Home Blog Page 965

Xukuumadda Soomaaliya oo ku guuleysatay in la qaado Xayiraaddii saarneyd Xoolaha Soomaaliya Ee loo dhoofiyo Sacuudiga.

0

Muqdihsho (SNTV)– War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya dadaal dheer ka dib ay ku guuleysatay in la qaado xayiraadii saarneyd xoolaha Soomaaliya ee loo iibgeeyo dalka Sucuudiga, qoraalka ka soo baxay wasaaradda ayaana u qornaa sidaan.

                              War Saxaafadeed

Xoolaha Soomaliya waa laf-dhabarka dhaqaalaha dalka waxaana  noloshoodu ku tiirsantahay in ka badan 70% shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale waxa ay qayb ka qaatan kororka wax soos saarka dhaqaalaha gudaha dalka (GDP) 65% isla markaana waxaa ka soo hoyata dhoofka xoolaha in ka baddan 80% lacagta adag ee soo gasha dalka.

Xoolaha Soomaaliyeed waxeey saldhig u yiiin xoolo dhaqatadeena reer guuraaga ah kuna nool miyiga iyagoo ka helo caano iyo hilib ee xagga nafaqada caruurta iyo haweenka iyo lacago kaash oo ay ku dabooshaan nolol maalmoodka iyo in ay ku soo iibsadaan raashinka daruuriga ah.

Wasaardda X. Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaal Soomaaliya iyadoo gudaneeysa  waajibaadkeeda  shaqo ee  ku  aadan  barnamijka  Xukuumadda oo uu Rai’iisul Wasraaha ka yahay Mudane Xasan Cai Khayre, gaar ahaan Tubaha Qaranka iyadoo ay Wasaaraddu qay ka tahay tubta dhaqaalaha ee Xukuumadda waxeey u howl gashay fulinta halbeegyada saldhiga u ah tubta dhaqaalha e ku aadan horumarinta Xoolaha Soomaaliyeed iyo ka qaadida xayiraada saarneyd dhoofka xoolaha ee loo dhoofiyo Dalka Boqortooyada Sacuudiga ee aan walaalaha nahay, isla markaana loo helo suuqyo cusub oo loo iib geeyo xoolaheena nool iyo waxa ka soo baxa.

Wasaardda  X. Xoolaha, Dhirta iyo Daqqa, waxeey ku guuleeysatay in markii ugu horaysay diyaariso muddo dheer kadib Straateejiyad guud oo muddo toban sano ah(2020 – 2030), taasoo ay gacan naga siiyeen Hay’adaha Bangiga Aduunka iyo FAO oo lagu horamarinaayo xoolaha Soomaliyeed ee dhinacyada: (Caafimaadka,

Daaqa, Biyaha, Waraabka, Horumarinta Dhoofka Xoolaha iyo hagaajinta iyo kobcinta Caanaha, Hilibka, maqaarka xoolaha, Digaaga, Calafka, Shinada iyo wixii la xiriira), taasoo lagu soo gabagabeeyey dalka gudihiisa 17-19-kii bisha Juun 2019

,waxana daah furay Raii’sul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomalia , goob joogna ay ka ahaayeen Madaxa Xaafiiska Bangiga Aduunka ee Soomaaliya, Madax Xaafiiska FAO ee Soomaaliya, EU, UN-ka iyo xubka socday Deeq bixiyayaasha Calamka.

Wasaardda X. Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, iyadoo gudaneeysa waajibaadkeeda shaqo waxeey u howl gashay in xayiraada laga qaado xoolaha Soomaliya ee aan u dhoofino Dalka Boqortooyada Sacuudiga , iyadoo kashaneeysa Madaxweeynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Ali Kayre.

Xiriiro baddan oo aan la sameeynay wasaradda dhigeena ah ee dalka Sacuudiga kadib wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare ku-Xigeenka Xukuumada oo uu ka mid ahaa Wasiirka Wasaardda X. Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa uu safar ku tagay Dalka Sacuudiga iyadoo si qoto dheer looga wada hadlay in xoolaha Soomaaliyeed laga qaado xayiraadaha soo noq noqtay waxaana la isku afgartay in si wada jir ah aan uga wada shaqeeyno si aaney xayiraadahaasi ay dib u soo laabanin.

Iyadoo Wasaraddu daba joogto arrintaas waxeey safar ku tagtay Dalka France, Paris, bishii May ee sanadkan si ay uga qayb gasho Shirweeynaha 87-aad ee Hay’adda Caafimaadka Xoolaha ee OIE taasoo haysa, bixisana shuruudaha dhoofaka xoolaha nool iyo wax aka soo baxa xoolaha gaar ahaan shuruudaha caafimaadka xoolaha (Animal and Animal Products), waxaana halkaas kula kulanay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Xoolaha ee Aduunka (OIE) Mrs. Monica Eliot oo aan isku afgaranay in Hay’adda OIE iyo Wasaardda X. Xoolaha, Dhirta iyo Daqa ka wada shaqeeyaan sidii loo hirgelin lahaa halbeegyda caalamiga ah ( International Standards) oo lagama maarmaan u ah dhoofka xoolaha iyo wax aka soo baxa; iyo hagajinta iyo kor u qaadida heerka maxjarada xoolaha laga dhoofinayo, Shaybarada iyo Guud ahaan Caafimaadka Xoolaha si looga hortago cudurada loogana daaweeyo.

Hadaba, waxaana halkaan ugu soo jeedinayaa shacabka Soomaaliyeed, xoolo dhaqatada , ganacsatada iyo ciddi ku howlana arrimaha dhoofka xoolaha Soomaliya, in ay Wasaardda X. Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ay ku guulaysatay in xayiradii dhoofka xoolaha soomaaliya ee dalka Sacuudi Arabiya laga qaaday Moosinka Xajkan sanadkan 2019-ka iyado Wasaarddeena iyo Wassaradda Beeraha ee dalka Sacuudiga a noo socoto sidii guud ahaan looga qaadi lahaay xayrada dhoofka xoolaha Soomaaliya iyado howshasi ay meel gebo bebo ah ay mareeyso dhowaana aan idinla wadaagi doono wixii ka soo baxa.

Anigoo ku hadlaya  magaca Wasaaradda  X. Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa iyo magaca Dawladda Federaalka Soomaliya, waxaan halkaan mahad ballaaran uga jeedinayaa Dawladda Boqortooyada Sacuudiga ee aan Walaalaha nahay oo uu Hogaamiyo u addeegaha labada Xaram ee xurmada mudan Boqor Salmaan Bin Abdulaziz, gaar ahaan waxaan u mahad celinayaa Wasaardda Bay’idda, Biyaha iyo Beeraha ee Dawladda Sacuudiga oo runtii ay wada shaqeeyn fiican naga dhaxeeyso waxaana soo dhoweeyneeynaa qaraarkii ay kaga qaadeen xayirada dhoofka xoolaha ee sandkan Moosinka Hajka 2019-ka kaasoo si rasmi ah noogu soo gudbiyeen.

Anigoo la qaybsanaya farxaddan shacabka Soomaaliyeed iyo inta daneeysa xoolaha Soomaaliyeed waxaan idinka codsaneeyna in aad nagala shaqeeysaan horumarinta caafimaadka iyo fulinta halbeegyada caalamiga ah (International Standards) ee la xiriira dhoofka Xoolaha Soomaaliya iyadoo danta gaar aan ka hormarineeyno danta guud ee Umadda Soomaaliyeed oo ay noloshoodu ku tiirsantahay xoolaha.

