Home Blog Page 862

Safiirka Soomaaliya ee Suudaan oo booqday jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika+sawirro.

0

Danjiraha J.F. Soomaaliya ee  dalka Suudan Amb Mohamed Sheekh Isxaaq ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagagey Jaamacadda Caalamiga ah ee looyaqaano Intenational University of Africa IUA,Asagoo u kuur galaayay xaaladda ardeyda.

jamacadda IUA waxay kamid tahay Jaamacadaha ugu waweyn ee Dalka Suudan, islamarkaasi ah jaamacadda ugu badan ee dhigta Ardeyda Soomaaliyeed oo gaaraaya 1000 ardey.

Danjiraha oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay Jaamacadda ayaa wuxuu la kulmey maamul aha guud ee cusub jamacadda Professor Yusuf Mukhtar Al
Amin,wuxuuna ugu mahadceliyay fursadaha waxbarasho oo aysiiyeen walaalahooda Soomaaliyeed.

sidookale waxay kawada Hadleen waxyaabo la xiriira xoojinta xiriika labada Dal, Suudan  iyo Soomaaliya gaar ahaan xiriirka Jamacadda iyo safaaradda.
Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq waxaa  ku weheliyay kulanka Nasara Mohamed Ahmed oo ah uqeybsanahay Arrimaha waxbarashada iyo Cali Maxamed Maxamuud oo u qaabilsan Safaaradda xiriirka bulshada.

Wasiirada Maaliyadda DFS iyo Dowlad goboledyada oo shir u furmay [Sawirro]

0

Sii hayaha wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta guddoomiyay shirka wasaaraddaha maaliyadda dowladda dhexe,dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray nidaamka maamulka iyo maaliyadda dalka iyo sidii wadajir looga wadashaqeyn lahaa kobcinta dhaqaalaha dalka iyo sidoo kale xoojinta arrimaha barnaamijka deyn cafinta dalka.

Sii hayaha wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle waxaa ku wehlinayay wasiiru-dowladda wasaaradda iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda,waxaana goob joog ka ahaa wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo maaliyadda maamulka gobolka Banaadir Mudane Axmed Xasan iimaan.

Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Warfaafinta Koofur Galbeed.+Sawirro.

0

Sii hayaha wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka cusub ee waarfaafinta dowlad goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya Mudane Ilyaas Siciid Cali.

Wasiir Maareeye ayaa waxaa ku wehlinayay qaar ka mid agaasimiyaasha wasaaradda sida Maamulka iyo maaliyadda,Howlaha guud, Tvga ,Sonna iyo xubo kale.

Soo dhaweynta kadib labada masuul ayaa waxa ay kormeereen dhammaan qeybaha wasaaradda si gaar ah warbaahinta dowladda Tvga, Radiyaha,Wakaaladda Qaranka ee Sonna iyo Wargeyska dalka, Waxaana lala wadaagayay qaab dhismeedyada iyo sida ay warbaahinta dowladdu ugu adeegto shacabkeeda.

“Maanta waxaan xafiiskayga ku soo dhoweeyey wasiirka cusub ee wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta ee dawlad goboleedka Koofur-Galbeed Mudane Ilyaas Siciid Ali iyo agaasimiihiisa guud, Labada masuul waxay booqdeen waaxyaha iyo qaybaha wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska iyadoo Agaasime waaxeed kastaa la wadaagay qaab dhismeedka iyo hawlaha waaxdu u hayso si ay qibrad uga helaan”  ayuu yiri wasiir Maareeye.

Guud ahaan xarunta wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka socdo dib udhis balaaran, iyadoo sidoo kale la qalabeynayo warbaahinta dowladda, si loo xoojiyo waajibaadka ka saaran u adeegida bulshadda Soomaaliyeed.

 

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Shaaciyay tirada dadkii Ku dhintay weerarkii Xabsiga dhexe.

0

Afhayeenka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gashaanle Sare Cabdiqani Maxamed Khalaf oo goor dhaweyd shir jaraa’id ku qabtay gudaha xabsiga dhexe ayaa sheegay in 15-ka maxaabiis ah ay ku geeriyoodeen weerarkii shalay ka dhacay gudaha xabsi dhexe iyadoo sidoo kale afar askari oo ka tirsanaa ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ay ku geeriyoodeen.

