Home Blog Page 965

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun ku riday Askari dilay Haweeney Ganacsata aheyd

0

Dable Xogga Dalka Cabdullaahi Cali Cumar ayaa loo heystaa dilka Marxuumad Dhibaay Maleele Maxamed oo ganacsata aheyd, dilkaas oo ka dhacay degmada Wallaweyn ee gobalka Shabeellada Hoose 23 May sanadkan.

Eedeysanaha oo muddo baxsad ka ahaa hey’adaha Amniga   ayaa  xafiiska Xeer Ilaalinta  01 August ee Sanadkan  waxa uu weydiistay Garsoorka in la siiyo waaran lagu soo xiri karo Cabdullaahi Cali Cumar oo baxsad ah, waxa ayna xilligaas aqbashay Maxkamadda Codsiga dacwad oogayaasha.

Cabdullaahi Cali  Cumar ayaa soo galay gacanta hey’adaha Amniga 28-kii September ee Sanadkan,  waxaana xilligaas lagu soo wareejiyay xafiiska  Xeer Ilaalinta oo codsaday in xabsiga dhexe loo taxaabo  garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa baaris dheer kadib codsaday 16-ka bishii tagtay in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Cabdullaahi Cali Cumar,  waxa ayna Maxkamadda  aqbashay dhageysiga dacwadda todobaad kadib.

Maxkamadda ayaa ugu horreynba u jeedisay eedda loo heysto Cabdullaahi Cali Cumar, waxaana  sidoo kale Maxkamadda  ay dhageysatay  Cadeymaha iyo markaatiyaasha Maxkamadda la hor keenay.

Dadka ay dhageysatay Maxkamadda waxaa kamid ah Sarkaalkii u talin jiray Dable Cabdullaahi Cali Cumar, waxa uu Maxkamadda u sheegay in ay Fakad ka gudbiyeen eedeysanah, wixii intaas ka dambeeyane uu dhuumaaleysi ku ahaa waddada xiriirisa Yaaq Biri Weyne, IIdow Jaalle ilaa leego oo uu ka geysan jiray dhac.

Sidoo kale Maxkamadda waxa ay dhageysatay mid kamid ah dhibanayaasha gaadiidka ee Isticmaala waddada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo, waxa uu u sheegay Garsoorayaasha in $300  kaga qaatay Isbaara ahaan eedeysanaha Maxkamadda hor taagan.

Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa Maxkamadda u sheegay in eedeysanaha uu ahaa shaqsi caadeystay dhacca dadka, waxa uu u sheegay Maxkamadda in uu  sidoo kale baxsad ka ahaa Ciidamada.

Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ka hadlayay gabagabada Kiiska ayaa sheegay in Eedeysanaha Maxkamadda hor taagan oo dil bareer ah u geystay Marxuumad Dhibaay Maleele Maxamed oo aheyd haweeney Ganacsata ah oo aad looga yaqiinay Degmada Wallaweyn ee  gobalka Shabeellada Hoose, waxa uu u sheegay Maxkamadda in eedeysanaha uu u dilay Marxuumadda deyn uu ka qaatay darteed.

Markaatiyaal  afar ah oo ay ku jiraan dad uu dhac u geystay iyo kuwa ka marag kacaya  dilka Marxuumadda ayay dhageysatay Maxkamadda, waxaa sidoo kale Maxkamadda la horkeenay cadeymaha warqadda waaranka Maxkamadda, Cabashooyinka gaadiidleyda iyo warqad uu ka qoray taliyihiisa.

Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in loo naxariisto oo lagu xukumo magta Marxuumada Dhibaay Maleele Maxamed.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in lagu xukumo Dable Cabdullaahi Cali Cumar dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuumad Dhibaay Maleele Maxamed sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukun waxaa ka furan Rafcaan ku siman 30-Cisho Xukunka kadib.

How to find the Safest Dating Sites

0

It may seem difficult to get the most secure dating sites that are cost-free, but it is certainly not. Should you be looking for someone http://www.blushingbrides.net/ to spend your daily life with, then you definitely should definitely consider the services. The reason why various people love to use these websites is because of all their ability to provide safe and secure offerings.

There are several websites that provide this service. The most frequent service furnished is totally free dating web-site. Many online dating web sites provide an option to get yourself a membership with them for a trial period. This allows users to get a look and feel for how secure the site is. The trial period allows them make sure the memberships will be a good investment they will be having to pay.

After a user finds the dating site that they can be comfortable with, then it is time for you to start earning profits. Many persons enjoy the idea of applying online dating in an effort to meet others who share similar interests. Nevertheless , it is important to consider that not almost all dating websites offer the same amount of safety and security. After the free seeing site continues to be used, then a paid dating website is definitely the next reasonable step.

