Soomaaliya iyo K/Sudaan oo kawada hadlay badqabka ganacsatada Soomaaliyeed

Date:

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Koofurta Sudaan danjire Xuseen Xaaji Axmed ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Jubba kulan kula qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Koonfurta Sudaan Michael Chiangjiek iyadoo kulankaas ay labada masuul uga hadleen arrimo muhiim ah.

“Waxaan xafiiska kula kulmay Wasiirka arrimaha dibadda Koofurta Sudan oo aan ka wada hadalnay xiriirka labada dal, xaaladda dadka Soomaaliyeed ee ku nool Koonfurta Sudaan,gaar ahaan kuwa ku ganacsada Suuqyad isku raranta ah oo hadda la damacsanyahay in la dumiyo iyo sidii goob kale loogu heli lahaaa” ayuu yiri Danjire Xuseen Xaaji Axmed oo la hadlay warbaahinta Qaranka.

Soomaali badan ayaa ku ganacsta dalka Koonfurta Sudaan kuwaas oo xiliyadda qaarna lakulma dhibaatooyin kala duwan oo dhinacyo badan kaga yimaada, balse madaxda Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas ayaa dadaal ugu jirta sidii gabi ahaanba arrimahaas oo dhan loo soo afjari lahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...

UNHCR oo walaac ka muujisay sharciga magangalyo-doonka Giriigga

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii...