Home Blog Page 862

Akhriso: Nuxurka khudbadii madaxweyne Farmajo ee Meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika+sawirro

0

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa soo bandhigay guulaha uu gaaray dalkeenna iyo fursadaha u baahan in si wadajirka ah looga faa’iideysto Qaaradda ahaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo a ayaa xusay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay ku dabar-gooynayso khatarta argagixisadu ay ku hayaan nolasha muwaadiniinteenna, arrinkaas oo horseedaya xasilinta dalka iyo soo celinta maqaamka aan ku lahayn Afrika.

“Soomaaliya waxa ay noqon kartaa xarun dhaqaale oo xooggan oo door muhiim ah ka qaadanaysa horumarka Qaaradda, marka la fiiriyo khayraadkeeda, goobta istaraatijiga ah ee ay ku taallo iyo dadkeeda halabuurka ganacsi leh.”

Madaxwwynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay argagixisada uga adkaan karto in la qaado cuna-qabataynta hubka ee saaran si ciidamadeennu ay u helaan hub casri ah oo ay dagaalkan kusoo afjari karaan.

“Cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay xaddidaysaa awooddii aan ku heli lahayn hubka lagama-maarmaanka u ah in laga adkaado argagaxisada kuwaasi oo qaraxyo guryaha lagu sameeyay la beegsada muwaaddiniinta aan waxba galabsan iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay.”

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa yiri “Soomaaliya waxa ka go’an inay si buuxda masuuliyadda amnigeeda ugala wareegto AMISOM, taasina waxay u baahanaysaa ciidan qaran oo si fiican u qalabaysan si looga jawaabo halista iman karta.”

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dul istaagay muhiimadda midnimada iyo wadajirka dalalka Afrika ay u leedahay xaqiijinta hiigsayada shucuubta Qaaradda ee u ooman horumarka, kobaca Dhaqaalaha iyo nolasha wanaagsan ee ay mudan yihiin.

Dhismaha Garoonka kubadda Cagta Cabdullahi Ciise oo meel wanaagsan marayo.

0

Gudiga Ku hawlan Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta Cabdulaahi Ciise Ee Magaalada Galkacyo Ayaa Kulan Looga hadlayey sidii loo dardar gelin lahaa hawsha dhismaha garoonka Waxa ay layeesheen qaar ka mid ah Bahda Sportiga Gobalka Mudug. Gudoomiyaha Ururka HAB Ee Gacanta Kuhaya Qorshaha Lagu dhisayo Garoonka Kubadda Cagta Cabdullahi Ciie  Mudane Maxamuud Cali Oo Ka war bixiyey halka uu marayo qorshaha Dhismaha Garoonka Ayaa sheegay in howlaha ugu horeeya  ee gudigaan ay qabanayaan ay tahay in todobaadkan la guda gali doono hawlaha dhismaha garoonka.

Bahda Sportiga Magaalada Galkacyo ayaa dhankooda balan qaaday inay Gudiga kala shaqayn doonaan dhamaystirka Garoonka oo gacan ay ka gaysan doonaan dhismaha iyo hawlaha lagu hormarinayo garoonka.

 

Wasiirka baadroolka DFS oo booqday Xarumaha Shirkadaha Shidaalka Dalka Suudaan.

0

Wasiirka Batroolka oo bryahaanba ku sugnaa Dalka Suudaan ayaa booqday shirkadaha iyo Xarumaha kala duwan ee ka shaqeeya shidaalka iyo Macdanta dalka Suudaan laga leeyahay, iyaoo booqashada ku wehliyay Safiirka JF Soomaaliya Maxamed Sheikh Isxaaq iyo madaxa Ganacsiga Safaarada Soomaaliya yusuf jeego.

Wasiirka ayaa Goobaha ku soo dhoweeyay Howl-wadeenada shirkadaha shidaalka, iyagoo Wasiirka ugu warbixinayey sida ay u shaqeeyaan iyo qalab-ka kala duwan ee ay isticmaalaan.

Wasiirka ayaa intuu booqashada ku jiray waxa uu warbixin ka siiyey shirkadaha uu booqanaayay sida Soomaaliya diyaar ugu tahay inay ka faaidaysato khayraadkeeda gaar ahaan dhanka baadroolka iyo Macdanta.

Wasiirku waxa uu sheegay inmaanta dalka Soomaaliya uu soo dhawaynayo cid kasta oo maalgashanaysa, isla markaana dowlada Soomaaliya iyo Shacabkeeduba ay diyaar u yihiin in ka faaidaystaan khayraadkooda, isagoo xusay in dalka Soomaaliya yahay mid leh Khayraad aad u fara-badan,  ayna ka go’antahay in la helo Soomaliya isku fillan gaar-ahaan dhaqaaleheeda, iyadoo laga duulayo in laga faaidaysto nimcooyinka iyo Khayraadka ku duugan oo alle ku manaystay dalka Soomaaliya.