Gashanle Cabdiqani ayaa sidoo kale sheegay inay ku dhaawacmeen ilaa iyo todobo ruux oo ka mid maxaabiista iyo halka askari ka tirsan ciidanka Asluubta.

“Waxaa ku geeriyooday shan iyo toban ka mid ah maxaabiistii xabsiga dhexe iyo askar ka tirsan ciidanka Asluubta waxaana socdo baaritaanno dheeraad oo ku salaysan dhacdadaasi waana la wadaagi doonaan bulshada Soomaaliyeed waxa soo kordho ayuu yiri Gashaanle Cabdiqani Maxamed qalaf.

Afhayeenka ciidanka Asluubta ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in hada ay xaaladda caadi tahay isla markaana ay socdaan  wali baaritaanno la xririiri sida ay ku suura gashay inay maxaabiista ay helaan hub.

Guddiga Amniga Golaha shacabka oo maanta kulan la yeeshay Agaasimaha Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda.

0
Guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee golaha shacabka ayaa kulan kula yeeshay xarrunta Villa Hargeysa Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Col. Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).Ajendaha kulanka ayaa ahaa katashiga Sharciga Socdaalka oo horyaala Guddiga.

Agaasimaha hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadab Jimcaale  (Koofi) ayaa guddiga sharaaxaad ka siiyay ahmiyadda uu leeyahay sharciga Socdaalka.

Xubnaha guddiga ayaa sidoo kale waxa at agaasimaha weydiiyeen su,aalo la xarriiro sharciga Socdaalka dalka.

Kusimaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha Gudaha iyo amniga Xildhibaan Maxamed Cabdulle faarax (Geesey) ayaa uga mahadceliyay agaasimaha hay,adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Col.Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) sharaxaada uu guddiga ka siiyay sharciga Socdaalka.

Sii hayaha Ra’iisul wasaaraha XFS oo magacaabay guddiga baarista shaqaaqadii ka dhacday Xabsiga dhexe.

0
Sii hayaha xilka  Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jahmuuriyadda federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magacaabay Guddiga Baarista Dhacdada Shaqaaqadii 10/08/2020 ka Dhacday Xabsiga Dhexe.
1- Mudane Xasan Xuseen Xaaji​ Wasiirka Cadaaladda​ Guddoomiye2- Dr. Sulaymaan Max’ed Max’ud​ Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka​ Xubin3- S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ​Taliyaha Ciidanka Booliska​ Xubin4- S/Guuto Mahad C/raxmaan Aadan​Taliyaha Ciidanka Asluubta​ Xubin5- S/Guuto C/llaahi Buulle Kameey​Xeer-ilaaliyaha Guud ee

Maxkamadda Ciidamada​ Xubin

6- G/Sare Guuleed Sh. Xuseen Aadan​ Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada (C.I.D.)​Xubin

Xilka iyo Waajibaadka Guddiga:

1- Waxa xubnaha Guddiga sare ku xusan la farayaa in ay deg deg u hawl-galaan, una guda-galaan barista dhacdadaas, kana keenaan gub-gaar dhammays-tiran sida ugu dhaqsaha badan.

2- Guddiga waxa la farayaa iyaga oo gudanaya waajibaadkooda in ay si joogta ula socod-siiyaan Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha barista ay wadaan.

3- In hawshan Baarista lagu soo gaba-gabeeyo muddo Toban (10) casho gudahood ah oo ka bilaabanaysa taariikhda warqaddan.

4- Guddigan hawshiisu waxa ay ku ekaan doontaa marka baaristu soo gaba-gabowdo.

5- Guddigan waxa uu magacaaban karaa Guddi-hoosaad Farsamo oo u fududeeya waajibaadka loo igmaday.

Ciidamada Booliska Galmudug oo howlgal lagula dagaalamayo burcada ka sameeyay Dhuusamareeb.

