,welina waxaxaa muuqda wadooyin dhowr ah iyo degmooyin  ay buuxaan biyo wasaqeysan iyo qashin aad u badan.

Si looga fogaado nadaafad darida ay sababaan cudurada faafa,sida Mallaariyada,Tifoowga,Shubanka iyo dullinka dad ku noolka ah,Waxaa lagama marmaan ah in maamulka degmo kasta ay xil iska saarto wax ka qabashada qashinka iyo biyaha wasaqda ah ee lagu qubo waddooyinka xaafadaha.

Waxaa qasab ah in la kordhiyo goobo loogu talagalay in la dhigo qashinka iyo gaadiidka qaada haraaga wasaqda,sidaa daraadeed dowladda Federaalka iyo kan gobolka,waxaa waajib ku ah in ololaha nadaafadeed oo loo arkay mid wax tar leh lagu baahiyo goobaha muhiimka ah ee laga fuliyo adeegyada umadda,sida suuqyada.

Maaamulka wanaagsan waa in uu xil la iska saaro sidii mudnaanta loo siin lahaa fayo qabka deegaaanka iyo dadka ,iyadoo mar kasta xoogga la saarayo in loo diyaargaroobo xilliyada suurtagalka ah ee la helo roobabka

Waa in la sameeyo wacyigelin joogto ah oo dadka loogu sheegayo qarashka faraha badan ee ku baxa dayactirka ama sameynta wadooyinka ay burburiyeen biyaha wasaqda ah iyo halista nadaafad daridu ay u keento bulshada,iyadoo dhanka kale ganaax la saarayo ciddii isku dayda in ay qashin iyo biyo wasaq ah ku dadiso waddooyinka laamiga ah.

Ka hortaggu waxa uu ka wanaagsan yahay raadinta xalka dhibaatada,sidaa aawadeed maamulka dowladda Federaalka iyo kan gobolka Banaadir ,waxaa looga fadhiyaa in ay dib u eegis ku sameeyaan howlaha ku talaal ee horyaalla,gaar ahaan ka hortagga nadafad xumida ay sababaan cudurada qatarta ah ee ka dhasha biyaha wasaqda ah ee lagu daadiyo wadada iyo burburka ku soo noq-noqda jidadka laamiga ah ee illa hadda la dayactiray.

W/diyaariyay Shire Xasan Kulmiye

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...