Dhammaad

26ka juun “ Kaana siib Kanna Saar”

Muqdisho (SNTV)- 26-ka Juun waa maalin taariikh wayn ku leh Ummada Soomaaliyeed, islamarkaana ku daabacan qabiga shacabka, kuna abuurtay dareen hiloow farxadeed leh,  waxayna qiimahaasi ku mutaysatay in ay tahay markii ugu horeysay ee laga dul qotomiyo ciid Soomaaliyeed  calan xor ah.

Halgamayaashii u soo kifaaxay hanashada xoriyadda, gaar ahaan gobalada waqooyi halkan laguma soo koobi karo, waxay isugu jireen qaar  halgan qaraar la galay Saancadaalihii gumaysiga oo muddo badan socday, haddaan qaar ka mid ah ka xusno waxaa ka mid ah Sayid Max’ed Cabdulle xasan, Shiikh Bashiir, Xaaji Faarax oomaar iyo  Xisbiyadii S.N.L IYO USP, dhanka kale waxaa kaalin tiir dhexaad ah ka qaatay halgankaas Abwaanada kala ah Maxamed Ismaaciil Maxamuud (Barkhadcas) iyo Abwaan C/llaahi Suldaan(Timacadde).

Cabdillaahi Suldaan Maxamed oo ku caan-baxay (Timacadde),wuxuu ku dhashay duleedka magaalada Gabilleey ee gobollada waqooyi ee Soomaaliya, sanadkii 1920kii,C/laahi Suldaan hooyadii waxaa la oran jiray Xabiiba Seed Guuleed wuxuuna ahaa Madi ka dhashay qoys beeralay ah.

Abwaan Tmacadde dhalinyaranimadiisii wuxuu ku noolaa magaalooyinka Harar iyo Diridhabe, kadibna wuxuu u sii gudbay magaalada Jabuuti halkaasi oo uu in muddo ah degenaa,1938 ilaa 1949 Marxuum Timacadde wuxuu isaga dhex socdaali jiray magaalooyinka Diridhabe iyo Jabuuti waxaana halkasi degenaa dad ayqaraabadiisa ahaa.

C/llaahi Suldaan markii uu ku soo guryo noqday dalka bartamihii kontameeyadii,wuxuu ka qaybgalay halgankii gobanimadoonka ee ka hanaqaaday gudaha dalka gaar ahaan gobollada waqooyi, wuxuuna markiiba ku biiray Xisbigii SNL oo ay xaruntiisu ahayd magaalada Hargeysa, isagoo kulamada xisbiga ka marin jiray gabayadiisii taariikhda galay.

26kii Juun 1960kii waa habeenkii guusha iyo markii ugu horaysay ee calan xor ah laga taago ciidda Soomaaliya, Munaasabaddii dabbaaldegga gobanimada ee ka dhacday beerta Xoriyadda magaalada Hargaysa wuxuu halkaasi ka mariyay gabay ku qormay quluubta umadda Soomaaliyeed ee ahaa Kaana siib Kanna saar Abwaan C/llaahi Suldaan Timacadde,

                Kaana siib, kanna saar

                 Ka, sideetan Sabaane                                               Calankaannu sugaynay’
                 Sahankiisa ahaynow                                                  Sermawaydo hilaacdayo
                  Sagal maanta daroorayoo                                      Siigadii nagamaydhayoo                                         Saqdhaxaanu ahayne                                               kii soo saaray cadceedoow
                   Samada kii u ekaaye                            .                  Xidigaha mid lasiiyayow
                   Saaxirkii Kala guuraye                                             Sareeyow ma nusqaamoo
                    aan siduu yahay eegono’e                                      Kaana siib Kanna Saar

Saqdii dhexe habeennimadii 26ka juun, guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed waxay daremayeen neecaawda xornimada ee ka curatay dhulkii Soomaaliyeed ee isticmaarku kala qaybiyay waxaana bulshada Soomaaliyeed ee ku nool goballada waqooyi muujiyeen dareen wadaniyadeed oo heerkiisu sareeyo, dabbaaldegga iyo damaashaadka ka dhacay beerta Xoriyadda hargeysana wuxuu ahaa mid aan shucuurtiisa lagu  qiyaasi Karin qormo kooban.