Wasiirka baadroolka-Dowlada fedraalka Soomaaliya Abdirishiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in Hataaan la joogo xiligii Suudaan iyo Soomaaliya ay iska kaashan lahaayen wax-soosarka khyraadka dabiiciga ah, isla markaana loo abuuri lahaa jawi wada shaqayneed oo labada dal wadayeeshaan gaar ahaan wax soo-sarka shidaalka iyo Macdanta.

Dhawaan ayay ahayd markii Madaxweyne farmaajo uu meel mariyey sharciga badroolka, waxana haatan dowladu dadaal ugu jirtaa sidii suuq caalami ah loogu heli lahaa shidaalka Soomaaliya, si dalkeenu uga baxo baahida dhaqaale xumo iyo ku tiirsanaanta gacmaha Caalamka.

Xiisad Ka tagneed deegaano hoosyimaado Degmada Matabaan oo la xaliyey”Sawiro”.

0

Saraakiisha ciidamada dowlada iyo kuwa poliska ee Hirshabelle aya ku guulaystay in ay xaliyaan colaad in mudo ah ka taagnayd deegaano hoos yimaado degmada Matabaan iyo dilal dhacay in xal laga gaaro.

Saraakiishaan oo ka kala tirsan qeybaha 21 aad iyo iyo 27 aad iyo guutooyin kooda ka howlgala galmudug iyo hirshabelle ayaa ku sugnaa goobta.

Genaraal mascuud maxamed warsame taliyaha guutada 15 aad ee Galmudug ka howlgasha oo shirka furay ayaa waxaa uu sheegay in labada dhinac looga baahan yahay in ay iska ilaaliyaan hadalada xanafta leh ee dadka sii kala fogaynaya.

Iyadoo labada dhinaca odoyaasha iyo wax garadka dood dheer kadib laysku fahmay in wax walba sharciga lagu dhameeyo hada kadibna lays kaashado sidii ciidmada dowlada lagu garab siin lahaa in aysoo qabtaan cid walba oo dil ka gaysta labada dhinac.

Tartanka qaadista Miisaanka culus oo Muqdisho lagu qabtay.

0

-Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo gebagebeeyey tartanka qaadista miisaanka culus oo muddooyinkii dambe ka socday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, ayna ka qayb galeen dhallinyaro.

Dhallinyarada jirkooda dhisa ee caasimadda Muqdisho ayaa si weyn tartanka uga qeyb galay, waxayna tilmaameen inay ku faraxsan yihiin inay helaan tartan noocan oo kale.

Tartankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey oo nuuciisa ah ee loo qabto dhallinyada ku dhaqan gudaha Magaalada Muqdisho.

Shirka 33-aad ee Madaxda Dowladaha Midowga Afrika oo Adis Ababa ka furmaya.

0

Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya , Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa in  uu si rasmi ah uga furmo Shirka 33-aad ee Madaxda Dowladaha iyo dalalka ku mideysan Midowga Afrika.

Shirkan oo socon doona inta u dhexeeysa 9-10-k a  bishan  Febaraayo ayaa waxaa lagaga arrinsanaya dib-u-habeynta hay’adaha Midowga Afrika, hirgelinta aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda, xoojinta arrimaha nabadda iyo amniga ee dalalka Midowga iyo doorashada Madaxweynaha cusub ee Midowga Afrika sannadka 2020-ka.

Shirkaan ayaa waxaa Dowladda Soomaaliya uga qeyb galaya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo, iyagoona gelinkii dambe ee shalay gaaray Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulan  la yeelan doona Madaxda heer qaaradeed, masuuliyiinta sarsare, hoggaanka Hay’adaha iyo ururrada Caalamiga ah ee ka soo qeyb galaya Meertada 33-aad ee Midowga Afrika.

 

Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM oo duqeymo la beegsaday dhismo ay ku sugnaayeen Kooxda Al-Shabaab.

0

Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in ay duqeyn la beegsadeen dhismo ay argagixisadu ku leeyihiin meel ku dhow degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe, iyagoo xusay iney ku dhaawaceen laba ka mid ah horjoogayaasha kooxda.