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa u xilsaaran Dhaqanka.{Warsaxaafadeed}

0

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa u xilsaaran Dhaqanka wasaaradda waxbarashadu shaqo kuma lahan.

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay askar xabado ku furtay Bajaaj

0

Xasan Muuse Warsame iyo Xasan Xuseen Maxamed ayaa loo heystaa in ay si bareer ah  ugu fureen rasaas laba gabdhood oo wada saarnaa Bajaaj  mareysay bar kontorool oo ay  ku qornaayeen  07-da bishii  sagaalaad ee Sanadkan.

Xasan Muuse Warsame iyo Xasan Xuseen Maxamed ayaa ka wada tirsanaa ciidamada Boliiska, waxaana isla xilligii ay geysteen dhaawaca iyo dhimashada la wareegay hey’adaha  baarista.

Hey’adda dambi  baarista Boliiska CID  ayaa ku soo wareejiyay labada eedeysane Xafiiska Xeer Ilaalinta, waxa uuna xafiiska  weydiistay Maxkamadda  15-ka bishii  Sagaalaad ee sanadkan in loo dhaa-dhiciyo xabsiga dhexe garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo eedeeyay labada eedeysane baaritaan dheer kadib 16-ka bishii tegtay, waxa ayna Maxkamadda weydiisteen in la muddeeyo dacwad qaadista Xasan Xuseen Maxamed iyo Xasan Muuse Warsame oo  loo heysto dilka Marxuumada Istar Axmed Cabdulle iyo Dhaawaca Dhibane Faadumo Axmed Cabdulle oo ahaa walaalo marayay  agagaarka Isbitaalka  Masaarida ee degmada Hodan.

Shan cisha kadib ayay Maxkamaddu ballamisay dhageysiga dacwadooda.

Maxkamadda ayaa ugu horeynba u jeedisay eedaha loo heysto labada eedeysane, waxaana fursad loo siiyay in ay ka jawaab celiyaan.

Dable Boliis Xasan Xuseen Maxamed oo ka jawaabayay  eedda loo  heysto ee  ah dilka  iyo dhaawaca  ay u geysteen gabdho walaalo ah oo  Bajaaj wada saarnaa ayaa Maxkamadda u sheegay in  ay si wada jir ah xabada u rideen isaga iyo eedeysanaha labaad ee Maxkamadda hor taagan.

 

Dable Boliis Xasan Muuse Warsame oo isna fursad loo siiyay in uu ka jawaab celiyo eedda ay Maxkamadda u jeedisay ayaa u sheegay Garsoorayaasha in si wada jir ah ay xabada u rideen  iyagoo oo kaga dan leh in ay ku kala fududeeyaan  Jaamka ka jiray Isgoyska Maseerida ee degmada Hodan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo ugu horeynba lahaa hab raacca dacwadda ayaa Maxkamadda weydiistay in la dhageysto markaatiyaal uu ku jiray wadihii gaariga, waxa uu Maxkamadda u cadeeyay in si wada jir ah ay xabada kas ah ugu rideen Bajaajta uu wadaha ka ahaa taasina ay dhalisay In gabdha walaalo ah midna geeriyootay midna dhaawacantay.

Qoryihii dhaawacca ay ku geysteen, warqadaha dhaawacca iyo dhimasha muujinta iyo markaatiyaal kale ayay Maxkamadda dhageysatay.

Xeer ilaaliya ku xigeenka Ciidamada Qalabka Sida Dhamme  Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa Maxkamadda u sheegay in labada eedeysane ay ku tala galeen dilka wadaha Mootada balse xabad uu riday Xasan Xuseen Maxamed xabad  uu riday ay sababtay geerida Marxuumad Istar Axmed Cabdulle, halka Xasan Muuse  Warsame uu  dhaawac u geysatay Faadumo Axmed Cabdulle.

Qareenka labada eedeysane ayaa Maxkamadda u sheegay in ay ku wada jireen labada eedeysan howl shaqo oo lagu ogyahay, waxa uuna Maxkamadda weydiistay in magta dhibanayaasha lagu xukumo taliska Boliiska.

 

Dable Boliis Xasan Xuseen Maxamed  ayay Maxkamaddu ku xukuntay diltoogasho oo ah qisaasta Marxuumad Istar Axmed Cabdulle halka  Dable Boliis Xasan Muuse  Warsame  ay Maxkamaddu ku xukuntay Shan Sano oo xabsi ciidan ah iyo  in uu bixiyo magta dhaawicii uu u geystay Faadumo Axmed Cabdulle sida uu  u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Xukunka waxaa ka furan Rafcaan ku siman Sodon Cisha xukunka kadib.