0

Ciidamada Booliiska Dhuusamareeb ayaa  howlgal ballaaran  lagula dagaalamayo burcada waxaa ay ka sameeyeen xaafado ka mid Dhuusomareeb.

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliiska Galmudug Sarreeye guuto Bishaar Abshir Geedi oo ay wehliyeen Taliyaha Booliiska Dhuusamareeb Dhamme Nuur Cilmi, Gudoomiyaha Dhuusamareeb Moalim Abdrahman Geedaqorow iyo Saraakiil sare ayaa ciidamada howlgalka ku jira  kormeeray.

Howlgalkaan ayaa kusoo beegmaya xili habeen hore Ciidamada Booliisku ay xareeyeen dhammaan mootooyinka Bajaajyada loo yaqaanno oo maalintii labaad aan shaqeyneynin.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Lebanon oo is casilay.

0

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Lubnaan Xasan Diab ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka Ra’iisul Wasaare ee dalka kaddib qaraxii dhawaan ka dhacay caasimadda Beirut oo ay ku dhinteen in ka badan 200 qof, halka ay ku dhaawacmeen 6,000 (lixkun) oo kale.

Mr. Xasan Diab ayaa arrintan kaga dhawaaqay Warbaahinta Dowladda Lubnaan maantii aheyd  kaddib markii ay isa soo tareen dibad baxyada dowladda lagaga soo horjeedo.

4 August 2020 ayay markii qarax aad u xooggan uu ka dhacay bakhaarro ay ku keydsanaayeen hub si sharci darro ah ku yiilay dekadda tan iyo sanadkii 2013kii kaasi oo sababay bur bur hantiyeed oo lagu qiyaasay in kabadna toban bilyan, halka ay ku guryo beeleen 300,000.

Shacabka ayaa waxa ay mas’uuliyiinta dowladda ku eedeeyeen inay wadaan falal musuq maasuq ah iyo maamul xumo.

Madaxweynaha Galmudug oo sheegay shirka Dhuusamareeb in uu ku dhicidoono waqtigii lagu talagalay.

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo safar shaqo u jooga dalka Turkiga ayaa sheegay in shirka Dhuusamareeb uu dhici doono xilligii lagu balamay, oo ku began 15 bishan Agoosto .

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo qudbad ka jeedyay kullan eek u soo dhaweyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Istanbul ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga fogaado wax kasta oo wax u dhimi kara shirka Dhuusamareeb 3, lana tixgeliyo reer Galmudug.

“Waxaa balansan oo madlan gogoshii Dhuusamareeb 3 oo ay tahay in go’aamo wax ku ool ah oo waqtiga hadda lagu jiro, iyo arrimaha Soomaaliya horyaala looga tashado oo lagu gaari lahaa ayaa noo taala 15 bisha agosto, waxaa ku kalsoonnahay sidii madaxdii soomaaliyeed caasimadda galmudug loogu soo dhoweeyay in shirka soo socda loogu soo dhoweyn doono”ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Sidoo kale waxaa uu uu ku baaqay in dhammaan Madaxda uu la xiriiray, ayna rajeynayaan in la tixgeliyo oo la dhowro, si la isugu yimaado gogosha soo socda ee Dhuusamareeb 3 ee lagu balansanyahay 15 bishan Agoosto.

Wasiirka Caddaaladda: “Baaritaan ayaan ku sameyneynaa Weerarkii Xabsiga dhexe.

0

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay inay baaritaan dheeraad ah ku sameyn doonaan oo lagu ogaanayo sababtii ka dambeysay weerarkii shalay ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar, isagoo bogaadiyay kaalinta ciidamada ammaanka ay ka geysteen howlgalkii ay ka fuliyeen gudaha xabsiga dhexe.

Wasiirka oo shacabka kala hadlayay Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in ciidamada ay nolosha ku qabteen lix ka mid ah kuwii maanta falalka amni darro ka geystay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar, kuwaasi oo haatan ay ku socooto baaritaano dheeraad ah oo lagu ogaanayo sababta ka dambeysay weerarki shalay ka dhacay xabsiga gudahiisa.

Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in bulshada Soomaaliyeed ay la wadaagi doonaan baaritaannada scocda wixii ka soo baxa.