Waxaa marag ma doonta ah in Murtidii iyo hal abuurkii abwaanada Soomaaliyeed ku maamuuseen xornimadii gobollada waqooyi, iyo midawgii labada gobol waxay ka soo maaxatay maskaxdii hal abuuradii Soomaaliyeed ee intooda badan ka soo jeeday gobolada waqooyi.

Halyeeyadii Abwaanada ahaa ee maskaxdooda u shiilay in ay shacbiga Soomaaliyeed dareensiiyaan qiimaha xoriyadda waxaa ka mid ah Allaha u naxariistee Abwaanada kala C/llaahi Qarshe, Xuseen ow faarax dibbad, C/llahi Suldaan Tima-Cadde Cali Sugulle.    oo ku magac dheeraa (Dun carbeed)  iyo Abwaan Axmed Suleyman Bidde, sidoo kale Fanaaniintii Codka macaan ku luuqaysay heesihii qiirada lahaa waxaa ka mid ahaa Max’ed Sulaymaan, Max’ed Axmed Kuluc iyo kuwa kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin.

Allaha u naxariistee Abwaan C/llahi Suldaan Tima-Cadde oo lagu timaami karo inuu ka mid ahaa Hal dooradii quluubta Soomaaliyeed kaga tagay suugaanta wadaniga ah ee aan duugoobayn.

Sanad guurada 59aad 26ka juun eek u began curashada Calanka Soomaaliyeed waxay shacbiga soomaaliyeed ka baran karaan cashar ku saabsan sidii lagu keenay Calanka iyo siday lagama maarmaanka u tahay in loo adkeeyo midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya, loona xaliyo wixii tabasho ah ee jira.

W/D Abukar Gobdoon

Wakiilka Cusub ee Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo soo gaaray Muqdisho “SAWIRRO”

0

Muqdisho (SNTV )James Swan ayaa maanta yimid Muqdisho is uu ula wareego waajibaadka xilkiisa isagoo ah Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Hawlagalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Diblomaasiga rug-cadaaga ah, ee u dhashay Dalka Maraykanka, ayaa xilkan loo magacaabay 30kii May 2019 wuxuuna Qaramada Midoobay kusoo biirinayaa khibrad baaxad ballaaran uu u leeyahay dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya. Hawshii ugu horeysay ee uu Soomaaliya ka qabtay waxay ahayd 25 sano ka-hor markas oo uu ahaa Sarkaal qaabilsan Arrimaha Siyaasadda oo ka tirsanaa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya sanadihii 1994kii ilaa 1996kii.

Waqtiyadii u dambeeyay, Md. Swan ayaa shaqaynayay isagoo ahaa Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika muddadii 2007dii-2008dii, wuxuu soo noqday Danjiraha Dowladda Mareykanka u qaabilsan Djibouti muddadii u dhaxaysay 2008dii iyo 2011kii, wuxuu sidoo kale soo noqday Wakiilka Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya 2011kii ilaa 2013kii. Wuxuu soo dhameystay xirfadiisii shaqo ee uu ka hayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee uu ka ahaa Danjiraha Mareykanka u qaabilsan Jamhuuriyadda Dimoqoraadiga Congo, isagoo xilkaas hayay laga billaabo 2013kii ilaa 2016kii.

“Waxaan rajeynayaa in mar kale aan la shaqeeyo dadka Soomaaliyeed ee adkeysiga leh oo aan si iskaashi leh ula shaqeeyo madaxdooda,” ayuu yiri Md. Swan. “Khibradeydii hore ee Soomaaliya waxay ahayd mid khusaysay xil laba-geesood ah, laakiin hadda waxaa sharaf ii ah oo mas’uuliyad iga saarantahay in aan dalka wakiil uga noqdo Qaramada Midoobay, iyo weliba guud ahaan beesha caalamka. Waxaan ku faraxsanahay wada-shaqaynta aan la yeelanayo saaxiibada dalka iyo kuwa caalamka si loo gaaro horumar waara oo ku aaddan nabadda iyo barwaaqada ay sida aadka ah u mudanyihiin dadka Soomaaliyeed.”