Daawo Sawirro Qurux badan iyo horumarka Dalka

0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa sawiro ka turjumaya bilicda iyo horumarka dalka

                           

Wasiiru-dawlaha Boostada & Isgaarsiinta XFS oo dalalka Afrika uga warbixiyay dadaallada dawladda ee baahinta aqoonta tiknolojiyada

0

Wasiiru-dawlaha Boostada, Isgaarsiinta, & Teknolojiyada, Mudane C/llaahi Bile Nuur, oo ka qeyb galayay shirka heer wasiir ee Hal-abuurka Teknolojiyada ee Afrika ee galinkii dambe ee shalay lagu soo gabagabeeyay caasimadda dalka Ghana ee Accra, ayaa ka warbixiyay dadaallada Wasaaraddu ee la xiriira sidii loo horumarin lahaa aqoonta iyo helitaanka internetka ee dalka.

Wasiiru-dawlaha oo dood-wadaag kala qeyb galayay qaar ka mid ah wasiirrada isgaarsiinta Afrika ayaa ka warbixiyay waxyaabaha ay Wasaaraddu ka qabatay sidii loo baahin laha helitaanka internetka iyo horumarinta xirfadaha teknolojiyada, isagoo tusaale u soo qaatay qodobadan:

▪ Dalka waxaa soo gala 3 xarig oo internet, waxaana socda qorshaha 2 xarig oo kale lagu keenayo, kuwaas oo marka ay wada hirgalaan kordhin doona helitaanka, qiimaha iyo tayada adeegga internet ee dalka.

▪ Wasaaradda oo kaashaneysa Bankiga Adduunka waxay u fududeysay in qaar ka mid ah wasaaradaha dawladda federaalka iyo kuwa heer dawlad-goboleed iyo qaar ka mid ah jaamacadaha dalka ay helaan adeeg internet.

▪ Wasaaraddu waxay waddaa qorshe lagu dhisayo Xarunta Hal-abuurka Teknolojiyadeed ee dalka (Somalia National Innovation Centre – SO NICE), taas oo noqon doonta goob xiriirisa xarumaha hal-abuurka dalka oo la doonayo in la gaarsiiyo heer degmo iyo in jaamacad kasta ay u furto ardeydeeda si ardeyda ka soo baxaysa jaamacadda ay u abuuran karaan shaqooyin.

▪ Waxaa dhowaan Golaha Wasiirradu uu ansixiyay Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta & Teknolojiyada, taas oo ahmiyad gaar ah lagu siiyay sidii teknolojiyada loogu isticmaali lahaa waxbarashada iyo adeegyada kale ee loo adeegsado teknolojiyada.

▪ Wasaaraddu waxay dib u hawl-gelisay Machadkii Isgaarsiinta Qaranka oo loogu talo galay inuu qeyb ka noqdo dadaallada lagu baahinayo aqoonta iyo xirfadaha teknolojiyadeed ee dalka.

Wasiiru-dawlaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa intii ay joogeen shirka waxay sidoo kale la kulmeen wasiirro, hay’ado iyo shirkado ka shaqeeya horumarinta aqoonta teknolojiyada iyo hal-abuurka si la isku weydaarsado waaya-aragnimada iyo teknolojiyadda loo adeegsado kobcinta aqoonta teknolojiyada.

Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen wasiirrada waxbarashada iyo isgaarsiinta ee qaaradda Afrika waxaa looga hadlayay kaalinta ay teknolojiyadu ka qaadan karto horumarinta waxbarashada, iyadoo halkaas lagu soo bandhigay sida shirkadaha gaarka ah gacan uga siin karaan dawladaha Afrika dadaalladooda ku aaddan aqoonta teknolojiyada.

Bulshada ku nool deegaanada miyiga ah ee G/Bari oo si isku tashi ah u furaya Waddada Dhabaaqo

0

Bulshada ku dhaqan dagmooyinka fog fog ee Gobalka Bari oo u badan Xoolo dhaqato iyo Beeralay ayaa bilaabay isku tashi ay ku doonayaan inay dib ugu furaan waddooyinkii hal bowlaha u ahaa isu socodka gaadiidka iyo dad waynaha iskuna xiri jiray Degmooyinka Qandala, Caluula iyo Boosaaso, halkaasi oo ay go’een waddooyinkii loo mari lahaa deegaanno muhiim ah oo ka tirsan Gobolka Bari.

Marka laga yimaado dhanka badda oo ah wada sadexaad ee loo maro dagmooyinkaani waxa uu leeyahay Laba wado oo caan ah bulshada deegaanadaasina adeegsato kuwaasi oo la kala yiraahdo Lafa Goray iyo Dhabaaqo,hadana labaduba yihiin kuwa go an oo aan la adeegsan karin .

