Xubno ka tirsan Boliiska AMISOM oo loo xiray tababar la xiriira Jinsiga iyo xuquuqul insaanka

Date:

Howl-galka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa 22 Sarkaal oo ka tirsn Boliiska AMISOM usoo gaba-gabeeyay tababar soconayay Sadex Cisho .

Tababarkan ayaa waxa uu ku saabsanaa ka hor tagga dhibaatooyinka Jinsiga , ilaalinta xuquuqul Insaanka iyo dhowrista dhibaatooyinka loo geysto Carruurta.

Xubnahan oo dhammaantood ahaa Haween ayaa looga tala galay in ay tababarro iyo talooyin ku aaddan waajibaadkooda usii fidiyaan Saraakiisha Boliiska Soomaaliyeed oo ay wada shaqayn xooggan ka dhaxayso AMISOM.

Taliyaha Booliska AMISOM,  Augustine Magnus Kailie, ayaa xiritaanka tababarka Saraakiishan ku boorriyay in ay casharradii la siiyay ku dabbaqaan aqoontooda, si ay u sii kordhiyaan kaalintooda kaga aaddan waajibaadka amni ee saaran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...