 

Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Agoonsiga ka Guddoomay “SAWIRRO”

0

Muqdishio (SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Austria iyo Canada ee Soomaaliya.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Austria Mudane Christian Fellner oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Alexander Van der Bellen ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran.

Sidoo kale, Danjiraha cusub ee dalka Canada Marwo Lisa Stadelbauer oo warqadaheeda aqoonsiga u gudbisay Madaxweynaha ayaa sheegtay sida ay ugu faraxsan tahay in ay ka mid noqoto bahda diblumaasiyiinta ka hawlgala dalkeenna.

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjireyaasha uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay uga warbixiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhexeeya dalalka caalamka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjireyaasha cusub ugu hambalyeeyay xilalka loo magacaabay, waxa uuna u sheegay in ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Ra’iisul Wasaare Khayre: Waxa aan Idinkugu Imid in aan idinkala Shaqeeyo Dhismaha Gal-mudug Oo Midaysan “SAWIRRO”

0

Muqdisho (SNTV)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo meel fagaara ah kula hadlay bulshada magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul gobolleedka Galmudug oo uu gaaray maalinimadii shalay ayaa sheegay in uu magaalada u yimid in reer Gal-mudug uu kala shaqeeyo dhismaha Dowlad gobaleed loo dhanyahay, sal adag oo ka shaqeeya danaha reer Gal-mudug iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Xasan Cali Khayre oo Madaxynaha iyo madaxa fulinta dowlad gobaleedaka Gal-mudug uga mahadceliyay aqbalaadooda qabsoomida doorshooyinka Gal-mudug, ayaa siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaannada Gal-mudug ugu baaqay in ay u midoobaan ka shaqaynta horumarinta Gal-mudug.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxa uu sidoo kale ganacsatada ugu baaqay in ay maal gashadaan Gal-mdug si ay uga qayb qaataan horumarka la tiigsanayo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay socdaal shaqo kusoo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Gal-mudug.

Diyaargarowga Munaasabadaha 59-sano guuradii kasoo wareegatay markii Calan Soomaaliyeed laga taagay Soomaaliya “SAWIRRO”

0

Muqdisho (SNTV)-Munaasabadani oo loogu magacdaray maalmaha ama todobaadka Xorriyadda Soomaaliya oo kala ah 26-ka June oo ah maalintii ay Gobollada Waqooyi ka xoroobeen Mustacmarkii Ingiriiska iyo markii ay is-raaceen ama ay midoobeen labada gobol ee Koonfur iyo waqooyi oo ku beegan 1-da bisha Luuliyo ayaa looga dabaal degaa dalkeena Soomaaliya.

Waxaa si abaabulan oo horey loo sii qorsheeyay uga soconaya magaalada Muqdisho diyaargarowga loogu jiro dabaal degga munaasabadaha maalmaha xorriyada dalkeena Soomaaliya oo ku began 26-ka June illaa 1-da July oo ah maalmaha xorriyadda Dalkeena looga dabaal deggo sanadkasta.

Guddiga  qaran ee diyaarinta munaasabadahan ayaa ku howlan diyaarinta naqshad cusub oo wax badan ka duwan sidii horey loogu dabaal degi jiray maalmaha xorriyadda hanaankani oo loogu talo galay in shacab weynaha Soomaaliyeed uu si wadajir ah ugu dabaal dego munaasabadda todobaadka Xorriyadda oo ka billaabanayso 26-ka June oo ka billaabanaysa 12-ka saqda dhexe illaa 1-da July ama Luuliyo ee sanadkan 2019-ka.

Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa sida caadada ah waxaa laga dareemayaa in dabaal degga maalmaha xorriyadda iyadoo diyaargaroowga uu ka muuqdo goobaha ganacsiga ee kuyaala hareeraha waddooyinka waa weyn oo dhammaantood lagu xeray calanka quruxda badan ee Soomaaliya ee buluug xigeenka ah iyo boorar lagu muujinayo erayo ka turjumaya qiimaha maalmahan ay ku leeyihiin shacabka Soomaaliyeed meel kastoo gudaha iyo dibadda ay ka joogaan.

Maamulka Warbaahinta Qaranka ee Telefishinka iyo Raadiyoow Muqdisho Codka Jamhuriyadda Soomaaliya ayaa si toos ah u tebin doonta munaasabadaha iyadoo sidoo kale ay jiri doonaan barnaamijyo cilmiyeeysan oo la diyaariyay oo uu telefishinku u baahin doono daawadayaasha Soomaaliyeed eek u kala sugan gudaha dalka iyo dibadiisa.

Waxaa sidoo kale dib u habeyn lagu sameeyay taalooyinka ku yaala magaalada Muqdisho ee loo dhisay muwaadiniintii dhiigooda usoo haray in dalka Soomaaliya uu helo madax banaanida uu maanta heysto, goobahaasi aad ku arkaysay ubaxyo aad u qurux badan, nalal leh nuucyo kala duwan, iyo sawirada Madaxweynaha, goobahaasi oo dib u habeyn lagu sameeyay si shacabka Soomaaliyeed ay ugu dabaal degaan maalmaha xorriyada oo ay waqtiyada munaasabadda Xorriyadda ay ugu qaataan maalmaha quruxda ee xorriyadda.

Wasiiro ay ka mid yihiin wasiirka Warfaafinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Guddiga qaban qaabada Munaasabadaha, Wasiirka Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka, Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir , Taliyaha Ciidanka Police-ka, Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Saraakiil Ciidan ayaa xalay saqdii dhexe tagay Xarumaha la qorsheynayo in lagu qabto munaasabadaha xilli ay gabogabo marayaan howlaha diyaar garowga iyagoo socod kusoo maray qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho.

Basma Caamir Guddoomiye Ku xigeenka Arimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir ahna Gudoomiyaha Guddiga Qaban qaabada ee maamulka Gobolka Banaadir oo telefishinka qaranka la hadashay xilli ay ku ku sugnayd taalada Daljirka Dahsoon ayaa sheegtay in howlaha qaban qaabada ay si wanaagsan u socdaan.

Gawaari lagu xeray cod baahiyaal ay ka daarnaayeen suugaan ka hadleysay wadaniyada iyo wacyigalinta bulshada ayaa wareegaya xaafadaha magaalada Muqdisho guddoomiyaha ururka haweenka Jawaahir Baarqab oo warbaahinta qaranka la hadashay ayaa sheegtay in howlo wacyigalin ah ay ka wadaan 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir.

Saacado qura ayaa naga xigta dabaaldaga munaasabada ugu soo horeysa ee ah 26-ka june maalinta ay gobollada waqooyi ka xoroobeen Gumeystihii ingiriiska.

 

 

 

Baarlamaanka Oo Ansaxiyay Hindise Sharciyeedka Guddiyada La Dagaalanka Musuq-maasuqa “SAWIRRO”

Muqdisho (SNTV)-Kulanka guud ee Xildhibaanada Golaha BJFS Oo uu maanta shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa ugu horreeyn ka hadlay Guddoomiye kuxigeenka 2-aad  ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo sheegay in guddoonka Golaha Shacabka uu go’aan ku gaaray in xeer-hoosaadka lala tiigsado xildhibaankii sabab la’aan ay ku soo baxdo shaqa gudasho la’aan.