Jeneraal. Bradford Gering, oo ah ku xigeenka Agaasimaha Howlgallada ee Taliksa Milatariga Mareykanka ee Africa ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Duqeymaha noocan ah, waa kuwo aan gacan uga geysanno ka hor tagista in Al-Shabaab ay sameystaan meelo gabbaad u ah oo ay ka soo abaabulaan weeraro dhimasho dhaliya oo ka dhan ah Mareykanka iyo saaxibadiisa Bariga Africa”.

Ciidamada XDS oo gacan ka helaya kuwa Mareykanka ayaa howlgallo ka dhan ah argagixisada ka geysta deegaannada ay haraadiga ku tahay kooxda, kuwaasoo lagu qaarijiyay horjoogayaal ku caanbaxay dhibaateynta dadka Soomaaliyeed ee abriyada ah.

Wasiirka Wasaaradda Waxbashada Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlay Arinka Dugsiyadda Sare Ee Puntland.

0

Wasiirka Wasaaradda Waxbashada xukuumadda Soomaaliya, Mudane C/laahi Goodax Barre ayaa markale ka hadlay xiisada wasaaraddiisa kala dhexeysa dowlad goboleedka Puntland.

Goodax Barre oo ka jawaabayay hadalkii ka soo yeeray ardayda dhigata iskuulada ku yaalla deegaannada Puntland kuwaasoo dhowaan dalbaday in aan la siyaasadeyn waxbarashadooda.

Wasiirka oo u jawaabayey ardaydaas oo muuqaalladooda lagu baahiye Internet-ka ayaa sheegay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay inay garab istaagto arday kasta oo Soomaaliyeed, si uu helo waxbarasho dhameystiran, islamarkaana ardayda wax ka barta deeganada Puntland ay la siman yihiin kuwa kale ee ku nool gobollada dalka.

“Ka wasaarad ahaan, waxaan diyaar u nahay inaan garab istaagno ardey kasto oo Soomaaliyeed, si uu u helo waxbarasho dhammeystiran, islamarkaana u qaato shahaado cadeyneysa waxa uu bartay, Ardeyda wax ka barata deegannada Puntland, waxay la siman yihiin kuwa kale ee ku nool gobollada dalka”. ayuu yiri wasiir Goodax Barre.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in wasaaraddiisu aysan dan gaar ah ka laheyn Puntland, balse ay muhiim tahay in ay galaan imtixaanaadka Qaranka ee dowladda.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Dowlada Federaalka Soomaaliya Oo Gaaray Dalka Suudaan.

0

Waxaa soo gaaray caasimada dalka Suudaan ee khartuum Wasiirka wasaarada Batroolka iyo Macdanta Dowlada Federaalka Soomaaliya Injineer C/rashiid Axmed Maxamed iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo wasiirka.

Soo dhaweynta wasiirka oo ka dhacday garoonka diyaaradaha ee magaalada Khartuum, ayaa waxaa hormuud ka ahaa Caadil Cali Ibraahim oo ah wasiirka Batroolka ee Suudaan iyo Safiirka safaaradda Soomaaliya ee Suudaan Mudane Maxamed Sheekh. 

Soo dhoweynta Wafdiga Wasiirka Batroolka Soomaaliya oo ahayd mid diiran ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb qaatay saraakiil kale oo ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Khartuum, waxaana ka mid ahaa u qeybsanaha Ganacsiga ee Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan, Yuusuf Jeego.

Wasiirka ayaa booqasho rasmi ah ku joogi doona dalka Suudaan Mudo laba cisho ah isagoo kulamo la yeelan doona Madaxda dowlada Suudaan.

 

Askari ka mid ah Millatariga Thailand oo si saf mar ah u toogtay dad rayid ah.

Askari u dhashay dalka Thailand oo rasaas uu furay ku dilay 20 qof isla markaana dhaawacay ku dhawaad 30 kale, waxaa dhintay weerarakaasi 20 ruux oo rayid ah halka ay dhaawacmeen in ka bdan  30 qof oo kale kadib markii   askari ka tirsanaa ciidamada Thailand uu si saf mar ah rasaas ula dhacay dad  rayid ah oo ka dukaamaysanayay magaalada Korat oo 260-KM dhinaca waqooyi kaga beeggan caasimadda Thailand ee Bangkok.

Sarkaal u hadlay ciidamada millatariga  waddankaasi  ayaa warbaahinta u sheegay in askarigan oo magaciisa la yiraahdo Jacravanth Thoma,  uu markii hore uu weeraray saldhig ciidan isagoo xeradaasi kasoo qaatay qeyb ka mid ah hubkii yaallay kadibna uu usoo tallaabay dhismo uu ku yaallay suuq ganacsi oo aan wax badan ka fogeyn saldhiggaasi.