Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf ku maamuusay ka qeyb-galeyaashii Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan casho sharaf ah ku maamuusay dhallinyaro ka socotay dalladaha iyo ururrada heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed ee ka qeyb galey Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed 2019-ka.

Madaxweynaha ayaa uga xog warramay dhallinyaradeenna qorsheyaasha ku qotoma awoodsiinta siyaasadeed iyo dhaqaale ee dhallinyarada, kuwaas oo Dowladdu ay ku bixineyso horumarinta iyo xoojinta kaalinta ay ku leeyihiin hoggaaminta dalka.

“Waxaan haatan u soconnaa in aan shacabka Soomaaliyeed ee dhallinyarada u badan aan u soocelinno talada dalka, taladaas oo ka bilaabmata doorashada. Dhankooda dhallinyarada Soomaaliyeed waa in ay naftooda kula xisaabtamaan dadaalka ay dalkooda geliyaan iyo gacanta ay ka geystaan horumarka iyo dowladnimada.”

Madaxweynaha ayaa xusay in tallaabooyinka ay qaadday Dowladdu ee adkeynta midnimada iyo madaxbannaanida dalkeenna ay horseedday dib u soo celinta maqaamka dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin Gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Intii kulanku uu socday, Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhallinyarada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa la wadaagtay Madaxweynaha nuxurka Shirkii Qaran ee dhallinyarada, horumarka ay ku tallaabsadeen dhallinyarada Soomaaliyeed sanaddihii la soo dhaafay, aragtidooda ku aaddan qorsheyaasha Dowladda iyo caqabadaha heer Dowlad Goboleed iyo heer Federaal ee ay tahay in xalkeeda wadajir looga shaqeeyo.

Casho sharaftan maamuuska ah waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Dhismaha Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka iyo ciyaartooyda Kooxda Soomaaliyeed ee dalka Australia oo dalka u yimid hawlo samafal iyo in ay tartamo ciyaaro oo sare u qaadaya is dhexgalka bulshada ay la yeeshaan ciyaartooyda gudaha.

                  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...