Intaasi ka dib Guddiga Cadaaladda ee Golaha Shacabka ayaa xildhibaanada ka codsaday in ay ansixiyaan Hindise sharciyeedka guddiyadda la dagaalanka musuq maasuqa Oo ay wax ka bedel ku sameeyeen islamarkaana uu dib golaha ugu soo celin lahaa Golaha Aqalka Sare.

Axmed Xaaji Taaw oo ah mudane ka tirsan Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya oo hadal ka jeediyay madasha ayaa golaha ka codsaday in ay ansixiyaan hindise Sharciyeedka.

Ugu dambeeyntii Xildhibaanada ayaa cod u qaaday hindise sharciyeedka si loo ansaxiyo iyadoo 149 xildhibaan ay codka HAA siiyeen hindise sharciyeedka waxaana diiday Hal xildhibaan oo keliya, Halka uu hal xildhibaan ka aamusay,

Natiijada codkii la qaaday ayaa waxaa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka soo xiray.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Shir Laba Geesood Ku Qabtay Shiinaha “SAWIRRO”

0

Beijing (SNTV) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa wadahadal laba dhinacle ah maanta kula yeeshay dhiggiisa China, Mudane Wang Yi , Caasimadda Beijing.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Cawad ayaa ku ammaanay kaalinta uu dalka Shiinaha ee difaaca Arrimaha Afrika iyo kuwa caalamiga ah si xal loogu helo dhibaatooyinka iyo walwalka haysa dadka qaarkood, si gaar ah kuwa la xiriira nabadgelyada, ammaanka iyo horumarka.

Wasiir Cawad ayaa tilmaamay xiriirka taariikhiga ah ee qotada dheer ee Soomaaliya iyo Shiinaha ka dhexeeya iyo sida laga maarmaanka ay u tahay in laga shaqeeyo horumarinta iskaashigaasi wax wadaagga oo ay kamid yihin, dhaqaallaha, ganacsiga, ka faa’ideysiga waayo-aragnimada Dowladda Shiinaha ee dhinacyada horumarinta kaabayaasha, waddooyinka, tamarta, tiknoolajiyadda, dalxiiska, beeraha, caafimaadka, sayniska, dhaqanka, shidaalka iyo gaaska, taas oo gacan ka geysan karta xoojinta iyo ka guul keenidda  “Qorshaha Horumarinta Qaranka. “

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Shiinaha Wang Yi ayaa carabka ku dhuftay sida dalkiisu uu ugu faanaayo xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya ee dhinacyo kala gedisan leh, si gaar ah siyaasadda, ganacsiga, iyo sidoo kale isku dhowaanshaha aragtiyada iyo mowqifyada labada dal ee dibloomasiyadda Caalamiga ah iyo midda gobolka guud ahaan.

Dhammaadka wadahadalka diblomaasiyadeed ee salka ballaaran, Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa kala kala saxiixday heshiis ku qotoma iskaashiga dhaqaalaha iyo farsamada.

 

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweyne Farmaajo oo Ka Qeyb Galay Xaflad Qelin Jebin Ee Ardayda Jaamacadda Ummadda “SAWIRRO”

0

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda fedraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay munaasibad ay ku qalin jabinayeen dufcadda 20-aad ee jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Xafladda ayaa waxaa ka qeyb galay galay Wasiiro, Xildhibaano, Wasiir ku xigeenka arimaha dibadda Talyaaniga, safiirada dalalka caalamka u fadhiya magaalo madaxda Muqdisho, Khuburo wax ka dhiga Jaamacaddaha caalamka, iyo Bahda waxbarashadda dalka.