Dhallinyaro, waayeel Xoolo dhaqato iyo Beeralayba waxa lsu garab sadeen bulshada ku dhaqan agagaaarka Buurlayda Dhabaaqo sidii mar kale si iskaa wax u qabso ah loogu furi lahaa wadada dhabaaqo oo go’day masaafo ka badan 30km ayna ka dillaaceen godad aad u waawayni, taasi oo ay u sii dheertahay in daadadkaani soo dhigeen dhagxaan aad u waawayn oo ay adagtahay bur burintoodu.

Maxamed Jaamac Togox oo ka mid ah odayaasha deegaanka si gaar ahna wadadaani gacanta ugu hayay mudo 30 sano ah ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in hadafkoodu yahay in la helo meel la marsiiyo gurmadka kala duwan ee loo wado deegaannada ay roobabka saameeyeen.

Togax ayaa xusay in Maamulka Puntland iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya midna wali ka soo gaarin dadka deegaanadaasi wax gurmad ah marka laga reebo qiimayn ku saabsan inta uu khasaaruhu la egyahay oo ay u timid hay’ada jidadka Puntland iyo Guddi gaar ah oo arintaani u xilsaartay Puntland.

“Waxaa qiimihiisu laba jibaarmay maciishada noocyadeeda kala duwan, maadama isha kaliya ee dadkaani wax ka heli jireen ahayd magaalada ganacsiga ee Boosaaso, xitaa baddii way kacsantahay oo lama mari karo hadiiba dhanka badda la adeegsan lahaa, waxaan ka codsanaynaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay arintayada il gaar ah ku eegto oo dadkaasi loo soo gurmado, hooyadii umulaysa hada wado la marasiiyo malahan oo xaalad caafimad darro inay u dhimataa suro gal ah”ayuu yiri Maxamed Jaamac Togox oo ka mid ah odayaasha gacanta ku haya waddada dhabaaqo.

Dadka deegaanadaasi ayay cabsi kale soo wajahday markii Hay’adaha saadaasha iyo Wasaarada arrimaha Gudaha Puntland si wada jir ah mar kale uga digeen Roobab dabaylo wata oo soo wajahan .

              

Guddoonka Baarlamaanka Golaha Shacabka oo ku baaqay in la joojiyo Colaadda Mudug

0

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad, ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka soo cusboonaaday Towfiiq iyo Afbarwaaqo ee Gobolka Mudug.

Mahad Cabdalla, ayaa faray Guddiga nabadeynta iyo Ciidamada isku dhafka ah in ay si deg-deg ah u kala dhex galaan Dadka Walaalaha ah ee ay colaaddu dhex martay.

“Waa arrin aan la aqbali karin Guddiga nabadeynta iyo ciidanka xasilinta ee isku dhafka ah waa inay si degdeg ah u kala dhex galaan dadka walaalaha ah ee colaadu dhex martay, ayuu yiri Guddoomiyuhu.

Colaadda Gobolka Mudug oo inta badan ka dhalata aano Qabiil iyo Dhul ayaa Sanadihii u dambeeyay ahayd mid laga nastay, taas oo ay qaboojinteedu door Lixaad leh ka qaateen Dhallinyarada oo kaashanaya Dowladda Federaalka, maamullada Labada dhinac iyo Ururrada Bulshada.

QM oo war ka soo saartay waxyeellada ay geysteen Roobabkii ka da’ay Bariga Afrika

0

Ugu yaraan 280 Qof ayaa ku geeriyootay, halka in ka badan 2.8 Milyan oo kalena ay wax yeello kasoo gaadhay Roobabkii dhowaan ka da’ay qeybo k mid ah Waddamada Bariga Afrika, sida ay shalayto shaacisay QM.

Xafiiska isku xirka arrimaha Bini’aadam-nimada QM ee OCHA ayaa sheegay in Roobabkii sababay fatahaadaha iyo daadadka Bariga Afrika ay waxyeello gaarsiiyeen Guryo iyo kaabayaal dhaqaale, iyadoo ay jirto halis ah in ay goobahaasi ka dillaacaan cudurro uu ka mid yahay Daacuunka.

Bishii Oktoobar ee Sanadkan ayay ahayd markii ay Roobab sababay fatahaado iyo Daadad lixaad leh ay ku dhufteen meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah, iyadoo ay sidoo kale dhowaan ay wax yeello kala duwan ka geysteen Waddamada Yugaandha, Tansaaniya iyo Kenya.

Digniin dhowaan lasoo saaray ayaa sheegeysa in laga baqdin qabo Roobab kale oo ka da’a  Waddamo ay Soomaaliya ka mid tahay, gaar ahaan Dhulka Xeebaha ah,iyadoo Dowladduna ay si weyn uga gashaamatay, Dad weynaha u sameysay wacyi gelin ballaaran.