Munaasabadu intii ay socotay mas’uuliyiinta Jaamacadda Ummadda ayaa ku soo bandhigay guulaha wax ku-oolka ah oo Jaamacaddu Ummadda Soomaaliyeed ay gaartay kaasi oo kuwajahan aragtida isbedel ahaaneed oo ku saleysan in la soo saaro arday Soomaaliyeed oo leh aqoon ku filan oo ay dalkooda wax ugu qabtaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa gunaanudka munaasabada ka jeediyay khudbad dheer oo uu kula dar-daarmay Ardeyda Soomaaliyeed ee maanta nasiibka u yeeshay in ay noqdaan dufcaddii ugu horeysay ee Jaamacadda Ummadda ka qalinjabiya tan iyo bur-burkii dalka in ay qorshe iyo hadaf ay wax ugu qabtaan dalkooda iyo dadkooda, waxaana uu u sheegay in looga fadhiyo sidii ay dib uga celin lahaayeen deynta tacliineed oo ay gelisay jaamacadda maadaama ay si lacag la’aan ah dowladoodu wax u bartay.

Madaxweynaha Dalka ayaa sidoo kale khudbadiisa ku soo hadal qaaday guulaha la taaban karo ee dalkeenu ku talaabsaday, isagoo hoosta ka xariiqay waxyaabaha lagu guuleystay ee guulaha dhow ee u qabsoomay dowladda, iyo mustaqbalka quruxda badan ee dalkeena.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in caalamku u qiray Soomaaliya in ay gaartay guulo la taaban karo isagoo tusaale u soo qaatay Madaxa Hay’adda USAID oo dhowaan safar howleed ku yimid dalkeena Soomaaliya uu sheegay in Soomaaliya ay sameysay horumaro muuqda kuwaasi oo ay kamid yihiin Dhinacyada Maamul Wanaagga, Hufnaanta, iyo dib u dhiska Hay’adaha dhaqaalaha ee dalka.

Ugu dambeyn madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa ka hadlay dib u dhaca ay ku keeni karto dalkeena kala qoqobnaanta isagoo taasi bedelkeeda tusaale u soo qaatay in lagu bedelo Midnimo iyo Wadajir taasi oo uu sheegay in ay faa’iido weyn ay uleedahay dalkeena iyo dadkeena isagoona ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed in ay Dowladooda garab istaagaan.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka mid aheyd hay’adihii dalkeena ee ku bur buray dagaaladii sokeeye ayaa dib loo howl geliyay sanadkii 2014-kii.

Wejiga Labaad ee dib-u-habaynta Ciidammada oo Billowday

0

Muqdisho (SNTV)–Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa billaaabay wejiga labaad ee dib-u-habaynta ciidamada xoogga dalka, kadib markii wejigii koowaad uu si guul ah kusoo dhammaaday.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda lagu shaacinayay bilaabshada wejiga koowaad ee dib-u-habaynta ciidamada oo ka dhacday taliska ururka lixdanaad ee ilaalada madaxtooyada.

Wejiga labaad ayaa ka koobnaan ku hubinta ciidamada goobihii lagu diiwaangeliyay ee dhammaan gobollada dalka Soomaaliya iyo qiimeyn guud oo lagu sameynayo tayada ciidamada, si loogu saleeyo dhameystirka
baahida ciidanka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Janaraal Daahir Aadan Cilmi “Indho qarshe” ayaa xukuumadda iyo taliskaba ku ammaanay guusha ay ka soo hooyeen dib-u-habaynta ciidamada wejigii koowaad oo lagu hergeliyay diiwaangelinta, tirakoobka iyo dejinta nidaamka mushaar bixinta CXDS oo ciidamda lagu siiyo xisaabaadkooda bangiyada.

Taliyaha ayaa saraakiisha Ciidanka Xoogga ku amray in ay la shaqeeyaan saraakiisha ku howlan qorshaha dib-u-habaynta ciidamada ee booqanaya goobaha ay ciidmada ku suga yihiin.

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa ka go’an in uu ku guulaysto dib-u-habaynta ciidamada qalabka Sida oo qayb ka ah halbeegyada ugu muhiimta tubta amniga iyo caddaaladda.